
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-4-25
Madaxda wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kawada hadlay la dagaalanka Al shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo daraad Booqasho ku tagay dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle waxaana ay kawada hadleen xoojinta dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab.
Labada Madaxweyne ayaa kulankoodi diirada ku saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyadoo laga wada shaqeenayo arrimaha amniga, dhaqalaha, ganacsiga iyo Siyaasada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga mahadceliyey doorka ciidamada Jabuuti ee kusugan Soomaaliya ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.
Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka Al shabaab, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay'adaha ammaanka.
Golaha Wasiirrada oo ka hadlay dagaalka lagu cirib-tirayo al-shabaab
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo uu goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Al-shabaab, isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyay booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.
Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay muddo xilleedka.
Soomaaliya oo danjire cusub u magacowday dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya Mudane Axmed Attaf ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doono Aljeris mudane, Yuusuf Axmed Xasan ( jeego).
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya iyo wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaasi ayaa ka wada sheekeystay xaaladaha guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.
Ra”iisulwaasaraha XFS oo magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jiro Al-shabaab
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-shabaab ah ee Shabaab iyo Daacish.
Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagalka, ayaa waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.
Ciidanka difaaca degmada Alkawsar oo dilay in ka badan 20 al-shabaab ah
Ciidanka difaaca ee degmada Alkowsar Gobolka Shabellaha Dhaxe ayaa Howlgal Qorsheysan ku bur buriye Taliskii al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka nuur gadow.
Geesiyaasha Difaaca ayaa Howlgalka ku dilay in ka badan 20 Maleyshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan al-shabaab
Sidoo kale Ciidamada Difaaca degmada Alkowsar ayaa Cadowga al-shabaab kasoo furtay Hub&Saanad Ciidan oo ay lahayeen Cadowga Al-shabaab
Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhacay jubadda hoose ku dilay xubno ka tirsan al-shabaab
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa shalay guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxaha Al-shabaab.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaamedsaday goobo ay kooxda Al-shabaab kaga sugnayen deegaanka Qabri Shariif,tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.
Ciidanka XDS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay wado howllgalo al-shabaab lagu naafeeyay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo kormeeray difaacyadda ciidanka qalabka sida
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shalay kormeeray difaacyada ciidamada qalbka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka ee ku sugan degmada Ali Gaduud ee Gobalka Shabellada Dhexe.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida aya ugu horeyn uga warbixiyay Madaxwenaha howlgalka dabar-goynta Al-shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka kuwaas oo ka hortaagan Al-shabaab damacooda guracan.
"Halgan naf-hurnimo oo aan ku badba-adineyno dhiigga iyo karamada shacabka Soomaaliyeed ayaan ku jirnaa waana ka guulleysaneynaa burcad-diimeedka soo xad-gudbay.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacab iyo madax in furimaha dagaalka la yimaado si wadajir ahna looga adkaado Al-shabaab.
Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay bandhigga dhaqanka ee ardayda Soomaalida
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Jabril Ibrahim Abdulle, ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgalay daawashada bandhig dhaqameed ay soo abaabuleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacada Caalamiga ah ee USIU-Africa, taas oo fadhigeedu yahay Dalka Kenya.
Bandhiggaasi oo sidoo kae ay ka qeybgalrrn xubno ka tirsan dublamasiyiinta Safaraadda Soomaaliye, waxaa ardeyda Soomaaliyed ee wax ka barta Jamacadasi ay halkaasi ku soo bandhigen dhaqanka faca-weyn ee qowmiyadda Soomaalida, iyagoo soo gudbiyay heeso iyo barnamijyo ka tarjumaya dadka Soomaalida.
Danjiraha Soomaaliya ee safaaradda Kenya Jabril Ibrahim Abdulle iyo xubnihii kaler ee ka socday safaaradda ayaa bogaadiya ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalkaasi,iyagoo ka mahadceliya ddaalka ku aadan bandgigga iyosoo gudbinta hab-dhaqanka dadka Soomaalida.
Jaamacada USIU-Africa, waxa ay kamid tahay jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Kenya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ,taas oo ay wax ku bartaan arday badan oo Soomaali ah oo qaata waxbarashada noocyada kala duwan ee cilmiga.
Daawashada bandhigga dhaqanka waxaa kaloo ka qeybgalay dibolomaasiyiinta iyo safiirada Afrika ee ku sugan Nirobi.
Afhayeenka Boliska”Ciidanka Booliska waxay qeyb ka yihiin howlgalka lagu xoreynayo Al-shabaab”
Afhayeenka Ciidanka Boliska Somaliyed Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgallada ciidanka aysan aheyn kuwo ku koban casimada Muqdisho, balse ay qeyb ka yihiin dadaalada ka socda gobolada ee la doonayo in dalka looga xoreeyo kooxaha al-shabaab.
Afhayeenka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa faahfaahiyay shaqada ciidanka boliiska, isagoo sheegay in ay guud ahaan u xilsaaran yihiin sugidda amniga dhammaan gobolada dalka, gaar ahaan deegaanada ay mamulan dowlad goboledyada Somalia.
"Ciidanka boliiska waxa ay joogaan furimaha dagaalka, waxayna diyaar u yihiin in ay cadowga ka qabtaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan waxa uu qiray in lagu guuleystay wax ka qabashada falaka ay geystan tuugada, kuwa dhaca moobeylada iyo waxa loo yaqaanno ciyaal weero, isagoo dhinaca kale muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin dhameystirka howlgallada lagu soo afjarayo al-shabaab.
Hay’adda Socdaalka Qaranka oo ku howlan ka hortagga tahriibka iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan qatarka tahriibka iyo doorka dowladda Soomaaliya kaga aadan hakinta ama joojinta socdaalka sharci darada ah ee ay caadeysyeen dadka Soomaaliyeed ee u badan dhallinyarada.
Hwy’adda iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda qaran ee ay ugu xil-saarantahay Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya waxay mudooyinkii u dambeeyay xooga saartay la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa uu u qornaa sidatan:-
Ururka Saxafiyiin ee FESOJ oo tababar u soo xiray xubno ka tirsan Warbaahinta madax-banaan
Tababar Socday u mudo labo maalmood ah oo uu qabatay Ururka isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo kaashanaya BBC Media Action ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magalada Muqdishu.
Tababarkan oo ku saabsanaa ka hortaga colaadaha iyo nabad dhiska loona qabtay wariyaasha idaacadaha iyo dhalinyarada baraha bulshada ku shaqeeya waxay ku baranayeen mowduucyada kala ah doorka Warbaahinta Bulshada ama Social Media uu ka qaadan karo ka hortaga Colaadaha iyo dhinaca kale oo ah taageerida Nabad dhiska, xirfadaha waraysiga, hal abuurka warbixinada dhismaha nabadda, Anshaxa, soo saarista xirmo wadareedka, sheeko tabinta , waraysiyada dadweyne ee aragtida bulshada(Vox Pop).
20ka ka qaybgale ee tababarka iyo maclimiinta ayaa casharada la qaatay ka dib isla falanqaynaayay sida loogu dabaqi karo aqoonta ay barteen qaybaha warbaahinta ee baraha bulsda ay ka hawlgaleen.
Tababarka waxaa soo xiray Xoghayaha guud ee FESOJ, Faarax Cumar, waxa uuna ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoontooda xoojiyaan casharada ay halkan ka barteena laga arko wax soo saarkooda iyo isbedelka ay ku sameeyeen idaacadaha iyo baraha bulshada ay wax ku qoraan
Ururka FESOJ oo tababarkan hirgaliyay waxaa ka taageeray BBC Media Action, waxaana maalgaliyay Xaffiiska midowga Yurub (EU).
Jubbaland oo ciidankii ugu badnaa u dirtay Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose
Ciidamo aad u tira badan oo ka tirsan kuwa Daraawisihta maamulka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa shalay u dhaqaaqay deegaanada ay kooxda Al-shabaab kaga sugan yihiin Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.
Muqaal lagu baahiyay Talefeshinka ku hadla afka maamulka Jubbaland ayaa lagu arkaayay ciidamadaan oo ah kuwa aad u hubeysan oo loo dhameystiray qalabkoda, kuwaas oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Waqooyi ee gobolkaas.
Dhowr maalin ka hor ayay aheyd markii howlgal qorsheysnaa oo ay iska kasha-deen ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa wada dhaqdhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan in kooxda Al-shabaab kaga xureeyeen deegaanda ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyntii dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada Caalamka ay duqeymo culus oo khasaare xooga leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Jilib oo Al-shabaab u ah saldhigooda ugu weyn.
Somaliland: 21 Qof oo ku Sumoobay Hilib Geel ay Cuneen
21 qof oo isku qoys ah ayaa ku sumoobay hilib qaalin geel ah oo ay qasheen maalintii Sabtidii, deegaanka Ximan ee gobolka Saaxil ee Somaliland.
Sida ay BBC Somali warisay, qoyskan ayaa sumoobay kaddib markii ay qasheen qaalinta geela ah oo uu xanuun soo ritay. Waxaa la sheegay in ay marka hore dawooyin ku mudeen, balse markii xaaladdeedu kasii dartay ay qasheen si ay hilibkeeda u cunaan. Qaar ka mid ah xubnaha qoyskan ayaa haatan lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Burco.
"Arrintani waxay u dhacday qoyskan neef geel ah ayaa ka xanuunsaday kadibna dawo ayay siiyeen. Markii ay arkeen in xaaladdiisu aanay soo hagaagayn ayey, sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa, neefkii qasheen si ay hilibkiisa u cunaan," ayuu BBC-da u sheegay Maamulaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Sheekh, Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdillaahi, oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday qoyskan.
"Markii aanu goobta gaadhnay, waxaanu aragnay in dhammaan dadkii hilibka cunay uu saameeyey xanuunku, tiradooduna waxay ahayd 21 qof," ayuu Dr. Cabdillaahi hadalkiisa sii raaciyay.
Wuxuu sheegay in dadka cunay beerka neefka geela ah ay xaaladoodu aad u liidato, sababtuna tahay in markii la daweynayay neefka, irbad xidid khaldan lagaga muday ay sunteedii fadhiisatay beerka.
Sida uu BBC-da u sheegay Nuur Faarax Bulaale, oo ka mid ah qoyskan, illaa iyo hadda waxa xanuunka u jiifa siddeed qof oo ka mid ah 21-ka qof ee sumoobay.
"Badankoodu way soo raynayaan, marka laga reebo siddeed qof, oo ay ku jiraan aabbahay, hooyaday, iyo walaashay, kuwaasoo weli u jiifa xanuunka nagu dhacay. Dadkii Burco la geeyeyna imika way fiican yihiin," ayuu yidhi Bulaale.
Wuxuu sheegay in kaddib markii qoysku hilibka cuneen ay haleeleen matag iyo shuban, taasoo wiiqday awooddooda jidh ahaaneed. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dad cusub oo hilibka wax ka cunay, kuwaasoo illaa daraad santu soo ridanaysay.
Dr. Ismaaciil Xuseen Cabdillaahi ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadani ayna ahayn tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacda Ximan. Wuxuu xusay in sannadkii 2008 ay 60 qof ku sumoobeen hilib ay cuneen, iyada oo haweenay ka mid ah sunta u geeriyootay.
In ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug
Waxaa shalay xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn laga dareemaya inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax quran oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug, halkaasi oo daraad ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkii Daraad ayaa la sheegay iney ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo isugu jira labada dhinac, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaawacmay dagaalkii Daraad labada malesshiyo beeleed ku dhexmaray Galbeedka gobolka Mudug ayaa dhaawacyadooda loo kala qaaday magaalooyin ku kala yaala deegaanada Galmudug iyo Puntland.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobahii Daraad lagu dagaalamay ayaa sheegaya in wali labada dhinac isku hor fadhiyaan deegaanada ay ku dagaalameen, waxaana jirto cabsi laga qabo in marwalba uu dib u qarxo dagaalka.
Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa ah mid salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah haatan dhul abaar ah oo aysan ka muuqan nacfi lagu dagaalamo.
Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan beelood ee walaalaha ah ee wada dega Galbeedka gobolka Mudug.
Ducaale Axmed: "Markii aan ku biiray al-shabaab ayey ideyriyeen waalidkayga”
Ducaale Axmed Gabayre ayaa sheegay in markii uu ku biiray Al-shabaab ay si xun ula dhaqmeen waalidkiis, isla markaana ka dhigeen mid aan qiimo u laheyn.
Ducaale oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay waalidkiis ka eryeen guriga, aadna loo deyriyay, iyagoo eegaya dhibaatada ay u geysteen Al-shabaab.
Ducaale oo ka hadlay sameeynta kooxda ee dhallinyarada ayaa xusay in ay u soo bandhigayaan fursado aan run ahayn oo ku saabsan awood, lacag, iyo magac.
Ducaale Axmed oo isu soo dhiibay dowladda ayaa ka digaya in dhallinyarada kale ay ku dhici karaan khatartaas, isagoo kuwa haatan ku jirana ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.
Wuxuu sidoo kale bulshada u muujiyay in laga hortagi karo fikirka xag-jirka ah, wuxuuna ugu baaqay kuwa haatan ka tirsan kooxda in ay dib ugu laabtaan bulshada, iyagoo helaya taageero iyo fursado ka fiican kuwa kooxda.
Ducaale Axmed Gabayre oo muddo 11 sana ah ka barbar dagaallamayay kooxda al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaysa qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa ugu dambayn ku qancay waanada hooyadiis, taas oo ay u dheer tahay gulufka xooggan ee argagixisada kaga timid ciidanka xooga dalka iyo dadka degaanka.
Jordan oo ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu joojinaayo musiibada Gaza
Boqorka Dalka Urdun Boqor Cabdallaha labaad ayaa daraad ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo joojiyo musiibada bini’aadanimo ee ka jirta deegaanka Gaza.
Hadaladaan ayaa yimid xilli uu boqorka ku sugnaa magaalada Berlin, iyadoo shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen boqorka iyo ra’isul wasaraha Jarmalka Olaf Scholz .
"Dagaalka Israa’iil ee Gaza waa in uu joogsadaa, xabbad joojinta waa in dib loo soo celiyaa, gargaar bini’aadanimo waa in dib loo bilaabo,” ayuu yiri boqorka Jorda
Boqorka ayaa sidoo kale ka digay khatarta sii socota ee ku xadgudubka goobaha quduuska ah ee Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee Jerusalem, isagoo xusay in dagaalada Israel ay sii hurinayaan xiisado hor leh oo wiiqaya fursad kasta oo nabadeed.”
Waxa uu hoosta ka xariiqay boqor Cabdalla in dariiqa kaliya ee loo mari karo xal waara ay yihiin in la helo xal siyaasadeed oo ku saleysan dhismaha laba dowladood oo xaqiijin kara nabadda iyo amni.
Boqorka ayaa amaanay taageerada Jarmalka ee xalka labada dal iyo sida wanaagsan ee ay uga jawaabeen qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza.
Boqorka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xasilinta gobolka oo ay ku jiraan taageeridda Suuriya iyo dadaallada lagu ilaalinayo amnigeeda, xasilloonida, iyo wadajirkeeda dhuleed, isagoo xusay in Urdun ay rajaynayso inay mar kale aragto Suuriya oo xasilloon.
Dhankiisa, Chancellor Scholz ayaa sheegay in Jordan iyo Jarmalku ay leeyihiin xiriir dhow oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, kaas oo socday in ka badan 70 sano.
Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu xidhay magaalada Berbera + Sababta xadhigiisa
Mar kale, waxa daraad oo Khamiis ahayd lagu xidhay magaalada Berbera Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah shaqsi ka shaqeeya arrimaha samafalka ee Somaliland, inkasta oo aan si cad loo shaacin waxa lagu haysto.
Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xidh xidhayo isaga oo muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa deegaanka Bohol. Bulshada iyo qoyskiisa ayaa ka codsaday inuu dib ugu soo laabto Burco, iyaga oo u sheegay inaan la xidhaynin balse uu iska shakiyay uun.
"Cabdimaalik Muuse Coldoon, walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso si asluub leh u dhaliil," ayuu kula taliyay, Cabdiraxmaan Muuse Coldoon, oo ay walaalo yihiin. "Xafiiska Cabdiraxmaan Cirro wuu kuu furan yahay. Wixii aad qoonsato waad ula tegi kartaa. Waa nin wanaagsan oo deggan, dadka dhegeysta."
Intaa kadib, Cabdimaalik wuxuu kusoo laabtay magaalada Burco, hase yeeshee daraad ayaa lagu xidhay magaalada Berbera kadib safar uu kaga yimid Burco. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xidhay, hadana waxaa jiray warar sheegaya in sababtu ahayd faallo uu ka bixiyay warbixin ay Al Jazeera Carabi baahisay oo sheegaysay in Somaliland ay qaadanayso qaxootiga reer Qasa.
"Waxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda,” ayuu Coldoon ku yidhi faalada laga shaki qabo in xukuumadu ku qoonsatay.
Inkasta oo aanay laamaha amnigu si rasmi ah u sheegin waxa loo haysto Coldoon, xisbiga Waddani ee hadda talada haya ayaa horay marar badan uga hadlay dhowr jeer oo Coldoon la xidhay xiligii xukuumaddii hore ee Biixi, iyagoo xadhigiisa ku tilmaamay sharci darro, islamarkaana si adag u garab istaagay. Waxay sheegeen in xadhigiisu yahay mid ka hor imaanaya xorriyadda hadalka ee uu qaanuunku damaanad qaaday.
"Cabdimaalik waxa lagu haystaa arragtidiisa iyo xorriyadda hadalka ee uu cabiray, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinku. Dastuurkuna wuxuu xaq u siinayaa in uu wax dhaliilo ama taageero. Xadhigiisu waa sharci darro, waxaanu ugu baaqaynaa cidda qafaalatay in ay siidayso,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, oo ahaa Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani, laba sano kahor mark la xidhay Coldoon.
Cabdimaalik waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay marna lagu waayay.
Colaadda ka dhaxaysa Coldoon iyo xukuumada Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.
Trump oo u yeeray Netanyahu, si uu uga la hadlo xaaladda murugsan ee Gaza
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu todobaadka soo socdo soo booqan karo dalka Mareykanka, xilli Israel ay sii kordhineyso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.
Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in Khamiistii uu khadka teleefanka kula hadlay Hoggaamiyaha Israel, isla-markaana uu rumeysan yahay in waqti dhow uu iman doono Mareykanka, laga yaabee toddobaadka ina soo aaddan.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu Benjamin Netanyahu kala hadli doono xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza.
"Waxaan isku dayi doonnaa inaan xalino dhibaatada Gaza. Waxay ahayd dhibaato weyn oo muddo tobanaan sano soo jirtay.” Ayuu yiri Trump.
Trump ayaa arrinta Gaza ku tilmaamay mid aad muhiim ugu noqon doonto wada hadaladooda.
"Waxay ku jirtay go’doomin sanado badan, waa ceeb. Dad badan ayaa ku dhintay Gaza, wax badan oo xun ayaa ka dhacay Gaza, waana arki doonnaa waxa aan ka qaban karno.” Ayuu yiri Trump.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Khamiistii booqasho ku tegay dalka Hungary, waana markii ugu horreysay oo cagta uu dhigo Yurub, tan iyo markii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ay bishii November soo saartay waaran lagu soo xirayo isaga iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant.
Hay’adaha Xuquuqul Insaanka oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa Hungary ugu baaqay inay xirto ninkaasi, isla-markaana ay u gacan geliso Maxkamadda ICC. Hungary waxay go’aansatay in ay ka baxdo ICC oo dalalka saxiixay ay ka mid ahayd.
Netanyahu ayaa bishii February booqday dalkaasi Mareykanka, isagoona noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee ajnabi ah ee Trump uu qaabilo, ka gadaal markii uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii January, waxayna Washington ay maxkamadda ku gacan seyrtay amarka lagu soo xirayo, inkastoo Mareykanku aanu markii horeba ka mid ahayn saxiixeyaasha maxkamadda.
Netanyahu ayaa loo haystaa dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadantinimada, isla-markaana ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Maxkamadda ayaa go’aankan soo saartay 21-kii bishii November, ka dib markii Ciidamada Israel lagu eedeeyay in ay xasuuq iyo dembiyo dagaal ka gaysanayaan Marinka Gaza.
Baaritaanada madaxbannaan ee la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dagaalka Israel ee Gaza uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, kaasoo noqonaya dembi dagaal.
Israel ayaa laba toddobaad ka hor soo cusbooneysiisay weeraradeeda arxan darrada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka, ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.
Israel ayaa bil ka hor gebi ahaanba joojisay gargaarkii la gaynayay Gaza, iyadoo soo celisay amarada sida khasabka ah dadka looga barakacinayo guryahooda.
Qof kasta oo ka mida ah in ka badan labada milyan ee qof ee ku nool Gaza ayaa hadda halis ugu jira inuu dhinto, tanina waxay keentay qaylo dhaan caalami ah.
Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka fuliyay gobolka Bari
Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn uu dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfur Bari Boosaaso ee gobolka Bari.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, taasoo dhacday 1-dii bishaan April oo ku beegneyd Talaadadii lasoo dhaafay.
Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ka tirsana kooxda daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeynta kasoo gaaray dad rayid ah.
Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya si looga hortago khatarta amni ee kooxdu ku leedahay Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Mareykanka waxay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsado kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay samatabixinta muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka kuna xanniban dalka Panama
Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaalia ayaa faah faahin ka bixisay muwadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka kuna xanniban dalka Panama, waxaana ay cadeeysay in arintoodi ay kor kala socdaan.
"Illaa hadda xogtaan hayno waxaa waaye, in Panama ay hadda ku suganyahiin dad Soomaali ah oo lagasoo tarxiilay Maraykanka," ayuu BBC da u sheegay Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya illaa iyo haddeer ma ogga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu shaaca ka qaada la taliye Diinaari oo horay u hogaamiyay howlgallo ay wasaaradda arimaha dibaddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahayd oo ku sugnaa wadamo kala duwan.
"Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waa naloogu maqanyahay macluumaadkooda" ayuu yidhi Diinaari oo ka warbixinayay Xaaladda Soomaalidaas Panama ku xanniban.
Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ee la keenay Panama waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horeysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas in ay tahay in ay xiriir la sameeyaan safaarada Somalia ee ku taala caasimadda Havana ee dalka Cuba.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Dowladiisu waxa ay bilowday qorshaheeda masaafurinta dadkii siyaabaha kala duwanaa ee aan sharciga ahayn ku galay dalkaasi arrinkaas oo uu madaxweynaha amaray.
Israel oo weerar ba’an ku hayso Marinka Gaza
Ciidanka Difaaca Israel ayaa weerar ba’an ku haya Marinka Gaza, xilli ay isku dayayaan in ay si qoto dheer gudaha u soo galaan koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel iyo ciidamada ku hubeysan madaafiicda goobta ayaa si aan kala joogsi lahayn u garaacaya koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa daraad oo keliya waxay Gaza ku dileen in ka badan 112 qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka. 71 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn Marinka Gaza.
Duqaymahan ah ayaa ah kuwo waddada loogu furayo Ciidamada Israel ee la soo dhoobay xuduudaha Gaza ee ujeedku yahay in ay isku soo fidiyaan Gaza.
Weerarada ay Israel sii xoojineyso ayaa baqdin ku haya dadka rayidka ah, waxayna qaar badan oo ka mid ah dadku ay ka barakacayaan guryahooda iyo goobihii ay gabaadsanayeen.
Meelaha aadka looga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shuja’iyya ee bariga Magaalada Gaza, kuna dhow xadka ay Israel ka dhex sameysay Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Al Jazeera ayaa warisay 135 kun oo Falastiiniyiin ah ay qaxeen 24-kii saac ee u dambeysay, kuwaas oo intooda badan lugeynayay, waxayna qaarkood ay dhabarka ku siteen alaabahooda, halka qaar kalena ay isticmaalayeen gaari dameer.
Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz ayaa sheegay in Israel ay qabsan doonto dhul ballaaran oo Gaza ah, ciidamaduna ay gaari doonaan meelo badan, isla-markaana ay tanina u baahnaan doonto in qoysas badan laga daadgureeyo Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulkan cusub laga dhigi doono aag militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga Israel.
Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray amar cusub oo dadka loogu sheegay inay banneeyaan xerada qaxootiga Jabalia, oo ah deegaanka ugu weyn ee waqooyiga Marinka Gaza, waana xilli talisku uu dhawaan dadka faray inay ka guuraan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa Khamiistii sheegay in tan iyo markii Israel ay soo cusbooneysiisay weeraradeeda Gaza in 280 kun oo reer Gaza ah lagu khasbay in ay ka barakacaan guryahooda.
OCHA ayaa sheegtay in Israel ay soo saartay amaro dheeraad oo barakacin ah, taas oo mar kale dadka ku riixday in ay baxsadaan si ay ammaan u helaan.
OCHA waxay sheegtay inay aad u kordheyso tirada dadka barakacaya, iyadoo sida ay sheegtay aanu jirin hoy haray oo dadkaasi ay degi karaan. Gaza ayaa si xun ugu burburtay duulaanka sanadka iyo barka jirsaday.
OCHA ayaa ku warameysa in xanibaadda gargaarka ee Gaza ay adkeynayso in wax laga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee aadka u sii xumaaneysa ee ka jirta qaybaha Gaza oo dhan.
OCHA iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa Israel ugu baaqay inay si degdeg ah u furto isgoysyada ay ka soo gudbi karaan kolonyada gargaarka ee ku diyaarsan bannaanada Gaza.
Israel ayaa dadka reer Gaza isugu dartay colaad, qax iyo gaajeysiin, iyadoo gaajeysiinta u adeegsaneysa sida hub oo kale, si ay ugu gaarto ujeedooyinkeeda dagaalka, waana dembi dagaal, sida ku xusan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Netanyahu wuxuu bogaadiyay ka bixitaanka Hungary ee ICC inta lagu guda jiro booqashada Budapest
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Hungary ku amaanay sida geesinimada leh ee mabda’a leh ee ay u dooratay in ay isaga baxdo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) inta lagu guda jiro booqashadiisa Budapest, taas oo ka dhigan safar naadir ah oo uu dibadda ugu baxo isaga oo ka soo horjeeda waaran qabasho oo ICC.
Mr. Netanyahu, oo uu casumaad ka helay hogaamiyaha garabka midig ee Hungary Viktor Orban, ayaa hadda wajahaya waaranka, sababo la xiriira eedeymaha dambiyada dagaal ee Gaza.
Hungary ayaa ku gacan seyrtay fikradda ah in la xiro, iyada oo ku tilmaamtay waaranka mid "naxariis leh”.
Isagoo ku soo beegmaya booqashadii Mr. Netanyahu, Mr. Orban wuxuu ku dhawaaqay in Hungary ay ka baxayso ICC, oo ah urur la aasaasay labaatan sano ka hor si loo maxkamadeeyo shakhsiyaadka lagu eedeeyay dambiyo dagaal, dembiyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyo xasuuq.
Xafiiska hogaamiyaha Israel ayaa sheegay in isaga iyo Mr. Orban ay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay kala hadleen go’aanka Hungary ay kaga baxeyso maxkamada caalamiga ah ee ICC ayna tixgeliyeen "tallaabooyinka xiga ee laga qaadi karo arrintan”.
Diyaarada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mareysay laamiga magaalada Budapest
Mr. Orban ayaa martiqaadka u fidiyay dhigiisa Israel bishii November, maalin uun ka dib markii la soo saaray amarka xadhiga.
Israa’iil ayaa ku gacan seyrtay eedeymaha ICC-da, iyadoo sheegtay in ay siyaasad ahaan ay dabada ka riixeyso oo ay ka danbeyso naceybka.
Dowlada Israel ayaa sheegtay in maxkamada ICC ay lumisay sharcinima-deeda ka dib markii ay soo saartay amarro ka dhan ah hogaamiye si dimoqraadi ah loo soo doortay oo umad xaq u leh isdifaac.
"Waxaad na garab taagan tihiin Midowga Yurub, waxaad na garab taagan tihiin UN-ta, waxaadna ka qaadateen mawqif geesinimo leh oo mabda’ leh oo ku saabsan ICC-da…waxaa muhiim ah in dhamaan dimoqraadiyada ay ka hortagaan ururkan musuqmaasuqa ah,” ayuu Mr. Netanyahu ku dhawaaqay Mr. Orban.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 05-4-25
..........