halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-08-25

0
Saturday August 16, 2025 - 09:45:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 16-08-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukumada Jamhu-uriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay yeeshay kulankodii todobadlaha ahaa kaas oo lagu ansixiyey hindise sharciyeed la xiriiray dhanka macdanta iyo qodob kale oo khuseeyay Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaa kaloo looga hadlay xoojinta amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab.

Golaha wasiirada waxaa intii uu socday shirkoodii caadiga ahaa ay bogaadiyeen guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Al-shabaab ee looga sifeynayo dalka,iyadoo dhanka kalena qodobada shalay la ansixiyay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shalay ka qeyb galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025 oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaareysa 41,076, oo wax ka barta Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa u hambal-yeeyay dhammaan ardaydii ka gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir, gaar ahaan gabdhaha ku guulestay kaalimaha ugu horreeya ee najiitada imtixaanka oo kala ah;

Kaalinta 1-aad: Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax ka barata Dugsiga Amiir Nuur ee Degmada Warta Nabadda.

Kaalinta 2-aad: Sahro Axmed Cali Maxamed oo wax ka barata Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley.

Kaalinta 3-aad: Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax ka barata Dugsiga Imamu Zaylici ee Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo u diray walidiinta, macalimiinta iyo Agaasinka Waxbarashada, asigoona u mahadceliyay hey’addaha amniga iyo cid weliba oo ka qeyb qaadatay in Imtixaanka shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025 si guul ah uu kusoo dhammaado.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) aya hosta ka xariiqay inay ka go’an tahay tayeynta Waxbarashada, hormarinta iyo kordhinta xarumaha Waxbarashada, si ubadka ku nool Gobolka Banaadir ay u helaan waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah.

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo diiradda la saaray:

– Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

– Fududeynta socdaalka iyo fiiseyaasha muwaadiniinta labada dal.

– La-dagaallanka tacaddiyada lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

– Taageeridda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ramaphosa martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamud Macalin, aya shalay shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo ka socday shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada waaweyn ee dalka, si looga wada hadlo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu ku saameysay ee ku nool Gobolka Awdal.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA, ayaa looga gol lahaa dardargelinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha kala duwan ee dalka, si loo xoojiyo taageerada bani’aadannimo ee dadka ku nool deegaanada ay abaartu saameysay.

Intii kulanku socday, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda adag ee ka jirta Gobolka Awdal, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka ay horey u diyaarisay lacag dhan $700,000 oo loogu talagalay gurmadka bini’aadannimo ee gobolkaas. Wuxuu ganacsatada dalka ugu baaqay inay bixiyaan deeq dhaqaale oo la mid ah tii dowladda, si wadajir loogu caawiyo dadka abaarta ku dhibban.

Culimada ka qeyb gashay kulanka ayaa ku boorisay ganacsatada inay midoobaan, ayna qaataan kaalintooda samafalka, iyagoo xusuusiyay in taageeradaasi ay tahay waajib diini ah iyo mid bani’aadamnimo.

Ganacsatada iyo culimada ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan gurmadka, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta hay’adda SoDMA si loo helo xal waara oo wax looga qaban karo saameynta abaarta. Sidoo kale, Ganacsatadu waxay codsadeen in loo qabto kulan kale oo looga hadlo tallaabooyinka xiga iyo sida dhaqaale dheeraad ah loogu ururin karo dadka gobolkaas ku dhibaateysan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee SoDMA ay ugu jirto ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan xaaladda abaareed ee hadda ka taagan Gobolka Awdal.

dhaqaalaha dadka iyo dalka.

Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaataywafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada hormarka garsoorka, isdhaafsiga taloyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .

Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.

Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.

Danjire Hodan Cusmaan oo daahfurtay kulan aqoon-kororsi ah oo loo qabtay shaqaalaha madaxtooyada

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusman Cabdi ayaa shalay daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaraha e Jamhur-iyada Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), iyadoo diiradda lagu saarayo maamulka, hogaaminta iyo hanaanka dawladnimada casriga ah.

Aqoon-isweydaarsigaan waxa uu salka ku hayaa istaraatiijiyad lagu doonayo in laga faa’iideysto khibradda qoto-dheer ee uu Shiinuhu ku kasbaday dib-u-habaynta dowladnimada, furfurnaanta dhaqaale iyo istaratiijiyadaha hormarined ee guuleystay.

Ujeedka kulanka waa in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku arkaan, ku falanqeeyan, kuna qiimeeyan hababka lagu gaaro horumar joogto ah oo ku dhisan qorshe qaran, hufnaan iyo adeeg dadweyne oo tayo leh, si ay fikradahaasi ugu tarjumi karaan duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Danjire Drs. Hodan Cusman Cabdi oo ka hadashay kulanka aqoon-isweydaarsiga ayaa xustay muhiimada uu barnamijkani u leeyahay dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso dib-u-habaynta hay’adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda dowlad hufan oo wax-ku-ool ah, iyadoo docda kale ku boorrisay kaqeybg-alayaasha in ay si furan uga faa’iideystan waayo-aragnimada Shiinaha.

Mas’uuliyiinta ka socday Guddiga Hormarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), ayaa dhinacooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerida Somalia, gaar ahaan dhanka maamulka, dib-u-dhiska hay’adaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhimac.

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan abalmarinta hogamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo maamulkiisa.

Abaalmarintan ayaa lagu bixiyay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad-goboleedyada dalka, maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka, iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu amaanay doorka firfircoon ee uu ku hoggaaminayo howlaha gurmadka degdegga ah, qorsheynta xasillinta, iyo isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee gudaha dalka, gaar ahaan xaaladihii adkaa ee dalka soo wajahay sanadkan.

Mudane Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Madasha Somali Leadership Awards abaalmarinta la guddoonsiiyay, isagoo xusay in ay tahay dhiirrigelin sii xoojinaysa dedaallada hay’adda ee ku aaddan ka jawaabidda baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Madasha Somali Leadership Awards waa madal sannadle ah oo lagu aqoonsado lana abaalmariyo shaqsiyaadka, hay’adaha iyo shirkadaha wax muuqda ka qabtay horumarinta dalka, hufnaanta maamulka, iyo adeegga bulshada.

Sheekh Abuukar"dhawaan waxaan cadowga ka saari doonna deegaanno badan

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaa-hinta qaranka aya sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaargarow iyo abaabul sare oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ee caadeystay boobka hantida io gumaadka shacabka Somalia.

"Maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed waxa ay maqli doonaan war ay ku farxaan oo ah in deegaano iyo degmooyin muhiim ah laga saari doono cadowga argagixisada” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Ciidanka Xoogga.

Afhayeenka oo asii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dadaalada ugu badan ee loogu ditaargaroobayo kooxaha al-shabaab ay ka socdaan gobolada Sh/Hoose, Sh/Dhexe iyo gaalgaduud.

Sarkaalkaasi ayaa codsaday in shacabka ku dhaqan gobolada dalka ay ka qeybqaataan howlgallada cusub ee la doonayo in lagu qaado deegaanada fara-ku-tiriska ah ee ay ka joogaan kooxaha nabad-diidka Ciidanka Xoogga oo howlgallo nabad-sugid ah ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaa-ndosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markana lagaga hortagayo dhagarta Al-shabaab, ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Cumar Beere iyo deegaano kale, waxana ciidanku ku guuleysten in ay soo saaraan miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen wadooyin ay maraan dadka iyo gaadiidka ee ku safra deegaanadaasi.

Ciidanka gesiyasha ah aya miinoyinkaas burburiyay, iyagoo mar kale xaqiijiyay badqabka iyo amniga dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shir guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaliyaha guud ee Qaranka, kaasi oo muhiimad gaara u leh xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Garsoorka dalka.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Suleyman Maxamed Maxamud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Mudane Siciid Cali Maxamed iyo ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garsoore Shuceyb Macalin Adan.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka wada shaqeynta ee Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha, caqabadaha shaqada ka jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caddaalada. Waxaa sidoo kale la isla gartay in loo baahan yahay in la mideeyo dadaalka lagu xaqiijinayo caddaalad hufan oo shacabka loogu adeeggo.

Gebagebadii, Gudomiyaha Maxkamada Sare iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud waxay ku booriyeen dhamaan ka qeybgalayaasha in la dardar geliyo shaqada, lana hagaajiyo xiriirka shaqo ee labada xafiis si loo xaqiijiyo guusha howlaha cadaa-ladda Iyo adeegayo Loo hayo bulshada Soomaaliyeed.

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Waxaa shalay lagu soo xiray magalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo fahamka suxufiyiinta ee doorarka ay warbaahintu ku leedahay hannaanka doorashooyinka dalka.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 suxufi oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Ruun Maxamud Cusman, Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Galmudug oo ku hadashay afka suxufiyiinta ka qeyb galay tababarka, ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadda iyo masuliyada suxufiga xiliga dorashoyinka, waxayna ku boorisay suxufiyiinta in ay u tabiyaan doorashooyinka si dhexdhe-xaadnimo iyo hufnaan leh.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaarada Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu hormarinayo xirfadda iyo anshaxa suxufiyinta Soomaaliyeed, si doorashadu u noqoto mid hufan oo daahfuran, loona helo warbaahin si masuuliyad leh u tabin karta, waxaana uu u mahad celiyay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka (UNTMIS).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfafinta Galmudug, Mudane Abubakar Nuur Maxamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo hay’adaha iskaashiga la leh dadaalka ay ugu jiraan tayaynta warbaahinta. Wuxuu sidoo kale suxufiyiinta kula dardaarmay in ay adeegsadaan aqoonta ay tababarka ka faa’iidaysteen si ay u gutaan doorkoda tabinta doorashoyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii sadexaad ee noociisa ah oo lagu qabto dalka, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij lagu xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee tabinta doorashoyinka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Laamaha Amniga Muqdisho oo soo saaray warsaxaafadeed

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Intii uu howlgalka socday, waxaa iska hor imaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah.

Falkan, oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda, ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa.

Ugu dambayn, Ciidamada Amniga ayaa xasiliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubaysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Ciidamada Amnigu waxay aad uga xun yihiin falalka noocan oo kale ah ee khalkhalka ku haya amniga bulshada, waxayna tacsi u dirayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dhacdadan, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay. Sidoo kale, waxaa digniin adag loo dirayaa cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantowdo.

Sadex kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

Qaar kamd ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah kooxaha khawwaarijta oo horay ay u xukumeen maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sadexdaasi ruux oo saaka wajahay tiirka Cadaalada, waxaa lagu kala magacaaba Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Sadaxdaan ruux ayaa ka wada tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, iyagoo horay u geystay falal dilal ah iyo qaraxyo ay ka fuliyeen Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deeganada Murcudka, Wadaariq, Faarax Aadan, Bacadka iyo deegaano kale oo hoos taga magalada Xarardhere ee gobolka Mudug.

Deegaanadan ayaa Al-shabaab u adeegsan jireen meel ay ku aasaan miinooyin, isla markaana shacabka ku khasbaan inay bixiyaan lacago baad ah.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii ciidanku heleen xog sugan oo ku saabsan dhibaatooyinka al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyed ee ku nool deegaanadan, Ciidanka Xooga Dalka ayaa ku guuleystay in ay ku burburiyaan fariisimihii Al-shabaab, waxayna cadowga gaarsiiyeen jab culus.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo la socday ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kula kulmay ciidanka qaranka ee halkaasi u jooga la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha al-shabaab.

Sarakiishasi ayaa kormeeray difaacyada hore ee Ciidanka Xooga Dalka, waxayna halkaasi kulamo gaar gaar ah oo la xiriiray dhiirigalin iyo boogadin la qaaten Sarakiisha Cidamada Xoogga ee ku sugan Ceeldheer.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kale ugu hambalyeeyay guulaha ey gaareen Ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in la sii wado holgalada ka dhanka ah al-shabaab.

Booqashada saraakiisha ciidanka xooga ayaa ee gobolka Gaalgaduud ayaa imaanaya xilli howlgallo lagu vaacsanayo cadowga argagixisada uu ka socdo gobolada dalka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo si adag uga hortimid tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dalka

Safaaradda Soomaaliya ee Washington D.C. ayaa si adag uga hortimid tallaabo kasta o lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo mar kale ku celisay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal mideysan oo leh madax-bannaani buuxda.

Qoraal rasmi ah oo safaaraddu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay tahay saaxiib amni oo muhiim u ah Maraykanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeyso Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ciidamada Mareykanka si looga hortago khataraha argagixisada, gaar ahaan ISIS iyo Al-Shabaab.

Sanadkan 2025 waxay safaaradda Somaaliya ee Maraykanka sheegtay in la fuliyey in ka badan 20 hawlgal oo wadajir ah oo guul ah, taasoo muujinaysa heer iskaashi ee labada dal.

Safaaraddu waxay sheegtay in kooxaha argagixisada ay helaan fursad marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayna muhiim tahay in beesha caalamka ay taageerto qaranimada Soomaaliya halkii laga abuuri lahaa kala qaybin siyaasadeed.

"Wax kasta oo lagu xalaaleynayo kala goynta dalka waa mid ka dhan ah nabadda, amniga, iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya kama tanaasuli doonto midnimadeeda dhuleed, waxaana ka hortagi doonnaa dadaal kasta oo lagu wiiqayo,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda.

Qoraalkan ayaa jawaab u ah warqad uu Senatar Ted Cruz u diray Madaxwenaha Maraykanka, taas oo uu ku dalbanayo aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax bannaan. Dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimaduna ay tahay tiir aan la jebin karin.

Madaxa Guddi-hoosaadka Afrika ee Senate-ka Maraykanka oo Trump ugu baaqay inuu Somaliland aqoonsado

Madaxa Gudi-hosadka Afrika u qaabilsan Golaha Senate-ka Maraykanka, Senator Ted Cruz, ayaa warqad u diray Madaxw-eynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland.

"Waxaan ku boorinayaa maamulkayaga inuu si rasmi ah ugu aqoonsado Jamhuu-riyadda Somaliland dal madax-bannaan, oo ku dhisan xuduudaheedii 1960-kii," ayuu yidhi Senator Cruz.

Senator-ka oo laga soo doorto gobolka Texas isla markaana ka tirsan xisbiga Jamhuriga ee talada haya, ayaa sheegay in Somaliland ay sannadkii 1960-kii heshay xorriyaddeeda, ka dibna ay si ikhtiyaari ah ula midoowday Soomaaliya, balse ay ka noqotay midowgii sannadkii 1991. Intaa ka dibna ay ahayd qaran nabad ah, dimuqraadi ah, oo xukunka si nabad ah layskugu wareejiyo.

"Somaliland waxay kusoo baxday inay tahay saaxiib muhiim u ah iskaashiga diblomaasiyadeed ee Maraykanka, waxayna Maraykanka ka caawinaysaa kor u qaadidda danihiisa ammaanka ee gobolka Geeska Afrika iyo dibaddiisa," ayuu yidhi Senator Cruz. "Waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo Gacanka Cadmeed ah, oo ku dhow mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka, waxayna leedahay ciidan awood leh oo ku filan la dagaalanka argagixisada iyo budhcadbadednimada."

Waxa uu warqaddiisa ku sheegay in Somaliland ay ku dhiirratay inay xidhiidh la samayso Taiwan, ay rabto inay xidhiidh la yeelato Israa’iil, isla markaana ay doonayso inay ku biirto Heshiisyada Ibraahiimiyada (Abraham Accords). Waxa uu intaa ku daray inay Maraykanka u soo bandhigtay saldhig milatari oo Berbera ku yaalla, iyo heshiis macdanta naadirka ah lagaga iibinayo Maraykanka.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay hadda cadaadis kala kulmayso cadowgeeda, oo uu ugu horreeyo Shiinaha, kaas oo adeegsanaya culays dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu ugu qasbo inay xidhiidhka u jarto Taiwan. Waxa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qayb ka tahay dadaallada ka dhanka ah Somaliland, iyadoo adeegsanaysa kooxo kasoo horjeeda Somaliland si loo wiiqo madax-bannaanideeda.

Wuxuu intaa ku daray in, dhammaan khataraha jira awgeed, haddana Somaliland u badheedhay inay sii xoojiso xidhiidhkeeda Maraykanka, isla markaana ay kor u qaadday iskaashigeeda milatari, la dagaallanka argagixisada, iyo iskaashiga dhaqaale, taas oo dan u ah horumarinta danaha Mareykanka. "Waxay u baahan tahay in loo aqoonsado dal ahaan. Waxaan kugu boorinayaa inaad aqoonsi siiso," ayuu yidhi Senator Cruz isaga oo la hadlaya Trump.

Ugu dambayn, waxa uu ku daray inuu diyaar u yahay bixinta wixii taageero iyo agab ah ee dhankiisa looga baahan yahay si loo xaqiijiyo yoolka aqoonsiga Somaliland, oo muddo 34 sano ah ahayd goob nabad ah oo dimuqraadi ah, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha Maraykanka, oo isna dhawaan la waydiiyay waxa uu ka yeelayo aqoonsiga ay Somaliland dalbanayso, ayaa sheegay in arrinta uu hadda gacanta ku hayo, isla markaana uu maamulkiisu eegayo.

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay dadallada aqoonsi-radinta ee ay wadaan saaxiibbada Somaliland ee Maraykanka, iyadoo la arkayay Masxaf lagu kaydiyo taariikhda Somaliland oo lagu xardhay calanka Maraykanka iyo ereyo mahadcelin ah oo ku socda Madaxweyne Trump.

Trump iyo Putin oo shalay ku kulmaya Magaalada Anchorage

Madaxweyneyasha Mareykanka, Donald Trump iyo Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in Jimcahan ay ku kulmaan Magaalada Anchorage ee Gobolka Alaska, iyagoo ka wada hadli doona colaadda Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ee martida loo yahay ayaa doonaya in dhiggiisa Ruushka uu si dhow uga la hadlo, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka saddexda sano ka badan ee ka socdo dalkaasi Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa daneynaya in wada hadaladan heerka sare uu xal ugu helo dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee horey dunida uga abuuray xasaradda dhaqaale.

Shir madaxeedka Alaska ayaa waxaa wiiqi kara rabitaanka Moscow ee inay qaadato dhulka Ukraine ee dagaalka lagu qabsaday amaba ugu yaraan qayb ka mid ah dhulka dalkaasi.

Putin ayaa marar badan shuruud ku xiray xabad joojinta Ukraine, isagoona aan qarin damaciisa ah in ay qarameynayaan afar ka mid ah gobolada dalkaasi.

Baarlamaanka Ruushka ayaa bishii October ee sanadkii 2022 cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay ka mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Trump ayaa dhankiisa ku celceliyay in nabadda Ukraine ay ku xiran tahay Kyiv oo ka tanaasusho qayb ka ah dhulkeeda, waxaana arrintan si weyn uga biyo diiday hoggaamiyeyaasha reer Yurub oo wacad ku maray inaysan aqbali doonin in la kala qaybiyo dhulka Ukraine.

Trump oo Arbacadii aalaadda foggaan aragga kulan kula yeeshay Madaxda Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo masuuliyiin kale oo reer Yurub ah ayaa u sheegay in Putin uu kala hadli doono oo keliya, sidii xabad joojin looga samayn lahaa Ukraine.

Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay wada hadalada ay ka maqan yihiin ee looga hadlayo masiirka dalkiisa. Hoggaamiyaha Ukraine ayaa ka digay in go’aan kasta oo la gaaro la’aantood uu noqon doono mid macno la’aan ah.

Trump ayaase sheegay in wada hadalka laba geesoodka ah uu horseedi karo in la xaqiijiyo wada hadalo saddex geesood ah oo isaga lagu soo martiqaado.

