halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-06-25

0
Saturday June 28, 2025 - 09:23:22 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 28-06-25

    .........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.........

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taallada Dhagaxtuur

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah xuska 26-ka Juun oo ah 65-guuradii ka soo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Waqooyi ee dalka.

Munaasabadda ubax-dhigga waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wasiirro ka tirsan XFS, cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 65-aad ee todobaadka xoriyadda

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

"Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

"Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoda iyo wax wada-qabsiga dadka Somaliyed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka

qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qayb galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda JFS’ Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shalay ka qeyb-galay Shirwenaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah "Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul, Türkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.

Halku-dhigga madasha ee ahaa: "Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn” (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.

"Anagoo ka duuleyna muhiimadda ay badaha Soomaaliyeed u leeyihiin juqraafi ahaan dunida isku xirka qaaradaha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha dalkeenna. Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dhismaha dekedo kala duwan sida kuwa ganacsiga iyo kalluumeysiga oo ay ugu horeyso Dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya goob gananci oo aan u aragno il dhaqaale oo weyn iyo fursad shaqo abuur ballaaran u horseedi karta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip