Howl-galka Midowga Afrika oo war kasoo saaray doorashada ka dhacday Muqdisho

0
Friday December 26, 2025 - 08:54:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howl-galka Midowga Afrika oo war kasoo saaray doorashada ka dhacday Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay gobolka Banaadir.

 

AUSSOM ayaa bogaadisay hab-dhaqanjii nabadeed ee doorashada uga dhacday Muqdisho. "Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaa sida guusha leh ee nabadda ah ee ay Muqdisho uga qabsoomeen doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.”

 

 

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mudane El Hadji Ibrahima Diene ayaa doorashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo si weyn u bogaadiyay hanaanka nabdoon ee ku qabsoomtay.

"Markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, muwaadiniinta Muqdisho waxay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda maxalliga ah cod-bixin guud,” ayuu yiri El Hadji Ibrahima.

Waxa uu intaas kusii daray: "Hab-dhaqanka nabadeed, masuuliyadda muwaadinnimo iyo ka-qaybgalka ballaaran ee la muujiyay, waxay ka tarjumayaan adkaysiga sii kordhaya, geesinimada iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed.”

 

 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Hawl’galka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay sida guusha leh ee nabadda ah ee ay maanta Muqdisho uga qabsoomeen doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyada oo ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah safarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, kala-guurka amniga iyo geeddi-socodka dhismaha dowladnimo.

"Markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah, muwaadiniinta Muqdisho waxay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda maxalliga ah cod-bixin guud.

 

 

Hab-dhaqanka nabadeed, masuuliyadda muwaadinnimo iyo ka-qaybgalka ballaaran ee la muujiyay, waxay ka tarjumayaan adkaysiga sii kordhaya, geesinimada iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wakiilka Gaarka ah ayaa sidoo kale xusay in doorashooyinka loo qabtay si guud ahaan ah oo nabad iyo nidaam leh, taas oo muujinaysa horumarka laga gaaray xoojinta amniga iyo kalsoonida dadweynaha ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed (SSF).

Danjire Diene ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga xirfadnimada iyo isku-duwidda ay muujiyeen, taas oo sahashay jawi deggan oo ammaan ah inta uu socday geeddi-socodka doorashada.

 

 

AUSSOM waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida ay hoggaaminayaan Soomaalidu, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa beesha caalamka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip