halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 23-09-25

0
Tuesday September 23, 2025 - 09:07:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes daily newspaper 23-09-25

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Somaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Feda raalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxa -med Faarax Nuux, ayaa kulan la yee shay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Md. Lionel Lau ens,

Wasiirka iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta gaadiidka Dal ka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Marayka nka ayaa si diirran u soo dhaweysay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dha qanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya, Mudane Cabdi raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, iyo wa -fdi uu hoggaaminayay oo howlo sha -qo u jooga dalka Maraykanka.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa lagu muujiyay taageerada jaaliyadda ee ku aaddan dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, iyadoo sidoo kale lagu xusay guulaha ay Soomaali da ku nool Maraykanka ka gaareen dhinacyada waxbarashada, ganacsi ga iyo iskaashiga bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Mu dane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Ca daala, ayaa uga mahadceliyey jaaliya dda soo dhaweynta diirran, wuxuuna warbixin dhammaystiran ka siiyay xaaladda dalka, gaar ahaan horumar ka ay Dowladda Federaalka Soomaa liya ka sameysay dib-u-habeynta dha qaalaha, dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu ku dhiirrigeliyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan kaalintooda qaran-jacaylka iyo horumarinta dalka, isagoo xusay doorka muuqda ee qurbo-joogtu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo si yaasadda Soomaaliya.

Farsamayaqaankii ugu horreeyay Radio Muqdisho oo geeriyooday

Allah u naxariisto Maxamuud Cali Guuleed, oo ahaa farsamayaqaankii ugu horreeyay ee Radio Muqdisho tan iyo sanadkii 1949, ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumku wuxuu door weyn ka qaatay aasaaska iyo horumarinta ad eegga idaacadda Qaranka, isaga oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horr eeyay ee dhidibada u taagay lana xa suusan doono kaalintiisii taariikhiga ahayd.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamuud Cali Guuleed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxya ha iyo Hawlwadeennada Wasaarad da Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxii -ska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u di rayaan qoyskii iyo eheladii Allah ha u naxariisto Marxuum Maxamuud Cali Guuleed oo ka mid ahaa farsamayaq aanadii ugu horeeyey ee ka hawlgala Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya oo sha -lay ku geeriyooday magaalada Muq -disho.

Allaha u naxariistee Eng Maxamuud Cali Guuleed waxa uu Radio Muqdi -sho ku soo biiray 1950maadkii isaga oo dalka dibaddiisa ku soo qaatay ta babarro kala duwan sida Jarmalka iyo Talyaaniga. Waxaa uuna mar noq day madaxii farsamada ugu horee yey ee Radio Muqdisho , xilkaasi oo uu muddo dheer soo hayey.

Bur burkii kadib waxa uu sii joogay Radio Muqdisho isaga oo aan dalka meelna uga bixin. Markii dib loo hawl geliyey Raadiyaha October 2009kii, waxa uu ka mid ayaa odayaashii dhii gga cusub ku so dhoweeyay Raadiya -ha Qaranka.

Waxan uga tacsiyadeyneynaa qoys kiisa, carruurtiisa iyo guud ahaan bah da Warfaafinta, inaga oo Allah uga baryeyna in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

SoDMA oo daah-furtay mashruuc lagu caawinayo barakacayaasha Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa shalay daa -h-furaty mashruuc ballaaran oo lagu qeybinayo 700 tan oo timir ah, taas oo loogu talagalay dadka barakaca yaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Daah-furka mashruuca waxaa ka qeyb galay safiirka Boqortooyada Su cuudiga u fadhiya Soomaaliya Axm -ed Bin Maxamed Al-Mawluud, isagoo xusay in mashruucan uu ka jawaaba yo baahiyaha xagga cuntada ah ee ay wajahayaan dadka soo barakacay ee Muqdisho ku nool.

Madaxa mu’asaasasada Muxaasin oo mashruuca fulinaysa mudane Cab dullaahi Cabdiqadir Cabdi ayaa carra bka ku adkeeyay muhiimadda mash ruucan iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dadka danyarta ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muq -disho.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi ayaa shee gay in mashruucan ay ka faa’iide ysan doonaan in ka badan nus mil yan oo qof, taas oo muujinaysa baa xadda iyo saameynta weyn ee uu leeyahay.

Guddoomiye Muungaab oo qaabilay Feeryahanadda Ramla Cali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxa -med Xuseen (Muungaab) ayaa sha -lay qaabilay feeryahanadda Soomaa -liyeed ee haysata horyaalka caalami -ga ah Ramla Cali Axmed.

Guddoomiye Muungaab ayaa Ramla guddoonsiiyay Billad sharaf, si uu ugu muujiyo qadarin iyo bogaadin ay ku mutaysatay guulaha ay ka soo ho ysay ciyaaraha feerka caalamka.

Ramla Cali oo maalmahan ku sugna -yd magaalada Muqdisho ayaa dhaw aan ka heshay BiBilasharaf Madax weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay magaca Soomaaliyeed si weyn ugu meteshay fagaaraha caalamka, kuna soo ban dhigtay sumcadda iyo kartida gabdha ha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xusay in ay ka go’an tahay taag eerida iyo horumarinta ciyaaraha, ga rab istaagga ciyaartoyda Soomaali yeed iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dalka ee dhammaan heerarka Olom -bikada.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah.

Madaxweynaha Somaliland Cabdir -axmaan Maxamed Cabdilaahi (Cir -ro), ayaa shalay kulan muhiim ah oo istiraatiiji ah la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha uga mahadnaqay booqashadooda, isagoo kala hadlay xoojinta nabadgel yada Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta amniga ee u dhaxaysa Somaliland iyo Mareyk anka.

Madaxweyne Cirro ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland ay u leedahay gobolka, isagoo sheegay in Somaliland tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo muddo soddon sano ka badan ka shaqaynayay amniga, dimuqraadiyad da iyo horumarka bulshada.

Dhankooda, saraakiisha Mareykan ka ee Bariga Afrika ayaa Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadato sugidda amniga gobolka, iyagoo bal lan qaaday in la dardar gelin doono wada shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay dowladda Masar, kaas oo ay taagee ro ugu muujisay dadka Soomaali yeed, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasillinta dalka.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya bogaadi neyso islamarkaana abaal uga hayso dhiggeeda Masar taageerada joogta daah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Iyadoo xustay tani ka turjumeyso xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhe -xeeya labada dal.

Wasaaraddu waxay sheegtay in yab -ooha ka yimid masar uu ku soo bee gmay xilli xasaasi ah oo Soomaaaliya ku jirto dagaal dalka lagu xasilinayo, si loo soo celiyo amniga iyo kala dam beynta.

Ka sokow saanad militari iyo tababa rro ay u fidiso Ciidamada Qalabka Si da ee Soomaaliya, Masar ayaa lagu wadaa in ciidankeedu dhawaan ku soo biiraan Hawlgalka Midowga Afri ka ee Soomnaaliya, kaas oo ay cutub -yo ciidamo ah ugu deeqday.

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan.

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degma da Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali, oo ahaa darawal gaari nooca Leyla Calaawi ka shaqee -yo.

Gaariga uu marxuumku waday ayaa ka mid ahaa kuwa isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, sida uu Risaala u sheegay adeerka wiilka la dilay.

Dilka ayaa ka dhashay muran ku saa -bsan lacag uu askarigu ka qaadi rab -ay darawalka.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlg -al lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goob ta uu dilku ka dhacay.

Dadka isticmaala gawaarida isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada kale ayaa inta badan cabasho ka muujiya ciidamo ku labisan dareeska dowladda oo lacago sharci darro ah ka qaada, halka marar badan lagu ee deeyay inay dhibaatooyin u geystaan darawallada, oo ay ku jiraan dhacdoo -yin jirdil iyo xitaa toogasho.

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Lab -aad ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cab -di, ayaa shalay guddoomiyey kulan ka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarin ta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

•⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca

•⁠ ⁠Dhalinyarada & Ciyaaraha

•⁠ ⁠Waxbarashada Sare & Dhaqan -ka

•⁠ ⁠Warbaahinta

•⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha & Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yi hiin dadaallada Xukuumadda Dan -Qaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Amniga Guda ha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaa -s oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

Markab kasoo baxay Hindia oo bariis iyo Sonkor u waday Boosaaso oo gubtay

Markab xamuul oo ka ambabaxay magaalada Jamnagar ee gobolka Gu jarat ee dalka India, islamarkaas kusii jeeday magaalada Boosaaso ee xaru nta gobolka Bari, ayaa dab xooggan uu ku qabsaday xeebaha Gujarat.

Markabkan ayaa la sheegay inuu siday badeecado gaaraya 950 tan oo bariis ah iyo 100 tan oo sonkor ah oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo reer Puntand ah.

Maamulka markabka ayaa xaqiijiyay in Waaxda Dab-damiska ay goobta u dirtay saddex gaadiid dab-damis ah, halka ambalaasyo iyo ciidanka booliska deegaanka ay sidoo kale gaareen si ay gargaarka uga qayb qaataan.

Markabka waxaa maamuleysay shirkadda HRM oo fadhigeedu yahay Jamnagar. Ilaa hadda, sababta dabka ayaa weli lama oga.

Shilalka noocan oo kale ah oo ay la kulmaan doonyaha iyo maraakiibta shixnadaha ganacsiyada usoo rara magaalada Boosaaso ayaa marar badan soo laalaabta.

Sababta ugu weyn ayaa lagu tilmaamaa taxadar la’aanta xilliyada bad-xiranka ee bisha May ilaa September, xilligaas oo badda ay khatar badan leedahay.

Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka oo ka dhacay 20-kii bishaan deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugna deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.

"Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya waxaa ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

UK oo uga digtey Isra’il carqaladeynta qaranimada Falastiin

Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtey Isra’il in ay qaaddo wax tillaabo ah oo ay uga aargudaneyso Falastiin, ka dib aqoonsigii ay siisay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK Yvette Cooper ayaa sheegtay in ay Isra’il uga digtey goosashada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee Wabiga Urdan, si ay u jillaafeyso go’aanka lagu dhidbayo dowlanimada Falastiin.

Cooper ayaa hadalkan jeedisey ka hor inta aysan ka qaybgelin shir Isniinta ka furmaya magaalada New York, halkaas oo dalal ka tirsan Yurub oo Faransiisku hor boodayo lagu wado in ay ku aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Ra’isul Wasaaraha UK, Prime Minister Sir Keir Starmer ayaa Axaddii London uga ku dhawaaqay aqoonsiga Falastiin, tillaabadaas oo ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dowladda UK ee ku aadden xal u helidda colaadda daba-dheeraatay ee u dhexeysa Falastiin iyo Isra’il.

Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyey go’aanka dalalka reer Yurub ay ku aqoonsadeen Falastiin, taas oo uu ku tilmaamay "abaalmarin weyn oo la guddoonsiiyey argagixisada".

Netanyahu: Falastiiniyiintu weligood ma yeelan doonaan dowlad

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ee Falastiin u aqoonsaday inay ammaanayaan argagixisada.

Wuxuu sheegay in Falastiiniyiintu aysan waligood yeelan doonin dowlad, Israa'iilna ay ka jawaabi doonto ku dhawaaqista ay sameeyeen Britain, Canada, Australia iyo Portugal.

Waddamo kale oo uu Faransiisku ka mid yahay ayaa la filayaa in toddobaadkan ay ku daydaan shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in aqoonsiga Falastiin uu yahay tallaabo loo qaaday nabad waarta oo gobolka ah.

Mareykanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid soo jiidasho leh. 71 kale oo Falastiini ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Qasa Axaddii.

Go’aanka afar waddan oo reer galbeedka ah oo dhaqan ahaan isbahaysi la ahaa Israa’iil ayaa waxa ay ku midoobeen in ka badan 140 dal oo kale oo iyaguna taageera qaddiyadda Falastiin si ay u abuuraan dawlad ka madax banaan dhulka la haysto.

Calanka Falastiin oo laga taagay magaalooyin badan iyo Faransiiska oo aqoonsanayo

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiiniyiin ah magaalada New York shalayy oo Isniin ah, taas oo ay taageerayaan dhowr waddan oo kale oo Yurub ah, isagoo ku tilmaamay tallaabada Faransiiska mid "lagama maarmaan ah".

