Toban kun oo askari oo sugaya amniga doorashada Muqdisho

0
Thursday December 25, 2025 - 06:22:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban kun oo askari oo sugaya amniga doorashada Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidamada amniga ayaa saqdii dhexe ee xalay bilaabay inay hakad geliyaan isu socodkii gaadiidka ee Magaalada Muqdisho, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Laamaha amniga ayaan ogolaan doonin inay maanta waddooyinka magaalada adeegsadaan gaadiid aan ahayn midka Guddiga Doorashooyinka iyo kuwa ay ciidamadu leeyihiin, inkastoo ciidamadu aysan xanibeynin gaadiidka ay la socdaan Wariyeyaasha, gaar ahaan kuwooda uu Guddiga Doorashooyinka siiyay aqoonsi gaar ah ay maalintan doorashada ku shaqayn karaan.

Illaa toban kun oo askari ayaa ka qayb qaadanaya sugidda amniga ee magaalada, waana ciidamo si gaar ah loogu soo xulay inay gacan ka gaystaan in si nabad ah ay doorashadan uga qabsoomto Muqdisho, sida uu sheegay Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu arkayaa goobaha codbixinta, waddooyinka magaalada iyo kontoroolada laga soo galo caasimadda oo wax dhaqdhaqaaq ah aanu saaka ka jirin.

Dowladda Federaalka ayaa xitaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde u xirtay doorashada awgeed.

Tallaabooyinka loo qaaday dhinaca amniga ayaa lagu xaqiijinaya badbaadada guud iyo habsami u socodka howlaha doorashada taariikhiga ah ee Khamiistan ka socoto Muqdisho.

Doorashada ayaa la qorsheeyay in ay hal maalin ku qabsoomto, iyadoona Guddiga Doorashooyinka uu 24 saac ka dib ku dhawaaqi doono natiijada horudhaca ah ee doorashada.

Dadka reer Muqdisho ayaa codkooda wax ku dooranaya 57 sano ka dib, inkastoo doorashadan uu buuq xoog lihi hareeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip