halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-08-25

0
Saturday August 02, 2025 - 09:16:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 02-08-25

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Maamulka gobolka Banaadir oo lacag dhan $200,000 kaga qayb qaadanaya gurmadka abaaraha Awdal

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo shalay kulan la qaatay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo laga soo doorto Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laba boqol oo kun oo doollar uu ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.

Mas’uuliyiintan ayaa Guddoomiyaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda murugsan ee abaarta ka taagan gobolkaas, iyo qeylo-dhaanta ba’an ee muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Awdal.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) ayaa sheegay in Maamulkiisa iyo shacabka Gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal, waxaana uu xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad.

Wasiir Cali Xoosh "Maamulka Waqooyi Bari Dowladda Federaalka waxa ay siin doontaa taageero gaar ah”

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay xaflad ka dhacday magaalada Laas Caanood ayaa sheegay in dowlada fedetaalka ay gacan ka geysan doonto bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada iyo kan maamulka ee Waqooyi Bari .

Wasiitku waxa uu ka waramay kaalinta dowladda federaalka ay ku laheyd taabagalinta maamulka Waqooyi Bari iyo ahmiyadda uu maamulkaan cusub u leeyahay midnimada qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu u rajeeyay maamulka cusub in ay door muuqda ku yeelan doonaan xasiloonida dalka iyo guud ahaan horumatka dadka iyo dalka.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda Africa oo ka furmay Central Africa Republic

Wasiir ku-xigenka Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa shalay ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Wasiirada Maaliyadaha dalalka Afrika ee loo yaqaano (




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip