halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-07-25

0
Saturday July 12, 2025 - 08:24:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-07-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud, oo boqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa shalay xarunta madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada adag ee ka dhaxaysa labada dal ee walaalaha ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Degmada Dayniile uga qaybgalay Wacyigelinta Bulshada ee Kaalinta Isdiiwaangelinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Degmada Dayniile uga qaybgalay kulan ku saabsanaa Wacyigelinta Bulshada ee Kaalinta Isdiiwaangelinta Doorashoyinka qof iyo cod.

Duqa Muqdisho ayaa bulshada Dayniile uga warbixiyay dadaallada uu maamulku wado ee la xiriira dib-u-habenta hananka maamulka iyo maaliyadda, xoojinta hufnaanta, dardargalinta mashaariicda horumarinta, dib-u-dhiska kaabayasha, dhiirrigelinta islaxisabtanka iyo arrimaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Guddoomiye Muungaab ayaa shacabka Degmada Dayniile ku bogaadiyay sida ay hormuudka ugu yihiin dadaallada dawlad-dhiska, gaar ahaan isdiiwaan-gelinta doorashada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga, asigoona ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta, si loogu fuliyo mashaariicyada hormarineed ee danta guud.

Munaasabadda Waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka G/Banaadir, Saraakiisha Hey’addaha Amniga, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Duqa muqdisho oo ganacsatada kala hadlay horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaalinta ay gaacsatadu ka qaadan karaan dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir Md. Xasan Maxamed Jimcale ayaa lagu falanqeyay fursadaha iskaashiga iyo wada-shaqenta ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Ganacsatada si looga guulgaaro qorshayaasha maamulka ee ku saabsan arrimaha dib-u-dhiska kaabayaasha nolosha oo ay ugu horeyaan wadoyinka, hormarinta ganacsiyada yar yar iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed Mudane Maxamuud Cabdi Cali Gabayre ayaa bogaadiyay dadaalka uu Maamulka Gobalka Banaadir ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha burburka waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada guud, wuxuuna afka Ganacsatada Somaliyed ku ballanqaday in ay si buuxda u taageeri doonaan ka-miro-dhalinta qorshayasha hormarineed ee laga wado caasimadda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga XFS oo dalka Urdun ugu qaybgalay shirka dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka ayaa ka qeybgalay munasabada daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta.

Magaalada Cammaan ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta.

Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka heer wasiir ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Bulshada Macluumaadka (World Summit on the Information Society).

Wasiir Maxamed Somali wuxu si gaar ah uga hadlay shirkan, ansixinta Siyasada Qaran ee Isu-dheellitirka Dhijitaalka, hirgelinta Siyaasadda Dowladda Dhijitaalka ah oo muwaaddin kasta ku heli karo adeegyada dowladda si dhijitaal ammaan ah, kuna baxaya AF-Soomaali.

Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka mid noqoshada bulshada dhijitaalka caalamiga ah, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay ITU iyo dowladaha ka qeybgalay shirkan, waxana uu adkeeyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in ay la jaanqaado isbeddelka dhijitaalka ah ee caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuriyada Federalka Dalka Nigeria Amb. Yuusuf Maitama Tuggar.

Kulankaas labada dhinac ayaa yimid xilli uu soo gabagaboobay Kalfadhiga 47-aad e Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, kaas oo ka dhacay Magaalada Malabo ee caasimadda Dalka Equatorial Guine.

Labada wasiir waxa ay ka wadahadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Nigeria iyo in la sii wado iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, diblomasiyada iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee labada dal.

Mudane. Abdisalam Abdi Ali iyo Amb. Yuusuf Maitama Tuggar waxay isla soo qaadeen in la fududeeyo booqashoyinka madaxda ee ku aadan Muqdisho iyo Abuja, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Wasiirradu waxay isku afgarteen in si dhow looga wada shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan xoojinta dadaallada loogu jiro ka hortagga argagixisada io hababka xog-wadaga ah.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha XFS oo Jordan kaga qeyb galay shirka istaraatiijiyadda Dhallinyarada Dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Amman ee dalka Jordan uga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan Yazan Shdeifat ayaa ka warbixiyay sida ay sanadkaan u martigelinayaan dhallinyarada Carabta oo sanadkaan caasimadooda loo doortay magaalada Amman ee dalka Jordan.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir ayaa dhiggiisa Jordan uga mahadceliyay soo dhoweynta quruxda badan ee dowladiisu ay u sameesay asaga iyo wafdigiisa iyo sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalka Jordan ugu howlantahay awoodsiinta Dhallinyarada Carabta.

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey doorka haweenka ka shaqeeya caafimaadka iyo kaalinta ay ku yeelan karaan difaaca dalka iyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulankaan oo ka dhacay cisbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho waxaa kaloo ka qeybgalay Ururka Haweenka Caafimaadka Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray doorka ay haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeya arimaha cafimadka ay ka qaadan karaan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah iyo difaaca dalka.

Kulankaasi oo si gaar ah loogu lafaguray kaalinta haweenka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay ka shaqeynta horumarka dalka waxaa la isku dhaafsaday arrimmo muhiim ah oo ku saabsan in door muuqda oo mug leh ay gabdhaha Soomaaliyeed ku yeeshaan horumarrada dalka ee la hiigsanayo .

Qaar kamid ah dadkii soo xaadiray kulankaasi oo qaatay shahaadada codbixinta ee Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale.

G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah hoggaan dhaqanka iyo waxgarad beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC-Khaatumo.

Kulamada talo wadaagga ah oo ay yeesheen beelaha dega SSC-Khaatumo iyo Madaxda DFS ayaa looga arrinsaday, arrimaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, Adkeynta Nabadda & Xasilloonida, Wadajirka Bulshada iyo midnimada.

NISA oo hawlgal ku dishay 13 Al-shabaab ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii laso dhaafay ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordhere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhamantod ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjogeyaal ka mid ahaa Al-shabaab.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Al-shabaab ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo Al-shabaab ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deganada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal.

Howlgalka seddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed labo kiilomitir kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Al-shabaab ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray.

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo joojinaya codsiyada magangalyo doonka.

"Sharciyada cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya soo gudbinta codsiyada magangalyo doonka ee mudada saddexda bilood ,gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalalka kale,isla markaana dib loo celiyo iyada oo aan la diiwaangalin”sida lagu sheegay hadal ka soo baxay hey’adda UNHCR.

Hay’addu waxay ka digtay in dadka lag celiyo ama la geeyo meel ay kala kulmi karaan halis ku timaada noloshooda, iyadoo dhanka kale dowladaha la xasuusiyay in aysan ka weecan Karin mabda’a muhiimka ah ee sharciga caalamiga ah.

UNHCR waxay qiratay cadaadiska ay abuureen dadkii qaxootiga ee dhawaan tagay deegaanada Gavdos iyo Crete, waxaana intaa la raaciyay in la xakameeyo xudduudaha dalkaasi,sida waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kuwa Yurub.

Hey’adda Qaxootiga Dunida waxay ku baaqday in lala yimaado isku-duubni iyo tallooyin wadaag ah oo khuseeya gudaha Midowga Yurub si loo taageero waddamada safka hore sida Giriigga ee ay ka jiraan qulqulka dadka magangalyo doonka ah.

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Mudane Mudane Alper Aktaş.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashiga dhanka horumarka iyo dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug sida, Dakedda Hobyo , dhismaha wadooyiinka iyo Garoomada Diyaaradaha.

Sidoo kale labada Masuul ayaa isla gartay in Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadanka Turkiga ay maalgashi ku sameeyaan Galmudug madaama inta badan Galmudug ay ka jiraan amni la isku halayn karo.

Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isu soo dhiibtay Ciidanka Xoogga

Mohamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyadka koxda Al-shabaab, ayaa si rasmi ah isku soo dhiibay ciidamada Guutada 23-aad, gaar ahaan Ururka 231-aad ee fadhigoodu yahay deegaanka Darmoole, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isdhiibiddan ayaa dhacday kadib markii uu sheegay in uu aad u dhibsaday ficillada guracan ee kooxda Al-shabaab iyo sida ay u beegsadaan dadka rayidka ah, culimada iyo maamulka deegaanka. Wuxuuna sidoo kale tilmaamay in uu muddo badan la socday ficillo guracan oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, taas oo ku kaliftay in uu ka fakaro sida uu uga baxsan karo kooxdaasi.

Saraakiisha Ururka 231-aad ayaa si nabad ah u soo dhaweeyay, iyagoo muujiyay in ciidamada Qaranka Somaliyed ay diyaar u yihiin in ay fursad siiyaan cid kasta oo kasoo go’da fikirka gurracan ee Al-shabaab. Mohamed ayaa la wareystay, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan saldhigyada, dhaq-dhaqaaqyada iyo qorsheyaasha kooxda uu ka tirsanaa.

Taliska Guutada 23-aad ayaa sheegay in isdhiibista Mohamed ay muujinayso burburka iyo kala shakiga ka dhex jira maleeshiyaadka Al-shabaab, isla markaana ay dhiiragelin doonto kuwo kale oo weli ku dhex milan kooxda in ay isaga soo baxaan, iskuna soo dhiibaan ciidamada dowladda.

Guddiga Farsamada ee dhameeystirka SSC-Khaatumo oo kulan la yeeshay Hoggaamiye Ku-xigeenka SSC-Khaatumo

Guddiga Farsamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee dhameeystirka geedi-socodka SSC-Khaatumo, ayaa kulan talo-aruurin ah la yeeshay Hogaamiye Ku-xigeenka SSC-Khaatumo Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine).

Kulankan ayaa qeyb ka ah la-tashiyada uu guddiga la yeelanayo madaxda, saamileyda iyo daneeyayaasha geedi-socodka dhameeystirka SSC-Khaatumo, si loo xaqiijiyo geedi socod loo dhan yahay.

Wasaaradda Waxbarashada oo bogaadisay ansaxinta xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay si weyn u bogaadinaysaa ansaxinta Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka Somalia ansaxiyay Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka. Guddigan oo xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip