
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-08-25
Madaxweynaha Soomaaliya oo Tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Pakistan kadib Fatahaado dhimasho iyo burbur baahsan ka geystay dalkaasi
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Pakistan, kadib fatahaado ba’an oo dalkaas ku dhuftay, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 300 qof iyo burbur xooggan oo baaxad leh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xun yihiin khasaarihii nafeed iyo burburka hantiyeed ee ka dhashay roobabka daadadka wata ee ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan Pakistan, gaar ahaan gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
"Waxaan si qoto dheer uga tiiraanyeysa-nahay khasaaraha nafeed iyo burburka ka dhashay fatahaadihii ka dhacay Pakistan, Dhammaan ducooyinkeenna iyo taageeradayadu waxay la jirtaa dowladda iyo shacabka Pakistan xilligan adag,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay garab taagan tahay Pakistan, xilli ay wajahayaan masiibo dabiici ah oo ay sababeen isbeddelada cimilada.
Fatahaadaha ayaa yimid kadib roobab mahiigaan ah oo ay la socdaan daadad degdeg ah, kuwaas oo sababay dhul-gariirro, dumista dhismayaal, iyo in ay go’doon noqdaan tuulooyin badan.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa ku howlan bixinta gargaar, iyadoo saraakiisha cimilada ay ka digeen roobab dheeraad ah oo soo socda.
Saynisyahannada cimilada ayaa tilmaamay in kuleylka adduunka uu kordhiyay roobabka mahiigaanka ah, taas o sii xoojisay saamenta fatahadaha, Pakistan oo horey u wajahday fatahaado ba’an sanadkii 2022, ayaa weli ka mid ah dalalka ugu nugul ee uu saameeyo isbeddelka cimilada.
Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasarada, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa shalay kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Gudoo-miyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaarada Gaashaandhiga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaanada ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaa-leysanayaan.
Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shalay xarunta Wasaarada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Wafdiga, oo ay qayb ka ahayen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasada dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku xoreyneyso deegaanada ay ku dhaamaaleysanayaan Al-shabaab, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.
Shacabka Gobolka Banaadir oo diyaar u ah Doorasho qof iyo cod ah
Gudoomiyaha Guddiga Doorashoyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwan-gelintii codbixiyasha doora-shoyinka ee ka socotay degmooyinka gobolka Banaadir.
Wuxuu guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in ay kaarka codeynta qaateen ku dhawaad hal Milyan oo qof.
Daraad oo taariikhdu ahayd 15/8/2025, waxaa soo xirmay feeding dheeraa ee aan u soo galnay inaan bilaawno diiwaangelinta dadweynaha gobolka Banaadir ee dioramas soo socota ee golaha deegaanka, hadafkeennu wuxuu ahaa in siddeed boqol iyo labo iyo toban kun oo qof aan diiwaangelino, waxaa aad war loogu Farxo ah in dad ku dhow Hal Milyan oo dad ah shalay diiwaangashan yihiin,’’.
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in shacabka gobolka Banaadir diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan hogaamiyahooda.
Waxaa si aad ah dalka kaga socda dhaqdhaqaqa diiwaangelinta codbixiy-aasha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Haya’adda Socdaalka iyo Booliiska Caalamiga ah ee Interpol oo heshiis caalami ah kala saxeexday
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqangelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.
Heshiiskan ayaa waxaa u kala saxiixay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliyed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, labada dhinac ayaana si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga labada hay’adood iyo wada shaqeynta lagu xaqiijinayo sugidda xududaha dalka, ladagallanka dambiyada abaabulan, iyo ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah.
Gudidda Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Afgooye ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha
Guddiga Madaxa Bannaan ee Dorashoyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa shalay si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Afgooye ayaa si rasmi ah Degmada ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowlad goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada reer Afgooye ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtan codkoda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.
NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal al-shabaab ah
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Al-shabaab ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.
Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Al-shabaab, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.
Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleshiyad qorshenayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Al-shabaab ah.
Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Al-shabaab si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.
Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah diyaarad aan duuliye laheyn oo kormeereysa xeebaha Badeed ka shaqayneysa, taasoo dib u soo nooleyneysa Tiknolajiyada caalamka gaar ahaan saameynta garabka-gudaha ee Cold War–ka ama dagaalka qaboow ama dagaalka casriga ah ee Badda, waana diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha laheyn ee u gaar ah howlaha Badda, islamarkaana uu soo saaro dalka turkiye.
Diyaaraddaan Qaab sameyskeeda ayaa ah inay Baalka laalaabi karto, waxaana loogu talagalay howlgallada Badda iyo Xeebaha oo ay ku jiraan weerarrada, ilaalinta, iyo sahanka, iyadoo ku duuleysaa joog hoose 3 mitir (9.8 cagood) oo ka sarreysa Biyaha, waxayna hoos ugu dhici kartaa 30 sentimitir (1 cagood), si looga fogaado in uu ogaado Raadarka.
TALAY waxa ay ku duuli kartaa xawaare dhan 124 mph (200 km/h) saacadiiba, waxayna shaqeyn kartaa ama hawada ku jiri kartaa ilaa seddex saacadood, waxayna qaadi kartaa culeys dhan 66 rodol ama (30 kg) oo Hub ah.
Wejiga labaad ee Barnaamujka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho
Degmada Dharkenlay e gobolka Banadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Somaliyed kulankan ayaa waxa so Qaban qabiyey Hogaanka Xiriirka Bulshada ee ciidanka Booliiska oo ay Hoggaaminaysay Taliyaha Hoggaanka Gaashaanle Qaali Axmad Caddaan.
Kulanka ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Haya’addaha Amniga iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoo looga hadlay kulanka kor u qaadida Wacyiga Bulshada iyo kaalinta ay ka geysan karaan la dagaalanka Amni daradda,
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo goobta ka hadlay ayaa yiri "Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Dhiirigelintooda Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Wuxuu u Arkaa In ay muhiim u tahay Amniga iyo wax ka qabashadiisa ".
Waxa sidoo kale isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Dharkenlay mudane Cumar Meyre oo xusay in Degmadu tahay mid aad u degan xagga Amniga Shacabka iyo Ciidankuna iska kaashadaan wax ka qabashada Amniga isagoo u mahadceliyey dhamaan laamaha Amniga "dhamaan laamaha amniga waa u mahadcelinaynaa laakiin Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Kaalinta Koowaad ayuu Noogu jiraa "ayuu yiri guddoomiye Cumar.
Kulankan ayaa qabsoomidiisa waxa door weyn ka qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha iyo maamulka Qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyadoo kulan kani yahay mid soconaya oo lagu wada qaban doono dhamaan Degmooyinka gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya oo Casriyeeysay Hannaanka Canshuur Uruurinta Gaadiidka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in Wasaaraddu hirgalisay nidaam casri ah oo ku shaqeynaya kaamirooyin dijitaal ah, kuwaas oo lagu ogaan doono gaadiidka aan bixin canshuuraha dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka iyo ka hortagga gaadiidka ka dhuunta bixinta canshuurta.
Wasiirku wuxuu xusay in magaalada Muqdisho ay ka howlgalaan in ka badan 60 kun oo gaadiid ah, hase yeeshee ay 25 kun oo kaliya yihiin kuwa sida rasmi ah uga diiwaangashan wasaaradda.
Tani waxay ka dhigan tahay in 50% inkabadan badan oo gaadiid ahi aysan ku jirin nidaamka canshuur bixinta, taas oo wiiqaysa dakhliga dowladd.
Nidaamkan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo gaadiidka aan bixin canshuurta, in si casri ah loo diiwaangeliyo dhammaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada iyo in la kordhiyo dakhliga dowladda ee laga helo canshuuraha gaadiidka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu baaqay shacabka iyo darawallada gaadiidka inay si buuxda ula shaqeeyaan nidaamka cusub, si looga wada faa’iidaysto adeegyada dowladda oo ku tiirsan canshuuraha shacabka.
Dowladda Fedaraalka oo mamnuucday in hubka lagu dhex qaato magaalada Garbahaarey
Taliska guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay gobolka Gedo ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu xoojinaayo amniga guud ee magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo.
Amarkaan kasoo baxay taliska ayaa ah in ciidamada Militariga Soomaaliya laga mamnuucay iney hubkooda la dhex galaan gudaha Magaalada Garbahaarey xiliyada fasaxa ay yihiin ama danaha gaarka ah ka leeyihiin Magaalada.
Waxaa sidoo kale laga mamnuucay ciidanka iney ridaan rasaas, iyadoo askarigii qaadan waaya amarkaana la sheegay in la horgeynayn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.
Taliyaha guutada 10aad ee ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax ayaa amarkaan siiyay ciidamo isugu jiray kuwo cusub oo dhawaan tababar la siiyay iyo askar horay uga soo shaqeeyay Garbahaarey.
"Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taasoo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhawaan geeriyootay haweeney kadib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.” Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hubka iyo rasaasta dowladda ay kasoo bixiso lacag badan sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in si bilaa micno ah loo adeegsado ama loo rido rasaasta.
Amarkaan kasoo baxay Taliska guutada Q0-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ay si weyn ugu howlan yihiin xaqiijinta amniga guud ee gobolka Gedo, maadama xiisad dagaal ay kala dhaxeyso maamulka Jubbaland.
Itoobiya oo sheegtay in safarkeeda raadinta marin badeedka uu marayo meel muhiim ah
Wasiirka Adeegyada Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya, Dr. Legesse Tulu, ayaa sheegay in socdaalka Itoobiya ee ku wajahan Badda Cas uu marayo meel muhiim ah, isagoo ku baaqay in warbaahinta iyo baraha dhijitaalka ahi ay door weyn ka qaataan difaaca sawirka dalka iyo burburinta propaganda lagu beegsanayo Itoobiya.
Hadalka Legesse ayaa yimid xafladda daah-furka barnaamijka moobilka ee EBC oo ka dhacay Arbacadii magaalada Addis Ababa. Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhaqaalaha Itoobiya uu koray xawaare sare toddobadii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladdu ay xoogga saartay kobcinta hantida dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu uga digay bulshada in sawirka wanagsan ee Itoobiya iyo horumarka gudaha lagu wiiqayo warar si ula kac ah loo sameeyay oo ka imaanaya ilo kala duwan.
Wuxuu tilmaamay in arrintani aysan ahayn mid sahlan, balse ay tahay olole ballaaran oo lagu tilmaami karo dagaal afkaar ah, kaas oo uu sheegay inay hurinayaan cadowgii taariikhiga ahaa ee Itoobiya iyadoo gacan laga helayo xulufo gudaha ah.
Legesse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in "maalmo kooban ay ka harsan yihiin dhameystirka mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD)" – oo ah mashruuca ugu weyn ee Afrika – isla markaana socdaalka Itoobiya ee ku wajahan Badda Cas uu marayo heer muhiim ah.
Hadalka Legesse ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddadii u dambaysay ay xoog badan yeesheen doodaha ku saabsan damaca Itoobiya ee marin-badeedka, gaar ahaan Badda Cas. Dowladda Itoobiya ayaa hore u sheegtay in aysan ka maarmin inay hesho marin badeed rasmi ah, taas oo dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo gobolka ka taagan, gaar ahaan xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya iyo Eritrea.
Xubno ka tirsan al-shabaab oo isu soo dhiibay dowladda
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Konfur Galbed aya magalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.
Dhammaan isa soo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay si gaar ah uga tirsanaayeen kooxaha ay Al-shabaab ugu yeeraan Jabhadaha, waxaana ku adkaatay nolosha adag ee cadowga duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka.
Shiinaha oo ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, difaacayna midnimada Soomaaliya
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu "aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Somalia, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya.
Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin siyaasadeed ah oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ay kula dhaqmaan dadka Soomaalida.
Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ayaa xusay in ay muhiimtahay ilaalinta madax-banaanida Soomaalia, iyo aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, kuwaasi oo ay ku sheegtay mabaadi’ ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Waxay carrabka ku adkaysay in Shiinuhu aanu marnaba faragelin arrimaha gudaha ee waddamada kale, isla markaana aanu aqbalaynin in cid kale ay farageliso arrimihiisa gudaha.
Sidoo kale, safaaraddu waxay ku celisay mowqifka Shiinaha ee qadiyada Taiwan, iyada oo ku tilshalayy qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, taas oo ah taariikh iyo xaqiiqo aan muran lahayn. Waxay si adag uga soo horjeesatay gooni-isu-taaga Taiwan iyo faragelinta kasta oo shisheeye, iyadoo sheegtay in Shiinahu uu xaq sharci ah u leeyahay qaadashada tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanida qarankiisa iyo midnimada dhulkiisa.
Senatar Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamka ee Senate-ka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, sida ku cad warqad uu u gudbiyay Khamiistii (14-kii Agoosto).
Warqadda Cruz ayaa sheegaysa in "Somaliland ay noqotay xulufo muhiim u ah ee amniga iyo diblomaasiyadda Maraykanka,” iyadoo lagu xusay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee xeebaha Gacanka Cadmeed, kaalinta ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay horumarisay - oo ay ka mid yihiin martigelinta xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa, in ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Israa'iil, iyo taageero u muujisay heshiisyada Abraham Accords.
Cruz ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay cadaadis sii kordhaya kala kulmeyso cadawyo ay ka mid yihiin Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo uu ku eedeeyay in uu adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu Somaliland ugu ciqaabo taageerada ay u fidisay Taiwan iyo la safashada ay la safatay reer Galbeedka.
Waxa uu ku dooday in aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland uu suurto-gelin doono iskaashi ciidan oo ballaadhan, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyo u adeegista yoolalka amniga guud ee Geeska Afrika.
Somaliland ayaa aad usoo dhawaysay codsiga Cruz uu u diray Trump, halka dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono in dhaawac soo gaadho ama uu xagal daaco dagalaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.
Maxaa ka soo kordhay kulankii Trump iyo Putin?
Madaxweyneyaasha Mareykanka, Donald Trump iyo Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan taariikhi ah ku yeeshay Magaalada Anchorage ee Gobolka Alaska, iyagoo ka wada hadlaya, sidii xabad joojin looga samayn lahaa dalka Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcihii dhiggiisa Ruushka ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ted Stevens Anchorage, ka hor inta aysan kulankoodan ku yeelan Saldhigga Militariga ee Elmendorf-Richardson.
Kulanka taariikhiga ah ee Alaska ayaa la soo geba-gabeeyay, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin dagaalka Ruushka iyo Ukraine, balse uu jiro horumar ay madaxdu ka sameeyeen wada hadalkooda.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa socday ku dhawaad saddex saacadood, waxaana horey looga reebay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waana xilli Zelensky uu ka digay in go’aan kasta oo la gaaro la’aantood uu noqon doono mid macno la’aan ah.
Labada hoggaamiye ayaa waxay sheegeen in ay horumar ka sameeyeen soo afjaridda dagaalka, iyadoona Madaxweynaha Mareykanka uu kulanka ku tilmaamay mid aad faa’iido u leh.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay jiraan qodobo is faham laga gaaray, haddana ay jiraan qodobo ay ku dhegan tahay Moscow, si gaar ah hal qodob oo fure u ah in la dhameeyo dagaalka Ukraine.
"Ma jiro wax heshiis ah, illaa heshiis la gaaro.” Ayuu Madaxweyne Trump ka sheegay shir jaraa’id oo geba-gabo u ahaa wada hadalkooda, kaas oo ay qayb ka ahaayeen masuuliyiin ka mid ah labada dal.
Trump ayaa sheegaya in uu u yeeri doono Saraakiisha NATO iyo Hoggaamiyaha Ukraine, si uu uga la hadlo nuxurka wada hadalkan.
Putin oo hadlayay ka hor Trump ayaa sheegay in uu jiro isu soo dhawaansho, isla-markaana uu labada dalba macno u leeyahay kulanka Alaska.
"Waxaa macno sameynaysa inaan halkan ku kulanay, sababtoo ah dalalkeena inkastoo ay bad kala qaybiso, haddana waa deris aad isugu dhow.” Ayuu yiri Putin.
Putin ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa ay ka go’an tahay in la joojiyo dagaalka, laakiin loo baahan yahay in meesha laga saaro sababaha aasaasiga ah ee keenaya isku dhacyada, si heshiiska uu u noqdo mid waara.
Putin ayaa sidoo kale waxa uu Ukraine iyo xulafadeeda Yurub uga digay inay carqaladeeyaan dadaalada nabadda iyo isku day kasta oo daandaansi ah amaba lagu wiiqayo horumarka curdunka ah.
Trump ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Wasiirka Maaliyadda, Scott Bessent, Wasiirka Difaaca, Pete Hegseth iyo Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff.
Putin ayaa waxaa isna ku wehlinayay masuuliyiin laga xusi karo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov, Kaaliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Yuri Ushakov, Wasiirka Gaashaandhiga, Andrey Belousov iyo Wasiirka Maaliyadda, Anton Siluanov.
Kulankan oo ahaa mid si weyn ay dunida oo dhan isha ugu haysay ayaa abuuray rajo ah in nabad lagu soo dabaali karo dagaalka sanadkiisii afaraad ka socdo Ukraine.
Trump ayaa mar sii horreysay kulankan ku tilmaamay mid noqon kara jaantii lagu gaari lahaa jidka wada hadal saddex geesood ah oo Zelensky uu qayb ka yahay.
Trump ayay muhiim u tahay in xal loo helo colaadda Ukraine, taasoo ah mid ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu ku ololeynayay ololihiisii dib u doorashada ee xilka madaxtinimada Mareykanka.
Ehelka Gabdho walaala ah oo ku geeriyooday magaalada Mombasa oo ka hadlay sidii ay wax u dhaceen
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso kadib markii maalmo ka hor xeebta Nyali ee magalaada Mombasa ay ku geriyoodeen laba gabdhood oo walaalo ahaa oo halkaas fasax ku joogay kuwaas oo doonayay in waqti qurux badan kula soo qaataan qoyskooda halkaas balse ay tii Alle u timid.
Masiibada ayaa d hacday kadib markii gabdhaha walaalaha ah ay ku geeriyoodeen barkadda dabaasha ee ku taal guryo firaashan oo dalxiis ahaan loo dego oo ku yaal Niyali, Mombasa.
Labada gabdhood ee geeriyooday ayaa kala ahaa Caa'isha Mohamed oo 13 jir ah iyo Hamdi Mohamed oo 9 jir ahayd kuwaas oo ka yimid magalaada Nairobi, doonayeyna in ay fasax qurux badan ku qaataan magalaada Mombasa maadaama ay ku jireen fasaxii iksuulka.
Cabdulqaadir Deeqoow Xuseen oo ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee deggan magalaada Mombasa, xigta dhawna la ah qoyska ay masiibadu ku dhacday ayaa BBCda uga warramay sida ay wax u dhaceen Xigashada Sawirka, Cabdulqaadir Deeqow
Cabdulqaadir Deeqoow Xuseen oo ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee deggan magalaada Mombasa, xigta dhawna la ah qoyska ay masiibadu ku dhacday ayaa BBCda uga warramay sida ay wax u dhaceen '' Aabaha iyo qoyskiisu waxa ay fasax ku yimaadeen dhinaca Mombasa maadaama ay iskuuladu xiranyihiin „ ayuu sheegay Cabdulqaadir oo intaas ku daray in qoysku ay ka yimaadeen magalaada Nairobi.
Aabaha ciyaalkiisa ayaa ka codsaday in uu fasax u wado, si qaas ahna waxaa uga codsaday mid ka mid ah gabdhaha geeriyootay sida uu Cabdulqaadir u sheegay BBCda.
Qoyska ayaa tareen kasoo raacay magaalada Nairobi iyagoo soo gaaray magaalaad Mombasa halkas oo ay habeenkii guri ka mid ah guryaha firaashan ee kirada ah ay degeen gaar ahaan oo ku yaal Niyali, magalada Mombasa.
Caruurta ayaa ku geeriyooday qaab dayacaad ah ka dib iyagoo markii uu waagu beryay hoos usoo dhaadhacay si ay ugu dabaashaan barkadda dabaasha. Cabdulqaadir waxa uu sheegay in barkadda dabaasha aan si wanaagsna loo callaamdeeyn lambaradeeda sida qeybaha ciyaalka iyo kuwa dadka waaweeyn islamarkaasna aanu halkaasi joogin qof ilaaliya oo hubiya qofka dabaalanaya inuu dabaal yaqaan iyo in kale „ Gargaarka degdegga ah goobta ma joogin si ay dadka u caawiyaan marka uu dhib dhaco „ ayuu sheegay Cabdulqaadir.
Caruurta ayaa dabaasha ka bilaabay meesha dadka waaweyn oo ahayd meel mool ah oo gaareysay ilaa iyo 7 mitir.
Cabdulqaadir Deeqow waxa u sheegay in Jaalliyada iyo booliskuba ay yimaadeen goobta uu shilku ka dhacay halkaasna ay ka fureen gal dacwadeed kaas oo lagu qoray qaabka ay u dhinteen gabdhuhu, iyadoo saxafiyiintuna ay halkaas yimaadeen. ''waxa aan xaqiiqsanay in halkaas uu Ka dhacay tacadi oo uu qof shaqadiisii iyo waajibaadkiis ka seexday" ayuu yiri Cabdulqaadir.
Ma jirta cid loo xiray falkaasi dhimashada ah ilaa iyo hadda sida u Cabdulqaadir u sheegay BBCda, laakin waxa uu xaqiijiyay in gal dacwadeed la furay.
Cabdulqaadir oo sheegay in arintani anaay ahayn mi curad ah ayaa ka codsaday maamulka gobolka in guryaha la baaro marka la dhisayo oo l a hubiyo badqabkooda „ Sanadkii lasoo dhaafay gabar ayaa ku dhimatay shil noocaan oo kale ah" ayuu yiri Cabdulqaadir
Mar aan wax ka weeydiinay Cabdulqaadir sida u yahay dareenka waalidiintii dhalay gabadhaha walalaaha ah ee geeriyooday waxa uu sheegay in hooyada laga waayay hadal aan ahay Alxamdulillahi, (Ilaah ayaa mahadsan) halka aabahu uu hadli kari waayey. „ Aabuhu waa nin aan saaxibo nahay oo aan xigtana nahay laakin hadal ma laha" ayuu yiri Cabdulqaadir oo intaas ku daray in qoysku ay ahaayeen dad murugeeysan oo farxaddii iyo fasaxii ay ku yimaadeen Mombasa ay isku bedesahy geeri iyo murugo.
Caruurta ayaa lagu aasay magalaada Mombas iyadoo aaskooda ay kasoo qeeybgaleen Soomaalida iyo muslimiinta ku dhaqan Mombasa intaba kuwaas oo si wanaagsna ugasoo qeybgalay aask caruurtaas.
Cabdulqaadir aya ugu baaqay waalidiinta caruurtooda u wada dalxiiska in ay caruurtooda u foojignaadaan oo goobta ay degayaanna iska hubiyaan sida barkadda dabaashu in ay wanaagsantahy, korontada iyo weliba deriska ay la degayaan.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 17-08-25
......