Daawo: Xasan Sheekh oo jawaab kasoo saaray shirkii Kismaayo

0
Tuesday December 23, 2025 - 19:43:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh oo jawaab kasoo saaray shirkii Kismaayo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta ka qayb-galay olole weyn oo uu xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ku qabsaday Muqdisho ayaa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ee dhawaan shirka ku yeeshay magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdiisa ay qaadan doonto qodobada muhiimka u ah dalka ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin in xal siyaasadeed laga gaaro xiisadda taagan.

 

 

"Qoladii ku shirtay magaalada Kismaayo wixii ay kasoo saareen halkaas wixii wanaagsan ee ku jira waa la qaadaneynaa, waana la hadleynaa” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin wada-hadalka ay ku baaqeen raggii tegay Kismaayo, isaga oo carabka ku dhuftay in qoraal rasmi ah oo jawaab ah ay dowladdu kasoo saari doonto war-murtiyeedkii Kismaayo.

"Waxaa kamid ahayd hala wada-hadlo, gogosha wey furan tahay, welinaa waa fidsan tahay kuwii horay uga qayb-galay waa soo dhaweyneynaa, kuwa kaloo rabana inay kusoo biiraan waan soo dhaweyneynaa dowladduna baaqaas jawaab ayay kasoo saareysaa mardhow” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

 

 

Waxaa kale oo intaas kusii daray "Colaad ma qabno, ciil ma qabno cid aan diidanahay ma jirto hala heshiiyo ma diidanin horay haloo socdana ma diidanin”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa.

Waxaa kale oo ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.



 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip