
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-07-25
Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ka dhaggax-dhigay 7 waddo oo interlock ah, isla markaana xarigga ka jaray tiro la mida o ay dhismihisa iska kaashaden Maamulka Degmada, Ganacsatada iyo Bulshada Degmada Heliwaa.
Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay iskaashiga bulsho ee lagu dhisay waddooyinka xaafadaha Suuqa Xoolaha, taasi oo muhiim u ah bilicda, ganacsiga iyo horumarka Degmada.
Guddoomiyaha aya sido kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib-u-dhis ku sameyn doono waddooyinka laamiga ah ee mara degmada Heliwaa, gaar ahaan kuwa burbursan, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay door muhiim ah ka qaataan qorshaha horumarinta Caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa ku amaanay bulshada Degmada Heliwaa kaalinta ay kaga jiraan is-diiwangelinta dadwenaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah xuquuqdooda aasaasiga ah ee wax ku dooran karaan ama lagu dooran karo.
Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Kusimaha Safiirka dalka Libiya u fadhiya Soomaliya Mudane Nasar Maxamed Alsanuusi oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Guddoomiye Dr. Muungaab iyo Danjire Alsanuusi ayaa yeeshay kulan looga hadlay fursadaha iskaashiga ee dhex mari kara Caasimadaha labada dal, iyada o diiradda la saaray dardargelinta heshiisiyo is-afgarad oo arrimahan la xiriira, kuwaas oo ay hore u kala saxiixdeen Duqa Magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Magaalada Tripoli ee caasimadda Libya.
Dr. Xasan Maxamed Xusen (Muungab) ayaa amaanay kaalinta soojirenka ah ee ay Dowladda Libya ka qaadatay garab-istaagga dalka iyo dadka Soomaaliyed marxaladdii adkaa ee la soo maray, waxaana uu xusay in maadaama ay labada shacab hadda leeyihiin khibrado isku eg oo dhanka duruufaha colaadaha ah ay muhiim tahay in la abuuro jawi iskaashi iyo khibrad-isdhaafsi ah oo ku dhisan xoojinaya xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah.
Kusimaha Safiirka Libya, Danjire Nasar Alsanuusi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono dardargelinta xiriirka iyo heshiisyada iskaashi ee labada dhinac, isaga oo soo jeediyay is-dhaafsiga booqashooyin ay Duqa Caasimadda Muqdisho iyo dhiggiisa Tripoli ku kala tegayaan labada magaalo si loo ambaqaado dadaal wadajir ah oo ka tarjumaya danaha horumarineed ee labada magaalo.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 24-07-25
....