Daawo Sawirada: Safiirka dalka Britain ee Somaliya oo booqasho ku tagtay Magaalada Baydhabo

0
Monday October 26, 2015 - 11:48:45 in Wararka by
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Safiirka dalka Britain ee Somaliya oo booqasho ku tagtay Magaalada Baydhabo

    Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Safiirka dalka UK u fadhisa Somaliya, ayaa shalay waxa ay gaartay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo ay kulan kula qaadatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Safiirka dalka UK u fadhisa Somaliya, ayaa shalay waxa ay gaartay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo ay kulan kula qaadatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaa ku soo dhaweeyay Ms. Harriet Mathews, Saraakiisha ciidamada Amisom iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa ay kaga hadleen arimaha ku aadan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo halka ay marayso.

Sidoo kale dhinacyada ayaa isku soo hadal qaaday taageerada Dowladda UK ay siiso Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweyne Shariif Xasan uu ka dalbaday Safiirka inay taageerada u sii kordhiyaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ms. Harriet Mathews, ayaa sheegtay in mar waliba ay garab taagan yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay ku baaqday in la xaliyo beelaha qaar ee tabashada ka muujinaya hanaanka Baarlamanka Maamulkaasi loo soo xulaayo.

Safiirka dalka Britain u fadhisa dalka Somaliya ayaa dhowr mar booqasho waxa ay ku tagtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif 1 Shariif 2 Shariif 3 Shariif 4 Shariif 5 Shariif 6






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip