Daawo: Xasan Sheekh oo shir jaraa'id oo degdeg ah qabtay ka hor doorashada berri

0
Wednesday December 24, 2025 - 22:14:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh oo shir jaraa'id oo degdeg ah qabtay ka hor doorashada berri

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada berri ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo madaxweynaha uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, ayaa waxaa la filayaa in lagu soo doorto golaha deegaanka gobolka Banaadir.

"Waxaan halkan usoo istaagay in aan idinkala hadlo riyo muddo dheer aan ku riyoonaynay oo rumoobi doonta saacado kadib haddii Alle raali ka noqdo. Waa riyo aad u muhiim ah, taariikhi ah oo saameyna ku leh mustaqbalka dowladnimada iyo dimuqraadiyeynta xukunka ee dalkeenna” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.

"Waxaa lasoo gaaray waqtigii shacabka Muqdisho cabiri lahaayeen rabitaankooda. Waxaa lasoo gaaray xilligii ay dheefsan lahaayeen halgankii ay soo galeen iyo dhabar adeygii ay muujiyeen, ayna dareemi lahaayeen inay wax dooran karaan, waxna diidi karaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweynuhu in dowladdu ay dadaal iyo waqti badan ku bixisay hirgalinta doorashadan oo Soomaaliya ku soo celinaysa wadada dib u kabashada iyo dowlad wanaagga.

"Muwaadiniinta sharafta leh ee isdiiwaan-geliyay ee kaarka codeynta qaatay waxaa idinka codsanaya, idinkuna boorinayaa inaad si weyn oo kala har laheyn ugu soo baxdaan doorashada deegaanka ee gobolka Banaadir ee berri qorsheysan haddii Alle idmo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray: "Muwaadin ha ogolaanin in caqabado aan macno laheyn lagu dhigto saacadaha ugu dambeeya. Ha ogolaan in xamxamle fariimo cabsi-gelin ah kusoo diro, ha ogolaanin in xumo iyo lugooyo lagugu qaraabeysto. Doorashada waa xaq dastuuri ah, waana habdhaqan ilbaxnimo ah.”

Hoos ka daawo muuqaalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip