
Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo la xirayo
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la joojiyo xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) sanadka soo socda, kaddib codsi ka yimid Dowladda Federaalka.
Go’aankan ayaa qeyb ka ahaa qaraarka tirsigiisu yahay 2809 (2025), kaas oo sidoo kale lagu kordhiyay muddada oggolaanshaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ilaa 31-ka December 2026.
Golaha Ammaanka wuxuu u oggolaaday waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan dirista ciidamo dhan 11,826, oo ay ku jiraan 680 askari oo booliis ah, si ay uga hawlgalaan AUSSOM ilaa dhammaadka 2026.
Kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) la joojiyo dhammaan hawlihiisa marka la gaaro 31-ka Oktoobar 2026.
Joojinta ayaa dhici doonta kaddib marka la dhammeeyo wejiga labaad ee kala-guurka. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ansixiyay hirgelinta khariidadda-jidka uu soo jeediyay Xoghayaha Guud, sida ku cad warbixintiisii 30-ka Sebtembar.
Maxay yihiin howlaha xafiiska?
Golaha Ammaanka ayaa sannadkii 2013 si buuxda isugu raacay qaraar tirsigiisu yahay 2102, kaas oo lagu asaasay xafiis cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Sannadkii 2024 ayaa mar kale magaca xafiiska la beddelay, waxaana loo bixiyay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS).
Howlaha uu qabanayo UNTMIS waxaa ka mid ah taageeridda mudnaanta kala-guurka iyo dhismaha dowladnimada, oo ay ku jiraan habraaca dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada lagu qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Waxaa kale oo ka mid ah horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, xukunka sharciga, caddaaladda, nidaamka xabsiyada, iyo taageerada waaxda amniga.
Sida ku cad howlaha loo igmaday, xafiisku wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa isku-duwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, isagoo la shaqeynaya la-hawlgalayaal laba-geesood ah, isla markaana isku-duweya dadaallada Qaramada Midoobay ee ka socda gudaha Soomaaliya.
Waxaa kale oo loo igmaday xoojinta hay’adaha dowladda, sare u qaadista xuquuqda aadanaha, iyo awood-siinta dumarka iyo carruurta.
Hase yeeshee, sida ku cad bogga rasmiga ah ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaa la tilmaamaa in Soomaaliya ay ka soo baxdo howlaha ay tahay in beesha caalamka ay ka taageerto.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa saddexdii biloodba mar si joogto ah ugu wargeliya Golaha Ammaanka hirgelinta howlaha loo igmaday hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya
Xilli Qaramada Midoobay sheegtay in la joojinayo howlaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS), waxaa jiray shaqooyin badan oo xafiisku qaban jiray.
Qaar ka mid ah khubarada ayaa ka digaya in weli aan laga maarmin doorka xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada amniga.
Maxamed Mukhtaar, oo horey u soo noqday Wasiirka Batroolka Soomaaliya, haatanna falanqeeya arrimaha siyaasadda, ayaa u arka in go’aankani yahay mid muhiim ah, balse u baahan in si qoto dheer loo eego waxa ka dhalan kara.
Mukhtaar wuxuu farta ku fiiqay in weli dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay taageerada Qaramada Midoobay.
"Go’aankani waa go’aan muhiim ah, balse weli wuxuu muujinayaa in Soomaaliya u baahan tahay taageero amni, marka la rabo in si tartiib-tartiib ah Soomaaliya loogu wareejiyo mas’uuliyaddaas,” ayuu yiri Mukhtaar.
Wuxuu sidoo kale xusay in baahidaasi ay salka ku hayso khatarta weli ka imaanaysa Al-Shabaab, isla markaana dowladda Soomaaliya u baahan tahay garab iyo taageero arrintaas la xiriirta.
"Salka waxay arrintaasi ku haysaa baahida UNTMIS loo qabo, oo ah inuu weli sii joogo, sababtoo ah waddanka weli waxaa ka jirta khatar Al-Shabaab ah. Sidoo kale, ciidamada Soomaaliya kuma filna amniga guud ee dalka inay iyaga kaligood maareeyaan,” ayuu yiri Mukhtaar.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u codsatay in la soo gabagabeeyo howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.



0 


Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo la xirayo
.