HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 24 JUNE 2025

0
Tuesday June 24, 2025 - 09:00:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 24 JUNE 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo daah furay Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Mu -qdisho ka daahfuray Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon la -hayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhe xe meelaha sare kaga jira, marka la gaa -ro sanadka 2060.

Lataliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Ma daxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, oo la hadlay Warbaahin ta Qaranka ayaa sheegay in haddii qor shahaan la hirgeliyo Soomaaliya ay noq -on doonto dal barwaaqo ah.

"Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrima ha Dhaqaalaha.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlay goobta ayaa yiri "Qorshaha Qarni-jirka 2060-ka waxaa uu isbedel weyn ku sameyn doo naa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Shirka socon doona muddo saddex ci sho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan la bada Aqal ee Baarlamaanka Soomaali ya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arri maha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoon ka diyaarada magaalada Algeris ee Caa -simada dalka Aljeeriya.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Xiriirka Arrimaha Bulsha da, Qoyska iyo Haweenka ee dalkaas Zahiir Shadhah iyo Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya danjire Yuusuf Axmed Xasan, waxaana Wasiir ka iyo wafdigisa ay wadankaas uga qeyb geli doonaa Shirweynaha Horumari nta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wada mada Carabta oo ka furmi doono Dalka Aljeeriya.

Guddiga qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda oo kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Xorriyadda

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ah na Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gu daha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Wasiirrada ee Guddiga ka tirsan ayaa kormeeray Ciida mada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa kormeeray xarunta dugsi ga Jeneraal Kaahiye oo lagu diyaariyay qaybaha kala duwan ee Ciidamada Boo liska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Asluu bta ee ka qaybgalaya Bandhigga Maal maha Xorriyadda.

Guddiga ayaa sidoo kale kormeeray Dalj -irka Daahsoon oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo Munaasabadaha Maal maha Xorriyadda iyo Midnimada.

Muqdisho oo ay ka socoto u diyaar garowga maalmaha xoriyadda

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ah -na Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gu daha,

Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh Iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Xasan Maxa med Eelaay ayaa fagaaraha Daljirka Daahsoon Waqti kula qaatay Shacabka Soomaaliyeed ee u dabbaal-daagayay Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda.

Labada Wasiir ayaa bogaadiyay Kooxda Hoballada Waaberi oo halkaas kusoo bandhigay heeso wacyigalin iyo gubaab in ah oo la xiriira gobannimada dalkeen na.

R/Wasaare Xamsa "Suurtagal Maha in Dib loogu laabto Doorasho Dadban”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder -aalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay mu naasabad casho sharaf ah oo lagu maa muusayey ergooyinkii ka qeybgalay Go-goshii Wadatashiga Qaran, ayaa shee gay in aysan suurtagal ahayn in dalkeen nu uu dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soo -maaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xu kuumadda DanQaran, ay dhiirrigelinay so talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaa liyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaa linta ay ka qaadanayaan hannaanka dim uqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhi baatada ku haysa amniga, doorashooyin ka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaran ka la gaarsiiyo.

"Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu kee naya, haddii aynu ka baxno nolosha dad ban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’ aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa u mahadceliyey ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay gogoshii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, isla markaana la yimid go’aanno muhiim ah oo ku aaddan masiirka dalka, kaalin wey nna ka qaatay dooddii iyo aragtiyihii lagu soo bandhigay gogosha.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay shirka Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2020-ka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon la hayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhe -xe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

Shirka socon doona muddo saddex ci -sho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaali ya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa wee rarkii dhowaan ay Jamhuuriyadda Islaa miga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar, taasoo ah ku xadgudub cad oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana halis weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa midnimo buuxda iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taa gan tahay Dowladda iyo shacabka wa laalaha ah ee Dawladda Qadar, waxay na mar kale adkaynaysaa taageerada aan leexleexadka lahayn ee ay u hayso madax-bannaanida, amniga iyo midnima da dhuleed ee Qadar.

Dowladda Soomaaliya waxay weligeed u taaganeed ilaalinta nidaamka caalami ga ah ee ku dhisan xeer iyo kala damba yn, iyadoo ku saleysan ixtiraamka ma dax-bannaanida dowladaha, xurmeynta xuduudaha iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed oo wadahadal iyo isfahan ku saleysan.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhi nacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa bee -sha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha.

DHAMMAAD

DF oo sheegtay in Soomaaliya laga saaray Liiska wadamada Askareeya Caruurta.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa shaacisay in Soomaaliya laga saa ray liiska Qaramada Midoobey ee aska -reynta carruurta, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay QM, kaas oo lagu ca deeyey in Ciidamada Qaranka Soomaali yeed aysan ku lug laheyn kiisaska aska reynta carruurta.

Dowladda Sooomaaliya ayaa masuuli yad iska saartay dhowrista badqabka shacabka, gaar ahaan carruurta Soo maaliyeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga askareynta carruur ta xilliyada colaadaha hubaysan, si waa faqsan Dasturka dalka, heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiiday.

Soomaaliya oo laga saaray liiska wadamada askareeya Caruurta xilliyada Colaadaha

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaa liya ayaa sheegtay in Soomaaliya laga saaray liiska kuwa ku lugta leh askareey nta caruurta, oo in muddo ah safka hore ay kaga jirtay wadamada Colaadaha ka jiraan ee Caruurta lagu askareeyo.

War ay soo saartay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in mar kasta mud naan gaar ah ay siiso ka hortagga aska reynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dastuurka dal ka iyo heshiisyada iyo xeerarka caalami ga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

"Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Cii damada Qalabka Sida guusha go'aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, 00 Ciidamada Qalabka Sida si rasmi ah looga saaray Liiska ku wa ku lugta leh askaraynta carruur ta."ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wa saaradda.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay Was aaradda in ka saarida Soomaaliya ee liiska wadamada askareeya Caruurta ay caddayn u tahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ku tallaabsatay, waxaana ay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay' adaha UNICEF iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka car ruurta si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee la xiriira car ruurta xiliyada colaadaha hubaysan.

"Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruur ta ee xilliyada colaadaha hubaysan, wa xay si gaar ah u bogaadineysaa shaqa dii muhiimka ahayd ee ay wada qabteen xubnaha guddiga iyo hay'adaha Qarama da Midoobay"ayaa lagu yiri war saxafa deedka Wasaaradda.

Ugu dambeyn warsaxaafadedka Wasaa radda Gaashaandhigga ayaa lagu xusay in ay ka go'an tahay fulinta ballan-qaad yada iyo heshiisyada u dhexeeya Xukuu madda iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaada ha hubaysan.

DF oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa dadka ee loo yaqaan Macawisleyda, ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ka dhacay deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, Dowlad-Goboleedka HirShabelle, sida lagu sheegay warsa xaafadeed ka soo baxay wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa sababay jab xooggan oo gaaray kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tir -san kooxda, halka tiro kale ay ku dhaaw -acmeen.

Ciidamada Dowladda iyo geesiyaasha deegaanka ayaa wali wada howlgallo ba -llaaran oo lagu daba joogo firxadka Al-Shabaab ee isku dayaya in ay ka baxsa daan goobaha dagaalka.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay difaaca shacabka, ilaalinta midnimada dalka, iyo ciribtirka buuxa ee kooxda Khawaarijta oo caadeystay daadinta dhiigga shacab ka Soomaaliyeed.”

 

Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala duleedka Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baay Burjeed, oo ku yaalla duleedka ma gaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu weli ka socdo hal kaasi kadib markii maleeshiyaad ka tir san Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Koofur Galbeed.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka dee gaanka ayaa sheegay in la isku adeeg sanayo hub culus iyo mid fudud, iyadoo la maqlayo jugta madaafiic iyo rasaas goos-goos ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhi nac, waxaana la sheegay in uu socdo weli, inkastoo aan si rasmi ah loo cad deyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iya doo bishii April 17-keedii ay kooxda Al-Shabaab sidan oo kale weerar ugu qaad day isla fariisinkan, balse markaas laga hortagay gulufkoodii.

Ciidamada Dowladda ayaa haatan la sheegay inay iska caabin xooggan ku wadaan weerarka, iyadoo xaaladda ay weli tahay mid cakiran.

Iraan iyo Ruushka oo wadahadlaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran – oo magaalada Moscow ee dalka Ruush ka u jooga wadahadallo – ayaa sheegay in uu "wadahadallo muhiim ah” la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladi -mir Putin, kuwaas oo looga hadlayo "caqaba daha joogtada ah iyo hanjabaa daha”.

Ruushka ayaa dhaleeceeyay weerarka Mareykanka uu ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo safiirka Ruush ka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Mareykanka uu "furay sanduuqa Pan dora”.

Haddii wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, uu la kulmo Putin galin ka dambe ee shalay, waxa ay u badan tahay in uu taageero ah ka helo hoggaa miyaha Kremlin-ka, laakiin kaalmada milatari ee Moscow ayaa u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Haatan, mudnaanta koowaad ee Ruush ku, waa dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Waa hubaal in Ruushka iyo Iran ay leeyi hiin heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed, laakiin ma aha heshiis difaac oo Mos -cow kuma qasbana in ay taageero milatari siiso Tehran.

Todobaadki la soo dhaafay, madaxwey ne Putin waxa uu sheegay in Iran aysan ka codsan Moscow kaalmo militari, wa xaana hadalladiisa ka muuqda in uusan ku degdegin arrintaas.

Aqalka Kremlin-ka ayaa aad u daneyna yey in uu xiriir wanaagsan la yeesho la bada dhinac, waa Iran iyo Israel – iyo in la dhiso xiriir wada shaqeyn wanaagsan oo lala yeesho madaxweyne Donald Trump

Iran oo weeraro ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee Qatar iyo Ciraaq

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa caawa fiidkii weerar culus ku qaa day saldhigga ciidamada Maraykanka ee Al Udeid ee ku yaalla dalka Qatar, si da ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Was aaradda Gaashaandhigga Maraykanka. Weerarkan ayaa loo adeegsaday 6 gan taal oo kuwa balistiga ah.

Sida lagu daabacay telefishinka qaranka Iran, weerarkan ayaa lagu sheegay in uu jawaab u yahay weerarii uu Mareykanku ku qaaday xarumaheeda nukliyeerka”. Taliska difaaca Maraykanka ayaa shee gay in Iran ay soo tuurtay gantaallada ri dada gaaban iyo kuwa dhexe oo ay ku beegsatay saldhigga Al Udeid, iyadoo aan la soo werin wax khasaare ah oo gaadhay ciidamada Maraykanka illaa hadda.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Qatar ee Dooxa, ayaa sheegay in dadku ay joojiyeen socodkooda oo ay cirka kor u eegayeen xilligii gantaalladu ay hawa da marayeen, halka nidaamyada difaaca cirka ee Qatar ay isku dayayeen in ay soo ridaan gantaalladaas.

Saldhigga Al Udeid, oo ah kan ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhe xe, ayaa sidoo kale ah xarunta taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka (CEN TCOM). Iran ayaa horey ugu hanjabtay inay weerari doonto saldhiggan, iyadoo sheegtay in Maraykanku si cad uga tallaabay xadka colaadeed ee la oggol yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Iran sidoo kale weerar gantaallo ah ku qaad day saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq, in kasta oo saraakiisha Maraykanku ay sheegeen in Al Udeid uu ahaa saldhigga kaliya ee si toos ah loo beegsaday.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh kian, ayaa bartiisa X ku qoray: "Annagu dagaalka ma aanaan bilaabin mana doo neyno, laakiin weerar kasta oo lagu qaa do Iran lama dhaafi doono jawaab la’ -aan."

Dhanka kale, Israa’iil ayaa kordhisay weerarrada ay ku hayso Iran, iyadoo markan si toos ah u beegsatay badhtil maameedyo ka tirsan nidaamka maamu lka Tehran, oo ay ku jiraan albaabka xab siga Evin oo ah xabsi lagu hayo maxa abiista siyaasadeed iyo ajaanibta u xi dhan siyaasad ahaan. Weerarkaas ayaa qayb ka ahaa ol’ole cusub oo ay Israa’iil ku badhtilmaameedsanayso hay’adaha cabudhiya shacabka Iran.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka geysanayaan Tehran maalmaha soo socda, iyagoo sheegaya in badhtilmaa meedkoodu hadda uu yahay calaamado astaan u ah nidaamka Iran, halkii ay ho ray uga beegsan jireen saldhigyada ciid amada.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa isna si cad uga hadlay suur togalnimada in isbedel lagu sameeyo hogaanka Iran, isagoo bartiisa Truth Social ku qoray: "Haddii nidaamka Iran shalay jooga uusan awoodin inuu ka dhi go Iran mid weyn mar kale, maxaa loo diidayaa in la sameeyo isbedel?”

Weerarrada ka dhacay Iran iyo Qatar ayaa daba socda duqeyntii Mareykanku Axaddii la beegsaday xarumo nukliyeer ah oo muhiim ah, sida Fordo, Natanz, iyo Isfahan. Iran waxay sheegtay in ay goobahaas ka rartay walxaha nukliyeer ka ka hor weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Tamarta Atomiga Iran.

Xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe ayaa sii murgaysa, iyadoo Iran ay sheegtay in ay mar kale weerartay magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv ee Israa’iil, iyadoo la maqalay qaraxyo kale oo ka dhacay magaalada Qudus.

Dowladda Ruushka ayaa cambaareysay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran, iyadoo madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay "gardar ro aan sabab lahayn”.

Qatar ayaa sheegtay inay si buuxda uga jawaabi doonto weerarka ay Iran ku qaaday saldhigga Maraykanka ee Al Udeid. Dhowr dal oo Carbeed iyo kuwa kale ee Islaamka ayaa caawa si adag u cambaareeyay weerarka Iran, waxaana ka mid ah: Soomaaliya, Bahrain, Kuwayt, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaa raadka Carabta, Masar, Morocco, Urdun, Lubnaan, Turkiga, Yemen, iyo Falastiin.

Fiiro gaar ah: cambaareynta Yemen wa xaa laga hadlayaa Jamhuuriyadda Ye men ee rasmiga ah, mana quseyso koox da Xuutiyiinta. Sidoo kale, mowqifka Fa lastiin kuma koobna Xamaas oo keliya, balse wuxuu ka tarjumayaa dowladda Falastiin ee caalamku aqoonsan yahay.

Ilhaan Cumar oo baraha bulshada ka saartay qoraal ku saabsanaa addoonsiga Mareykanka oo dood badan dhaliyay

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Goongareeska Maraykanka ayaa lagu qasbay inay tirto qoraal ay ku baahisay baraha bulshada oo ku saabsanaa ad -doonsigii ka jiray Maraykanka, kadib mar kii ay dood ka dhalatay, taasoo dhalisay in laga hadlo dalkii ay ka timid Soomaa -liya.

Ilhaan, oo dhawaan ku tilshalayy Maray kanka "mid ka mid ah waddamada ugu xun caalamka,” ayaa hadallo muran dha -liyay ku baahisay baraha bulshada intii lagu jiray dabaaldega maalinta 19-ka Juun (Juneteenth), taasoo ah maalin xus u ah dadka Madowga ah, gaar ahaan dhinaca bidixda siyaasadda.

Qoraalkeedii ayaa u qornaa sidan:

"160 sano ka hor, 19-kii Juun 1865, ad doonsigu wuxuu ka dhammaaday dal kaan. shalay, waxaan xusnaa xorriyad -da, adkeysiga, iyo guulaha dadka Mado wga ah, annagoo weli wadna shaqada la gu sifeynayo cunsuriyadda nidaamsan ee ku jirta siyaasaddayada iyo hay’a dahayada.”

Qoraalkaas ayay tirtay kadib markii dad badan ka falceliyeen. Dad badan oo istic maala Baraha Bulshada ayaa jawaab uga bixiyay qoraalkeeda iyagoo xusay in Soomaaliya oo ay ka timid oo ay marar badan sheegtay in ay daacad u tahay xilli ay ku jirto Congress-ka Maraykanka uu yahay meel ay ka jirto addoonsi casri ah.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Walk Free ayaa sheegtay in ku dhowaad 98,000 oo Soomaali ah ay ku jiraan xaa lado u dhigma addoonsiga casriga ah, iyadoo dowladda Soomaaliya laga siiyay dhibcaha 18/100 dadaallada ay ugu jirto la dagaalanka addoonsiga.

Gunther Eagleman, oo ah shaqsi saa meyn leh oo ka tirsan garabka midigta xagjirka ah, ayaa qoraalkeeda kaga falceliyay isagoo yiri:

"Soomaaliya weli waxay leedahay addoo mo. Ilhaan ha u dagaalanto sidii ay dad keeda u xoreyn lahayd."

Dad kale oo badan ayaa hadalkaas ka raacay, iyagoo xusay in Soomaaliya ay san dadaal xooggan gelin ciribtirka sha qada carruurta.

Qof kale ayaa ku yiri:

"Haddii aad si dhab ah ugu damqanayso dadka la addoonsado, ku noqo Soomaa liya. Waxaa weli jooga addoomo badan.”

Ilhaan Cumar ayaa ugu dambeyn tirisay qoraalkeedii hore, iyadoo beddeshay mid cusub oo aan ka hadlin addoonsiga. Qoraalkeeda cusub wuxuu ahaa:

"Juneteenth waxay nagu xasuusinaysaa in xorriyadu aysan had iyo jeer si deg deg ah ku imaanin, balse ay mudan ta hay in la dagaalamo. Waa xusuusin awo -od leh oo muujinaysa sida ay ugu ad kaan karto in caddaaladdu gaarto dadka u qalma. shalay, waxaan u dabbaa ldegnaa xorriyadda dadka Madowga ah, adkeysigooda, iyo guulahooda, anagoo sii wadayna shaqada lagu tirtiro cunsu riyadda nidaamsan.”

Dhinaca kale, kooxaha bidixda siyaasa deed ayaa maalinta Juneteenth u adeeg sada inay ku dalbadaan in dadka cadaa -nka ah laga bixiyo magdhaw la xiriira addoonsigii hore ee dalka Maraykanka.

Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo askar looga dilay Dagaal ka dhacay Sabiid iyo Canoole

Todobo ka mid ah ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa lagu dilay Dagaalkii Kooxda Al-Sha -baab looga qabsaday degaanka Sabiid-Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada Difaaca Uganda, Maj Gen Felix Kulayig -ye.

Askartan Geeriyootay ayaa qeyb ka ahaa Howlgal abaabulan oo ay ku lug la haayeen ciidamada xoogga dalka Soo maaliyeed (SNA) iyo ciidamada Midow ga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya u jooga (AUSSOM), Howl galka oo loogu magac daray "Operation Silent Storm” ayaa lagu soo afjaray 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana lagu soo furtay keydkii hubka, waxaana la burburiyay qalab badan oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada Uganda oo qeyb ka ahaa Howlgalkaasi waxa ay goobta kasoo heleen kayd hub ah waxayna burburi yeen qalab badan oo walxaha qarxa ah oo ay aaseen Kooxda Al shabaab, sida lagu sheegay War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda.

Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Lt Gen Sam Kavuma, ayaa bogaadiyay dadaal ka ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee ka socda wadamada Geeska Afrika, waxaana uu shaaca ka qaaday in tal laabo muhiim ah loo qaaday la dagaa lanka Kooxda Al-shabaab.

"Waxaan bogaadinayaa geesinimada cii -damadeena AUSSOM gaar ahaan ku wa Uganda iyo kuwa Xoogga dalka Soo maaliyeed, howlgalkaan waa qeyb ka mid ah dadaallada lagu wiiqayo Al-Sha -baab,” ayuu yiri Sam Kavuma.

Askartaan ayaa la dilay intii uu socday dagaal xooggan oo rubuc saac ka soc day Sabiid iyo Caanoole, iyadoo ciida mada wadajirka ah ay xoog ku galeen goobo ay ku dhuumaaleysanay een Kooxda Al shabaab, isla markaana ay burburiyeen godad waa weyn oo ku wa qaar xitaa ay dhulka hoostiisa mari yeen oo ay gabaad ka dhigteen, Taliya ha Qeybta Koowaad ee ciidamada Ugan -da, Sarreeye Guuto Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa ku tilmaamay degaan ka Sabiid iyo Cnoole inuu ahaa xarun weyn oo dhanka saadka iyo qorsheynta ah ee al-Shabaab.

"Laga soo bilaabo bishii Maarso, degaan kaan waxay u noqotay meel istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ka qorsheeyaan howlgallada iyo weerarada is qarxinta iyo kala gudbinta hubka iyo gaadiidka qarax-yada" ayuu yiri Taliyaha Qeybta Koowaad, Sarreeye Guuto Joseph Muso ke Ssemwanga.

Meydka 7-da askari ee geeriyootay ayaa la filayaa in dib loogu celiyo dalka Ugan -da si halkaasi loogu aaso, Uganda ayaa door safka hore ah ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya tan iyo 2007dii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay in uu la yeelan doono wadahadallo muhiim ah madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kuwaas oo diiradda lagu saari doono caqabadaha joogtada ah iyo hanjabaada ha ka jira gobolka.

Wadahadallada ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhalatay weerar uu Mareykanku dhaw -aan ku qaaday xarumo nukliyeer ah oo Iran leedahay. Ruushka ayaa si adag u dhaleeceeyay tallaabada Mareykanka, iyadoo safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay uu sheegay in Washington ay "furay sanduuqa Pandora”.

Inkasta oo la filayo in Madaxweyne Putin uu muujiyo taageero diblomaasiyadeed oo ku wajahan Iran, haddana taageero milatari oo toos ah kama muuqato miiska – maadaama dagaalka Ukraine uu hadda yahay mudnaanta koowaad ee Kremlin-ka.

Inkastoo Ruushka iyo Iran ay wadaa gaan heshiis iskaashi istiraatijiyadeed, haddana ma jiro heshiis difaac oo Mos cow ku qasbaya inay siiso Tehran taa geero milatari.

Madaxweyne Putin ayaa toddobaadkii hore sheegay in Iran aysan si toos ah u codsan gargaar milatari, isagoo muuji yay in Moscow aysan ku degdegeynin inay faragelin milatari ku sameyso xiisad da taagan.

Kremlin-ku wuxuu doonayaa inuu sii hay -sto dheelitirka xiriirka uu la leeyahay la bada dhinac Iran iyo Israel iyo sidoo kale inuu dhiso iskaashi dhow oo uu la yeesho maamulka Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.

Xildhibaanada Dimuqraadiga oo Ku Baaqay in Madaxweyne Trump Xilka Laga Qaado Kadib Weerarka Iran

Xildhibaano badan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa si adag uga falceliyay weerarkii Madaxwey ne Donald Trump ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadaas "mid ka baxsan dastuurka" isla markaana ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweynaha.

Madaxweyne Trump ayaa xalay amray hawlgal lagu magacaabay "Operation Midnight Hammer” oo lagu beegsaday saddex xarumood oo muhiim ah oo nukl iyeerka Iran lagu kaydiyo, taasoo kicisay muran sharciyeed iyo siyaasadeed.

Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, oo laga soo doorto New York, ayaa qoraal ay baahisay ku tidhi: "Go’aanka musiibada ah ee Madaxweynuhu ku duqeeyay Iran isagoo aan oggolaansho ka haysan Congress-ka waa xadgudub weyn oo ka dhan ah Dastuurka iyo Awoodaha Da gaal ee Congress-ka."

"Wuxuu khatar galiyay dalka isagoo si degdeg ah u bilaabay dagaal laga yaabo inuu jiilal badan inagu raago. Tani waa sabab cad oo xilka looga qaadi karo."

Rep. Sean Casten, oo laga soo doorto gobolka Illinois, ayaa isna ku tilmaamay tallaabada Trump "dembi xil-ka-qaadis keeni karta" isagoo yidhi: "Arrintani wax shaqo ah kuma laha su'aalaha ku saab san barnaamijka nukliyeerka Iran. Ma ji ro madaxweyne xaq u leh inuu duqeeyo dal aan khatar toos ah ku ahayn Marey kanka, iyadoo aan la helin oggolaan shaha Congress-ka.”

Casten wuxuu intaas ku daray in xisbiga Dimuqraadigu aanu hadda haynin codad kii lagama maarmaanka u ahaa xil ka qaadista Trump, wuxuuna su’aal geliyay doorka hoggaamiyaha Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, isaga oo si adag u cam baareeyay qaabka go’aanka loo gaa dhay. Sidoo kale, Casten wuxuu qiray in Iran ay horay ugu guuleysatay bacrimin ta maaddo nukliyeer ah oo halis ah, bal se aan lagu rikibin hub.

Sen. Bernie Sanders, ayaa ku tilmaa may weerarka Trump inuu yahay "xaa raan Dastuuri ah,” isagoo yidhi: "Ma aq balayo in Congress-ku uu si buuxda ugu wareejiyo awooddiisa laanta fulinta, xi taa haddii xubno indha la’ ay taageera yaan."

Rep. Val Demings, oo laga soo doorto Florida, ayaa iyaduna weerarka ku tilsha layy mid aan sharci ahayn: "Madaxwey nuhu ma laha awood uu ku bilaabo da gaalka Iran isagoo aan oggolaansho ka helin Congress-ka. Dadka Mareykanku khatar toos ah kuma aysan jirin. In la yi -dhaahdo Iran khatar bay ahayd waa been cad. Congress, xaggeed jirtaan? Dadka Mareykanku waxay mudan yihiin wax ka fiican tan.”

Jim Himes, oo ah xubin ka tirsan Gud diga Sirdoonka Aqalka Wakiillada, kana tirsan kooxda "Gang of Eight" ee ka koo ban hoggaamiyeyaasha labada xisbi iyo xubno muhiim ah oo sirdoonka kamid ah, ayaa isna sheegay inuusan helin wax war ah oo ku saabsan weerarka ka hor inta aan duqaynta la fulin.

"Dastuurka aan ku dhaarannay ayaa leh waa in Congress-ka lagu war-geliyo go’ aamada noocan oo kale ah. Tani waa khalad cad,” ayuu Himes ku qoray bara ha bulshada.

Murankan ayaa sii hurinaya xiisadda si yaasadeed ee gudaha Mareykanka, iya doo la filayo in Dimuqraadiyiintu sii wad aan cadaadiska ay saarayaan Madaxwe ynaha, halka taageerayaashiisu ay u arkaan tallaabadaas difaac qaran oo geesinimo leh. Doodda ugu weyn ayaa hadda ah: Trump ma jabiyay Dastuurka, mise wuxuu fuliyay mas’uuliyaddiisa ilaa -linta amniga qaranka?

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo wixii dhacay saacadihii ka danbeeyay

Weerarka Mareykanka ayaa dhacay fiid nimadii Sabtida, iyada oo diyaaradahiisa dagaalku ay beegsadeen saddex xaru mood oo muhiim u ah barnaamijka nukli yeerka ee Iran: Fordow, Natanz, iyo Isfa han. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, weerarka ayaa si gaar ah loogu adeegsaday bam booyin culus oo lagu burburin karo dhis mayaasha dhulka hoostiisa ku yaalla gaar ahaan xarunta Fordow oo ku taalla buur hoosteed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarka ku tilmaamay "guul weyn oo taariikhi ah," isaga oo sheegay in weerarkani meesha ka saa ray "halis weyn oo caalami ah." Dowla dda Iran ayaa dhankeeda xaqiijisay wee rarka, balse sheegtay in goobaha la beegsaday ay ahaayeen kuwo madhan, isla markaana ay horay uga saareen walxihii ugu muhiimsanaa ee nukliyeer ka.

Xaaladdu waxay sii cakirantay subaxni madii Axadda, kadib markii Iran ay si isdaba joog ah u bilowday duqeymo cu lus oo ay ku qaaday badhtilmaameedyo Israa’iili ah. Warbaahinta gobolka ayaa sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo tiro badan lagu weeraray waqooyiga iyo badhtamaha Israa’iil, iyadoo nidaamka difaaca cirka Israa’iil, ee loo yaqaan "Iron Dome", uu hawlgaliyay si uu u qabto gantaalaha.

Taliska ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaalladaas ay gaadheen badhtilmaameedkoodii, balse khasaaraha rasmiga ah wali lama xaqii jin. Dhinaca kale, Iran waxay sheegtay inay "iska difaaci doonto ciddii gardarro ula timaadda," halka Israa’iil ay ku han jabtay inay ugu jawaabi doonto "si ka xoog badan" haddii weerarada Iran ay sii socdaan.

Xiisaddan ayaa abuuraysa cabsi laga qa bo dagaal ballaadhan oo gobolka Bariga Dhexe ku fida, iyadoo waddamada duni da ay ku baaqayaan in la joojiyo colaa dda oo dib loogu noqdo miiska wadah adal. Lakiin Iran waxay sheegtay in anay adag tahay in ay markale aaminto Reer Galbeedka.

Mashruuca La-dagaallanka Ayaxa Puntland oo wajahaya halis ah inuu istaago

Mashruuca la-dagaallanka Ayaxa ee Puntland ayaa wajahaya halis weyn oo ah inuu istaago, kaddib eedeymo culus oo loo jeediyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland, Maxamed Cabdul qaadir Saalax (Doonyaale), oo lagu ee deeyay musuq-maasuqa mushaharka shaqaalaha mashruucan.

Shaqaalaha iyo waardiyeyaasha xarunta ayaxa ee magaalada Qardho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay musha har la’aan iyo dib u dhacyo dhaqaale oo soo jiitamayay muddo siddeed bilood ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay HOL in shaqaaluhu si toos ah farta ugu fiiqeen wasiirka, iyagoo ku eedeeyay inuu sab ab u yahay inay muddadaas mushahar la’aan yihiin.

Sida ku cad email rasmi ah oo ay dirtay FAO, waxay sheegtay in ay soo gaareen cabasho ku saabsan mushahar la’aan iyo magdhowga safarada muddo 8 bi -lood ah.

FAO waxay sidoo kale kula talisay shaqaalaha inay arrintan si toos ah ula xiriiraan Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kaasoo had da baaraya cabashooyin lamid ah ku wan. FAO waxay sidoo kale caddeysay in ay cabashadan horey ugu gudbisay Hantidhowraha si loo helo xal dhammey stiran oo sharci ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in lacag ka le oo mashruuca kusoo dhacday ay ha kad gashay, kadib markii Wasiirka lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu si gaar ah uga faa’iideysto. Eedeymahaas dar teed ayaa shaqada looga joojiyay Agaa simihii Guud ee Wasaaradda Beeraha.

Mashruuca Ayaxa ayaa kamid ah masha ariicda kooban oo soo maray Dowladd Federaalka Soomaaliya oo ka socda gudaha Puntlabd. Mashruucan oo Banki ga Adduunka ku bixinayo malaayiin dol -lar sannadkiiba ayaa loogu talo galay in lagula dagaalamo Ayaxa oo dhibaato badan ku haya beeralayda iyo xoola dhaqatada Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip