
Halkaan ka aqriso W.Wargeyska Mogtimes Daily Newspaper ee Maanta oo ah Isniin 18 August 2025
Ra’iis wasaare Xamsa oo furay Barnaamijka isla-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali -ya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay isla xisaabtanka iyo qiimey nta waxyaabihii ka qabsoomay Qorsha ha Xukuumadda DanQaran muddadii ay shaqeynaysay, kuwaas oo ku saley san baahida bulshada iyo horumarinta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in isla-xisaabtakani uu muujinayo ballan qaadkiisii ku aaddanaa dowlad wanaa -gga, waxa uuna xusay in saddexdii sa -no ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu xaqiijisay horumarro muuqda oo dhina -cyo badan leh.
"Waxaan rabnaa in aan iskula xisaab tanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaa gnay, caqabadaha yimid iyo waxa ina la gudboon, saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.”ayuu yiri Ra’iis -ul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaa gay shacabka Soomaaliyeed sida huf naanta iyo masuuliyadda leh ee Xukuu maddu ay mudnaanta u siisay ka sha qeynta fulintii barnaamijyadii hortabinta u lahaa, ee ku qotomay, horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-xoreynta, su gidda amniga, caddaaladda, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dha qaale, Soomaali heshiis la’ah dunida iyo Soomaali heshiis ah.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay waqtiga la qaban doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho
Guddoomiyaha guddiga madaxa ba -naan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah ee degm -ooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaan galiyay ku dha waad hal milyan oo ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona iney codeeyaan.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoomi -yaha guddiga doorashooyinka iyo Soo hdimaha Qaranka in shacabka reer Muqdisho ay dhawaan soo dooran doo naan golaha deegaanka iyo Duqa ma gaalada Muqdisho.
"30-ka bisha October 2025, shacabka Muqdisho waxay u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo Du -qa Magaalada Muqdisho, waxaan aad ugu faraxsanahay in tiro ku dhow hal milyan oo qof ay noo diiwaan-gashan yihiin, kuwaas oo liiskooda aan shaaci doono 27-ka bishaan” ayuu yiri gud doomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shee -gay in magaalooyinka Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta doorashada qof iyo codka ah, islamar kaana dhawaana la filayo in la soo ga -ba gabeeyo.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in dal ka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeeda mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo u arka ina -an xiligaan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah.
Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay
Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Gola -ha Wakiillada Dowlad Goboleedka Wa -qooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Gola ha Wakiillada Dowlad Goboleedka Wa qooyi Bari Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in kulankooda ugu horreeya in ay yeeshaan iyada oo Xil dhibaannada iska dhex dooranaya qof ka ugu da’da weyn si uu u shirguddoo miyo, kaddib waxaa la qaban-qaaban inayaa doorashada guddoonka sida qorshuhu yahay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah
Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda, kuwaas oo taageerayay hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan la filayo in dalka laga qabto.
Isu soo baxa ayaa waxaa ka qeybga lay mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir iyo shacabka ka kala yimid 20-ka degmo ee caasimadda, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageerada ay u hayaan doorashada golayaasha dee gaanka, si ay iyagu u soo doortaan cid da hoggaamineysa.
Qaar ka mid ah shacabka ka qeyb ga lay dibadbaxa ayaa la hadlay warbaahi -nta.
Caaqil Nuur oo ka mid ahaa dhalinya rada Muqdisho ayaa yiri:
"Dadka caawa isugu yimid Taleex wa xay muujinayaan shucuurtooda iyo si da ay ugu faraxsan yihiin doorashooyin ka qof iyo codka ah.”
Maama Suldaano oo sidoo kale goob ta joogtay ayaa tiri:
"Caawa Taleex waxaa joogay dad ka kala yimid 20-ka degmo ee Gobolka, qof iyo codkana shacabka caasimaddu waa u diyaar.”
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxa -med Axmed Diiriye (Yabooh), oo goob ta ka hadlay ayaa xusay in hal milyan oo shacab ah oo isdiiwaangeliyay ay ta hay guul weyn oo u soo hoyatay shaca -bka Soomaaliyeed.
"In hal milyan oo shacab ah ay is diiw -aangeliyaan waa guul ummadda u soo hoyatay,” ayuu yiri Yabooh.
Dhawaan ayaa la filayaa in ay qabsoo -nto doorashada golayaasha deegaan ka, taas oo noqon doonta markii ugu horraysay 56 sano kadib, ay shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay si toos ah ugu soo doortaan hoggaankooda
DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.
War ka soo baxay wasaarada Gaash -aandhiga Soomaaliya ayaa looga had lay howlgal qorsheysan oo ciidanka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobol -ka Bakool.
"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed (CXD), oo ku duulaya xog sir do -on iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen), Howl -galkan ayaana ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km wa -qooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.”Ayaa lagu yiri war ka.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi lagu daray "Dhagarqabaha la dilay oo koox da ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay Intii uu ka tirsanaa Alshabaab waxaa na uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galga duud, Baay, Bakool iyo Gedo.”
Horjoogahan la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) ayaa qoraalka lagu sheegay in horay uu u soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobol lada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,
Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaa raha xagjirka ah.
"Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbe -eyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qor sheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka, Dilkiisu ayaa na caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an ta hay ciribtirka kooxda Alshabaab, ilaalin ta nabadda, xasilloonida iyo horumar ka guud ee dalka.”
Qoraalka ayaa lagu soo gabagabee yay "Wasaaradda Gaashaandhiggu wa xay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameed sado horjoogeyaasha kooxda meelkas ta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaran ka.”
Xildhibaanada D/gobolleedka Waqooyi bari oo la dhaariyay
Waxaa magaalada Laascaanood Shahaadada Xildhibaannimo lagu gud -doonsiiyay Xubanaha Golaha Wakiilla -da Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Intaasi ka dib, Ku Simaha Guddoomi yaha Maxkmadda Sare Waqooyi Bari Mudane Maxamed Yuusuf Warsame ayaa si rasmi ah u dhaariyay Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Shirweynaha wadatashiga qaran ee tababaridda khubarada fidinta xanaanada xoolaha oo la daahfuray
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dal mar, ayaa shalay magaalada Muqdi -sho ka daahfuray shirweynaha wadata shiga qaran ee tababaridda khubarada fidinta xanaanada xoolaha.
Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa ka qey galaya agaasimeyaasha guud ee Wasaarada ha Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed ,Hir -shabelle, Galmudug Jubaland iyo Maa -mulka Waqooyi Bari, khubaro iyo dhammaan daneeyayaasha xoolaha.
Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada ay leedahay sare u qaadida wax soo saar ka Xoolaha, iyagoo is tusaaleeyay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi dhab ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka Xoolaha , oo kamida ilaha dhaqaale ee Dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Da lmar oo si rasmiya u furay shirka, ayaa xusay inay ka Wasaarad ahaan muhii -mad gaar ah ay siin doonaan awood siinta ururrada wax soo saarka xoola ha, xoojinta qaab dhismeedka bulsha da, kor u qaadista awoodda farsamada iyo dardargelinta isbeddelka Beeraha iyo Xoolaha, xoolaha, taas abuuri doon ta xalal waara iyo u adkaysi ay helaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soom -aliyeed.
Dowladda Fedaraalka oo diyaarisay nidaam casri ah oo looga hortagayo gaadiidka la baxsada Canshuurta
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in do wladda ay diyaarisay qorshe looga hor -tagayo gaadiidka la baxsada Canshuu -rta.
Wasiir Biixi ayaa sheegay in Wasaa -raddiisa ay keenay nidaam Kaamiroo yin casri oo soo qaban doona gaadiid ka aan bixin canshuurta, isagoona til maamay in nidaamkan uu qeyb weyn ka qaadan doono casriyeynta hay’ad daha dowladda Fedaraalka.
Wuxuu sidoo kale xusay wasiirka in magaalada Muqdisho ay ka howl ga laan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hayeshee kaliya ay diiwaan gashan yihiin 25 kun oo gaadiid.
"Waxaan soo wadna nidaam Kaami rooyinka magaalada ku xiran ay soo qaban doonaan gaariga aan canshuur -ta bixin ee la baxsada ” ayuu yiri Wasii -rka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Maa liyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay ku dadaaley so casriyeynta adeegyada bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa musuqa iyo isdaba marinta.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaarad da Maaliyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaa diidka inay si buuxda ula shaqee yaan nidaamka cusub, si looga wada faa’ii -daysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.
Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fe -deraalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaan ka saxiixa danabaysan ee maamulka lacag bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib munaasabad ballaa -ran oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda daah-furka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybga -lay mas’uuliyiin ka socday wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dowladeed. Adeegsiga hannaankan cusub ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ka dhigaysa nidaamka maamulka maaliyadda mid casri ah, hufan, isla markaana ka ma dax-bannaan buug iyo waraaqo badan.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hirgelinta saxiixa dhijitaalka ahi ay wax weyn ka tari doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, ayna dardar-gelin do -onto adeegyada dowladda ee la xiriira bixinta dhaqaalaha.
Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ku soo kordhaysa maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la filayo in ay fududeyso habraacyada la -cag-bixinta, isla markaana sare u qaad do hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka dowladeed.
Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wa -siir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow ayaa waxa ay kormeer ku ta geen xarunta Wasaaradda oo dhisme uu ku socdo.
Kormeerkaan aya ujeedkiisa ahaa si dii loo qiimeyn lahaa halka uu marayo dhismaha xarunta Wasaaradda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede -raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhagaxdhigay 15 -kii May 2025.
Dhismaha xarunta Wasaaradda oo meel fiican marayo ayaa la qorsheyna yaa in dhammaadka sanadkaan ay ku shaqeyso Wasaaradda.
50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuu -suf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sa gootiyey 50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka (Macawiisleey), kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaa -ray dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Qaar ka mid ah xubnaha Ciidamada Deegaanka ee shalay u safray magaal -ada Buuloburte ayaa Dowladda Fede raalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirsh -abeelle uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyey, iyagoo dib ugu laabtay furimaha dagaalka, dibna ula midoobay qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee tebinta Doorashooyinka
Aqoon isweydaarsigani oo ay si wada -jir ah u soo qaban qaabiyeeb Wasaa -radda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxii -ska ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle, oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNT -MIS oo ujeedkiisu yahay kor u qaadis ta fahamka suxufiyiinta ee tabinta doo rashooyinka si waafaqsan mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doo rashooyinka dalka waxaana ka qeyb galaya 20 wariyayaal oo ah oo ka kala socda qeybaha Warbaahinta magaala da Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka HirShabelle.
Cabdiraxmaan Xuseen Waddani Gud doomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobol -ka Shabeellaha Dhexe oo ku hadlay afka suxufiyiinta ayaa bogaadiyay taba barka tabinta doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanku galayo dooras hooyin.
Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaa finta XFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, oo ka hadlay furitaan ka tababarka ayaa xusay in tababar kan uu qeyb ka yahay dadaal ballaa ran oo lagu xoojinayo kaalinta warbaa hinta ee geeddi-socodka doorashooyin ka, isagoo tilmaamay in tababaro la mid ah horey loogu qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo furay tababarka, ayaa mahadceliyay Wasaaradda Warfaafin ta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada ay bixiyeen UNTMIS ee suurta gelisay qabsoomid da aqoon isweydaarsigan waxaana uu ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay dhaqan galiyaan waxa ka faa’Ii -daan tababarkani
Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah barnaamij qaran oo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaadato tabinta doorashooyin hufan si waafaqsan an shaxa iyo mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.
Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed
Hay’adda(VOS) ee fadhigeedu uu ya -hay gobolka Minnesota ee dalka Mare -ykanka, 15-kii sanno ee ugu dambee yey ka shaqeyneysay horumarinta iyo gacansiinta bulshada ayaa dabayaaq ada sannadkan 2025, waxay soo agaa -sintay barnaamijka loogu magacdaray dhiirigelin bulsho (SHA)- Somali Hero Awars.
Cali Gaashaan oo ah aas aasaha he -y’adda VOS ahna madaxweynaha Soo -maali Hero Awars ayaa wakaaladda warka soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay Soomaali hero astaan teedu tahay dhiirigelinta kuwa mudan.
Madashan maamuuska weyn leh wa xaa isugu imaan doono dhammaan Soomaalida ku nool daafaha caalamka gaar ahaana kuwa kuhowlan wax qaba -dka bulshadooda, iyadoona lagu xusi doono halyeeyadii qarankeena usoo halgamay.
Abaalmarinta ayaa waxaa lagu bixin doonaa qaab Online ah, barta somali -heroawrds.com ayey bulshada ugu soo dhiiban doonaan codkooda si ay usiiyaan qofka u qalma, madax iyo mar ti sharaf qiima leh oo kasocda Hay’ad da ayaa kamid ah dadka kasoo qeyb geli doona barnaamijka maamuuska halyeeyada.
Barnaamijka maamuuska haleyeeya da Soomaalida ayaa noqon doona mid la qaban doono sanadkii mar,iyadoo la dhiirigelin doono kuwa mudan ee guu -leystay.
Taiwan oo soo dhawaysay baaqii Senator Ted Cruz isla markaana sheegtay in anay Shiinaha ka tirsanayn
Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo baaqii Senator Ted Cruz, oo ah gud doomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka, oo ku taliyay in Washington ay aqoonsato madaxba -nnaanida Somaliland. Dhanka kalena waxay sheegtay in anay ahayn qayb kamid ah Shiinaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Tai -wan ay ku faraxsan tahay in Senator-ku uu muujiyo taageeradiisa ku aad dan aqoonsiga Somaliland, isaga oo til maamay in ay ku jirto danta qaranka Maraykanka. Sidoo kale, xafiisku waxa uu xusay in Taiwan ay horeba ula yeel atay wada-hadallo iyo is-faham la xidhi -idha arrintan dalal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin, ayna rajaynayso in taagee radaasi sii ballaadhato.
Taiwan waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu ku salaysan yahay qiyamka dimuq -raadiyadda ee ay wadagaan, isla mar kaana ay rajaynayso in ay taageero ka ga heli doonaan dunida.
Dhanka kale, Taiwan waxa ay sheeg tay in aan marna laga xukumin Beijing intii ay jirtay sidaa darteedna anay wax ba ka jirin sheegashada Shiinaha. "Shii naha iyo Taiwan midna midka kale ma xukumo, Shiinuhu waligii ma xukukim Taiwan hal ilbidhiqsi."
Shiinaha oo markale si deg deg ah uga soo jawaabay qoraalka Taiwan, ay aa sheegay in Beijing ay masuul ka ta hay Taiwan isla markaana ay tahay do wlada qudha ee sharciga ah, sidaas darteedna uu hadalka Taiwan yahay marin habaabin.
Sidoo kale, Xafiiska Somaliland ee Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay u liici doonin cadaadiska Shiina ha, isla markaana ay la shaqaynayso cidkasta oo ay isku fikiryihiin sida Mara ykanka iyo Taiwan.
Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac ah ayaa aad uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isla markaana waxay dadaal ku bixinayaan in anay helin aqoonsi, dhanka kale Tai -wan iyo Somaliland ayaa ku dadaa laya in ay samaystaan xidhiidho caala -mi ah.
Trump oo cadaadinaya Zelensky.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in diidmada Ruushka ee ah in la ogolaado xabbad joojinta ay adkeyneyso dadaallada la gu joojinayo dagaalka.
"Waxaan aragnaa in Ruushku uu dii -day baaqyo badan oo xabbad-joojin ah oo aannu weli go’aamin goorta uu joo jinayo dilka. Tani waxay sii adkeynay saa xaaladda,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter
Isniinta, hogaamiyaha Ukraine wuxuu u safri doonaa Washington DC, halkaa soo madaxweynaha Mareykanka Dona -ld Trump uu sheegay inuu ku boorin doono Zelensky inuu aqbalo heshiis nabadeed.
Trump ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka gudbo xabad joojinta Ukraine si uu si toos ah ugu gudbo heshiis na badeed oo joogto ah ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Kenya oo dalbatay in Beesha Caalamka ay gacan weyn ka geeysato Dagaalka lagula jiro Al shabaab
Dowladda Kenya ayaa daaha ka qaa -day baahida loo qabo taageero caala mi ah si loo xoojiyo dadaallada la-daga allanka argagixisada ee ka socda guda ha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diira -dda u saareysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la buuxiyo saldhigyadii ay ka baxeen qaar kamid ah Ciidama da Howlgalka Midowga Africa.
Taliska Ciidanka Difaaca Kenya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud, Ge -neral Charles Kahariri, ayaa toddobaa dkan la kulmay Taliyihii hore ee Talis ka Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM), General Michael Lang -ley, isagoo uga warramay walaaca Kenya ka qabto xaaladda amni ee Soo maaliya.
