
Guddoomiye Muungaab iyo cod doorasho oo taariikhi ah + Sawirro
.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa codkiisa doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka dhiibtay degmada Kaaraan.
Guddoomiye Muungaab ayaa si dareen leh u xusay muhiimadda taariikheed ee doorashadani u leedahay shacabka iyo mustaqbalka dowladnimo ee dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in doorashadani tahay tallaabo shacabka loogu soo celinayo awooddii go’aan-gaaridda, isla markaana ay gogol-xaar u tahay doorashooyinka guud ee qaran ee ku dhisan nidaamka qof iyo cod, oo dalka aan ka dhicin muddo ka badan nus qarni.
"Maanta waa maalin taariikhi ah; shacabka Muqdisho dib ayaa loogu soo celiyey xuquuqdoodii dastuuriga ahayd. Codka muwaadinku dhiibanayo waa aasaaska dowladnimo adag, nabad waarta iyo horumar la taaban karo,” ayuu yiri Dr. Muungaab.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in horumarka amni iyo maamul ee caasimadda si muuqata u soo hagaagay saddexdii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku xidhay hoggaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Xukuumadda Danqaran.
Wuxuu intaas ku daray in shacabka safafka u galay codbixinta ay muujinayaan diidmo cad oo ku wajahan ku noqoshada doorasho dadban.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu ammaanay hay’adaha amniga iyo shacabka Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta inay sii xoojiyaan ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo mustaqbal ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar waara.









XIGASHO:CAASIMADDA,NET


0 



Guddoomiye Muungaab iyo cod doorasho oo taariikhi ah + Sawirro
.