Maareeyaha dekeda Muqdisho oo hambalyo u diray shacabkii ka qayb qaatay codaynta doorashada

0
Friday December 26, 2025 - 12:44:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha dekeda Muqdisho oo hambalyo u diray shacabkii ka qayb qaatay codaynta doorashada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Maamulka Gobolka Banaadir, Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo guud ahaan shacabka Gobolka Banaadir, kuwaas oo maanta si nabad ah u gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, una dareeray doorashada Golaha Deegaanka degmooyinka Muqdisho.

Maareeyaha ayaa tilmaamay in ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka iyo sida ay doorashadu ugu qabsoontay jawi deggen ay muujinayso biseylka siyaasadeed iyo doorka muhiimka ah ee ay muwaadiniintu ku leeyihiin dhismaha dowladnimo dimuqraadi ah.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u bogaadiyey hay’adaha amniga qaranka, isagoo xusay in ay laf-dhabar u ahaayeen sugidda amniga iyo xaqiijinta in doorashooyinku ku qabsoomaan jawi nabad iyo xasillooni leh, taas oo horseeday guusha hanaanka doorashooyinka.



XIGASHO:-SONNA.SO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip