
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 25-08-25
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo u ambabaxay dalka Shiinaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay u ambabaxay dalka Shinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyad iyo tamar, isaga oo fursad u ah Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqenta wanagsan e kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradda ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Somaliyed iyo dowladooda, waxa uuna ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradadooda Soomaaliya.
Wasaaradda Waxbarashada oo shalay galab Shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad
Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa ay shalay shaacineysaa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025.
Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa markii ugu horreysay natiijada uga dhawaaqi doona meel ka baxsan caasimadda Muqdisho, iyadoo munaasabadda rasmiga ah ee shaacinta natiijada shalay lagu qaban doono magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho
Wasiirka Caadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin iyo Guddoomiye ku xigenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banadir, Mudane Abdiasiis Cismaan Maxamed ayaa Golaha Dhallinyarada Qaranka Somaliyed kala qeyb galay kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu qabtay fagare ku yala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Somaliyed, Mudane Maxamed Cali Siyaad oo kulanka soo abaabulay ayaa sheegay in si loo muujiyo amniga caasimadda Muqdisho iyo is dhexgalka bulshada iyo dowladda ay kulamadaan oo kale maalmaha soo socda ku qaba doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, si shacabka iyo masuuliyiintu ay u helaan fursad ay ku kulmaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanod.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono.
Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka kowad u doorten Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigen labad ay u doorten Mudane Abdirisaq Jamac Warsame.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada oo gaaray magaalada Jowhar
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Abdulqadir oo ay wehliyaan Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabeelle.
Halkan ayaa lagu shaacin doonaa natiijadda imtixaanka dugsiga sare ee Fasalka 12-aad, waxaa sidoo kale ka qabsoomi doona shirka wadatashiga arimaha waxbar-ashada.
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah
Afhayeenka Booliska Soomaaliyed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay in laamaha amniga ay gacanta ku soo dhigeen kontenarro lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya.
Afhayeenka ayaa xusay in Booliska iyo hay’adaha amniga ay wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha, isagoo digniin adag u diray ganacsatada ku hawlan arrintaasi. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo ganacsiga ama isticmalka maandooriyaha sharciga la horgeyn doono.
Waxyaabaha maanka dooriya ayaa dhibaato ba’an ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaa dadaallo joogto ah oo looga hortagayo khataraha iyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin bulshada.
Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya oo ka digay aqoonsiga Somaliland
Kani Torun, oo ah diblumaasi iyo safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo sharci ahaan lagu aqoonsan karo Somaliland, oo qayb ka ahayd Soomaaliya ka hor intaanay ku dhawaaqin gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.
Torun ayaa ku dooday in waxa keliya ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin ay yihiin qabiil iyo federaal, balse arrintaasi si buuxda looga gudbi karo haddii dhinacyadu ka tanaasulaan mowqifyada adag oo ay qaatan midnimada diinta iyo afka ay wadaagaan.
"Madaxbannaanida Somaliland macno ma samaynayso marka laga eego jinsiyadda, diinta, mazhabta iyo luqadda. Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya farqi kuma jiraan qodobadan. Farqiga kaliya waa qabiilka iyo federaalka, kuwaas oo si fiican ugu shaqayn kara Soomaaliya oo dhan. Haddii qabiil kasta dawlad u gooni ah la siiyo, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 dal," ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, Torun waxa uu ku adkaystay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay xalliso dhibaatooyinka amniga si ay u hesho kalsooni siyaasadeed oo dhammaystiran, loona gaaro nabad waarta kadib 30 sano oo colaado ah. Tani waxa ay ku jirtaa la dagaallanka Al-Shabaab oo weli khatar weyn ku haya xasilloonida dalka.
"Haddaba, mushkiladda ugu weyn ee arrinta Soomaaliya iyo Somaliland waa Muqdisho. Haddii Muqdisho xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amniga ee gobollada kale, Somaliland ma heli lahayn sabab adag oo ay ku doodo. Sidaas darteed ku eedeynta Somaliland waxba ma tarayso, ee aynu Muqdisho ka shaqeysiino,” ayuu yiri.
Hadalladiisu waxay lamid yihiin kuwii safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya Larry Andre, kaasoo sheegay in aqoonsiga degdegga ah ee Somaliland uu dhalin karo xasillooni darro dheeraad ah. Waxaase uu soo jeediyay in Maraykanku ka furan karo qunsuliyad magaalada Hargeysa si ay ugu fuliso adeegyada diblomaasiyadeed.
Masar oo soo gebogebeysay tababarkeedii ugu horreeyay ee ciidankeeda ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya
Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay tababar markii ugu horreysay loo qabtay cutubyo kamid ah ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Tababarkan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasa-aradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa ka qeyb qaatay dowladda Japan oo door muuqda ka qaadatay taageerada farsamo iyo mid dhaqaale.
Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ayaa lagu beddelayaa howlgalkii hore ee ATMIS, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha awoodaha amni ee Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid deggan oo guul leh.
Masar ayaa markan noqotay dal kaalin muuqata ka qaadanaya xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aanay u dhaqaaqin goobta hawlgalka.
Tababarka ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.
Qaramada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera nabadgelyada Soomaaliya ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidan ee la geeyo gudaha Soomaaliya.
Ruushka oo Ukraine ku eedeyay in ay weerrartay mid ka mid xaruumihiisa nukliyeerka
Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in dab ka kacay warshad nukliyeer ah oo ku taalla galbeedka gobolka Kursk, ee Ruushka, la damiyey, sidoo kalena nidaamka difaaca cirka uu soo riday diyaarad drone ah oo laga leeyahay Ukraine.
War lagu daabacay akoonka warshadda ee baraha bulshada gaar ahaan Telegram ayaa lagu sheegay in drone-kaasi uu qarxay isagoo dhulka kusoo dhacaya, taasoo keentay in uu dhaawaco qalab koronto (transformer), balse heerarka shucaaca ay caadi yihiin islamarkaana aysan jirin wax khasaare nafeed ah.
Dhacdadan ayaa timid xilli Ukraine ay u dabal-degayso Malinta Madax-bannaanideeda 24-ka Agoosto, oo ah maalinta ay Ukraine ku dhawaaqday madax-bananideda sanadkii 1991 kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti.
Hey’adda Qaramada Midoobay ee Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ayaa si isdaba joog ah ugu baaqaysay Ruushka iyo Ukraine in ay muujiyaan xakameyn buuxda maadama ay ku hareeraysan yihiin goobaha nukliyeerka, inta dagaalku socdo.
Ukraine weli kama aysan hadlin eedeymaha Ruushka ee ku saabsan weerar drone ah oo lagu qaaday goob nukliyeer ah oo ku taalla Kursk, gobolkaas oo ay ciidamada Ukraine sanadkii hore ka fuliyeen weerar lama filaan ahaa oo militari.
Mareykanka oo maraakiib Dagaal geeyay biyaha u dhow Venezuela
Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa si adag u cambaareeyay in Maraykanku uu sadex markab dagaal uu geeyay biyaha caalamiga ah ee u dhow xeebaha Venezuela.
Maduro ayaa ku tilmaamay tallaabadaas isku day sharci-darro ah oo lagu doonayo in xukunka lagaga tuuro, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu qorsheynayo weerar ciidan iyo "xukun beddelid.”
Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaarinayo ciidamo marine’s ah oo gaaraya ilaa 4,000 askari, halka sido kale maalmo kahor marekanku balan qaaday abaalmarin lacageed oo gaaraysa $50 milyan in lasiinayo qofkii keena xog horseedaysa qabashada Madaxwenaha Venezuela Nicolás Maduro
Maduro, oo arrintan kaga jawabaya ayaa ku goodiyay in dalkiisu uu difaaci doono dhulkiisa, cirka iyo badaha Venezuela, isagoo sheegay in weerar lagu qaado Venezuela uu yahay weerar lagu qaaday guud ahaan Latin America.
Xiisada siyaasadeed iyo mid ciidan ee udhaxaysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, iyadoo Venezuela ay isku diyaarineyso difaac, halka Mareykankuna cadaadis militari iyo mid sharciyeedba uu saarayo Maduro.
Dibadbaxyo ka socda Israa'iil oo lagu dalbanayo joojinta dagaalka Qasa
Kumanaan qof ayaa mar kale isugu soo baxay qaybo ka mid ah Israa’iil, iyagoo dalbanaya in dagaalka Qasa xabad-joojin lagu dhameeyo.
Dadka mudaharadaya e Isra’iliyinta ah ayaa sheegaya in qorshaha milatari ee doladodu ay ku doneyso in ay Qasa ku qabsato uu khatar galin karo nolosha la haystayaasha ku haray gacanta Xamaas.
Wasiirkii hore ee Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, ayaa ugu baaqay muwadiniinta inay tageran qorshe lagu dhisayo xukumad midnimo qaran si ay gacan uga gaysato sii deynta dadka wali xiran.
Xukuumadda midnimada qaran ee hadda jirta oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasare Benjamin Netany-ahu ayaa ku tiirsan taageerada xisbiyo adag oo aan taageersanayn in heshiis lala gaaro Xamaas si loo soo afjaro dagaalka socda.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 60 qof ay dhinteen Sabtidii oo keliya, kaddib weerarro Israa’iil qaaday iyo nafaqo-darro ay wajahayaan dadka reer Qasa.
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
Qarax miino ayaa saaka ka dhacay xaafada suuqa xoolaha, gaar ahaan meel ay ciidanka NISA ku leeyihiin barkontrol.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhimashada hal ruux oo ahaa nin oday ah oo wadada marayay, meydkiisana uu weli yaallo goobta.
Sidoo kale, labo askari oo ka tirsan ciidamada NISA aya ku dhawacmay qaraxa, waxaana la tilmaamay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus (garaab).
Ciidamada amniga ayaa durbadiiba xiray aagga qaraxa, iyagoo bilaabay baaritaanno ku saabsan cida ka dambeysa.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse falalka noocan ah waxaa looga bartay kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Ukraine oo wacad ku maray in dalkiisu dagaalka sii wadayo
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay sii wadi doonto dagaalka ay ugu jirto xorriyadeeda, isaga oo khudbad u jediyay shacabka dalkiisa malinta madaxbanaanida.
Waxa uu yiri: "Waxaan u baahan nahay nabad caddaalad ah, nabad mustaqbalkeennua aan go’aamino annaga oo keliya." Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay iska difaaci doonto Ruushka "ilaa iyo inta laga dhageysanayo baaqeeda nabada."
Wuxuu sidoo kale yiri: "Ukraine weli guul ma gaarin, balse sidoo kale ma aysan guuldareysan."
Hadalka Zelensky ayaa yimid kadib markii Moscow ay sheegtay in Ukraine ay weerar ku qaday xarumo koronto iyo tamar oo ku yaalla gudaha Ruushka, taasoo lagu eedeeyay duqeymo drone loo adegsaday ay sabab u noqotay dab ka kacay warshad tamar nukliyer ah oo ku taal gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.
Jeneraal Maraykankan ah oo shaqada looga cayriyey arrin la xiriirta Iiran
Xoghayaha difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa shaqada ka eryay madaxa hay’adda sirdoonka ee Pentagon-ka, toddobaadyo un kadib markii Aqalka Cad ka horyimid warbixin qiimeyn ah oo la xiriirtay saameynta weerarada Mareykanka ku yeesheen Iran.
Lt Gen Jeffery Kruse ma sii ahaan doono madaxa hay'adda sirdoonka difaaca Mareykanka (DIA), Pentagon-ka ayaa bayaan ku sheegay. Labo kale oo taliyeyaal sare oo militari ah ayaa sidoo kale waxaa xilka ka qaaday Pentagon-ka.
Waaxda difaaca Mareykanka weli ma aysan bixin wax sharaxaad ah oo rasmi ah oo ku saabsan sababta xil-ka-qaadista.
Bishii Juun, Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag uga jawaabay warbixin la dusiyay oo ay diyaarisay DIA, taasoo lagu sheegay in weerarada Mareykanka ee Iran ay dib u dhiggeen barnaamijka nukliyeerka Iran oo keliya dhowr bilood. Aqalka Cad wuxuu warbixintaas ku tilmaamay mid "si buuxda u khaldan.”
Trump ayaa ku dhawaaqay in goobihii Nukliyeerka ee Iran ay "gebi ahaanba burbureen”, wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta "isku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid ah weerarradii militari ee ugu guulaha badnaa taariikhda”.
In shaqada laga eryey Kruse waxaa markii ugu horresay warisay Washington Post.
DIA, waa qayb ka mid ah Pentagon-ka waxayna ku takhasustay sirdoonka milatariga si ay u taageeraan hawlgallada. Waxay ururisaa xaddi badan oo sirdoon farsamo ah, laakiin way ka duwan tahay hay'adaha kale sida CIA.
Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay laba gantaal oo cusub
Hoggaamiyaa Kuuriyad Waqooyi Kin Jong Un, ayaa kormeeray tijaabada ridida laba gantaal oo cusub oo difaacada hawada ah sid ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Hubku wuxuu lahaa "awood dagaal o heer sare ah" wuxuna adegsaday "tiknoolajida gaar ah", Wakaaladda Wararka ee dalkaas ee KCNA, ayaa sidaas sheegtay iyadoon wax faahfaahin.
Riditaanka ayaa dhacday sabtidii, ayaa "caddeysay in astaamaha tiknoolajiyadeed ee laba nooc oo gantaallo ah ay aad ugu habboon yihiin burburinta bartilmamedyada kala duwan ee hawada sida diyaaradaha drone-ka iyo gantaalada cruise," sida ay KCNA sheegtay.
Tijaabada ayaa timid saacado ka dib markii Kuuriyada Koonfureed xaqjiisay inay riday dabric digniin ah talla
Tijaabada ayaa timid saacado kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay xaqiijisay inay salaasadii rasaas digniin ah ku ridday askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo muddo kooban ka tallaabay aagga militariga ka caaggan ee kala soocaya waddamada.
Taliska Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ilaa 30 ka mid ah ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ka gudbeen xadka sida adag loo ilaaliyo ee u dhexeeya waqooyiga iyo koonfurta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Pyongyang ayaa ka jawaabtay iyada oo ku eedaysay Seoul "daandaansi ula kac ah".
Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa gobolkaasi wadajir ugu wada dhoolatus militari oo ballaaran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae Myung shir madaxeedka Isniinta ka dhacaya magaalada Washington.
Trump oo qorshaynaya inuu ciidamo ku daabulo magaalo kale oo Maraykanka ah
Qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo in uu ciidamo ku geeyo Chicago waa ku takri fal awoodeed, guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka ayaa sheegay.
Ma jirto xaalad degdeg ah oo caddaynaysa in Ilaalada Qaranka loo dirayo Illinois madaxweynaha Maraykankuna "isku dayayo inuu soo saaro xiisad," JB Pritzker ayaa bayaan ku sheegay.
Trump ayaa horey ugu daabulayey ilaa 2,000 oo askari magaalada Washington DC, halkaasoo sidoo kale dowladda hoose ay maamulaan xisbiga mucaaradka ah ee Dimuquraadiga, taasoo qeyb ka ah waxa uu ku tilmaamay mid ka dhan ah dambiyada ka dhaca magaalooyinka Mareykanka.
Jimcihii, Trump wuxuu sheegay inuu siyaasadda ka hirgelin doono Chicago iyo New York - labada magaalo ee kale ee waaweyn ee ay Dimuqraadigu gacanta ku hayaan.
Duqa magaalada Chicago Brandon Johnson ayaa ka jawaabay hadalka Trump, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay in uusan helin wax macluumaad ah oo ku saabsan soo daabulidda ciidamada qaranka ee Chicago.
Riyada oo lagu biyo-baxo ma calaamad ayay u tahay dhalmo la'aanta?
Marka ninku riyoodo (biyo baxo) inta uu hurdada ku jiro, khubaradu waxay xaaladdan ku tilmaamaan "riyo baraarug leh" (lucid dream). Rag badan way ka welwelaan arrintan, iyaga oo u arka calaamad hore oo tusinaysa in shahwadoodu yar tahay ama xitaa ay noqon karaan madhalays.
Dhakhaatiirtu waxay sheegayaan in biya baxa intaad hurdo ay tahay arrin caadi ah oo mar walba dhacda.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay leedahay marka wiilku gaaro da'da qaangaarnimada, heerka hormoonka ragga ee testosterone ayaa kor u kaca, taasoo keenta inuu riyoodo, xilliga hurdada.
Maxey seynisyahannada iyo cilmi-baarayaashu ka yiraahdeen ragga habeenkii biya-baxa?
Cilmi-baris ay sameysay Jamacada Shu Yen ee Hong Kong o cinwan-kedu yahay "Riyoyinka galmada, riyooyinka qoyan iyo biyo-baxa habeenkii" ayaa baaraysa sababta ay raggu ugu biyo-baxaan hurdada.
Boqolkiiba 80 dadka ka qaybgalay cilmi-baaristan waxay sheegeen in riyooyinka galmada ay sabab u ahaayeen biya-baxooda inta ay hurdaan.
Inkastoo la aaminsan yahay in dhalinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ay yihiin kuwa ugu badan ee riyooyinka la kulma, hadna cilmi-baaristu waxay ogaatay inay celcelis ahaan 9 jeer sannadkii ku riyoodaan arrimo la xiriira galmo khiyaali ah.
Cilmi-baaristu sidoo kale waxay muujinaysaa in inkastoo galmadu tahay qayb muhiim ah oo nolosha aadamaha ka mid ah, haddana aad bay ugu yar tahay inay ku soo muuqato riyooyinka.
"Jirka ninka si dabiici ah ayuu u soo saaraa shahwo. Xitaa haddii uusan ninku galmo sameyn ama si gaar ah isu taaban, shahwada la soo saaray waxay ka baxdaa jirka xilli uu hurdo. Arrintani waa caadi," ayuu yiri Dr. Kamaraj o ah khabiir ku takhasusay caafimaadka galmada iyo taranka.
"Sida haweenka caadadu ugu dhacdo, ayaa raggana si dabiici ah ula kulmaan biya-baxa. Laakiin waxaa jira warar khaldan oo lala xiriiriyay awoodda ragga taasoo dhalisay faham khaldan oo badan," ayuu yiri Dr. John Bhupathi.
Ragga biya-baxa madhalays ma noqon karaan?
Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee Daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacada Caafimaadka ee Tongji e Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwada rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u biyo-baxa iyo shahwada rag caafimaadka qaba.
Xaaladdan, oo loo yaqaan biyo-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato biyo-bax, xitaa haddii hawsha si dhaqso ah loo qabto.
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku talo galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay biyo-baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkodu kacsanyahay iyaga oo hurda.
Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).
Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.
Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.
Madaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadas lahaa sadexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.
Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awooda raga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lamaanay-aashooda iyago adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayen.
Daraasaddu sidoo kale waxay shegtay in inkasto tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.
Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku biyo-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro biyo-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."
Maxaad hurdada ugu biyo-baxdaa?
Xididka shahwada ninka soo saara waxa lagu kaydiyaa xangulaha shahwada. Heerka uu shahwada u soo saaro wuu kala duwanyahay. Sida biyuhu uga soo daataan tuubada marka foostadu buuxsanto, ayey shahwadu uga timaaddaa ninka markuu buuxsamo," ayuu yiri John Bhupati.
Kamaraj wuxuu leeyahay shahwo ku timaadda intaad huruddo micnaheedu ma aha in aad qabto dhibaato.
"Inkastoo cilmi-baaris badan lagu sameeyay waxa sababa shahwada hurdada ku timaadda, haddana xaaladdan si buuxda looma fahmin. Waxay dhacdaa marka ninku ku riyoodo riyo galmo ah ama si lama filaan ah uu dareenkiisu u kaco. Ma jirto caddayn muujinaysa in tani ay hoos u dhigto awooddiisa galmo ama ay si taban u saameyso caafimaadkiisa galmada."
"Shahwo-baxa, ama hurdada lafteeda ayaa noqon karta sababta shahwadu u timaaddo. Tani asal ahaan waxay muujinaysaa in jirka banii'aadamku uu ku jiro xaalad caadi ah oo badqaba," ayuu yiri Kamaraj.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 25-08-25
.......