Fiqi oo u jawaabay Xildhibaankii sheegay in qaraxyo ay ka dhacayaan Muqdisho

0
Thursday December 25, 2025 - 14:31:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiqi oo u jawaabay Xildhibaankii sheegay in qaraxyo ay ka dhacayaan Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo soo saaray digniin uu ku sheegay in qaraxyo ay ka dhici karaan caasimada.

Sanyare oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shacabka Muqdisho ee usoo banaan baxay doorashada qof iyo codka ah uga digay qaraxyo uu sheegay inay soo maleegi karaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

"Digniin! waxaa jirta khatar amni oo ay rabaan inay argagixisadu ku beegsadaan dadweynaha Soomaaliyeed oo 25 December isugu soo baxaya doorashada lagu murunsan yahay” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Waa in aad looga taxadaraa dhibka ay gaysan karaan argagixisada Al-Shabaab”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Xildhibaanka, wuxuuna sheegay in ujeed gaar ah uu ka lahaa hadalkaas.

Waxaa kale oo uu xusay in arrintan ay dhaawaceyso sumcaddiisa, maadaama uu yahay Xildhibaan Qaran oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

"Sanyare waa nin odey ah waa Xildhibaan Qaran runtii hadalkii uu xalay ku hadlay oo ahaa magaalada Muqdisho qaraxyaa ka dhacaayo iyo kuwa kale oo uu hadda soo qorayay oo aan arkayay intuba sumcaddiisa ayay hoos u dhigaayaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta magaalada Muqdisho ay si nabad ah uga bilaabatay doorashada tooska ah ee goleyaasha deegaanka, taas oo ay muddo dheer soo qorsheyneysay dowladda federaalka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip