Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

0
Sunday June 22, 2025 - 17:45:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

    Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare ay calaamad u tahay hormarada ay dowlada Soomaliya ay ka samaynayso dhinacyo badan ay ugu wayn tahay iskaashiga caalami ah, Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini'aadannimada, iyo nabadgelyada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip