
XASAN oo codkiisa dhiibtay, farriina u diray mucaaradka + Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay doorashada tooska ah ee ka bilaabatay magaalada Muqdisho, isaga oo ka codeeyay degmadii uu iska diiwaangeliyay ee Warta Nabadda, wuxuuna tegay xarunta Tiyaatarka oo sanduuq la dhigay.
Xasan Sheekh ayaa si nabdoon goobta uga codeeyay isaga, mas’uuliyiin kale iyo boqolaal shacab ah oo horay u qaatay kaararka cod-bixinta.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay doorashadan, isaga oo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo baal cusub u fureysa Soomaaliya oo nabad ah.
Waxaa kale oo uu bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha.
"Hal bog oo taariikhda kamid ah ayaan rognay bog cusub ayaan soo bixinay saaka wixii ka dambeeya boggaas cusub ee Soomaaliyada nabadda ah ee dimuquraadiga ah ee dooratay hoggaankeeda waddadaas ayaan maanta lugta saarnay Ilaahey idimkiis meel fiican ayay nagu dhameyneysaa” ayuu yiri Xasan.
Waxaa kale oo uu toos ula hadlay mucaaradka, isaga oo ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan horumarka dalka iyo doorashooyinka tooska ah.
"Dhammaan dadka Soomaaliyeed mid mucaarad ah iyo mid muxaafad ah tani waa mustaqbalkii Soomaliya oo maanta waddo cusub qaaday, waxaana leeyahay iyaga kusoo dhawaada” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.
Markii ugu horreysay 57 sano kadib dadweynaha Soomaaliyeed ayaa saaka xilli hore safaf dhaadheer u galay doorasho qof yo cod ah, si ay u soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmadooda, waxaana tartamaya ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee Cadaaladda iyo Wadajirka.
Si kastaba, Doorashadan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa bannaanka ka jooga xubnaha mucaaradka oo shalay shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada, iyaga oo dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa.









0 



XASAN oo codkiisa dhiibtay, farriina u diray mucaaradka + Sawirro
.