Bayaan kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in General Kahariri uu muuji -yey walaac xooggan oo ku saabsan hoos u dhaca tirada ciidamada Afrikaa nka ee jooga Soomaaliya, isagoo ka digay in arrintani ay halis gelin karto horumarkii laga gaaray xasilloonida dalkaasi.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dib u cusbooneysiiso taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda Soo -maaliya iyo dadaallada xasilinta Gees ka Afrika.
Si loo yareeyo khatarta ka dhalan kar ta ka bixitaanka ciidamada, Kahariri wu xuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Kenya ay la galeen Soomaaliya heshii -syo amni oo labo-geesood ah.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carab ka ku adkeeyay in heshiisyadaasi ay san noqon karin kuwo waara haddii aan la helin taageero caalami ah oo xooggan.
Kenya waxay si cad ugu dhawaaqday baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo ilaaliyo amniga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo Soomaaliya oo ah xuddunta khatarta argagixisada ee Geeska Afrika.
Israa'iil oo weerar duqeyn ah ku qaadday xaruumaha tamarta Yemen
Militariga Israa’iil ayaa shalay xaqiiji-yay in ay weerar duqeyn ah ku qaa deen xarun tamar oo ay isticmaala -yeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yem -en, maalmo kadib markii ay soo ridee -n gantaal laga soo tuuray dhanka Yemen.
Afhayeenka militariga Israa’iil, Avic -hay Adraee, ayaa sheegay in ciidama du ay "weerareen bartilmaameedyo argagixiso oo ku yaalla gudaha Yeme -n... iyaga oo beegsanaya kaabaya asha tamarta" ee ay leeyihiin Xuutiyiin ta, gaar ahaan meel u dhow caasimad da Sanca, oo ay maamulaan, isagoo aan cayimin goobta saxda ah ee ay beegsadeen.
Dhanka kale kanaalka Al-Masirah oo xiriir la leh Xuutiyiinta ayaa sheegay, isaga oo soo xiganaya Ilaalada Rayid ka, in "duqeyn ay geysteen Mareykan ka iyo Isra’iil lagu beegsaday xarunta korontada ee Haiz, oo ku taalla degma da Sanxaan ee koonfurta caasimadda Sanca."
Warbaahinta maxalliga ah ayaa shee -gtay in ay halkaasi ka dhaceen qarax yo waaweyn, taasoo sababtay in ma -tooradii korontada ay istaagaan.
Mareykanka oo joojiyay fiisooyinka dadka caafimaad ahaan ugasoo safra Gaza
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso dhammaan fiisooyinka dalxiiska ee dadka Gaza.
Joojinta Fiisooyinka ayaa qeyb ka ah "dib u eegis buuxda oo dhamaystiran oo lagu sameynayo nidaamka iyo hababka loo isticmaalay in lagu soo saaro tiro yar oo fiisooyin caa fimaad iyo kuwa bini'aadanimo maalmihii la soo dhaafay,"
Go'aankaas waxa acambaareeyy qaar ka mid ah koxaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin.
Hya'adda Gargaarka Caruurta ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go'aanku "uu saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin ku yeelan doona awoodeena."
Isbedelka siyaasadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa yimid ka dib markii u dhaqdhaqaaqaha caanka ah ee warbaahinta bulshada Laura Lummer ay dhaleeceysay barnaamijka fiisaha ,waxayna barta X si isdaba joog ah ugu baaqday maamulka Trump inuu " xiro waxan fadeexada ah."
Laura Lummer ayaa muujisay sida ay u taageersan tahay go'aanka AX ee Sabtidii ka dib markii la sii daayay bayaan lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay hakisay fiisaha dalxiiska ee safarrada caafimaadka ee Gaza.
Hay'adda Gargaarka Carruurta ee Falastiiniyiinta (PSO) ayaa 169 carruur ah ka daadgureysay Gaza, waxayna gey say Bariga Dhexe, Yurub, Koonfur Afrika iyo Mareykanka si loogu daweeyo dibadda.
Dagaalka Gaza ayaa socday muddo labo sano iyo bar ah tan iyo weerarkii lama filaanka ahaa ee 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa'iil.
Dagaalka ayaa burburiyay dhammaan kaabayaashii caafim aadka ee Gaza, iyadoo dadka reer Gazana ay soo food saar tay cunto yari daran.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa ku eedee yay Israa'iil inay xirtay marinadii gargaarka.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya Israa'iil inay ka horjoogsatay Hayadaha Safamalka in ay gaaraan gu -ud ahaan Gaza ama qayb ka mid ah tan iyo bishii Maarso.
Israa'iil ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee ugahor istaagtay inuu gargaarku soo galo Qaza ay tahay in ay ka hortagto in gargaarku uu gaaro Xamaas.
Hay'adda Qaramada Midoobay ay hogaamiso, hay'adaha samafalka iyo saxafiyiinta ayaa marar badan ka digay abaar ta Gaza.
Dabayaaqadii bishii Luulyo, BBC waxay ku biirtay AFP, AP iyo Reuters bayaan ay si wadajir ah u soo saareen oo ay ka ga digayaan walaaca ay ka qabaan abaarta ku soo wajahan Gaza.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay isla bishaas in run tii macluul daran ay ka jirto Gaza, balse ma uusan joojin taa -geerada uu u muujinayo dowladda Israa'iil.
Marinka Gaza, ku dhawaad saddexdii qofba mid ayaa maal -mo ah cunto la'aan, sdia ay ka digtay hay'adda cunnada ad -duunka ee WFP.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa shee -gay in xaalad sidaas ah aysan ka jirin Gaza.
Laakiin madaxa bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa sheegay in loo baahan yahay cunto "ba dan" si loo joojiyo gaajada.
Mid ka mid ah shantii carruur ah ee ku nool Gaza ayey hay sataa nafaqo darro iyadoo tirada dhibanayaashu ay sii kor -dhayaan maalin kasta, sida ay sheegtay hay'adda Qarama -da Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Shacabka Israa'iil oo ka bannaanbaxaya qorshaha Israa'iil ku dooneyso in ay ku qabsato Qasa
Israa’iil gudaheeda, shaqo joojin guud oo hal maalin ah ay -aa la filayaa in la qabto shalay oo Axadd ah, si looga mudaa haraado qorshaha dowladda ee ah in la qabsado magaalada Qasa.
Qoysaska dadka la haysto iyo dad kale ayaa codsaday sha qo joojinta, iyaga oo sheegaya in fidinta da gaalka ay khatar weyn gelinayso nolosha Isra -a’iiliyiinta ay Xamaas hayso.
Arrintani waxay imaa neysaa toddobaad ka dib markii golaha daga-alka ee Israa’iil uu u codeeyay in la qabsado magaalada Qa sa, oo ah magaalada ugu weyn dhulkaas iyo in dadka hal kaas ku nool la barakiciyo, tallaabadaas oo Golaha Amaan ka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay.
"Si loo diyaariyo in shacabka laga raro goobaha dagaalka looguna raro koonfurta Marinka Qasa ayaa dib loo bilaabi doonaa keenista teendhooyinka iyo qalab hoy u noqon kara shacabka Qasa,” ayay tiri hay’adda milateriga Israa’iil ee CO -GAT.
Afhayeen u hadlay maamulka magaalada Qasa ayaa shee -gay in barakac ballaaran uu mar hore ka bilowday xaafadda Zaytuun, kadib lix maalmood oo duqeymo cirka ah, ma daafiic iyo burburin joogto ah oo Israa’iil ka geysatay halkaas.
Shacabka Qasa oo ka cararaya weerarrada milatariga Israa'iil ee Qasa
Kumanaan qof oo degan Koonfurta xaafadda Zaytuun ee magaalada Qasa ayaa ka cararaya, halkaas oo duqeymo joogto ah oo Israa’iil ay maalmo ka waday ay ka abuureen xaalad "musiibo ah", sida ay BBC-da u sheegeen maamulka magaalada Qasa ee ay maamusho Xamaas.
Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay weerarro Is -raa’iil ka gey satay guud ahaan dhulka Qasa Sa -btidii, sida ay sheegtay hay’adda gurmadka degdegga ah ee Qasa.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in mar kale ay oggolaan doonaan in teendhooyin ay hay’adaha gargaarku keenaan gudaha Qasa. Israa’iil waxay qorsheyneysaa in si qasab ah hal milyan oo qof looga raro magaalada Qasa loona raro xer -yo ku yaalla koonfurta.
Ugu yaraan 1.9 milyan oo qof oo ku sugan Qasa – ama ku dhowaad 90 boqolkiiba dadweynaha – ayaa barakacay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Halkaan ka aqriso W.Wargeyska Mogtimes Daily Newspaper ee Maanta oo ah Isniin 18 August 2025
.