
Laba maamul goboleed oo war kasoo saaray doorashada Muqdisho
Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Waqooyi Bari ayaa noqday labadii maamul-goboleed ee u horreeyay ee hambalyeeyay shacabka Muqdisho oo maanta u dareeray doorasho qof iyo cod ah.
Dadweynaha Muqdisho ayaa saaka xilli hore galay safaf dhaadheer, si ay u dhiibtaan codadkooda, una soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmadooda, waxaana tartamaya ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka.
Doorashada ayaa si gaar ah uga socota 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhinacooda ka galay safafka, si ay codadkooda uu dhiibtaan.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Caasimadda Muqdisho ee maanta sida nabad-galyada, xasilloonida, xaddaaradda iyo horumarka leh ugu dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Benaadir.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay guddiga doorashooyinka qaranka iyo hay’adaha ammaanka dalka oo sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana xaqiijiyay in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah.
"Tallaabadani waa mid guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor.
Qoor-Qoor ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh, go’aanka taariikhiga iyo dadaalka joogta ah ee uu galiyay in 60 sano kaddib, shacabka Caasimaddu codkooda ku doortaan Matalayaashooda Golaha Deegaanka, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan in ay codkooda kusoo doortaan Madaxdooda.
Sidoo kale, hoggaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa isna si buuxda u soo dhaweeyay hirgelinta doorashooyinka dawladaha hoose ee fobolka Banaadir, kuwaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, dawlad-wanaagga iyo ka-qaybgalka shacabka ee hoggaaminta dalka.
"Dawladda Waqooyi Bari waxay ku bogaadinaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso dadaallada lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorashooyin xor ah, hufan, isla markaan ku dhisan rabitaanka shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari.
Sidoo kale, maamulka Waqooyi Bari ayaa caddeeyay diyaar-garowgeeda buuxa ee ka-qaybgalka hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo ah tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo dawladnimada casriga ah, isla-xisaabtanka iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.
"Dawladda Waqooyi Bari waxay ku boorrinaysaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan geeddi-socodka doorashooyinka, horteebinna siiyaan nabadda, sarraynta sharciga iyo ilaalinta midnimada qaranka.”
Ugu dambayntiina, maamulka wuxuu mar kale adkeeyay go’aankiisa ku aaddan taageeridda dhammaan dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, nabadda, iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



0 



Laba maamul goboleed oo war kasoo saaray doorashada Muqdisho
.