Madaxa Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho

0
Friday December 26, 2025 - 08:09:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

-Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa soo dhaweeyay qabashada doorashooyinka tooska ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay ee nooceeda ah tan iyo sanadkii 1969-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dhanka horumarinta geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowliga ah, xoojinta dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dadweynaha.

Al-Yamaaxi wuxuu xusay in doorashooyinkani ay yeelan doonaan saameyn togan oo gudaha ah, gaar ahaan dhinaca taageeridda dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan xoogagga siyaasadeed ay midoobaan, mudnaanta siiyaan danaha qaranka ee ugu sarreeya, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo is-afgarad.

Ugu dambeyn, Al-Yamaaxi wuxuu xaqiijiyay taageerada buuxda ee Baarlamaanka Carabta ee dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, lana hirgeliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumar iyo barwaaqo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip