
Falcelin xooggan oo ka dhalatay doorashada Muqdisho
Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si rasmi ah uga bilaabatay doorashada goleyaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee caasimada.
Shacab iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa codadkooda dhiibanaya, kuwaas oo soo dooranaya dadka ku metalaya goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Dadweynaha ayaa saaka xilli hore galay safaf dhaadheer, waxaana ay kala dooranayaan ilaa 20 urur oo uu ku jiro xisbiga Madaxweynaha ee JSP.
Doorashadan ayaa waxaa ka taagan dood culus, waxaana bannaanka ka jooga xubnaha mucaaradka, Jubaland iyo Puntland oo diiday qorshaha Villa Somalia.
Haddaba, sidee looga falceliyay doorashada qof iyo codka ah ee magaalada Muqdisho?
Cadow Cabdi: "Waa guul wayn oo shacabka Soomaaliyeed usoo hoyatey, waana bilowga doorasho toos ah”.
Xuseen Axmed: "Doorashadan ruwaayada ah ee halka dhinac ka raran jilaaga weyna ka tahay Madaxweyne intee ka soconee?”.
Yaxye Xasan: "Siyaasadda Madaxweynaha ma taageeri laakiin shukran ayaa leeyahey in qof iyo cod uu taabo galiyey”.
Nuur Xaaji Ibraahim: "Ififaalo nabadeed oo wayn iyo hormar ayaa muuqda”.
Xarbi Jaamac Maxamed: "Soomaali wanaag iyo guul ayaan urajeynayaa RABBI idinkiis”.
Cabdiqani Cali Xaashi: ” Wadadaan wadaa eheyn ninkii rabo yaan lala fadhiisan oo wada-hadal yaan loo furin. Doorasho qof iyo cod”.
Abuukar Camey: ” Hambalyo shacabka G banandir saaka waa guuleysateen cadawgooduna caro iya ciil ayuu dareemaa”.


0 




Falcelin xooggan oo ka dhalatay doorashada Muqdisho
.