
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-08-25
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah, ayaa gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.
Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Xasan Axmed, Yusuf Jeego, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda martida loo yahay.
Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo wada shaqeynta labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Aljeeriya si loo gaaro horumar, xasillooni iyo is-afgarad waara.
Wasiir Fiqi: ilaa dalka oo dhan laga cirib tirayo kooxaha Al-shabaab dagaalku wuu soconayaa
Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo habeen hore qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgal socday mudo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AUSSOM) ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Wasiirka ayaa xaqiijiyey hawlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeena waad guulaysateen, waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed waxa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Al-shabaab” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Al-shabaab ku dhuumanaysay waxay na Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo maydkii iyo hubkii ay ka carareen al-shabaab.
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo
Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Somalia oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shalay ka furtay magaaladda Baydhabo Tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya oo ka qeyb galayaan 20 suxufiyiin oo kala matalaya xarumaha Warbaahinta.
Aqoon isweydaarsigani oo soconaya Mudda laba maalmood ah waxaana uu diiradda saarayaa kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka si ku dhisan dhexdhaxaadnimo iyo eex la’aan dhinacyada doorashada si waafaqsan mabaadi’ida saxaafadda iyo sharciga Doorashooyinka iyo xeernimayayaasha
Agaasimaha Xiriirka Dowlad Gobolee-dyadda ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska JFS mudane Cabdiraxmaan Axmed xuseen, ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Koonfur galbeed iskuduridka tababarka iyo sida ay marwalba wadashaqaynta wanaagsan ula leeyihiin Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, isaga oo sheegay ujeedka tababarkani yahay kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doora-shooyinka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Iyo wacyi galinta bulshada Dowlad Gobolee-dka Konfur galbeed Soomaaliya Mudane Cumar Mustafe oo furay Tababarka ayaa xubnaha wariyayaasha ah ee matalaya Warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Koofur Galbeed kula dardaarmay ka faa’iidaysiga casharada tababarka iyo dhaqan galinta waxa ay dhaxlaan khubarada bixinaysa aqoon isweydaarsiga isaga oo bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal ee kor u qaadista wacyi Warbaahinta.
Aqoon isweydaarsigani oo ah tixane looguna talo galay kor u qaadista fahamka Doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka Warbaahinta ee suxufiyiinta Somaliyed waxaa taageeray howlgalka xilliga kala guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) si loo xoojiyo Warbaahinta wax u tabisa si hufan, madax banaan oo ku dhisan dhexdhaxaadnimo
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Bariire
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa shalay kormer shaqo ku tagay deeganka istiraatiijiga ah ee Bariire e gobolka Shabellaha Hoose, halkasi oo Ciidanka Xooga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Al-shabaab, kuna dhigeen casharo lama ilaawaan ah.
Intii u socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyadka Al-shabaab laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan o cadawga ah, hub farabadan io saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.
Taliyaha Gutada 17-aad e Kumandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarida Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiiba-dooda UPDF ee qeybta ka ahaa holgalka, isaga oo ku dhiirigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee dhibatada ku haya shacabka Somaliyed.
Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka
Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Somaliyed kulankan wuxuu daaraa fulinta amar uu hore u bixiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soma-liyed S/Guuto Asad Osman Abdullahi,
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan oo faah faahin ka bixiyey kulankan ayaa yiri"Waxaan ka bilownay degmooyinka Gobolka Banaadir barnaamijyo isku xiraya bulshada iyo Ciidamada Booliska.”
Bandhigaan oo ay Kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socdey maamulka Gobolka Banadir iyo Saraakiil Ka socotey Ciidanka Booliska, ayaa muhiimadiisu ahayd adkeynta wada shaqeynta Bulshada iyo Booliiska iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka u ah Amniga.
Bulshada ayaa loo sheegey in ay Ciidanka gacan ku siiyaan Sugida Amniga iyo in wixii ay dhibaato u arkaan kusoo wargeliyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud (fargax) ayaa ugu baaqay bulshada Degmada in wax waliba oo ay u arkaan inuu amnigooda Qatar ku yahay ay la soo wadaagaan laamaha amniga.
Madaxweynaha Somaliland oo go’aan kasoo saaray kordhintii qiimaha internet-ka ee Telesom iyo Somtel
Madaxwenaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in laga noqday go’aankii ay shirkadaha Telesom iyo Somtel ku kordhiyeen qiimaha internet-ka 100%.
Madaxweynaha ayaa ka hortagay mudaharaad ballaadhan oo berri lagu balansanaa guud ahaan Somaliland oo dhan. Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la hakiyay go’aanka kordhinta, taas oo sababtay in shacabku ay hakiyaan mudaharaadkoodii.
"Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyay qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku daray: "Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore ilaa amar dambe, iyadoo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Shirkadda Somtel ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee adeecda amarka madaxweynaha, waxayna ku dhawaaqday in ay ka noqotay. "Annaga oo ah shirkadda dadweynaha, waanu aqbalnay baaqiinii,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirkadda Somtel.
Dadka shacabka ah ayaa baraha bulshada uga mahadcelinaya Madaxweynaha iyo Garyaqaan Guuleed Dafac, oo hoggaaminayay diidmada shacabka, isla markaana horseed ka ahaa abaabulka mudaharaadyada loo qorsheeyay in lagu qabto maalinta berri.
"Mahada koowaad iyo ta labaadba adaa leh, mahada saddexaadna madaxweynaheena inala dareenka noqday,” ayuu yidhi Guuleed Faysal Xasan, oo faallo ka bixiyay qoraal uu soo dhigay Dafac bartiisa Facebook.
Sidoo kale, Hinda Axmed ayaa tidhi: "Ninka adag maalinta adag baa la barta, garyaqaan mahadsanid.”
Garyaqaan Dafac ayaa sidoo kale Madaxweynaha uga mahadceliyay tallaabada uu ka qaaday shirkadaha bixiya internet-ka, isaga oo sheegay in shacabka ay awoodda iska leeyihiin, isla markaana Madaxweynuhu uu hor istaagay xadgudub lagula kacay sharciga.
Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in uu ka fiirsanayo arrinta aqoonsiga Somaliland
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka jawaabay su’aal ku saab-sanayd waxa uu ka yeelayo aqoonsiga Somaliland oo la sheegay in laga yaabo in dibu-dajin loogu sameeyo dadka reer Qasa, ayaa sheegay in ay "arrintaa hadda gacanta ku hayaan."
Madaxweynaha ayaa su’aashan la waydiiyay xilli uu habeen hore heshiis nabadeed u kala saxeexayay madaxda waddamada Asarbajan iyo Arminiya, oo muddo dheer colaad ka dhexaysay. Wuxuu sheegay in arrinta Somaliland miiska saaran tahay, isla markaana ay ku hawlan yihiin go’aanka laga gaadhi doono.
"Arrintaa gacanta ayaanu ku haynaa hadda, waa su’aal wanaagsan, waa xaalad kale oo murugsan, laakiin hadda waanu ka shaqaynaynaa arrintaa, arrinta Somaliland," ayuu ku jawaabay Trump.
Hadalka Trump ayaa imanaya kadib markii dhawaan uu warbaahinta Maraykanka qabsaday heshiis soo jiitay dhagaha shacabka iyo siyaasiyiinta Maraykanka, oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Washington ugu soo bandhigay in uu la galo heshiis dhanka macdanta ah, isla markaana Maraykanku saldhig ku yeesho Berbera, taa badalkeedana uu aqoonsado Somaliland.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in tallaabada Cirro ay soo jiidan karto Trump, maadaama uu yahay madaxweyne ku wanaagsan heshiisyada, isla markaana jecel in uu talaabo kasta oo uu qaadayo ka dhex eego danaha Maraykanka.
Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ah oo xilka haya uu si toos ah warbaahinta ugaga hadlo arrinta Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Trump uu yahay shakhsi maskax ganacsi leh oo ay wada macaamili karaan. Mar kale waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in Maraykanku noqdo dalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.
Somaliland, oo kamid ah meelaha ugu deggan Geeska Afrika, uguna dimuqraadsan, ayaa aqoonsi caalami ah raadinaysay tan iyo sannadkii 1991, markaas oo ay ku dhawaaqday in ay ka noqotay midowgii lagu dhisay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, kadib dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu khatar ku yahay madaxbannaanideeda, iyadoo xustay in aan marnaba la kala goyn karin Somaliland iyo Soomaaliya. Go’aanka gooni-isu-taagga Somaliland ayay ku tilshalayy khatarta labaad ee ay Soomaaliya wajahayso, marka laga yimaado argagixisada.
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa hadal uu baahiyay dhowr bilood ka hor ku sheegay in aqoonsiga Somaliland uu khatar gelin karo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo Washington ugu baaqay in ay ka joogsato arrinta aqoonsiga.
Kongareeska Maraykanka ayaa dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ugu baaqay in uu si degdeg ah u diyaariyo warbixin faahfaahinaysa sida Maraykanku xidhiidh ugala yeelan karo Somaliland dhinacyada diblumaasiyada, amniga, iyo horumarinta.
Dhanka kale, waxa Kongareeska horyaalla xeer la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.
Isku geynta dhacdooyinkan ayaa muujinaysa sida uu kor ugu kacay ololaha aqoonsi raadinta Somaliland ee gudaha Maraykanka.
Ciidamada Uganda ee AUSSOM oo Khasaare Kala Kulmay Qabsashada Magaalada Bariire
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa khasaare weyn kala kulmay howlgalkii lagu qaaday degmada Bariire oo dib gacanta dowladda ugu soo laabatay maalintii Jimcaha ahayd.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ay ku dhinteen howlgalka, waxaana ku jiray lix askari oo toddobaadkan ku geeriyooday qarax gaari (VBIED) oo lala beegsaday kolonyadooda.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaa guulo dhanka dagaalka ah gaaray iyaga oo gacanta ku dhigay afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab intii lagu guda jiray wejigii ugu dambeeyay ee qabsashada Bariire.
Qabsashada Barire waxaa ka horeeyay la wareegista tuulooyinka Sabiid iyo Caanole.
Tallaabada xigta ayaa noqoneysa Awdheegle oo ah magaalo istiraatiiji ah, Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in qabsashada Awdheegle ay noqon doonto howlgalkii ugu adkaa ilaa hadda.
Haddii Awdheegle la qabsado, waxay taasi noqon doontaa guul weyn, maadaama ay dowladda dib ula wareegi doonto dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolkaas, Sidoo kale, waxay Al-Shabaab ku khasbi doontaa in ay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Shabelle.
Caalamka oo si weyn uga horyimid go’aanka Israel ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza
Dunida ayaa waxay si weyn uga hortimid go’aanka Israel ay kula wareegeyso Magaalada Gaza iyo in la ballaarinayo hawlgalka militari ee Marinka Gaza.
Golaha Wasiirada Israel ayaa subaxnimadii Jimcaha ansixiyay qorshe lagu doonayo in lagu la wareego Maamulka Magaalada Gaza iyo in Marinka Gaza laga dhigo meel ay amnigiisa Israel gacanta ku hayso.
Tani ayaa waxay dhalisay cambaareyn caalami ah oo lagu diidan yahay tallaabadaasi, iyadoo dowladuhu ay ka digayaan cawaaqib bani’aadantinimo oo daran.
Madaxa Fulinta Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Israel ay tahay inay dib u eegto qorshaheeda ay ku dooneyso inay kula wareegto Magaalada Gaza.
"Go’aanka Dowladda Israel ee ah in ay kordhiso hawlgalkeeda militari ee Gaza waa in dib loo eego.” Ayay tiri Ursula von der Leyen.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Talyaaniga, Ingiriiska, Australia iyo New Zealand ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku cambaareeyay qorshaha Israel, waxayna sheegeen in Israel ay halis ugu jirto inay ku xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Dalalkan oo ka mid ah xulafada ugu waaweyn ee Israel ayaa uga digay inay uga sii darto masiibada aan la arkin ee bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.
"Go’aankan wuxuu khatar gelinaya nolosha la haysteyaasha, wuxuuna khatar dheeraad ah gelin doonnaa barakaca ballaaran ee rayidka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa go’aanka Israel ku sheegay mid khaldan, isagoona Tel Aviv ugu yeeray in ay is xakameyso.
"Go’aanka Dowladda Israel ee ku saabsan inay kordhineyso duulaanka ay ku hayso Gaza waa khalad, waxaana ku boorinaynaa inay si degdeg ah uga fiirsato.” Ayuu yiri Starmer oo inaasi ku daray "Tallaaadan waxba kama tari doonto in la soo afjaro colaaddan ama in la soo sii daayo la haysteyaasha. Waxay keeni doontaa oo keliya in dhiig badan uu daato.”
Norway, Denmark, Belgium, Spain, Sweden, Finland, Faransiiska, Netherlands, Turkiga, Shiinaha, Ruushka iyo Canada ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali karin in Gaza laga dhigo meel la haysto.
Dowladahan ayaa waxay Israel ugu baaqeen in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka Gaza iyo in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadantinimo, si wax looga qabto xaaladda cakiran ee dadka Gaza.
Dalalka cambaareynaya qorshaha Israel ayaa qaarkood uga digay inay cunaqabateyno saari doonaan, haddii aanay ka laaban oo aysan ka fiirsan arrintaasi.
Sacuudiga, Jordan, Masar, Emirate-ka Carabta, Qatar, Iran, Pakistan iyo Indonesia ayaa dhankooda tallaabadan ku sheegay inay wiiqeyso rajada nabadda ee Bariga Dhexe iyo inay uun sii xumeynayso xaaladda Gaza.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa isna sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee muddooyinkanba ka sii dareysay, isla-markaana uu keeni doono barakac xoog leh iyo burbur hor leh.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in uu aad uga naxay go’aanka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Israel ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza.
"Go’aankani wuxuu calaamad u yahay kororka khatarta, wuxuuna uga sii darayaa cawaaqib xumadii hore ee mallaayiin Falastiiniyiin ah iyo maxaabiista Israel ee Gaza.” Ayuu yiri António Guterres oo xusay in go’aanka noocan ah uu horseedi doono in dad kaloo badani ay dhintaan.
Guterres ayaa Israel ugu baaqay in ay ogolaato xabad joojin joogta ah oo laga sameeyo Marinka Gaza iyo inay u hoggaansanto waajibka ka saaran sharciga caalamiga ah.
Jarmalka oo markii ugu horreysay hubka ka joojinaya Israel
Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza ku hanjabay in ay hubka ka joojinayaan Israel.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Golaha Wasiirada Israel ay subaxnimadii Jimcaha ansixiyeen go’aan lagu qaadanayo Magaalada Gaza, isla-markaana ay Israel kula wareegeyso amniga Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Jarmalka ayaa sheegaya in dalkiisu aanu aqbali karin qorshaha lagu xoojinayo hawlgalka militari ee Gaza, haddii uu cawaaqib ba’an ku yeelanayo dadka rayidka ah.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Berlin aysan ogolaan doonin in hubka Jarmalka loo dhoofiyo Israel, si loogu adeegsado Marinka Gaza, oo xaalad adag oo bani’aadantinimo ay ka taagan tahay.
Waxa uu sheegay in ay adkaan doonto in la xaqiijiyo in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista harsan ee nool, waxaana hadalkiisa laga dhadhansan karay in duulaankan cusub uu sababi doono in dad kaloo badani ay dhintaan.
Waxa uu kaloo uu sheegay in illaa amar dambe aanay Dowladda Jarmalka u diri doono Israel hub ay suurtagal tahay in loo isticmaalo Marinka Gaza.
Marka laga soo tago in dunida ay si weyn uga hortimid qorshaha lagu qabsanayo Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza ayaa waxaa sidoo kale diidmo ka muujiyay qoysaska maxaabiista Israel ee lagu haysto gudaha Gaza, kuwaas oo sheegay in qorshahani uu khatar gelinayo nolosha dadka ka maqan.
"Sii deynta la haysteyaasha iyo wada hadalada amaba gorgortanka go’aansan ee xabad joojinta ayaa ah mudnaantayada koowaad.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Jarmalka.
"Tallaabo militari oo aad u adag oo Ciidamada Israel ay ka sameeyaan Marinka Gaza oo Golaha Wasiirada Israel ay ansixiyeen waxay sii adkeynaysaa in la arko, sida lagu gaari karo yoolalkan.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Friedrich Merz.
Raysal Wasaare Merz ayaa yiri "Xaaladahan oo kale Dowladda Jarmalka ma ogolaan doonto wax dhoofinta agab ciidan ah, oo loo isticmaali karo Marinka Gaza, illaa amar dambe.”
Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay "Dowladda Jarmalka waxay weli si weyn uga walaacsan tahay dhibaatada joogta ah ee bani’aadantinimo ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza. Weerarkan qorsheysan, Dowladda Israel waxay qaadaneysaa masuuliyad ka weyn sidii hore. Waa in ay ogolaato in gargaarka si buuxda loo gaarsiiyo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee aan dowliga ahayn.”
Merz ayaa Israel uga digay inay qaaddo tallaabo kale oo lagu qarameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, waana xilli Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan dowladda uu Benjamin Netanyahu uu madaxda ka yahay ay wadaan qorshe Daanta Galbeed loogu sharciyeynayo Israel.
Ku dhawaaqistan ayaa muujineysa is bedel ku yimid mowqifka isbahaysiga Jarmalka, oo ahaa mid ka mid ah xulafada caalamiga ah ee Israel.
Jarmalka ayaa tobanaan sano ahaa dalka ugu weyn Yurub ee taageera amniga Israel, isla-markaana siiya kaalmada ugu badan ee qalabka militari, isagoo hagaajinaya sawirka dalka, ka dib xasuuqii uu Naasigii Jarmalka u gaystay dadka Yahuudda, intii uu socday dagaalkii 2aad ee adduunka.
Shacabka Somaliland oo aad uga cadhooday shirkadaha isgaadhsiinta oo qaaliyeeyay adeegga internetka
Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgadhsinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay daraad si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan.
Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado xidhmooyinka internetka ee kala duwan, taasi oo si degdeg ah baraha bulshada uga abuurtay kacdoon dadweyne.
Mudo haraado goosgoos ah ayaa ka dhacay meelo kamid ah Somaliland, iyadoo mudaharaad weyn loo ballamay maalinta Axadda ee berri. Mudaharaadkan ayay shacabku si xoog ah uga abaabulayaan baraha bulshada.
Ilaa saddex qof ayaa la sheegay in ay habeen hore ku dhaawacmeen iska horimaad booliiska iyo dad cadhaysan ku dhexmaray xaafadda Siinay ee Hargeysa.
Dhanka kale, Wasaaradda Isgaadhinta iyo Tiknoolajiyada ayaa sheegtay in ay isugu yeedhay shirkadaha laga cabanayo, isla markaana ay Sabtida shalay go’aan ka gaadhi doonaan korodhka qiimaha internetka, iyadoo sheegtay in shacabku ay mudan yihiin in la dhagaysto cabashadooda.
Booliiska Somaliland ayaa dhankooda sharci-darro ku tilmaamay mudaharaadada la abaabulayo, waxa uu ku dooday in ay dambi tahay in la qabto mudaharaad aan oggolaansho looga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
"Si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono nooc kasta oo dibadbax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska.
Hadalka booliiska ayaa ka hor imanaya doodii uu xisbiga Waddani qabay xilligii uu mucaaradka ahaa ee ahayd "in mudaharaadku uu xalaal yahay oo aan loo baahnayn in oggolaansho looga soo qaato Wasaaradda Arrimaha Gudaha”, iyadoo xukuumadda talada haysaa ay xilka timid kadib mudaharaado ay dad badani ku dhinteen oo ay iyadu horseed ka ahayd.
Ganacsatada Somaliland ayaa ku caan ah in ay markasta kor u qaadaan qiimaha adeegyada muhiimka ah iyo maciishadda, taasi oo nolosha bulshada ka dhigtay mid qaali ah oo aan si fudud loo goyn karin.
"Ceerigaabo, Burco, Berbera, Gabiley, Boorama – dhammaan dalka Axadda dhiniciina iska abaabula. Waa mudaharaad dalka oo dhan ah, Hargeysa qudha maaha. Dadka ayaa ka badan ganacsatada. Haddii aynaan ka hortegin, quutal-daruuriga ayaa ku xiga," ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo horseed u ah dadka abaabulaya mudaharaadada.
Dadweynaha ayaa ka warsugaya go’aanka kasoo bixi doona kulanka shirkadaha iyo xukuumadda, kadibna waxa xigi doona tallaabada shacabka haddii wax natiijo ahi ka dhalan waayaan kulanka, sida ay sheegayaan dadka baraha bulshada uga ololaynaya kacdoonka.
Midowga Yurub oo digniin u jeediyay Israel
Midowga Yurub ayaa digniin adag ka soo saaray go’aanka Israel ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza.
Caalamka ayaa qorshahan ku tilmaamay mid uga sii daraya dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira Gaza oo dhan iyo inuu sababi doono mowjado kale oo barakac dadweyne ah, xilligan oo dadku ay gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza, sababtoo ah gargaarka oo la hortaagan yahay in dadka oo dhan uu gaaro.
Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa ayaa sheegay in go’aankan uu cawaaqib ku yeelan doono xiriirka Midowga Yurub iyo Israel.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in go’aanku uu jebinayo heshiiska labada dhinac, haddii aysan Israel ka laaban.
"Sidoo kale wuxuu wiiqayaa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo qiyamka caalamiga ah.” Ayuu yiri Antonio Costa oo Israel ku booriyay inay dib u eegto go’aankeedan.
Heshiisyada Midowga Yurub iyo Israel ayaa waxaa saldhig u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda, labadana waxaa cad in Israel ay ku xadgudbeyso, marka aad eegto in ay caadeysatay dilka dadka rayidka ah iyo inay hortaagan tahay dhismaha dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiin.
Wakiilka Midowga Yurub ee Sinnaanta, U Diyaargarowga & Maareynta Dhibaatooyinka, Hadja Lahbib ayaa walaac xoog leh ka muujisay siyaasadda Israel ee ku aaddan qabsashada Magaalada Gaza, iyadoona xoojisay digniinta caalamiga ah ee ku saabsan in tallaabadan ay uga sii dari doonto xaaladda bani’aadantinimo ee horeyba u cakirneyd ee ka jirtay dhulka go’oonsan.
"Go’aanka Golaha Wasiirada Israel ee lagu kordhinayo hawlgalkooda militari ee Gaza wuxuu sii xumayn doonnaa xaaladda bani’aadantinimo ee horeyba u xumeyd, wuxuuna halis gelinaya nolosha la haysteyaasha haray.” Ayay tiri Hadja Lahbib.
Haweeneydan ayaa Israel ugu yeertay in ay aqbasho xabad joojinta lama huraanka ay tahay in laga sameeyo Marinka Gaza iyo in gargaar bani’aadantinimo oo mug leh la gaarsiiyo dadka rayidka ay xaaladdooda isu bedeshay macluusha, iyadoo si buuxda loogu hoggaansamayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Hadja Lahbib ayaa Sabtidan sheegtay in aanu jirin xal ka bedelan in la xaqiijiyo xalka laba dal oo deris ah, taas oo ay muujisay in lagu soo afjari karo colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israel.
Go’aanka subaxnimadii Jimcaha ka soo baxay Golaha Wasiirada Israel ee lagu la wareegayo Magaalada Gaza ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, oo gebi ahaanba lagaga soo horjeestay tallaabadaasi oo wiiqeysa rajada in nabad lagu soo dabaalo Bariga Dhexe.
Dalalka reer galbeedka ee xulafada dhow la ah Israel ayaa qaarkood kaga digay inay cunaqabateyno ku soo rogi doonaan, haddii aanay dib u eegin qorshaha ay dooneyso in ay kula wareegto Magaalada Gaza iyo amniga Marinka Gaza.
Jarmalka oo kale ayaa waxa uu soo saaray amar lagu joojinayo hubkii loo dhoofinayay Israel, si aan loogu adeegsan duulaanka cusub ee Marinka Gaza.
Israel ayaa la qiyaasaya in aysan tixgelin doonin baaqa xulafadeeda Yurub, Canada, Australia iyo New Zealand, illaa ay garowsato in go’aanka qabsashada ee Magaalada Gaza aan la fulin karin.
Deni oo sheegay in ganacsatada Boosaaso ay ka gudbayaan handadaadda Daacish
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ganacsatada reer Boosaaso ay mar dhow ka gudbi doonaan in laga handado Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo Daacishta Somaliya ay dalka kaga sugan tahay.
Madaxweynaha Puntland ayaa shalay dhagax dhigay waddo cusub, taas oo isku xiri doonto Magaalada Boosaaso iyo deegaanka Dhadaar oo ku yaala Buuraleyda Calmiskaad.
"Waddadan waa waddo muhiimad weyn u leh Puntland. Waxay leedahay muhiimad amni, dhaqaale iyo ahmiyad bulsho.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sababta ay maleeshiyada Daacish u saldhigatay Buuraleyda Calmiskaad ay tahay waddooyin xumada, taas oo fursad u siisay inay gabaad ka dhigtaan.
"Runtii waxyaabaha Calmiskaad cadowga inuu saldhig ka dhigto waxaa sabab u ah xagga waddooyinka, oo noqotay meel ciidamada iyo dadka amniga ka shaqeeya ay si sahlan u gaari waayaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka hadlayay munaasabadda dhagax dhiga.
Waxa kaloo uu yiri "Waxaan rajeynaynaa waddadatan inay fure u noqoto in deegaanada Calmiskaad aysan mar dambe noqon godad lagu dhuunto oo dad dembiileyaal ah ay galaan.”
Madaxweynaha ayaa ganacsatada reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dhismaha waddadan, oo sida uu sheegay ku soo aadday waqti xasaasi ah, oo uu ku macneeyay maamulka oo dagaal ku jira iyo culeysyo dhaqaale oo soo food saaray.
"Waxaan rajeynayaan waddadan inay noqoto waddo mar dambe aysan suurtagal ahayn in Boosaaso cadow uu ka handado, qaasatan Calmiskaad u fadhiya.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo intaasi ku daray in waxa xilligan ku soo beegay in waddada si dhakhsa ah loo dhiso ay tahay waa in looga fursan yahay amniga iyo hawlgalka lagu soo afjarayo Daacish.
Ciidanka Puntland ayaa bishii 8aad dagaal kula jira maleeshiyada Daacish, oo laga saaray inta badan deegaanada bariga iyo bartamaha ee Buuraleyda Calmiskaad.
Puntland ayaa weerarkii ugu ballaarnaa ku qaadday Daacishta Somaliya, ka dib ku dhawaad 10 sano oo ay ka hawlgaleysay Gobolka Bari.
Dhadaar ayaa waxay ka mid tahay deegaanada ku yaala aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, waxayna muhiim u tahay isku xirka ciidamada ee aagagga bariga iyo galbeedka ee Calmiskaad.
Ciidamada ayaa bishii February la wareegay deegaanka Dhadaar, oo Daacish ay sanado badan ku lahayd saldhig weyn oo ciidan. Daacish ayaa hadda kaga sii dambeysa Gobolka Bari qaybaha galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad iyo meelo yar oo ka mid ah bartamaha.
Daacish ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd lacagaha sharci darrada ah ay ka qaaddo ganacsatada Boosaaso iyo qayb ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Mareykanka oo xaddidi kara maalgelinta hawlgallada nabad-ilaalinta Soomaaliya
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka, Sen. Jim Risch, ayaa soo jeediyay in la xaddido maalgelinta Mareykanka ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Soo jeedintan ayaa mamnuucaysa in Mareykanku bixiyo lacagaha qiimeysan ee uu u maro Qaramada Midoobay si loogu taageero AUSSOM, ilaa iyo inta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ay caddeyso in hawlgalku u hoggaansamayo shuruudo adag oo uu dejiyay Washington.
Shuruudahaas waxaa ka mid ah in AUSSOM uusan taageereynin qiyam ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, qiyamka Mareykanka, ama xuquuqda aadanaha.
Senator Risch, oo ay garab socdaan Senator Ted Cruz iyo Rick Scott, ayaa ku dooday in Midowga Afrika uusan buuxin shurudaha iyo habraacyada maalgelinta ee ay Mareykanku ka dalbadeen, taas oo ay sheegeen inay muujinayso dayac iyo in aan lagu tixgelin lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka. Waxay sidoo kale soo jeediyeen in la raadiyo qaab maalgelin kale oo ay dowladaha Afrikaanka ah ka qaadaan mas’uuliyad dheeraad ah.
Hawlgalka AUSSOM, oo hore loogu yaqaanay ATMIS, ayaa ah hawlgal ay Midowga Afrika ku taageerto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo xasilinta ammaanka dalka. Xaddidaadda maalgelinta Mareykanka ayaa keeni karta saameyn ku saabsan awoodda hawlgalkan, maaddaama Washington uu yahay mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee dhaqaale iyo qalab ahaanba.
Go’aankan soo jeedinta ah wuxuu imaanayaa xilli Soomaaliya ay weli wajahayo weerarro joogto ah oo ay Al-Shabaab ka fuliso gobollo badan, isla markaana loo baahan yahay taageero ciidan iyo dhaqaale oo joogto ah si loo hubiyo amniga iyo xasiloonida.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-08-25
....