
Ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday Nigeria
Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka fulisay waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria, halkaas oo ay ku beegsatay dagaalyahanno ka tirsan Daacish.
Madaxweyne Donald Trump iyo milatariga Mareykanka ayaa Khamiistii xaqiijiyay in weerarkan uu yimid codsi ka yimid dowladda Nigeria, iyagoo ku sababeeyay in kooxdaasi ay si gaar ah u beegsanayso dadka Kirishtaanka ah ee gobolkaas.
"Caawa, anigoo bixinaya amarka Taliyaha Guud, Mareykanka wuxuu qaaday weerar xooggan oo dhimasho badan dhaliyay, kaas oo lagu beegsaday argagixisada Daacish ee waqooyiga-galbeed Nigeria. Kooxdan waxay si arxan darro ah u laynayaan, gaar ahaan dadka Kirishtaanka ah ee aan waxba galabsan, heer aan la arag muddo sanado ah,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa barta X ku sheegay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo Daacish ah, ayna ku timid codsi rasmi ah oo ka yimid mas’uuliyiinta Nigeria.
Weerarkan ayaa imanaya kaddib markii Trump uu tan iyo dhammaadkii bishii Oktoobar ka digayay in Kirishtaanka Nigeria ay wajahayaan "halis jiritaan,” isagoo ku hanjabay inuu faragelin milatari sameyn doono haddii dowladda Nigeria ay wax ka qaban weydo rabshadaha ka dhanka ah bulshooyinka Kirishtaanka ah.
Wakaaladda Reuters ayaa Isniintii werisay in diyaaradaha sirdoonka Mareykanka ay duulimaadyo ku sameynayeen hawada Nigeria tan iyo dhammaadkii bishii Nofembar si ay xog u ururiyaan.
Dowladda Nigeria ayaa iyadu ku doodaysa in kooxaha hubeysan ay si isku mid ah u beegsadaan Muslimiinta iyo Kirishtaanka, iyagoo sheegay in eedeynta Mareykanka aysan ka tarjumaynin xaqiiqada dhabta ah ee amni darrada dalkaasi. Hase yeeshee, waxay oggolaadeen inay Mareykanka kala shaqeeyaan xoojinta ciidamadooda si loola dagaallamo kooxaha xagjirka ah.
Madaxweyne Trump ayaa warkan soo saaray Maalinta Kirismaska isagoo ku sugan hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, halkaas oo uu fasaxa ku qaadanayo.


0 




Ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday Nigeria
.