
Mareykanka oo war quus ah ka shaaciyey Soomaaliya
Jeff Bartos speaks during a forum for Republican Pennsylvania U.S. Senate candidates, Monday, Feb. 21, 2022, in Villanova, Pa. (AP Photo/Matt Rourke)
New York (Caasimada Online)— Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday in dadaallada lagu doonayo in mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Soomaaliya ay weli yihiin kuwo "la soo qaban la’yahay,” inkastoo taageero caalami ah la bixinayay sanado badan.
Washington waxay si adag ugu baaqday mas’uuliyiinta federaalka, dowlad-goboleedyada iyo beelaha inay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha joogtada ah ee haysta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Maamulka iyo Dib-u-habeynta QM, Danjire Jeffrey Bartos, ayaa sheegay in taageerada muddada dheer ee Washington iyo saaxiibadeeda aysan weli horseedin guulo waara oo laga gaaro kooxaha argagixisada, ama in si cad loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliya hawlaha muhiimka ah ee amniga.
"Inkastoo ay jirto naf-huridda ciidamada iyo booliska, iyo taageerada muddada dheer ee Mareykanka iyo xulafadiisa, haddana horumar waara oo laga gaaro la-dagaallanka argagixisada gobolka iyo wareejinta muhiimka ah ee hawlaha amniga, waa mid weli la qaban la’yahay,” ayuu yiri Bartos.
Wuxuu ku adkeystay in mas’uuliyadda la-dagaallanka Al-Shabaab, Daacish iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ay tahay in ay si isa soo taraysa u qaadaan "kuwa ay dhibaatadu ugu badan tahay ama ay tooska u khuseyso,” isagoo bixinaya calaamad muujineysa in Washington ay riixayso in Soomaalidu ay si buuxda u yeelato lahaanshaha amniga qaranka.
Bartos ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaanka siyaasadda Soomaaliya inay soo afjaraan khilaafaadka gudaha, isagoo ka dalbaday dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo beelaha inay iska kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka xididdada adag leh ee haysta amniga iyo dowladnimada.
"Waa muhiim in Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan dowlad-goboleedyada, iyo beelaha ay meel uga soo wada jeestaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha amniga iyo dowladnimada dalka,” ayuu yiri danjirah.
Hadalladan ayaa ka tarjumaya dulqaadkii beesha caalamka oo sii yaraanaya oo ku aaddan gaabiska ku jira kala-guurka amniga Soomaaliya kaddib sanado badan oo taageero milatari, dhaqaale iyo mid bani’aadannimo ah, iyo weliba walaaca laga qabo in kala-qeybsanaanta siyaasadeed ay wiiqeyso dadaallada lagu xasillinayo dalka.
Washington ayaa sheegtay inay filayso in qiimeynta soo socota ay soo bandhigto tallaabooyin macquul ah oo Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amnigeeda, iyadoo horumarka mustaqbalka ku xirtay midnimada hoggaanka siyaasadda iyo natiijooyin cad oo dhulka laga muujiyo.



0 



Mareykanka oo war quus ah ka shaaciyey Soomaaliya
.