SAWIRRO:-R/wasaare Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta.

0
Thursday December 25, 2025 - 09:52:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO:-R/wasaare Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo saaka ay bulshada ku nool caasimaddu si weyn ugu dareereen xarumaha cod-bixinta.

Ra’iisul Wasaaraha, oo booqday goobo ku yaalla degmooyinka Shangaani, Boondheere iyo Xamar-Jajab, ayaa dul-istaagay habsami-u-socodka doorashada, amniga goobaha, iyo adeegyada loo fidinayo muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay in ilaalinta nabadda, daahfurnaanta hanaanka doorashada, iyo tixgalinta rabitaanka muwaadiniintu ay yihiin tiirarka lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah, isla markaana ay masuuliyad wadareed ka saaran tahay dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo bulshada inteeda kale.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in maanta ay hirgashay rejo ay in badan doonayeen shacabku, taas oo noqon doonta taariikh cusub oo la xaqiijiyey loona qaaday dhanka dowlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda laga gaaray doorashooyinka tooska ah ee shacabka Soomaaliyaad loogu celinayo xuquuqdooda.

00

XIASHO:RADIORISAALA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip