halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-08-25

0
Monday August 11, 2025 - 08:10:08 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-08-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Somalia, Mudane Richard Hiley, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha, Matthew Younger.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ku saabsan Maaraynta Amniga Xuduuddaha, Aqoonsiga baasaborka Soomaaliyeed, Hirgelinta nidaamka cusub ee PISCES oo ay Maraykanku taageeran, iyo Hirgelinta nidaamyada isku-xirka adeeg bixinta baasaboorka ee HSJ iyo NIRA iyo barnaamijyada lagu xoojinayo kobcinta awoodda iyo xirfadda shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraq oo uu hogaminayo La-taliyaha Wasirka Arimaha Gudaha Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalmiga ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati oo shalay dalka ku yimid booqasho rasmi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarada ciidamada iyo isdhafsiga khibradaha.

General Fartaag oo uga mahadceliyey safarka ay ku yimaden dalka, ayaa xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

Booqashadani waxa ay daba socotaa safarkii uu Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Ciraaq iyo hishiiskii iskaashiga Amni ee Labada wasaarod ay Kala saxiixden, kuna qotomay Xoojinta iskaashiga dhinaca Amniga, isdhaafsiga khibra-daha iyo ka faa’iideysiga khibrada Ciraaq ee dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Dowladda oo dhaqangelisay nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

Wasarada Arimaha Gudaha Feder-alka io Dib u Heshisinta ee Somalia, ayaa ku dhawaqday hirgelinta Adeega Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dijitalka ah ee mideysan, kaas oo hada ka shaqaynaya 19 degmo oo ku kala yaalla Dowlad Goboleedyada Jubaland, Konfur Galbed, Hirsha-belle, Galmudug, iyo Gobolka Waqoyi Bari. Degmooyinkaas waxaa ka mid ah: Cabudwaq, Cadado, Dhusama-reb, Galkacyo, Balcad, Warshekh, Buuloburde, Baladweyne, Jowhar, Afmadow, Buloxaawo, Dhoobley, Garbahaarey, Kismaayo, Baraawe, Diinsor, Wajid, Xudur, iyo Lascanood.

Nidaamka cusub wuxuu u oggolanayaa maamulka deegaanada in si dijitaal ah loo diiwaangeliyo dhalashooyinka, guurka, furriinka, iyo dhimashada, iyadoo dhammaan xogaha lagu kaydinayo keyd qaran oo dhexe. Masuuliyiintu waxay sheegen in tani ay ka caawin doonto in laga gudbo caqabadaha muddada dheer ka jiray helitaanka dukumentiyada rasmiga ah isla markaana la hagaajiyo adeeg bixinta.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Al-shabaab

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Al-shabaab, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Al-shabaab ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Al-shabaab ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

Puntland oo bilowday wajigii ugu dambeeyay howlgalka ka dhanka ah Daacish ee Buuraha Calmiskaad

Maalmo kaddib markii qarax miino lagu dilay saraakiil ciidan, ayaa maamulka Puntland wuxuu ciidamo cusub u daad gureeyay buuraha Calmiskaad, si loo qaado wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Howlgalka ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay hoos u dhacay, kaddib markii ciidamadu dib uga soo gurteen Togga Miiraale, taasoo Daacish fursad u siisay inay miinooyin khasare geystay ku aasaan waddooyinka sahayda usoo marto.

Guutoyin cusub oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa daraad gaaray deegaanka Xabley, iyagoo halkaas ugasii sii dhaqaaqay dhanka goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhumalaysanayan dagalyahanada Daacish.

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa madaafiic ku garaacay fariisimo kooxda ay ku leedahay buuraha.

Kooxda Daacish ayaa hadda isku uruursatay laba meelood oo muhiim ah oo ay adag tahay in gudaha loogu galo. Waa Buuraha Xabley iyo Togga Baallade. Labadan goobood ma laha waddooyin ay ciidamadu ku geli karaan gaadiid dagaal, taasoo ku qasbeysa ciidamada in ay isticmaalaan awr ama diyaarado si ay u gaarsiiyaan raashinka iyo biyaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in howlgalka lagu soo afjarayo kooxda Daacish uu socon karo ilaa bisha September. Waxaa lagu qiyaasay in buuraha ay ku sugan yihiin in ka badan boqol dagaalyahan oo ay wehliyaan horjoogayaal sare.

Shir u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Golaha Samatabixinta oo shalay lagu wado inuu ka qabsoomo Muqdisho

Waxaa shalay lagu wadaa inay mar kale isku arkan xarunta Madaxtoyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo xubnaha Mucaaradka shir xasaasi ah oo ay kaga doodi doonaan arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbada siyaasadeed ee ugu adag ee ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ah, Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.

Golaha Samatabixinta ayaa dhaliil xooggan ka muujiyay isbeddellada lagu sameeyay dastuurka, iyaga oo sheegay in aan laga talo gelin dhammaan saamileyda siyaasadeed, taasoo dhaawici karta kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka siyaasadeed, waxaana dooda ugu xoogan ay ka taagan tahay cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ah.

Sidoo kale Waxaa muran xooggan ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2026, Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay inay doonayso in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo guud ahaan dalka, halka mucaaradku ay dalbanayaan in marka hore la helo xaalad amni iyo heshiis qaran oo sal adag leh iyo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la isu yimaado si wadajir ahna looga hortago khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Horey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu muujiyay diyaar u ahaansho Dowladiisa inay jilciso mowqifyadii hore si loo gaaro is-afgarad loona diyaar garoobo doorasho heshiis lagu yahay.

Golaha Samatabixinta ayaa ku adkaysanaya in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka lagu saleeyo heshiis ballaaran oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka shalay dhacaya ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara xasilinta xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii laga miro dhaliyo, Inkasta oo wali heshiis kama dambeys ah la gaarin, hadana kulankan ayaa astaan u ah in dhinacyadu ay diyaar u yihiin wadahadal iyo isu tanaasul.

Rigathi Gachagua oo Madaxweynaha Kenya ku eedeeyay inuu la kulmay kooxda Al-Shabaab

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Kenya kadib markii Madaxwene ku xigeenkii hore ee dalkaasi, Rigathi Gachagua, uu eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Kenya William Ruto, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Gachagua oo hadda ku sugan dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Madaxweyne Ruto uu si qarsoodi ah ugu kulmay seddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu ku sugnaa degmada Mandera, halkaasoo uu sheegay in ay uga wadahadleen arrimo la xiriira ganacsiga iyo ammaanka.

Gachagua wuxuu tilmaamay kulankaasi inuu ahaa mid khatar ku ah amniga qaran, isagoo ku adkeystay in Madaxweynaha uu qaaday ficil "qaran dumis ah”, Si kastaba ha ahaatee, ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya kulankaas ama cidda uu la kulmay Madaxweyne Ruto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa si degdeg ah uga falceliyay eedeynta, isagoo ku tilmaamay hadalka Gachagua mid "masuuliyad darro” ah oo wax u dhimaya sumcadda iyo amniga dalka.

Murkomen ayaa sheegay in marka uu Gachagua dib ugu soo laabto dalka, looga baahan doono inuu bixiyo warbixin rasmi ah oo ay u baahdaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo eedeyntiisa.

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan laamaha ammaanka, arrintaas waxaa laga yaabaa in loo gudbiyo maxkamad, maadaama ay khusayso amaanka qaranka, Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa ku baaqay in Gachagua la xiro haddii uu keeni waayo caddeyn buuxda.

"Haddii uu Gachagua leeyahay madaxweynuhu wuxuu la kulmay Al-Shabaab, waa in uu keenaa caddeyn, Haddii kale, waa in si degdeg ah loo xiraa,” ayuu yiri Senator Roba.

Rigathi Gachagua waxaa xilka lagaga qaaday bishii Oktoobar 2024 kadib khilaaf soo jiitamayay oo kala dhaxeeyay Madaxweyne Ruto, Tan iyo markaas, Gachagua wuxuu si joogto ah u dhaleeceynayay hoggaanka Ruto, isagoo marar badan sheegay inuu dalka ka leexiyay tubtii saxda ahayd.

Puntland: Dadka Sool iyo Sanaag waa reer Puntland, Maamul la aqoonsan yahay ma Jiro

Puntland ayaa sheegtay in maamulka Waqooyi Bari ee lagu aas aasay magaalada Laascaanood uu wiiqay rajadii shacabka reer Sool iyo reer Cayn ay ku aasaasteen maamulkodii SSC Khaatumo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay taageersanayd rabitaanka dadka labada gobol ee Sool iyo Cayn inay sameystaan maamul u gooni ah, balse ku darista gobolka Sanaag ay tahay arrin aan la aqbali karin.

Ilyaas Lugatoor wuxuu intaas ku daray in dadka gobolladaas ku dhaqan ay masiirkooda farta ka saareen siyaasiyiin xil doon ah oo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu sheegay in aysan wax dan u haynin shacabka gobolladaas.

"Waxaan isleennahay shirkan cusub ee la furay wuxuu baabi'iyay oo uu aasay taladii hore ee lagu dhisay maamulka SSC Khaatumo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dadka Sool iyo Sanaag ay yihiin reer Puntland, isla markaana mowqifkoodu yahay mid cad, islamarkaana aysan jirin wax maamul ah oo la aqoonsan yahay oo hadda ka jira.

Hadalka Lugatoor ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka baxeen gacanta maamulada sheegan jiray, hadda kadibna ay yihiin Dowlad Goboleed rasmi ah.

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya qorshaha Israel kula wareegeyso Gaza

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Axaddan ay kulan ka yeeshaan go’aanka Israel ay kula wareegeyso Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo ololaha militari ee Marinka Gaza, si Gaza oo dhan ay u noqoto mid amni ahaan hoos timaada Israel.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in fadhigan ay codsadeen Ergada Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Giriiga iyo Slovenia, si loo cambareyo go’aanka Israel, looguna khasbo in ay dib uga laabato.

Panama ayaa haysata Madaxtin-imada Golaha Ammaanka ee bishan August, iyadoona 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka uu bishiiba dal shir guddoomiyo fadhiyada golahaasi.

Qorshaha ayaa ahaa in kulankan degdega ah u qabsomo galabnimadii Sabtida, balse uu u baaqday Panama iyo Mareykanka oo aan saxiixin, sidaasi daraadeedna uu dib ugu dhacay Axaddan.

Safiirka Falastiin u jooga Qaramada Midoobey, Danjire Riyad Mansuur ayaa sheegay in caalamka ay waajib tahay in uu ka hortago duulaanka cusub ee Israel, isagoona sheegay in aan loo baahneyn dil iyo xanuuno kale o loo gaysto dadka Gaza, oo sida uu sheegay arkay dhibaato adduun in ku filan.

Israel ayaa sii hurisay carrada caalamiga ah ee ka dhalatay dembiyadeeda aan ciqaabta lahayn ay ka gaysaneyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto, ka dib markii Golaheeda Wasiirada ay Jimcihii ansixiyeen qorshe guud oo lagu qaadanayo Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Israel ayaa fileysa in go’aan iyada ka dhan ah aanu ka soo bixi doonin kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo isku haleynaysa Mareykanka.

Mareykanka ayaa marar badan oo hore is hortaag ku sameyay qararadii ay Qaramada Midobey codsaneysay in si degdeg ah loogu soo afjaro dagaalka Gaza.

Mareykanka oo ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee leh codka Veto ayaa awooddiisa diidmada qaxayan ku hor istaagay in wax laga qabto masiibada bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Adeegsiga Veto ee dalka qura ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyada. Dalalka kale ee joogtada ah ayaa kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka. 10-ka dal ee aan joogtada ahayn, balse xubnaha ka ah Golaha Amaanka ayaa labadii sannaba mar la soo doortaa, iyadoona kuraastan ay yihiin kuwo ay ku tartamaan dalalka dunida, marka laga soo tago 5-ta dal ee joogtada ah.

Mareykanka ayaa si weyn loogu cambaareeyay taageeradiisa indha la’aanta ah ee Israel, xilli 14-ka dal ee Golaha Amaanka ay u codeynayaan in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza.

Mareykanka ayaa ah dalka taageerada ugu badan ee militari iyo midda maaliyadeedba siiya Israel, waana dalka sida joogtada ah ugu difaaca siyaasadda, marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii Bariire

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaal-iyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Sh. Hoose ayaa soo bandhigay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Weriye Zakariye Qaasim Bagax, oo ku sugan Bariire, ayaa la kulmay labo ka mid ah al-shabaab oo lagu qabtay howlgalka guuleystay ee Bariire.

Maxbuuska koowaad, oo ah mid ka mid ah horjoogayaasha arxanka daran ee Al-shabaab, ayaa silsilad ku xiray geed weyn, iyagoo ku talagalay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto. Hase yeeshee, geesiyaasha Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

kan labaad ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan. Wuxuu sheegay in maleeshiyaadkii uu watay, oo dagaalka lagu laayay, uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wareysiyo xasaasi ah oo xog badan laga heli doono xubnahan maxaabiista ah ayaa saacadaha soo socda laga daawan doonaa Warbahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Trump iyo Putin oo todobaadkan kulan ka yeelanaya xalka dagaalka Ukraine

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa Jimcaha kulan fool ka fool ah ku yeelanaya gobolka Alaska, waxeyna ka wada hadlayaan nabad laga gaaro dagaalka Ukraine ee socda tan iyo bishii February 2022.

Dhinaca kalena, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxa uu sheegay ineysan aqbali doonin wadahadalka hadii ay qeyb ka tahay in meelo kamid ah dhulka Ukraine la raaciyo Ruushka.

Inkastoo Madaxweynaha Ruushka uusan caddeyn shuruudihiisa, balse hore ayuu Kremlin-ku u sheegay in Ukraine ay ka tanaasusho dhulka uu Ruushku haysto, reer Galbeedkuna ay joojiyaan hubka ay siinayaan Ukraine, isla markaana laga saaro Ukraine rajada ku biirista isbahaysiga difaaca NATO.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, sidoo kale malaayiin ayaa guryahoodii ka barakacay.

Saddex wareeg oo wadahadallo ah oo sanadkan dhexmaray Ruushka iyo Ukraine ayaan midna miro dhalin, welina lama hubo in shir-madaxeedkan uu dhanka nabadda u soo dhowayn karo labada wadan.

Britain oo soo saartay siyaasad saameynaya ajaanibta

Britain ayaa soo saartay siyaasad cusub oo lagu masaafurinayo qof kasta oo ajnabi ah oo lagu helo fal dambiyeed ka dhacay dalkaas, loona tarxiilo waddankii uu ka soo jeeday.

Wasiirka Cadaaladda ee dalka, Shabana Mahmood, ayaa sheegtay in barnaamijka lagu dhimi doono lacagta canshuur bixiyayaasha $70,000 ah ee ku baxaysa halkii maxbuus sannadkii.

Markii hore, qof kasta oo ajnabi ah oo ku nool Britain oo lagu xukumo dambi ayaa lagu xiri jiray xabsiyada dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, kuwa lagu xukumo xabsi daa'im - iyo kuwa geystay dil ama argagixisanimo - waxay ku sii jiri doonaan xabsiga UK iyadoo la raacayo nidaamka cusub.

Boqolkiiba 12 maxaabiista Britain ayaa ah madow, waxaana dowladda cadaadis lagu saarayaa sidii ay u yareyn lahayd ciriiriga ka jira xabsiyada dalkaasi.

Go'aan uu Madaxweyne Cirro soo saaray oo baajiyey mudaharaadyo la filayay in ay ka dhacaan Somaliland

Madaxweynaha Jamhuriyada Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa habeen hore soo saaray go'aan uu ku hakiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta oo Jimcihii ay kordhiyeen shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland.

Kulan habeen hore ku dhex maray xarunta Madaxtooyada madaxweynaha iyo madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel ayaa la isku afgartay in gebi ahaanba la hakiyo qiimo kordhintaasi, oo dadweynaha Somaliland ay ka biyo diideen.

Madaxweyne Cirro, ayaa waxa uu ku sheegay qoraalkan uu soo saaray in qiimihii hore dib loogu celiyey adeegyada internet-ka iyo ku hadalka telefoonnada, wuxuuna yidhi: "waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqen."

Waxa u intaasi ku daray Madaxwene Cirro "Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhidha ula yelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka e Jamhuriyada Somaliland."

Go'aankan madaxweynuhu habeen hore ku hakiyey qiimaha adeegyada internet-ka io ku-hadalka talefanada gacanta, ayaa waxa uu baajiyey mudaharadyo dadwenuhu ababulayen oo shalay ka dhici laha magaloyinka Somaliland oo ay kaga soo horjeedeen qiimo kordhintan.

Maxamed Saalax oo Uefa su'aalo ka weydiiyay arrinta ku saabsan geerida "Pele-ga Falastiin"

Weerar yahanka kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa ka falceliyay xushmad uu xiriirka kubadda cagta ee Uefa baraha bulshada ugu muujiyay cayar-yahanka reer Falastin Suleiman al-Obeid taasoo xiriirku ku uul-darreystay inuu ka hadlo xaaladihii keenay geeridiisa.

Khamiistii, Ururka Kubadda Cagta Falastiin (PFA) ayaa sheegay in Obeid lagu dilay weerar Israa'iil ay soo qaadday xilli uu gargaar bani'aadannimo ku sugayay koofurta Marinka Qasa maalintii ka horreysay geeridiisa.

Ninkan oo 41 jir ahaa laguna naaneesi jiray "Pele-ga kubadda cagta Falastiin" sida uu sheegay PFA, ayaa intii lagu guda jiray xirfaddiisa dhaliyay in ka badan 100 gool, oo ay ku jiraan labo uu ka dhaliyay 24 kulamo caalami ah.

Qoraal ay soo dhigtay barta X Jimcihii, ayay Uefa ku tiri: "sagootinta Suleiman al-Obeid 'Pele-ga Falastiin'.

"Xirfadle hibo lahaa oo rajo siiyay carruur aan tiro lahayn, xitaa intii lagu jiray maalmihii mugdiga."

Daraad, xiddiggan u dhashay Masar ee Saalax, oo 33 jir ah, ayaa ku jawaabay: "Ma inoo sheegi kartaan sida uu u geeriyooday, halkee, iyo sababta?

BBC Sport ayaa la xiriirtay Uefa si ay falcelin uga hesho.

Xulafada Yurub oo ku adkeysanaya in Ukraine lagu daro wada-hadallada

Xulafada reer Yurub ayaa taageero u muujiyay Ukraine, iyago ku adkaystay in wadahadal kasta oo nabadeed oo lala yeesho Ruushka ay tahay in lagu daro Kyiv.

"Jidka nabadda ee Ukraine lama go’aansan karo Ukraine la’aanteed,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha UK, Faransiska, Talyaniga, Jarmalka, Poland, Finland iyo Midowga Yurub.

Hadalkooda ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu Jimcaha Alaska kula kulmi doono dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, tan oo ah dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Isagoo ka walaacsan in Ukraine aan lagu martiqaadin wadahadalkeeda nabadda, Madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in heshiis kasta oo aan Kyiv lagu darin uu noqon doono "go'aano dhintay".

Gelinkii dambe ee Sabtidii, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu kulan saddex geesood ah la yeesho labada Putin iyo Zelensky - laakiin hadda, waa labadooda oo keliya, sida uu markii hore codsaday hoggaamiyaha Ruushka.

Bahwadaagta Ukraine ee Yurub oo wadahadalada nabadda sheegay inay tahay waajib in lagu soo daro Kyiv

Saaxiibada Ukraine ee Yurub ayaa ugu ololaynaya taageeradooda in wadahadalada nabadda ee lala galayo Ruushka ay waajib tahay inay qayb ka noqoto Kyiv.

Waxa ay kusoo aadaysaa iyada oo Donald Trump uu isku diyaarinayo wadahadal uu kula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Gobolka Alaska, Jimcaha.

"Jidka nabadda ee Ukraine lama go'aamin karo Ukraine la'aanteed, " ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo ay soo saareen hoggaamiyayaasha Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Poland, Finland iyo Golaha Yurub.

Madaxweynaha Ukraine Volomyr Zelesky ayaa ka hadlay walaaca la xiriira in Ukraine aan lagu martiqaadin wadahadalada nabadda ee iyada looga hadlayo, waxaana uu sheegay in uu yahay go'aan aan miro dhalayn heshiis aysan qayb ka ahayn Kyiv.

Xilli dambe oo Sabtidii ah ayaa sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka uu sheegay inuu rajaynayo inuu shir saddex geesood ah qabto isaga oo la yeelanaya labadaba Putin iyo Zelensky, laakiin hadda, waxaa ay ku ekaanaysaa labadooda, iyada oo bilowga uu codsaday Madaxweynaha Ruushka.

Trump ayaa horay u soo jeediyay inuu ku bilaabo wadahadalka kulan uu la qaato Putin, isaga oo wariyayaasha u sheegay inuu qorsheeyay "inuu ku bilaabo Ruushka." Laakiin Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu rumaysan yahay iskudabaridka kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho labadaba Putin iyo Zelensky.

Haddii Putin uu ku raacayo arrintan ma aha weli mid cad- waa uu diiday dhowr fursadooda oo kala duwan inuu la yeesho wadahadalo toos ah, iyada oo labada hoggaamiye aysan si toos ah isu soo hor fariisan tan iyo intii uu Putin ku qaaday weerarka buuxa Ukraine muddo saddex sano kahor ah.

Waxa uu Jimcihii sheegay, Trump inuu sidoo kale soo jeediyay "inay jiri doonto dhul isweydaarsi" si Moscow iyo Kyiv ay u gaaraan heshiis, taasi oo Zelensky uu si xooggan uga falceliyay.

"Kuma abaal marin karno Ruushka wax loo sameeyay,'' ayuu ka sheegay Telegram.. "Go'aan kasta oo naga soo horjeeda, go'aan kasta oo la gaaro Ukraine la'aanteed, waxa ay sidoo kale yihiin go'aamo ka dhan ah nabadda. "

Waxaa uu intaa ku daray in fikrada 'isweydaarsiga' ee dhulka Ukraine oo lagu beddelayo dhulka Ukraine, ay leedahay cawaaqib xumo aan lahayn ballan qaad aan ka ahayn in Ruushku uu taagnaado boos uu dagaalka kusii wadi karo.

CBS, oo BBC la ah bahwadaag warbaahineed ayaa tabisay in aqalka cad ee Maraykanka isku dayay inuu ka dhaadhiciyo bahwadaagta Yurub ay aqabalaan heshiis uu ku jiro in Ruushku uu qaato gabi ahaan gobolka Donbas ee Bariga Ukraine, uuna sii haysto Crimea.

Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa qoraalkooda la sii daayay habeenimadii Sabtida, ku adkeeyay in "xuduudaha caalamiga ah aan lagu beddelin xoog".

"Ukraine waxa ay leedahay xoriyada doorashada halka u jihaysanayso,'' ayay yiraahdeen, iyaga oo adkeeyay in qaramadooda ay sii wadayaan taageerada diblomaasiyadeed, milatari iyo dhaqaale ee Ukraine.

Hoggaamiyayaasha ayaa sidoo kale sheegay "xal diblomaasiyadeed" uu yahay muhiim, kaliya aysan ahayn in la difaaco Ukraine ee sidoo kale muhiim ay ugu tahay ammaanka Yurub. Ma aha oo kali ah Ukraine inay la dhibtoonayso ka qayb ahaanshaha shirka ka dhacaya Alaska.

Bahwadaagta Yurub ayaa sidoo kale ka walaacsan saamayn la'aantooda natiijada heshiis kasta oo Trump la gaari karo Putin.

Qoraal lasoo dhigay barta X Sabtidii, ayuu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku keenay walaaca la xiriira in Ruushka iyo Maraykanka ay ka saarayaan meesha ka qayb ahaanshaha Yurub.

"Yurubiyaanka ayaa sidoo kale muhiim ahaan ay u tahay qayb ka ahaadaan xalka, sababtuna ay tahay ammaankooda darteed, " ayuu qoray.

Yurub ayaa ka qaaday Moscow talaabooyin adag oo ay kamid yihiin cunaqabateeno ka dhan ah shirkadaha Ruushka iyo in ay gargaar milatari siiyeen Ukraine.

Zelensky ayaa sheegay inuu Macron ugu sheegay wadahadal Taleefonka ah Sabtidii inuu fure u ahaa in Ruushku qofna mar kale uusan khiyaamin.

Hoggaamiyaha Ukraine ayaa intaasi ku daray in ay dhammaan rabaan inuu dagaalka dhammaado lana dhiso aasaaska ammaan la isku halayn karo oo Ukraine iyo dalalka kale ee qaramada Yurub ah.

Isaga oo uga mahadcelinayay wadahadalka uu la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Vance, Andriy Yermak, madaxa xafiiska Zelensky ayaa adkeeyay baahida loo qabo inay Ukaraine qayb ka ahaato wadahadalada.

Waxa uu intaa ku daray miiska wadahadalka kali ah ay suurtagal nabad la isku halayn oo Ukraine lala galo "Xabbad joojin waa muhiim- laakiin afka hore ee dhulkooda ma aha xuduud."

Shirka ka dhacaya Alaska, oo ah dhul ay Ruushku ka iibiyeen Maraykanka 1867, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay u dhaxeeya Madaxweynayaal xil haya oo Maraykan iyo Ruush ah, tan iyo intii uu Joe Biden kula kulmay Geneva Putin, bishii Juun 2021.

Sagaal bilood ka dib, Moscow ayaa ciidamdo u dirtay Ukraine.

Sanadkii 2022, Kremlin ayaa ku dhawaaqay go'itaanka gobolada Ukraine ee Donetsk, Lugansk, Zaporizhzhia iyo Kherson, in kasta oo aysan si buuxda u maamulin.

Moscow waxa ay ku guuldaraysatay inay si buuxda ula wareegto dhulka ay gashay, laakiin waxaa ay haysataa dhul ballaaran oo dhaca Bariga, Weeraradeeda hadda Ukaraine waa ay ku awoodi weyday in ciidamada Ruushka ay dib u riixdo.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip