
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-08-25
Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxwenaha D-goboledka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad, Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay in ay labanla-abaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuur-iyadda ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isaga oo ku bogaadiyey mas’uu-liyiinta iyo howlwadeenada Shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska Garoonka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Galmudug loogu sameeyay xaflad casho sharaf ah
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa habeen hore ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Galmudug.
Xafladdaasi waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safarka shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudadii uu joogaay halkaasi xarigga ka jaray mashaariic hormarineed, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon kara Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.
Munaasabaddaasi casho sharafta ah waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo al-shabaab
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo shalay ka qebgalay kulanka todobadka warbahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaa-dyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah al-shabaab, isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka al-shabaab ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.
"Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto al-shabaab” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha mudane Xirsi Gaani waxa uu xusay abaabulka dagaal ee xilligaan ka bilowday gudaha dalka, gaar ahaan gobolada Sh/Hoose, Sh/Dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo kahortagga al-shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa dalka.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo qabatay kulan dadweyne oo la xiriiray dastuurka
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kullan la-tashi Dadweynaha oo ku saabsanaa soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.
Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay saddexda hay’adood ee dastuurka u xil-saaran, iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo fikrado dhanka shacabka ah oo ka hadlaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee ay soo bandhigeen Guddiga Madaxa-banaan ee Dastuurka.
Kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa ka soo qayb galayaasha ay gudbiyeen aragtiyo iyo iyo talooyin kale oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyadaas, halka madax ka socotay saddexda hay’adood ee dastuurka u xil-saaran ay ka jawaabeen su’aalihii iyo aragtiyihii la hor dhigay.
Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo C/laahi Maxamed Calas oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway, waxaana kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada loo fidiyo Carruurta, naafada iyo Haweenka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Norway (NORAD) Kristin Hagstad, kulanka oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna mashaariicda hormarinta ee ku saabsan daryeelka Carruurta iyo guud ahaan sare u qaadida adeegyada mashaariicda la xiira arrimaha Haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdiga ay hogaamineyso ee safarka shaqo ku jooga dalka Norway ayaa waxa ay kulammo muhiim ah la qaadan doontaa qeybaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha Dalkaasi.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo tababar u soo xiray Hay’adaha Dowladda
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay u soo xiray Hay’adaha Dowlada tababar ku saabsan Hirgalinta Miisaaniyad ku Saleysan Barnaamij-hawleed, ujeedka tababarkani ayaa ahaa in Miisaaniyadda 2026-ka ay ku soo gudbiyan si waafaqsan hawlah-oda shaqo iyo qaabka ay u hirgalinayaan Agaasinka, waaxda, qaybta io mashruca.
Munaasabadda xiritaanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee W.Maaliyada, Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda ee Hey’adaha Dowladda ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyay xiritaanka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS isagoo sheegay in qorshahani uu muhiim u yahay horumarinta hannaanka diyaarinta Misaaniyadaha ee ku salaysan waxqabadka dhabta ah.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa wax ka-badal ku sameysay habraaca diyaarinta miisaaniyadda ayadoo laga beddelayo in ay diiradda saarto soo ibinta agabka iyo adeegyada lagu fulinayo hawlaha sanadlaha ah (input-based annual activity) lagana dhigayo in la isku wada xidho qoondaynta miisaaniyada iyo adeegyada ay bixiso hay’ad kasta.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyasadaha cimilada, la qabsiga isbedelka cimilada iyo hormarinta xalalka waara ee dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agasimeyasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: "Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirwey-nahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: "Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan shalay, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”
Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.
Wasiir Beenebeene oo Madaxda dalka Japan kala hadlay in laga taageero Soomaaliya ammaanka, iyo horumarinta Dhaqaalaha
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama ee dalka Japan kulamo miro-dhal ah kula yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Japan iyo hay’ado caalami ah, intii uu socday Shirweynaha 9-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD-9).
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray, Xoojinta xiriirka laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Japan, Iskaashiga siyaasadeed iyo horumarineed iyo Taageerada amniga iyo xasiloonida dhaqaalaha Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan ayaa mar kale muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.
Wasiir Beenebeene ayaa carabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka ay tahay shaqo-abuurka dhalinyarada iyo hormar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.
Wafdigaan Soomaaliyeed ee ku sugan Japan ayaa sidoo kale la kulmay madax iyo wakiillo ka socda hay’ado caalami ah, iyagoo ka wada hadlay, Fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, Horumarinta adeegyada bulshada iyo Doorka Soomaaliya ee nabadeynta gobolka iyo is-dhexgalka mandiqadda.
Kulamadan sare waxay caddeynayaan sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyada oo dalka Japan iyo hay’adaha horumarinta ay door muuqda ku leeyihiin hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.
Guddiga Doorashooyinka oo ololaha wacyigalinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay Wanlawayn
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashoyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Kulan looga hadlayay wacyigalinta dadwaynaha ee diiwaangalinta codbixiy-eyasha ku qabtay Degmada Wanlawayn.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo maamulka Degmada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka Degmada ugu qayb qaadan lahaayeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Ciidanka xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Baay
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaasi oo gabaad ay ka dhiganayeen Al-shabaab.
Deegaanada si gaar ah howlgalkan sifeynta ah looga fuliyay waxaa kamid ah Garas-gamaan, Xinshiloole iyo deegaanka Waneey, kuwaas oo qiyaastii 40km u jira degmada Waajid ee gobolka Bokool.
Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS, Dhamme Onkod Macallin Aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagarta iyo falalka ay maleegayeen kooxaha Al-shabaab.
Howlgallkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan sifeynta degaanada al-shabaab kudhumanayaan iyo sugida nabada shacabka Somaliyed.
Soomaaliya iyo Japan oo ka wadahadlay arrimmo badan oo muhiim ah
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamud Sheekh Faarax (Beenebene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Japan, Madaxwene Ku-xigeenka Hay’adda JICA iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, intii uu socday Shirweynaha Caalamiga ah ee 9-aad ee Horumarinta Afrika (Tokyo International Conference on African Development – TICAD-9).
Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyey Danjire Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Mudane Aweys Cabdullaahi Cali, Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha.
Wasiirka Qorsheynta ayaa la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, iskaashiga siyaasaded iyo taageerada hormarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisu ugu go’an yahay taageerada Soomaalia, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale, Wasiir Beenebeene ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Jaban (Japan International Cooperation Agency JICA), Miyazaki Katsura, iyadoo la isla gartay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta, tababarrada xirfadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay shaqo-abuur dhalinyarada iyo horumar waara oo ku dhisan iskaashi caalami ah.
Wasiirka ayaa kulan kale la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqale, tababarada xirfadeed iyo maalgashiga bulshada, Gudiga ayaa dhankoda mujiyay taageero iyo diyaar garow lagu adkaynayo xiriirka labada dhinac.
Wafdiga Soomaaliya waxaa uu kulamo kale la yeeshay madax iyo hay’ado caalami ah oo kala duwan, kuwaas oo looga hadlay fursadaha maalgashi, hormarinta adeegyada bulshada iyo doorka Soomaaliya ee xoojinta nabadda iyo is-dhexgalka gobolka.
Kulamadan ayaa markhaati u ah sida Soomaaliya ugu go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo Japan iyo hay’adaha kale ee horumarinta ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan xaqiijinta yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga Qarameed ee 2060.
Buug ku saabsan dowlad dhiska Soomaaliya oo lagu soo bandhigay Muqdisho
Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada XFS ayaa ka qeybgalay Munaasabad ka dhacday Magaalaa Muqdisho oo lagu soo bandhigay buug ka hadlaya dowlad-dhiska Soomaaliya.
Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Masuliiyiin kale oo lagu martiqaaday xafladdaasi.
Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay xafladdaasi, iyagoo boogaadiyay bandhigga buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu soo gudbiyay ama xambaarsan aragtiyo wanaagsan oo ku aadan dowlad-dhiska iyo habka ugu habboon ee loo marki karo.
Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika
Wafdiga Dowlada Federaalka Soomaalia ee uu hogaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Hormarinta Afrika ee 9-aad (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.
Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Jabaan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullahi Cali.
Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:
• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.
• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada dhaqaalaha iyo amniga ganacsiga.
• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashi oo waara.
Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:
• Kalluumeysiga badda hodanka ah.
• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.
• Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.
"Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqalaha, Mudane Maxamud C.SheIkh Faarax (Benebene).
Shirweynaha Dhallinyarada ee Isbeddelka Cimilada oo ka Furmay Muqdisho
Shirweynaha Dhallinyarada Somaliyed ee Isbeddelka Cimilada sanadka 2025 ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Shirweynahaan ayaa waxaa ka qaybgalaya koox dhallinyaro ah ka kala socda deegaanada gobollada dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulada dowladaha iyo daneeyayaal caalami ah.
Shirkaan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliya, si ay kaalin firfircoon uga qaataan dadaalladagu ilaalinaayo deegaanada dalka.
Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo doorka dhalinyarada Somaliyed ee la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo ka hortagga dhibaatooyinka deegaanka.
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay hindise sharciyeed la xiriiray badqabka nidaamka komputerada ee Soomaaliya
Golaha Wasiirrada Xukumadda Jamhuri-yada Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ansixiyey hindise sharciyeed ku saabsan badqabka sirta iyo amniga ee nidaamka komputerada Soomaaliya.
Kulanka Golaha Wasiirada oo ahaa kii todobaadlaha ee caadiga ahaa waxaa looga hadlay qodobbo la xiriiray dambiyada Saybarka ee ka dhaca komputerada iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan ay soo gudbiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, kaas oo ku saabsanaa ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada.
Sharcigaan ayaa xoogga saaraya oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogida iyo ciqaabida dembiyada saybarka, Ilalinta danta guud, akhlaaqda iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.
Kulanka golaha wasiirada waxaa kaloo looga hadlay arrimmo khuseeyay amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Al-shabaab, iyada oo goluhu uu bogadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuuma-aleysanayaan.
Omar Fateh oo lumiyey taageeradii muhiimka ahayd ee doorashada duqa Minneapolis
Omar Fateh, oo ah musharraxa Xisbiga dimoqraadi ah oo leh aragtiyo bulsho-dimoqraadi ah, ayaa dhawaan guul muhiim ah ka gaaray tartanka duqa magaalada Minneapolis, Waxa uu noqday musharraxii ugu horreeyay tan iyo 2009-ka ee helo taageerada rasmiga ah ee xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada.
Taageeradan ayaa timid kadib shirweyne xisbiga uu yeeshay bishii la soo dhaafay, inkasta oo uu shirku ahaa mid lagu tilmaamay inuu ahaa mid fawdo ah, oo ay ka jireen qaladaad dhinaca nidaamka iyo farsamada ah.
Si lama filaan ah, mas’uuliyiinta xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota ayaa Khamiistii qaaday tallaabo aan horey loo arag waxay kala noqdeen taageeradii ay laanta Minneapolis ee xisbiga siisay Sen. Omar Fateh, Waxayna ku sababeeyeen go'aankooda "khaladaad culus" oo ka dhacay shirweynihii lagu doortay Fateh.
Arrintan ayaa muran badan dhalisay waxayna saameyn ku yeelan kartaa ololaha doorashada duqa magaalada, maadaama musharraxa uu luminayo taageero xisbiga gudihiisa ah xilli ololuhu galay meerto xasaasi ah.
Khilaafka ka dhashay taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee musharrax Omar Fateh wuxuu muujinayaa sida ay u adkaan karto isbeddel raadinta siyaasadeed xitaa marka taageero muuqata laga helo xisbiga. Waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan musharraxa iyo xisbiga si loo dejiyo xaaladda.
Nin Soomaali ah oo lagu qabtay Taliyaani isaga oo lagu tuhunsan yahay tahriibinta dadka
Ciidamada ammaanka ee dalka Talyaaniga ayaa dhawaan gacanta ku dhigay muwaadin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay howlaha tahriibinta dadka si sharci-darro ah ugu soo gala dalkaas.
Sida ay sheegeen masuliyiinta dowladda Talyaaniga, ninkan ayaa loo haystaa inuu qeyb weyn ka yahay shabakad tahriibin ah oo dadka ka keenaysa Afrika gaar ahaan Soomaaliya kuwaasi oo naftoodi ku biimeeya inay maraan waddooyin khatar badan si ay u gaaraan Yurub.
Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in ninkan hadda lagu hayo baaritaan rasmi ah, iyadoo kiiskiisa wali uu ku jiro heer tuhmanimo, mana la shaacin magaciisa sababo la xiriira baaritaanka socda.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay si dhow u daba-galayaan dhaqdhaqaaqyada ninkan iyo wax is-dhaafsiga lacagaha ee laga shakisan yahay inuu la xiriiro tahriibinta.
Marka caddeymo ku filan la helo, waxaa la filayaa in kiiska loo gudbiyo maxkamad, halkaas oo haddii dambiga lagu helo uu wajihi karo xabsi dheer.
Arrintan ayaa markale muujinaysa sida ay dowladda Talyaanigu uga go'an tahay la dagaalanka tahriibka iyo shabakadaha dadka ka ganacsada, iyadoo sidoo kale la tacaaleysa cadaadis sii kordhaya oo dhanka socdaalka ah.
Sanadihii u dambeeyay, Talyaanigu wuxuu maalgelin badan geliyay xakameynta qulqulka muhaajiriinta, kuwaas oo intoda badan kasoo cararaya durufo adag sida dagal, sabolnimo, ama dhibaatooyin siyaasadeed oo ka jira wadamadooda, gaar ahaan Soomaaliya.
Dadka badbaaday ee laga soo badbaadiyay tahriibka ayaa sheegay in safarkoodu uu ahaa mid aad u khatar badan, ayna la kulmeen dhibaatooyin naxdin leh.
Waraysiyo lala yeeshay qaar kamid ah muhaajiriintaas ayaa muujinaya in ay jiraan dad horey u joogay Talyaaniga kuwaas oo si dadban ama toos ah uga qeyb qaata hagidda dadka cusub ee tahriibka ku yimid, taasoo sii murjinaysa dagaalka lagula jiro shabakadaha ka ganacsada dadka.
Maxkamad Federaal ah oo joojisay diidmada Fiisaha Mamnuucidda Socdaalka uu soo rogay Trump
Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa go’aamiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan adeegsan karin mamnuucidda socdaalka ee uu Donald Trump soo rogay si ay u diido fiisaha dadka ajaanibta ah ee codsada.
Go’aankan wuxuu khuseeyaa 82 qof oo doonayay inay fiiso helaan, balse weli waxaa suurto gal ah in loo diido inay gudaha u soo galaan Mareykanka marka ay yimaadaan garoomada ama shirkadaha diyaaradaha loo diro amar ah in aanay soo qaadin.
Garsooraha ayaa sheegtay in sharciga uu Trump ku salleeyay mamnuucidda uusan siin Wasaaradda Arrimaha Dibadda awood ay fiiso ku diido, inkastoo weli la celin karo dadka marka ay yimaadaan.
Dacwadda waxaa gudbiyay dad ka kala yimid Afghanistan, Burma, Togo, Soomaaliya iyo Iiraan oo ku guuleystay barnaamijka diversity visa.
Qareenka dacwadda, Curtis Morrison, ayaa sheegay in go’aanka uu yahay horumar yar, inkastoo aanu dadkaasi weli siin fursad ay ku galaan Mareykanka.
Bishii la soo dhaafay, garsoore federaal ah oo ku sugan Seattle ayaa xukumay in mamnuucidda socdaalka ee ugu dambaysay ee Trump aan loo adeegsan karin in lagu hor istaago qaxootiga xaqa u leh inay galaan Maraykanka, taasoo ka dhalatay amarro hore oo lagu muransanaa maxkamadihii la xiriiray hakinta gelitaanka qaxootiga ee Trump.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamad rafcaan federaal ah ayaa dhowr maalmood ka dib hakisay xukunkaas.
Frank Caprio oo loo yaqaanay "Garsoorihii ugu naxariista badna adduunka" oo geeriyooday
Garsoore Frank Caprio, oo caan ka ahaa gudaha iyo dibadda Maraykanka, ayaa geeriyooday isagoo 88 jir ah, sida ay qoyskiisu ku sheegeen qoraal lagu daabacay bartiisa Instagram. Caprio oo lagu yaqaanay naxariis badni ayaa muddooyinkii u danbeeyay la dagaalamayay xanuunka kansarka ganaca (pancreatic cancer) oo sanadkii hore lagu ogaaday.
Qoraalka ay qoyskiisu soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu xusay in garsooruhu ahaa nin lagu xusuusan doono naxariis, qosol iyo kalsooni uu ku qabay wanaagga dadka. Wiilkiisa, David Caprio, ayaa taageerayaasha uga mahadceliyay taageerada iyo ducada ay la garab taagnaayeen, isaga oo dadka ku boorriyay in ay " faafiyaan naxariis iyo wanaag” xusuustiisa darteed.
Siduu garsoore Caprio caan ku noqday?
Frank Caprio waxa uu caan ku noqday barnaamijka Caught in Providence, oo laga duubi jiray maxkamadda uu ka garsoori jiray magaalada Providence ee gobolka Rhode Island.
Halkaas ayuu ku muujin jiray dabeecad deggan, kaftan iyo garsoor ku dhisan qalbi furnaan, taas oo dadka daawan jiray ku abuurtay kalgacal iyo ixtiraam.
Waxa indhaha dadka soo jiittay sida naxariista leh ee uu ula dhaqmi jiray dadka maxkamadiisa la keeno, iyada oo muuqaalada ay maxkamadiisu baahiso ay heleen balaayiin daawadeyaal ah. Waxaa ka mid ahaa muuqaallada caan noqday ee uu carruurta ka qaybgelin jiray maxkamadda isaga oo kursiga garsoorka ku casuumaya, ama caruurta u dhiibaya makarafoonka si ay u xukumaan waalidkooda marka lasoo eedeeyo.
Waayaha noloshiisa iyo geerida
Frank Caprio waxa uu ka garsoorayay kumannaan kiis oo ka dhacay Rhode Island, isaga oo ka dhigay maxkamaddiisa meel dadku ku nafisaan, oo ay ka helaan farxad, daganaan iyo naxariis. Sanadkii 2023 ayaa lagu ogaaday xanuunka kansarka, wuxuuna sheegay in uu "si adag ula dagaallami doono inta karaankiisa ah.”
Markii ugu dambaysay ee uu bulshada la hadlay, wuxuu sheegay inuu cusbitaalka ku noqday kadib markii xaaladdiisu sii xumaatay, isaga oo taageerayaasha ka codsaday duco.
Garsoore Caprio waxa uu ka tagay xaaskiisa Joyce Caprio, oo ay wada joogeen ku dhowaad 60 sano, shan carruur ah, iyo sagaal ubad ah oo uu awoowe u yahay.
Frank Caprio waxa lagu xusuusan doonaa garsoore aan caadi ahayn oo ka dhigay maxkamadda meel naxariis, cadaalad iyo bini’aadannimo lagu muujiyo.
Kenya oo qabatay saddex gaari oo siday sonkor iyo saliid si sharci darro ah looga keenay Soomaaliya
Hay’adda La-dagaallanka Badeecadaha Been-abuurka (ACA) ayaa qabatay saddex gaari xamuul ah oo siday sonkor iyo saliidda cuntada oo si sharci-darro ah looga soo gelinayey Soomaaliya gudaha Kenya, taasoo la sheegay inay dhirbaaxo weyn ku tahay shabakadaha ganacsiga sharci-darrada ah ee ka hawlgala xeebaha.
War-saxaafadeed lagu sii daayay Khamiis, 21-ka Agoosto, ACA ayaa xaqiijisay in hawlgalku lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay Kooxda Isku-dhafka Ah ee Amniga (Multi-Agency Team) oo ka howlgalaysay Malindi.
Intii lagu guda jiray hawlgalkan, waxaa la qabtay 676 kiish oo sonkor sharci darro ah oo lagusoo raray saddex gaari xamuul ah. Sidoo kale, siddeed eedeysane ayaa la xiray lana geeyay Saldhigga Booliska Malindi.
Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee ACA, Mbugua Njoroge, badeecadaha la qabtay oo qiimahoodu lagu qiyaasay ku dhawaad Ksh10 milyan ayaa khatar ku ahaa dhaqaalaha iyo amniga. Wuxuu xusay in badeecooyinka si qarsoodi ah loo soo geliyo ay dhaawacaan dakhliga dowladda, khatarna ku yihiin ganacsiyada sharciyeysan, isla markaana ay saldhig u noqon karaan dambiyada abaabulan iyo xitaa argagixisada.
"Qabashadan ma aha oo keliya sidii dadka looga ilaalin lahaa sonkor iyo saliid been-abuur ah oo waxyeello leh, balse waa tallaabo lagu difaacayo dhaqaalaha iyo amniga qaranka. Sonkorta been-abuurka ahi waxay dhaawacaysaa warshadaha sonkorta, taasoo saamayn taban ku yeelanaysa kumannaan beeraley iyo malaayiin qof oo noloshoodu ku xiran tahay qaybtaas," ayuu yiri.
Hay’adda ayaa sheegtay in badecoyinka sharci darrada ah ay ku kacaan Kenya celcelis ahaan Ksh153 bilyan sanadkii oo canshuur lumis ah, isla markaana sababaan in ka badan 40,000 oo shaqo la’aan ah.
Hal sano gudihiis oo keliya, ACA ayaa warisay inay qabatay badeecooyin sharci darro ah ah oo qiimahoodu ka badan yahay Ksh500 milyan, iyadoo in ka badan 120 eedeysane la xiray xiriir la leh ganacsigan sharci-darrada ah.
Madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in abaalmarinta nabadda adduunka la siiyo Trump
Madaxweynaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in uu codkiisa ku biirinayo ololaha ay madaxda qaarkood wadaan ee lagu doonayo in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, lagu guddoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda.
Waxa uu sheegay in Trump uu ku dhiirraday inuu hoos u eego qadiyadda Somaliland, taas oo madaxdii isaga ka horreysay aysan ku dhiirran, "Waxa kale oo badan u tari kari maayo, hase yeeshee aniguna waxaan ku dhiirranayaa in aan codkayga ku biiriyo si uu musharax uga noqdo abaalmarinta Nobel Peace Prize."
Madaxweynaha Maraykanka, oo dhawaan wax laga weydiiyay qadiyadda Somaliland, ayaa sheegay in uu hawshaasi ku jiro oo uu hoos u eegayo. Trump ayaa si weyn ugu hamuun qaba in uu helo abaalmarinta nabadda, wuxuuna aad ugu riyaaqaa cid kasta oo ku taageerta doonistiisa.
Trump waxa uu ku dooday inuu si buuxda ugu qalmo Nobel Peace Prize, isaga oo ku sababeeyay heshiisyo nabadeed oo uu sheegay in uu ka sameeyay Bariga Dhexe, sida joojinta dagaalkii 12-ka cisho ee Iran iyo Israa’iil iyo joojinta xiisaddii u dhexeysay Hindiya iyo Pakistan, taas oo uu sheegay in isagu sabab u ahaa.
Trump waxa uu yidhi: "Waxaan sameeyay heshiisyo nabadeed oo taariikhi ah, kuwaas oo aan cid kale samayn karin. Haddii qof kale waxa aan qabtay uu sameeyo, durba Nobel Peace Prize ayaa la siin lahaa, laakiin aniga sababtoo ah waxaan ahay Trump, ma i siinayaa."
Hadalkan ayaa muujinaya sida uu Trump ugu hamuun qabo abaalmarinta nabadda. Sidaas awgeed, hadalka kasoo baxay Madaxweyne Cirro waxa uu qayb ka yahay ololaha ay waddo xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiin Maraykan ah oo taageersan qadiyadda Somaliland, kaasi oo doonaya in lagu xaqiijiyo aqoonsiga Somaliland.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-08-25
.....