Isaga oo si adag u raacaya go'aanka UK, Canada iyo Australia, Macron wuxuu sheegay in tallaabadiisu ay no qon doonto "bilawga geeddi-socod siyaasadeed iyo qor -she nabadeed iyo ammaan qof walba ah".

Faransiiska ayaa sida UK leh miisaan diblumaasiyadeed oo la taaban karo maadaama labada dal ay yihiin xubno joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo G7, waxayna isku dubaridayaan dhaqaajin ta arntan iyaga iyo Sacuudigu shirka Golaha Guud ee Qa ramada Midoobay ee toddobaadkan.

Paris kuma biiri doonto laba ka mid ah dawladaha kale ee waaweyn ee Yurub ee G7, Jarmalka iyo Talyaaniga, mana aha sidoo kale sida Maraykanka.

Israa'iil ayaa tallaabadan ku tilshalayy mid abaal-marin u ah Xamaas, waxaana safiirkeeda Qaramada Midoobay uu ku tilmaamay dhacdada Isniinta mid maaweelo ah.

Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeystay in aysan jiri doonin dowlad Falastiiniyiin ah oo ka xigta gal beedka Webiga Urdun, waxaana madaxweyne Isaac Her -zog uu sheegay in aqoonsiga kaliya uu "xoojinayo xooga -gga mugdiga ah".

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa ku adkaystay in tillaabada waddankiisu ay ta hay "diidmo guud" oo Xamaas ah, balse waxa uu sheegay in ay tahay "astaan, degdeg ah iyo mid siyaasadeed, taas oo muujinaysa sida ay Faransiisku uga go'an tahay xall -inta labada waddan".

Barrot ayaa ka hadlay ku dhawaaqida Macron oo ah "guul dublamaasiyadeed oo weyn oo u soo hoyatay dal keena".

Paris ayaa sheegtay in Belgium, Luxembourg iyo Malta ay sidoo kale qarka u saaran yihiin inay ku dhawaaqaan aqoonsi rasmi ah, oo ay la socdaan gobolada yar yar ee Andorra iyo San Marino. Portugal ayaa goor dambe oo Axaddii ah ku dhawaaqday go'aankeeda.

Ka hor ku dhawaaqista Macron, calamada Falastiiniyiinta iyo Israa'iil lagu dhejiyay daarta Eiffel habeenkii Axadda. Tiro ka mid ah xarumah dowladda hoose ee magaaloy -inka Faransiiska ayaa sidoo kale waxaa ka babanayay calanka Falastiin shalay oo Isniin aheyd, in kasta oo ay daw laddu amar ku siisay maamullada maxalliga ah inay ilaali -yaan dhexdhexaadnimada.

Mudaaharaadyo lagu taageerayo Falastiin ayaa sidoo kale ka dhacay Talyaaniga, ilaa 80 magaalo iyo magaaloo yin ku yaal Talyaaniga, halkaas oo xukuumadda Giorgia Meloni ay dhawaan sheegtay inay "wax-soo-saar la'aan ta hay" in la aqoonsado dowlad aan jirin.

Jarmalka, dawladdu waxay sheegtay in dawladnimada Falastiin aysan hadda ahayn mid laga doodi karo, wasiir ka arrimaha dibadda Johann Wadephul ayaa sharaxay markii uu u dhoofay New York Isniintii "Jarmalka, aqoonsi -ga dawlad Falastiin aad u weynyahay marka uu dhamaa -do hanaanku. Laakiin haanaankani waa inuu bilaabmaa hadda".

In kasta oo Jarmalku yahay mid ka mid ah xulafada aadka ugu dhow Israa'iil ee Yurub, haddana hoggaamiyahooda, Friedrich Merz, wuxuu noqday mid aad u dhaleeceeya jawaabta milatari ee Israa'iil ee Qasa.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sidoo kale xoojiyey lu -qadooda ka dhanka ah Israa'iil toddobaadyadii la soo dhaafay. Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku baaqday in la soo afjaro usbuucii hore "dhacdooy inka naxdinta leh ee Gaza ka dhacaya maalin kasta".

Wareysi uu siiyay CBS News goor dambe oo Axadii, madaxweyne Macron wuxuu kaga hadlay qorshe lagu go' -doominayo Xamaas.

Marxaladda koowaad waxay ku lug yeelan doontaa xab bad-joojin, siideynta dhammaan la haystayaasha iyo ka dib xasilinta Gaza, ayuu sharraxay. Midda labaad waxay ku lug yeelan doontaa maamulka iyo dib u dhiska Gaza, iyo "tan saddexaad oo ah, aragtida laba dawladood".

Furitaanka safaaradda Faransiiska waxay ku xiran tahay sii deynta la haystayaasha weli ay haystaan Xamaas, ayuu ku nuuxnuuxsaday.

Laakin tillaabada caanka ah ee Macron ee Qaramada Midoobay ayaa la kulmay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Jordan Bardella, oo ka tirsan xisbiga midigta-fog ee Rally National, ayaa sheegay in ay ahayd "khalad, halka Xam -aas ay weli gacanta ku hayso lahaystayaal Israa'iil ah", wu xuuna tilmaamay in ay ka dhigan tahay "in ay abaal-marin u tahay falkii waxashnimada ahaa ee dhacay 7-dii Oktoo -bar [2023], intii lagu jiray weerarkii ugu dhimashada ba -dnaa ee ay abid ogaato dawladda Israa'iil.

Muxuu yahay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee madaxwaynaha Soomaaliya uu ka qeyb galayo?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeyb galaya furitaanka kal fadhiga 80-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Mid -oobay, iyadoo madaxda caalamka ay uga doodi doonaan dagaallada ka socda Qasa, Ukraine, iyo Suudaan.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaa isbedelka cim ilada, amniga caalamka iyo xiisadda sii kordheysa ee ka dhex jirta Qaramada Midoobay lafteeda.

Kalfadhiga, oo bilaabmaya Isniinta, ayaa ku beegan sanna -d-guuradii 80-aad ee Qaramada Midoobay, laakiin waxa uu ku soo beegmayaa xilli hubaal la'aan qoto dheer ay ku jirto hay'addan caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guter res ayaa uga digay ururka inuu wajaho "khatar jirta" maad daama ay la daalaa dhacayso miisaaniyad yaraan, daalka deeq bixiyayaasha, iyo su'aalaha ku saabsan awoodda ay u leedahay inay ka jawaabto isku dhacyada iyo dagaallada .

Dhimista miisaaniyada la qorsheeyay ee $500 milyan waxay dhimi kartaa hawlgallada nabad ilaalinta iyo shaqaalaha ku dhawaad 20 boqolkiiba.

Muxuu yahay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey?

Hoggaamiyeyaasha dunidu waxay ku kulmaan New York Sebtember kasta dhowr maalmood oo khudbado ah oo ay ka jeedinayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoo bay, kaasoo Talaadaka furmaya kalfadhiga 80-aad.

Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 1945-tii iyadoo ka kooban 51 xubnood oo asal ah, tan iyo markaas waxay noq otay 193 xubnood.

Waxaa caado u ah Brazil inay mar walba noqoto waddankii ugu horreeyay ee xubin ka ah ee mdaxwaynahooda uu khud bad halkaasi ka jeediyo.

Sababta ay sanad kasta Brazil ugu hormarto ayaa ah in Brazil ay kacday inay noqoto dalkii ugu horeeyay ee khud bad halkaasi ak jeediya ka dib markii waddamo kale ay ka caga jiideen xilligaas inay sidaas sameeyaan, ayay yiraah deen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Maadaxa uu xarunta margalinaysa Qaramada Midoobay ee New York ay Mareykanka ku taallo, Mareykanka waa wad dankii labaad ee khudbad ka jeediya Golaha Guud.

Liiska ayaa ka dib waxa uu ku salaysan yahay kala sarreyn xarfaha iyo sida ay dalalka u soo kala horreeyaan. Ugu hor reyn waxaa hadlay madaxweyneyaasha dowladaha, waxaa na ku xiga madax ku xigeennada iyo dhaxal sugaha, wasiir -ro iyo madaxda hoose ee wufuudda.

Hoggaamiyeyaasha waxaa laga codsadaa inay khudbada hooda ku soo koobaan muddo 15-daqiiqo ah.

Sida laga soo xigtay diiwaanka Qaramada Midoobay, mid ka mid ah khudbadihii ugu dheeraa ee la jeediyay intii lagu ji ray furitaanka golaha guud waxay ahayd 1960-kii hogg aamiyihii Cuba Fidel Castro oo ku hadlayay qiyaastii 4-1 / 2 saacadood. Hogaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi waxa uu hadlay in ka badan 1-1/2 saacadood sanadkii 2009-kii.

Billow kasta oo fadhiga Golaha Guud wuxuu leeyahay maw duuc. Hoggaamiyeyaasha ayaa laga yaabaa inay si kooban u tixraacaan mawduuca ka hor intaysan u gudbin mawduuc kasta oo ay jecel yihiin.

Hal-ku-dhigga sanadkani waa: "Wadajir ka wanaagsan: 80 sano iyo ka badan oo nabad ah, horumarka iyo xuquuqul in saanka".

Mawduucyada kale ee ay ka hadleemn hogaamiyayaasha ilaa hadda khubdaha jeediyay ay waxaa ka mid ah:

Qasa:Hoggaamiyeyaasha ayaa isu soo ururiyay dhacdoo yinka dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa uu soo dhawaado laba sano halkaas ka socda, waxa ayna ka hadleen arrinta bini'aadantinimo ay ka sii daraysaa mari nka Qasa.

Ukraine:Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa raadin doona inuu taageero caalami ah u helo Kyiv iya doo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu isku da yayo inuu soo afjaro dagaalka in ka badan seddex sano ka dib markii Ruushka uu ku duulay deriskiisa.

Iiraan:Ka filo daqiiqadaha ugu dambeeya diblomaasiyadda New York ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyadoo Tehran ay raadineyso inay ka fogaato soo noqoshada dhammaan cunaqabateynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoo bay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Sebtember 28. Madax weynaha Iiraan Masoud Pezeshkian iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Araqchi ayaa labaduba la filayaa inay joogaan shirka.

Suuriya:Waxaa xusid mudan sanadkan in shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu noqon doono madaxwey naha Suuriya Axmed al-Sharaa. Kooxdiisa Hay'at Taxriir al-Sham ayaa hogaaminayay fallaagada xukunka ka tuurtay Madaxweyne Bashaar Al-Asad bishii December weerar da nab ah oo soo afjaray 13 sano oo dagaal sokeeye ah.

Cimilada:Iyada oo dunidu ay la halgamayso sidii loo xaddi di lahaa kulaylka ilaa 1.5 darajo Celsius, hoggaamiyeyaasha waddamada jasiiradaha yaryar iyo gobollada kale ee ay aadka u saameeyeen isbeddellada cimiladu ayaa la filayaa inay mar kale ku booriyaan tallaabo.

Haweenka:Maalinta Isniinta oo ah maalin ka hor inta aysan furmin khudbadaha, madaxdu way kulmi doonaan si ay u xu saan sannad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay shirwey naha xuquuqul insaanka ee haweenka.

Suudaan:Dagaalka Suudaan ka socda muddada dheer ay ay u badan tahay in madaxda qaar ay ka hadlaan toddobaad ka soo socda. Dagaalka u dhaxeeya xoogaga hubaysan ee gurmadka degdegga ah iyo ciidamada Suudaan ayaa abuu ray waxa Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay dhibaatadii bini'aadantinimo ee ugu xumayd caalamka.

Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa shalay ku dhawaaqay in Boqortooyada Ingiriiska ay aqoonsatay Dowla dda Falastiin, tallaabadaas oo muran ka dhex dhalisay taa geerayaasha iyo mucaaradka caalamka.

Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa si wadajir ah u martigelin aya shir madaxeed ku saabsan xalka labada dal, waxaana dhowr waddan oo reer galbeed ah oo ay ku jiraan Canada iyo UK ay aqoonsadeen Falastiin inta uu shirku socday.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si ku lul uga jawaabay warka aqoonsiga.

Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray go'aankaas oo uu ku sheegay in ay abaal marin u tahay "argagaxisada Xamaas".

Mareykanka ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga soo horjeedo tallaabadan.

Falastiin waxaa hadda aqoonsan 75 boqolkiiba 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa aqoonsaday Falastiin 1988-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip