
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-07-25
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaratiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.
Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorash
ooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa shalay xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magalada Laascaanood kulan kula yeeshay qayb ka mid ah ururada haweenka ee SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Diiwaangelinta guud ee codbixiy-eyaasha SSC-Khaatumo iyo Kobcinta doorka haweenka ee ka qaybgalka doorashooyinka, gaar ahaan doorash-oyinka soo socda e goleyasha deeganka.
Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Jaamac Banaf ayaa tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markana ka qaybgalkoda dorashada uu muhiim u yahay horumarka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska SSC-Khaatumo, Waxaa kale oo uu sheegay Guddigu diyaar u yahay inuu si buuxda u taageero haweenka doonaya inay ka mid noqdaan liiska codbixiyey-aasha iyo musharaxiinta doorashoyinka.
Dhankooda, haweenkii ka socday bulshada rayidka ah ayaa soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo baahiyo la xiriira fududeynta helitaanka warbixin, kor u qaadidda wacyigelinta haweenka iyo samaynta barnaamijyo loogu diyaarinayo doorashooyinka deegaanka.
Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalamiga, Mudane Xildhiban Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shalay oo Sabti ah ku qaabilay dhismaha Wasa-arada e Caasimada Muqdisho, tobaneyo waalidiin oo ah ehellada dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo dhagestay tabashadoda, ugana warbixiyay dadaalladii ugu dambeeyay ee dowladdu ku bixisay soo siidaynta muwaadiniintaasi.
Wasiir Isaaq Mursal, ayaa caddeeyay in Wasaaraddu xiriir kala samaysay arrinkani Dowladda Maali iyada oo loo maray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Addis Ababa, ayna si dhow ula shaqayneyso hay’adaha ay khuseyso si loo fududeeyo soo sii deynta iyo dib u soo celinta dhammaan muwaadiniintaasi xiran. Waxa uu intaasi ku daray in wafdi ka socda dowladda uu dhawaan tagi doono magaalada Bamako si ay u sii dardargeliyaan dadaalladaasi.
Waxa uu markale caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay badbaadinta muwadiniinteda ee ku sugan dalka dibadiisa, isaga oo xusay in dad ka badan 700 oo qof laga soo daad gureeyay dibadda dalka si nabad ahna dib loogu soo celiyay dalka tan iyo horraantii sanadkan 2025-ka.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay waalidiinta in ay kaalin mug leh ka qaataan sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa khatarta tahriibka, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo wadashaqenta hay’adaha amniga iyo garsoorka si loola dagaallamo shabakadaha wax tahriibiya, loogana hortago musiibooyin kale.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 27-07-25
,,,,,,,