Taliye ASAD oo u digay ciidanka xalay lagu soo daadiyay Xamar

0
Thursday December 25, 2025 - 08:17:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ASAD oo u digay ciidanka xalay lagu soo daadiyay Xamar

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Jeneral Asad Cismaan Cabdullahi (Diyaano) oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, isaga oo digniin u diray ciidamada amniga.

 

Asad Diyaano ayaa sheegay in ciidamada ay heegan ku jiraan, isla markaana doorashooyinka toos ah ay ku bilowdeen jawi nabdoon, isaga oo guul u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed.

 

 

"Si nabad ah oo farxad leh ayay doorashada ku socotaa dadku waa isku soo baxeen codkooda ayay la baxayaan way ku faraxsan yihiin in 50 dhowr sano kadib codkooda dhiibtaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya.

Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidamada inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ka qayb-galaya doorashada, wuxuuna faray inay u dhimriyaan, dulqaadna ay muujiyaan, si ay xasilooni ugu soo dhamaato doorashada.

"Ciidamada amniga waxaan fareynaa u sheegeynaa dadka in loo dhimriyo, loo naxariisto lasoo dhaweeyo dadka waayeelka ah, sidoo kale aan qofna la dhibaateynin” ayuu sii raaciyay.

 

 

Dowaldda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeysay amniga doorashada, waxaana xalay ciidamadii ugu badnaa la geeyay goobaha cod-bixinta iyo waddooyinka.

Dadweynaha ayaa saaka xilli hore galay safaf dhaadheer, si ay u dhiibtaan codadkooda, una soo doortaan goleyaasha deegaanka ee degmadooda, waxaana tartamaya ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha.

Doorashada oo si gaar ah uga socota 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhinacooda ka galay safafka, si ay codadkooda uu dhiibtaan.

 

 

Si kastaba, Doorashadan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa bannaanka ka jooga xubnaha mucaaradka oo shalay shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada, iyaga oo dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigiisa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip