Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka...

0
Friday December 26, 2025 - 12:33:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka...

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

–Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cabdullaahi Yuusuf International Airport.

 

Saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor.

 

 

Heshiiskan ayaa isugu jira dhismaha, ballaarinta iyo casriyeynta qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyada oo ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo Shirkadda Kooxda Horumarinta Gaalkacyo (GDG), oo ah shirkad maxalli ah.

Waxaa si isku-tashi bulsho ah uga qayb qaadan doona mashruucan bulshada gobolka Mudug, iyada oo garoonka loo diyaarinayo qaab casri ah si uu ula jaanqaado hannaanka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay mudnaanta iyo muhiimadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isaga oo ku dheeraaday sida ay maamulka Puntland iyo dadkeedu, oo isku tashanaya, uga go’an tahay dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta isu-socodka dal iyo dibed ee dadweynaha Puntland.

 

 

Mashruuca dhismaha garoonka Gaalkacyo, oo la sheegay in lagu maalgelin doono lacag dhan 17 milyan oo doolar, ayaa ka koobnaan doona dhismaha dhabaha diyaaradaha oo dhererkiisu yahay 3.5 km, hoolka rakaabka, goobta kala wareegga diyaaradaha, qaybta lagu dhigto diyaaradaha, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiiskan si hufan, daah-furan oo waxtar leh.



 

 

 

 

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip