
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-4-25
Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku casuumay dhiggiisa dalka Uganda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo daraad booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa casuumaad rasmi u fidiyay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo ka aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan.
Dhanka kale Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka, waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika.
Dowladda Uganda ayaa qeyb wayn ka ah howlgalka cusub ee AUSOM, iyadoo ugu qeyb qaadaneyso ciidan tiradiisa lagu sheegay 4,500, taas oo ka dhigan in ay tahay dowladda ugu badan ciidan ahaan howlgalka cusub ee AUSOM.
Ra’iisul Wasaare Xamse "Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumo”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Abdi Barre o ka hadlayay munasabada xil wareejinta Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in dhawaan socdaal qorsheysan ku tagi doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah Khaatumo.
"Booqashada aan ku tagi-doono Laas-caanood waa mid qorsheysan oo lagu xojinayo xirirka dowlada Federalka iyo maamulka SSC Khaatumo, maahan mid wax loogu dhibayo maamul iyo deegaanka Soomaaliyeed, bal waa mid la isugu soo dhaweeynayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan u diyaarsanyihiin inay soo arkaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascanood, isagoo ugu mahadceliyey reer Khaatumo niyad wanaagga ay u qabaan socdaalka wafdiga Xukuumada ee deegaannada SSC Khaatumo.
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka socda diyaar garow wayn oo ku aadan soo dhaweynta Wafiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo Magaalada iyo daafaheeda lagu arkayo boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
R
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-4-25
.........