
Turkiga oo qaatay go'aan adag oo la xiriira S-400 kadib markii Mareykanka uu ku…
Turkish President Tayyip Erdogan addresses his supporters during a meeting in Istanbul, Turkey, September 13, 2025. REUTERS/Umit Bektas
Ankara (Caasimada Online)— Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah uga codsatay xukuumadda Moscow inay dib u ceshato gantaallada difaaca hawada ee S-400, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaalka ay Ankara ugu jirto inay mar kale gacanta ku dhigto diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Mareykanka (F-35).
Codsigan, oo uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u gudbiyay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa la sheegay inuu dhacay intii uu socday kulan ay labada hoggaamiye ku yeesheen dalka Turkmenistan toddobaadkii hore, sida ay werisay warbaahintaBloomberg. Wadahadalladan heerka sare ah ayaa yimid kaddib shirar horudhac ah oo u dhexeeyay saraakiisha labada dal.
Warbixintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack, uu shaaca ka qaaday in Ankara iyo Washington ay wada-hadallo uga socdaan sidii Turkigu dib ugu biiri lahaa barnaamijka wada-jirka ah ee soo-saarista diyaaradahaas.
"Mareykanku wuxuu wada-hadallo joogto ah kula jiraa Turkiga oo ku aaddan rabitaankooda ah inay dib ugu soo laabtaan barnaamijka F-35 iyo arrinta ku saabsan haysashadooda nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee Ruushku sameeyay,” ayuu Barrack ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.
Inkastoo Turkigu uusan weli si rasmi ah u hawlgelin diyaaradaha F-35, haddana waxaa laga saaray barnaamijka wax-soo-saarka sannadkii 2019-kii, kaddib markii uu go’aansaday inuu Ruushka ka iibsado gantaallada S-400.
Congress-ka Mareykanka, oo markii horeba ka caraysnaa faragelinta Turkiga ee Suuriya iyo xad-gudubyada hawada Giriigga, ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Ankara sababo la xiriira iibsashada hubkaas.
Sannadkii 2020, sharci difaaca oo la ansixiyay ayaa dhigayay shuruud adag oo ah in Turkiga laga mamnuuco helitaanka F-35 illaa madaxweynaha Mareykanku uu caddeeyo in Ankara aysan haysan S-400. Intaas waxaa dheer, cunaqabateyntu waxay curyaamisay iskaashigii difaaca ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Hay’adda Qalabeynta Ciidamada Turkiga.
Codsiga Erdogan ee ah in Ruushku dib u ceshado S-400 ayaa loo arkaa tanaasul weyn iyo ka-noqosho mowqifkii hore ee Turkiga, kaas oo ahaa inuu haysto gantaallada—xitaa haddii la keydiyo—isagoo isla markaasna doonayay inuu helo diyaaradaha F-35.
Falanqeeyayaasha ayaa horey u hadal-hayay xal dhexdhexaad ah oo ah in Turkigu uu S-400 ku hayo bakhaarrada isagoon kicinayn, balse uu oggolaado in kormeerayaasha NATO ay si joogto ah u xaqiijiyaan arrintaas. Turkiga ayaa horey u diiday inuu hubkan u diro dal saddexaad.
Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa soo hagaagayay tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Trump, kaas oo ku tiirsanaa saameynta Turkiga ee Suuriya, isla markaana Ankara u adeegsaday inay ku qanciso Xamaas xabbad-joojinta Gaza.
Aaron Stein, oo ah madaxa Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Arrimaha Dibadda, ayaaMiddle East Eyeu sheegay in Trump uu aad u daneynayo inuu heshiis la galo Turkiga.
"Macaamiisha ugu waaweyn ee F-35 waa Turkiga, Imaaraadka iyo Sucuudiga,” ayuu yiri. "Trump wax uu ka jecel yahay ma jiraan inuu Turkiga ka iibiyo F-35. Waxaan filayaa inuu ka horyimaado rabitaanka Israa’iil. Afartan diyaaradood waa dalab weyn,” ayuu raaciyay, isagoo tixraacaya tirada diyaaradaha ay Ankara doone



0 



Turkiga oo qaatay go'aan adag oo la xiriira S-400 kadib markii Mareykanka uu ku…
.