Trump ayaa ballanqaaday in go’aan kasta oo laga gaarayo arrinta Ukraine aanu dibadda ka joogi doonin Madaxweyne Zelensky, isla-markaana uu Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron uu qayb ka noqon doono damaanadda amniga ee heshiiska.

Trump ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Putin uu diyaar u yahay heshiis, isla-markaana uu filayo in kulanka uu noqdo mid wanaagsan.

Trump ayaa ahmiyad badan siinaya nabadda Ukraine, isagoona ololihiisii dib u doorashada ee daba-yaaqadii sanadkii hore ku ololeynayay in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii Moscow ay dowladda dalkaasi ku eedeysay in ay xiriir adag la sameysatay reer galbeedka iyo in NATO ay ku soo fidday xuduudaha Ruushka, isla-markaana ay tani baalmarsan tahay wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, oo ahayd inaysan xuduudaha Ruushka ka soo ag-dhawaan doonin.

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Trump iyo Putin ay yeeshaan, tan iyo markii Trump uu xafiiska dib ugu soo laabtay 20-kii bishii January ee sanadkan, waana kulankoodii koowaad ee muddo lix sano ah ay yeeshaan.

Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya degmada Philippi oo ka mid ah degmooyinka hoostaga magaalada Cape ee dalka Koonfur Afrika in Habeen hore lagu dilay Muwaadin Somaliyed.

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay xaafada Philippi Valley, waxaana dilkiisa geystay burcad hubeys-neyd oo u dhalatay dalkasi Konfur Afrika, kuwaas oo isaga baxday goobta dilka kadib.

Allah u naxariistee muwaadin Soomaaliy-eed ee Habeen hore la dilay ayaa lagu magacabi jiray Abshir Cali Xuseen, waxaana burcadu ay ku dhex dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa degmada Philippi.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan dhacdada falka dilka ah iyo burcada ka dambeeysay, walow aysan jirin cid ay u soo qabteen dilka Marxuumka.

Si kastaba ha ahaate magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dil, dhaawac iyo boob loogu geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh ganacsiyada, waxaana dowladda Koonfur Afrika ay sheegta mar waliba iney wax ka qaban doonto dhibaatoyinka ay la kulmaan muwaadiniinta Somaliyed ee ku nool dalkeeda.

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista in xarun labaad oo lagu hayo dadka muhaajiriinta ah laga dhisi doono gobolkaasi, sida laga soo xigtay waraahino badan o kuwa Marekanka ah.

DeSantis ayaa sheegay in maamulkiisu uu furayo waxa uu ugu yeedhay "Xarunta Masaafurinta” si halkaasi loo dejiyo soogalootiga sharci darada ah ee illaa hadda gacanta lagu hayo, waxayna xaruntaasi hooy u noqon doontaa ilaa 1,300 maxbuus.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa qiyaastii hal bil ka dib markii koonfurta Florida laga furay xaruntii ugu horeysay ee lagu hayo dadka magangalyo doonka ah, kahor inta aan loo masaafurin dalalkooda.

Garsoore federaali ah ayaa usbuucii hore si ku meel gaar ah u joojiyay dhismo kasta oo dheeri oo lagu heyn doono dadka muhaajiriinta ah, iyadoo dhinaca kale, dawlad gobolka Florida iyo dawladda dhexe aysii wadaan qorshaha lagu qabqabanayo dadka socotada ah ee aan laheyn sharciya dal ku joogga.

Illaa hadda dadka ugu badan ee lagu hayo Mareykanka ee aan heysan waraaqaha sharciga ah waxa ay ka soo jeedaan dalalka laatiiin Ameerika, halka kuwa ka yimid dalalka Aasiya iyo Afrika ay yihiin kuwo yar.

Dhowr kun oo Soomaali ah ayaa la sheegay in illaa hadda aysan heysan waraaqaha sharciga ah, waxaana jira dad la soo masaafuriyay xilligii hore ee Trump iyo waqtigaan oo uu joogo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip