
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-06-25
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku qaabilay Madaxtoyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqalaha Qaramada Midobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin; dhammeystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.
Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay’adda UNICEF ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in hey’adda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Hey’ada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.
Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare ay calaamad u tahay hormarada ay dowlada Soomaliya ay ka samaynayso dhinacyo badan ay ugu wayn tahay iskaashiga caalami ah, Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini’aadannimada, iyo nabadgelyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku daahfuray Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiri” Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed.
"Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka "ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cali Xoosh
Kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dowladaha Hoose.
Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go’an daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Doceed la yeeshay Dhigiisa Dowladda Kuwait
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya. Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, arrimaha caalamiga ah, iyo isbeddellada ka socda mandaqadda. Sidoo kale, waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, si loo kobciyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Howlgallo lagu baacsanayo al-shabaab oo ka socda degaanno katirsan gobolka Hiiraan
Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa shalay cadowga Al-shabaab ah ku baacsanaya dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo dagaal shalay soo bilowday lagu jebiyey Al-shabaab.
Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay toogteen dhagarqabayaal ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, howlgalka oo weli socda ayaa si buuxda loogu jebiyey Al-shabaab.
Wixii ka soo kordha howlgalka ka socda Hiiraan kala soco Warbaahinta Qaranka.
Maraykanka oo Weeraray Xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan: Dagaal Buuxa oo laga Cabsi Qabo inuu Qarxo
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay habeen hore weerar ballaadhan ku qaadeen saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, kuwaas oo kala ah Fordow, Natanz iyo Isfahan, isaga oo ugu baaqay Iiraan in ay hadda nabad qaadato.
Trump ayaa weerarka ku tilmaamay "guul weyn oo taariikhi ah”, wuxuuna uga digay Iiraan in haddii ay ku soo jawaabto weerarka, ay la kulmi doonto "ciqaab ka xoog badan middii ay aragtay habeen hore”.
"Waxaan dhammeystirnay weerarkeennii guusha ahaa oo aan ku beegsanay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay: Fordow, Natanz iyo Esfahan,” ayuu yidhi Trump. Wuxuu sheegay in bambooyin culus lagu riday xarumahan, diyaaradaha Maraykankuna ay si nabad ah uga baxeen hawada Iiraan.
"Hambalyo ciidamadeenna geesiyaasha ah ee Maraykanka. Ma jiro ciidan kale oo dunida ka jira oo awood u leh inay sidaan oo kale sameeyaan. Hadda waa waqtigii nabadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Trump.
Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iiraan ayaa sheegtay in baadhitaanno ay sameeyeen ayna muujin wax sun ah ama khatar ah oo ka dhashay weerarka, isla markaana shacabka ku nool agagaarka xarumahaasi ayna wax halis ah ku sugnayn. Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah goobaha nukliyeerka sida Fordow horey loo faaruqiyay.
Xildhibaan Manan Raasi, oo laga soo doorto magaalada Qom oo ay xarunta Fordow ku taallo, ayaa sheegay in burburku ahaa mid kooban, isla markaana dib loo dhisi karo. "Fordow si dhab ah looma burburin, waxa uu Trump sheegay waa been abuur,” ayuu yidhi.
Weerarkan ayaa si weyn loo cambaareeyay. Ururka DAWN oo uu aasaasay weriyihii la dilay Jamal Khashoggi, ayaa ku tilmaamay weerarka mid sharci-darro ah oo ka hor imanaya Dastuurka Maraykanka. "Keliya Kongareeska ayaa leh awoodda inuu oggolaado dagaal,” ayay tidhi Sarah Leah Whitson, oo ah Agaasimaha Fulinta ee DAWN.
Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa isna si adag uga horyimid weerarka. Hoggaamiyaha Aqalka Wakiillada Hakeem Jeffries ayaa sheegay in Trump uu si kalitalisnimo ah u qaaday weerarka isagoo aan la tashan Baarlamaanka. "Trump mas’uuliyad buuxda ha iska saaro cawaaqibka ka dhalan kara dagaalkan,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Iiraan ayaa sheegtay in anay weli go’aan rasmi ah ka gaadhin jawaabta ay ka bixin doonto weerarka. Si kastaba ha ahaatee, khubarada siyaasadda ayaa ka digay in xulafada Iiraan ee gobolka sida Xuutiyiinta Yemen, ururka Xisbullah ee Lubnaan, iyo kooxaha Shiicada ee Ciraaq ay si gaar ah ugu jawaabi karaan Maraykanka iyaga oo aan sugin amar rasmi ah oo ka yimaadda Tehran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan,Sayyed Abbas Araghchi, ayaa weerarka ku tilmaamay xadgudub wayn: "Maraykanku wuxuu si cad ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiska NPT, weerarka uu ku qaaday xarumaha nukliyeer nabadeed ee Iiraan."
Waxa uu sheegay in weerarkaniyahay fal halis ah oo xadgudub ah, isla markaana uu yeelan doonaa cawaaqib waqti dheer, isaga oo ugu baaqay waddmada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay cambaareeyaan. "Iiraan waxay xaq buuxa u leedahay inay iska difaacdo si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, danaha qaranka iyo shacabka.
Xoghayaha Amniga Gobolka Qom ee Iiraan ayaa sheegay in xarunta Fordow muddo hore la faaruqiyay, taas oo muujinaysa in weerarku uusan wax badan ka beddeli doonin awoodda nukliyeerka ee Iiraan. Sidoo kale, warbaahinta qaaar ayaa sii xoojinaysa arrinta oo sheegaya in maaddooyinka muhiimka ah ee nukliyeerka hore looga qaaday goobahaas.
Trump ayaa sheegay in weerarkan uu meesha ka saaray khatartii Iiraan ku haysay Israa’iil, balse muu caddeyn wax khatar ah oo toos ah oo Iiraan ku ahayd Maraykanka. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambaysay weerarka, maadaama weerarka uu sharci darro noqonayo haddii aysan jirin khatar toos ah oo Washington wajahayso.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa ammaan u jeediyay Trump, isagoo sheegay in weerarkani uu "taariikh cusub qorayo.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa isna sheegay in taariikhdu xusi doonto "hoggaaminta geesinimada leh” ee Trump iyo Netanyahu ee weerarka Iiraan.
Xiisaddan cusub ayaa dhalisay cabsi laga qabo in gobolka uu u jiheysto dagaal weyn, iyadoo weli xusuusta shacabka ku jirto dagaalkii Ciraaq iyo dilkii Jeneral Qassem Soleimani iyo hoggaamiyayaashii kale ee ciidamada Iiraan. Waxaa hadda la sugayaa jawaabta rasmiga ah ee dowladda Iiraan iyo tallaabooyinka xiga ee Maraykanka.
Iiraan oo jawaab adag ka bixisay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday xarumaheeda Nukliyeerka
Dowladda Iiraan ayaa saacado kooban kadib weerarkii Mareykanku uu geystay xarumaheeda Nukliyeerka jawaab adag bixisay weerarkaas, waxayna duqeymo ka geysatay in ka badan 400 oo goobood oo ka mid ah dhulka maamusho Israa’iil.
Warbaahinta dalka Israa’iil ayaa weerarka shalay ku tilmaameen inuu yahay weerarkii ugu cuslaa oo ay Iiraan ku qaado magaalooyinka dalkaas, islamarkaana nidaamka difaacyada ee hawada Israa’iil ku guuldaraysteen qabashada gantaallada Iiraan.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka jawaab celinta ah ee Iiraan shalay ku qaaday Israa’iil inuu dhaliyay khasaare baaxad leh oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed.
Si kastaba ha ahaate talaabada uu Mareykanku ku weeraray xarumaha Nuclear ka Iiraan ayaa u muuqata mid si weyn u sii hurineysa xaaladda gobolka Bariga Dhaxe.
Dadka ka faalooda siyaada bariga dhexe ayaa sheegaya in suurtagal tahay in dagaalka ka socda bariga dhexe ee uu Mareykanka ku biiray in sidoo kale kusoo biiraan dalal kale oo horleh, taasoo sii adkeyn doonta xaalada adag ee ka taagan gobolka.
Madaxweynaha Jubaland oo shalay ka degay magaalada Garowe
Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegay in Madaxwenaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay shalay booqasho ay uga bilaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, iyadoo si weyn isha loogu haayo shirka isaga iyo Madaxweynaha Puntland dhex mari doona.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Labada maamul goboleed ayaa dhawaan qaadacay ka qeyb galka shirarka muhiimka ah ee golaha wadatashiga qaran, taasi oo muujineysa in uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka.
Madaxweyne Madoobe ayaa inta uu ku guda jiro socdaalkiisa Garowe waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha federaalka, xiriirka dowlad goboleedyada, iyo Shirarka wada-tashiga qaran ee looga arinsanaayo Siyaasadda guud ee Soomaaliya.
Shirka labada madaxweyne Garowe ku dhex mari doona ayaa noqon doona mid si heer sare ah loo soo agaasimayo waxaana uu imaanayaa xilli dhowaan la filaayo in markale uu qabsoomo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee horey loo qorsheeyay in 22kii Bishaan June, kaasi oo Puntland iyo Jubbaland aysan weli xaqiijin ka qeyb galka shirkaasi.
Kulanka ka dhacaya magaalada Garoowe ayaa laga yaabaa in uu muujinayo go’aan wada jir ah oo ay labada dowlad-goboleed uga jawaabayaan waxa ay u arkaan in dowladda federaalka ay ku xad-gudubtay siyaasadda dalka,.
Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxi karta wada hadallada Madoobe iyo Deni ay qaabeyn karaan qaabka iyo jihada xiriirka bilaha soo socda ee Dowlad Goboleedyadaan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM oo si rasmi ah u shaqo bilaabi doona bisha Luulyo, iyadoo 12,000 askari lagu bilaabi doono.
Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in howlgalkiisa cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya – AUSSOM (AU Support and Stabilisation Mission in Somalia) – uu si buuxda u hawlgalo bisha Luulyo 2025, isagoo beddelaya ATMIS oo muddo xileedkiisii dhamaaday 1-dii Janaayo 2025.
Howlgalka cusub ayaa noqonaya wajiga saddexaad ee dadaallada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya, waxaana uu xoogga saarayaa hogaaminta Soomaaliyeed, taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya, wiiqidda kooxda Al-Shabaab, xasilinta deegaannada laga xoreeyo Alshabaab, iyo diyaarinta Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka la gaaro December 2029.
Midowga Afrika ayaa bishii Juun la galay Heshiis Isfaham dalalka ciidamada iyo booliska ka qeybgelinaya howlgalka, kuwaas oo kala ah: Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, Nigeria iyo Uganda. Waddamadaas ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona dhinacyada amni iyo hawlgal, iyagoo keeni doona ciidan iyo taageero istiraatiiji ah.
Waxa lagu heshiiyay in heshiisyadaas isfahamka ah loo gudbiyo xafiiska sharciyeynta Midowga Afrika, ka hor inta aan si rasmi ah loo saxiixin. Wadahadalladan waxay daba socdaan shirar farsamo oo hore uga dhacay Addis Ababa iyo Kampala, kuwaas oo lagu dejiyay khariidadda hawlgalka cusub.
AUSSOM waxaa loo oggolaaday in uu yeesho ilaa 12,000 oo askari, oo ay ku jiraan 680 boolis ah, balse qorshuhu waa in tiradan la yareeyo dhammaadka sanadka 2025.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalka AUSSOM wuxuu wajahaya dhibaato dhaqaale oo halis ah. Intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, howlgalka wuxuu u baahnaa $90.4 milyan, hase yeeshee waxaa la helay kaliya $16.7 milyan, taas oo keenaysa hoos u dhac dhan $73.7 milyan.
Dhaqaalaha howlgalka ayaa lagu talinayaa in lagu daboolo nidaam cusub oo isku dhafan, oo oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah lagu bixiyo lacagaha UN-ka ee waddamada xubnaha ka ah laga ururiyo, iyadoo laga bilaabayo 1-da Luulyo 2025, sida ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM (2719/2023).
Si kastaba, hirgelinta nidaamkan cusub waxay ku xirnayd go’aan laga gaaro ka hor 15-ka Maajo 2025, taas oo weli su’aalo la iska weydiinayo, iyadoo aysan jirin taageero dhaqaale oo muuqata oo howlgalka lasoo gaarsiiyay ilaa iyo hadda.
AUSSOM waxay hawlgalkan bilaabaysaa iyadoo Al-Shabaab ay qaadayso weerarro isdaba joog ah oo ay dhul cusub ku qabsatay, taasoo keentay in shirkii dalalka ciidamada keena ee ka dhacay Uganda bishii Abriil 2025, lagu codsado in la kordhiyo ciidamada howlgalka ilaa 8,000 askari oo dheeraad ah.
Sida ay dalalka caalamku uga falceliyeen weerarka uu Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran
Wadamada calamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku habeen hore ku qaadeen sadexda xarumod ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.
Israa’iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u Muujisay Taageero Buuxda
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si weyn u bogaadiyay madaxweyne Donald Trump, isagoo sheegay in go’ankiisu yahay mid geesinimo leh. Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran uu yahay mid taariikhi ah oo aduunka ka difaacaya khatar weyn.
Iran Waxay Kaga Jawaabtay Digniin, Waxayna Ballanqaadday in ay Isdifaaci Doonto
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu si badhedh ah ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay, xeerarka caalamiga ah, iyo heshiiska Joojinta Faafista Hubka Nukliyeerka ee NPT. Wuxuu sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay iska difaacdo ayna adeegsan doonto dhamaan ikhtiyaradka ay hayso si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda dhuleed iyo danta shacabka.
Qaramada Midoobay: Walaac Culus iyo Baaq Dibloomaasiyadeed
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si kulul uga hadlay weerarka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabada Maraykanku qaaday mid halis ah oo khatar weyn ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.
Guterres wuxuu ka digay in xiisaddu ay kasii dari karto, taasoo keeni karta cawaaqib xun oo ay ku waxyeelloobaan dad rayid ah. Wuxuu ugu baaqay dhammaan waddamada inay ka fogaadaan gacan ka hadal, islamarkaana ay kusoo laabtaan miiska wadahadalka si xal diblomaasiyadeed loo gaadho.
Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa Bogadisay Werarka, Waxayna Ku Baaqday Wadahadal
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay halis weyn. Wuxuu amaanay tallaabada Maraykanku qaaday, balse wuxuu sidoo kale ugu baaqay Iran inay miiska wadahadalka kusoo noqoto.
Midowga Yurub (EU): Baaq Nabadeed
Kaja Kallas, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la joojiyo gacan ka hadalka. Waxay ku baaqday in dhinacyadu kusoo noqdaan miiska wadahadalka si looga hortago fiditaanka khatarta.
Dalalka Carabta iyo Bariga Dhexe: Walaac iyo Digniino
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa muujisay walaac aad u weyn, iyadoo ka digtay in xiisaddu ay horseedi karto cawaaqib halis ah oo heer gobol iyo caalami ah. Sacuudi Carabiya ayaaa weerarka ku tilmaamay xadgudub lagula kacay sharciga caalamiga ah. Dhanka kale, Maryam Rajavi oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Iran, ayaa ku tilshalayy weerarka "dhamaadka wax ay ugu yeedhay mashruuca hubka ee Khamayni" waxayna ugu baaqday hogamiyaha Iran inuu xilka baneeyo.
Dalalka Aasiya iyo Latin Amerika: Cambaareyn iyo Baaqyo Dibloma-asiyadeed
Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba, io Wasiirka Arimaha Dibadda ee New Zealand ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda. Dowladda Australia ayaa ku baaqday xal diblomaa-siyadeed, iyadoo xustay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay khatar caalami ah.
Dhanka Latin Amerika, Venezuela waxay si adag u cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilshalayy gardarro milatari oo Maraykanku ku kula kacay Iran. Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa isna ku tilmaamay weerarka "xadgudub weyn oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midobay iyo sharciga caalamiga ah.”
Iran ayaa sheegtay in weerarka Maraykanku aanu burbur weyn u geysan goobaha nukliyeerka, maaddooyinkii muhiimka ahna horey looga qaaday. Inkasta oo aanay weli cadayn nooca jawaabta rasmiga ah ee ay qaadi doonto, haddana indhaha caalamka ayaa kusii jeeda Iran iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ka burburiyay xarumihii Keydka Hubka Al shabaab ee Aadan Yabaal
Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in howlgal culus oo ka dhacay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku burburisay xarumo ay Al shabaab ku keydsanayeen hubka.
Warbaahinta Dowladda ayaa kusoo warantay in Howlgalka uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay labo xarumood oo Al shabaab ay u adeegsan jireen diyarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.
Saraakiisha Dowladda Soomaalia ayaa tilmaamay in goobaha kale ee la bartilmamaysaday ay qeyb ka yihiin gonad waa weyn ay kooxda ka qoteen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah sida warbaahinta Dowladdu ay kusoo warantay.
Dowladda ma aysan bixinin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ee howlgalkasi ka dhashay.
Dhowaaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Dowladda Howlgal gaar ah oo ay Degmadaan ka fulisay kuna dishay ilaa 20 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxa ay markale isku dayeeysaa inay kala wareegto Al shabaab degmada Aadan Yabaal oo ah degmo istiratiji ah oo horey gacanta Dowladda uga baxday waxaana si weyn looga maamuli jiray holgallada Al shabaab ee Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Sidee bay Iiraan uga jawaabi doontaa ka dib markii Maraykanku beddelay jihada colaadda?
Markii Benjamin Netanyahu uu soo istaagay minbarka xafiiska Ra'iiusl wasaaraha Israa'iil subaxnimadii ma uusan jeedin khudbad afka cibraaniga taas oo toos ugu wajahnayd shacabka Israa'iil siu u ugu warbixiyo xaalaadda cusub ee colaadda.
Taa beddelkeeda, wuxuu si toos ah ugu hadlay Af Ingiriis, isagoo si toos ah ula hadlayey, kuna ammaanayay Madaxweyne Donald Trump, kadib weerarkii Maraykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran.
Hadalkiisa waxaa laga dheehan karay guul iyo rayn-rayn, taasoo aan la yaab lahayn marka la eego in Netanyahu inta badan noloshiisa siyaasadeed uu ku bixiyay ka-digtoonaanta khatarta uu Iran u arko in ay ku hayso Israa'iil.
Netanyahu wuxuu 15-kii sano ee la soo dhaafay dadaal badan ku bixiyay sidii uu Maraykanka — iyo madaxweynayaashiisa — ugu qancin lahaa in halka dariiq oo keliya ee wax looga qaban karo barnaamijka hubka nukliyeerka Iran uu yahay tallaabo ciidan, oo si gaar ah u adeegsaneysa hubka Maraykanka.
Isagoo Trump ugu hambalyeyey go'aanka geesinimada leh kaas "beddeli doona taariikhda", Netemyahu wuxuu sidoo u hambalyeyey naftiisa, isagoo ku guuleystay inuu beddelo fikirkii madaxweynaha Marayknaka uga soo horjeeday faragelinta milatari oo dibada ah.
Waxa kale oo xusid mudan in Trump, hay'adaha sirdoonka aanay la wadaagin qiimaynta Israa'iil ee ku aaddan sida degdegga ah ee Iran ay u raadin karto in ay samaysato hubka Nukliyeerka, iyo in kale in ay go'aankaas qaadatay.
Intii lagu jiray iskahorimaadkan, oo bilowday 10 maalmood oo keliya ka hor, dawladda Israa'iil iyo milatarigu waxay ku adkaysanayeen in Israa'iil ay awood u leedahay in ay keligeed wax uga qabato khatarta Iran.
Laakiin ma ahayn wax qarsoodi ah in Mareykanka oo kaliya uu haysto hubka weyn ee awood u leh inuu wax ka qabto heerarka ugu xooggan ee ilaalinta xarumaha nukliyeerka ee Iran, gaar ahaan Fordo, oo laga dhisay gudaha buur.
Haddii goobaha Nukliyeerka ee habeen hore la duqeeyay ay hadda yihiin kuwo aan la isticmaali karin, markaas ra'iisul wasaaraha Israa'iil waxa uu awood u yeelan doonaa in uu ku dhawaaqo hadafkiisa ugu weyn ee dagaalka, laga yaabo in uu soo afjaro khilaafkan. Dhankeeda Iran ayaa sheegtay in ay horay u rartay walxaheeda Nukliyeerka.
Laakiin haddii aanay jiri lahayn duqeyntii habeen hore, Israa'iil waxay sii wadi lahayd weerarada ay qorsheysay muddo sannado ah, iyadoo liis dheer oo bartilmaameedyo ah ay ciidamadeeda cirka horey u diyaariyeen.
Waxyeello ayaa sii gaari lahayd ciidamada milatariga Iran, saraakiishooda, saynisyahannada barnaamijka nukliyeerka, kaabayaasha dowladda, iyo qaybaha barnaamijka nukliyeerka ee ay bambooyinka Israa'iil gaari karaan.
Laakiin Netanyahu waxaa laga yaabaa inuusan heli lahayn fursad cad oo Israa'iil ku sheegto in halista nukliyeer ee Iran si buuxda loo tirtiray. Waxaa laga yaabaa in kaliya isbeddel xukun oo ka dhaca Iran uu keeni lahaa xaalad Israa'iil u aragto in khatartaasi meesha ka baxday.
Duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha B2 ee Maraykanka, kuwaas oo ah kuwa ugu casrisan uguna awoodda badan dunida, si dhab ah ayay u beddeleen jihada dagaalka. Haddii uu dagaalku sii fido iyo in kale, waxay hadda ku xiran tahay sida ay Iran iyo xulafadeedu uga falceliyaan.
Toddobaadkii hore, Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, wuxuu si cad u sheegay in haddii Maraykanku si toos ah dagaalka ugu biiro, ay jawaab adag ka imaan doonto.
"Maraykanku waa inuu ogaadaa in faragelin millatari oo uu sameeyo ay si shaki la'aan ah u keeni doonto khasaare aan la sixi karin." ayuu yiri Khamenei.
Kaliya Sabtidii kooxda Xuutiyiinta Yemen - xulafada adag ee Iran - waxay ku hanjabeen inay weerari doonaan maraakiibta Mareykanka ee mara Badda Cas haddii Mareykanka uu galo dagaalka.
Shaqaalaha militariga Mareykanka, ganacsiyada, iyo muwaadiniinta gobolka ayaa hadda ah bartilmaameedyo suurtagal ah. Iran waxay dib u weerari kartaa siyaabo kala duwan, haddii ay sidaas doorato, weerarto maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, ama saldhigyada Khaliijka, oo ay suurtogal tahay inay carqaladeeyaan qulqulka saliidda ee Khaliijka, waxayna kicin kartaa qiimaha shidaalka.
Maraykanku waxa uu ka dhawaajiyay in, hadda, tallaabadiisii millatari ay dhammaatay, oo aanay dani ugu jirin in la rido xukuumadda Tehran.
Taasi waxay ku dhiirigelin kartaa Iran inay xaddiddo jawaabteeda, laga yaabee inay weerarto bartilmaameedyada Mareykanka siyaabo aan u horseedin khasaare badan, ama ay u adeegsato wakiillada gobolka inay sidaas oo kale sameeyaan.
Iran waxay tallaabadan oo kale qaaday kadib markii Donald Trump amar ku bixiyay dilkii Qasem Soleimani ee 2020. Markii danbe, Iran waxay uga jawaabtay si xaddidan, iyada oo aan dagaal ballaaran ka abuurin.
Saaka oo dhan Bariga Dhexe neefta ayaa ku dhegan, waxaana la sugayaa in tani ay calaamad u tahay dhamaadka colaadan, ama bilawga weji kale oo dhimasho ka sii badan oo dagaalka ah.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 23-06-25
......