
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-03-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka qur’aanka kariimka ee Bisha Ramadaan
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Abdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadkaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia.
Sido kale, Madaxweynaha Jamhuriyada ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;
1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000
2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000
3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000
4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000
5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000
6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000
7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000
Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca
Madaxwenaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.
Marwo Jihaan ayaa horey u soo noqotay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay kala guurka Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023. Sidoo kale, waxay kaalin ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.
Sidoo kale, Lataliye Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaa-ndhigga, Sannadkii 2019-kii, taas oo muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca in ay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 15-03-25
.......