halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-08-25

0
Sunday August 03, 2025 - 09:54:05 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-08-25

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.

Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, oo uu hogaminayay ku-xigenka Hantidhowraha Guud ee dhinaca Arrimaha Baarista, Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Mogadishu Alport Corp. (Albayrak-Soomaaliya).

Intii uu socday kulanka waxaa lagu falanqeeyay dhaqan-gelinta talooyinka ka soo baxay Baarista Maaliyadeed ee la xiriirtay shirkadda Albayrak-Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray xal u helidda caqabadaha soo noqnoqday iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Labada dhinac waxa ay isku raaceen in la fuliyo talooyinka XHGS, lana xoojiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shalay shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyo shaqo, kuwaas oo ay Xeer Ilaaliyeyaashu talooyin ka soo dhiibteen.

Soo jeedinta, faallooyinka iyo talooyinka Xeer Ilaaliyeyaasha ka dib, waxaa la ansixiyey habraacyada cusub ee kala ah:

1. Habraaca Caddeynta danaha iska Horimaanaya.

2. Habraaca Go’aanka Eedda iyo

3. Habraaca Dhowrista Sirta iyo Xogta Galka.

Ugu dambayntii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyeyaasha sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen dhammaystirka habraacyada cusub, isaga oo sidoo kale faray in la dhaqan geliyo loona fuliyo sida ay u dhigan yihiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Gudomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ayaa Gudomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu soo gaba-gabeeyay shirka sanad laha ah ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika (



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip