halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-03-25

0
Tuesday March 11, 2025 - 09:27:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 11-03-25

    ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

........

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nur (Khadar) ayaa gudonsiiyay Madaxw-enaha Jamhuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud sedex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooned ee hay’ada Cilmi-barista Hidaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhigeda dunida loona helo caasimad ka hormarsan dhan kasta.

Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay xiisadaha kasoo cusboonaaday dalka Koonfurta Suudaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Somalia ay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka Konfurta Suudan, iyado ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xarigga madaxda xisbiyada mucaaradka.

"Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu doonayo in lagu helo nabad iyo mustaqbal xasilloon oo ummaddooda ah," Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidaasi yiri markiii qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Konfurta Suudan Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka Riek Machar.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaaliya ay walaac ka muujinayso xiisadaha ka taagan dalka koonfurta Suudaan isagoo ku booriyay wadahadal si looga hortago in ay sii xumaato.

"Xasiloonida Konfurta Suudaan waxay udub dhexaad u tahay nabadda iyo ammaanka gobolkayaga ballaaran," ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Kiir iyo Machar in ay ka go'an tahay Soomaaliya inay taageerto dadallada horseedi doona xal nabadeed.

Xiisad Koonfurta Suudaan ayaa horraantii bishan ka taagneyd Koonfurta Suudaan markii ciidamada ammaanka ee daacadda u ah madaxweyne Silva Kiir ay xireen laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda iyo dhowr sarkaal oo sare oo militari oo lala xiriirinayo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Xariga ayaa yimid ka dib markii iska hor imaadyo rabshado wata ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo malayshiyaad ka soo jeeda qowmiyada Nuer ee Machar, ee waqooyiga magaalada Naasir.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Culuma’udiinka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Bulshada ka wacyigeliyaan fikirka xagjirnimada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah habeen hore ugu sameeyay Culuma’udiinka Soomaaliyed ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Al shabaab iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Ugu dambeen, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa goob joog ahaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dib uga soo laabtay safar uu kaga maqnaa dalka ka qeyb galka shirkii aan caadiga aheyn ee ururka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah-furay tartan Qur’aanka Kariimka ah

Ra’iisul Wasaraha Xukumada Jamhur-iyada Federalka Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qur’aan Akhriska sandal-aha ah e heer Qaran oo ka furmay Magalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, oo munaasabada ka hadlay aya shegay in culimada Soma-liyed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambarsan kitabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nastexada ah iyo sunaha, si aan ummada uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markana baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

"Tartanka Qur’anku wuxu bulshadeena ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa midnim-ada io wadajirka bulshoyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxu Alle inagu amray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdan dagalka Al-shabab dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan e looga been sheegayo diintena suuban.

Wasiirka Difaaca” Waxaan shacabka uga digeynaa ineysan Al-shabaab la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan”

Wasiirka Gaashandhiga XFS, mudane Abduqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr jeer digniino ka soo saartay la tacaamulka al-shabab iyo in laga fogado gobaha ay joogan, balse wali melaha qaar laga arkayo in taasi ka jirto.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Al-shabaab, isagoo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.

"Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka so gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Al-shabaab ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeyna ineysan Al-shabab la macamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Howlgallo lagu nadiifinayo al-shabaab ayaa ka socda dalka, kuwaas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay dalka horjoge Yusuf Dhegnas io Maleshiyad ka tirsana Al-shabab oo 20 kor u dhaafayay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyedka Cadaalada Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukumada faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciy-edka Cadalada Da’yarta Somali-yed, isagona sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux aya dhanka kale dhariyay Xildhiban Maxamed Cabdi Ali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magalada Dhusamareb.

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Xukumada Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Maxamud Abdiraxman (Beenebeene), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay (DSRSG) ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnamijyada io mashariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Somalia iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu milicsan doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ODA uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Somalia, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo habab kale oo maalgelin ah si loo ilaliyo barnamijyada muhimka ah e dalka.

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo ka digay in Al-shabaab ay sameeyso wixii ka dhacay Syria iyo Afgaanistan

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia Abdisalan Guulleed ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay ka hortagto khatarta ay laso baxen Kooxda Al-shabaab, waxana uu shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay la waregto hoganka ababulka dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab.

Cabdisalaan Guuleed ayaa ka digay in Al-shabaab hadda ay u dhaqmayaan hababkii hore ay u dhaqmi jireen hab kaduwan waxaana ay doonayaan inay kalsooni ka diyaarsadaan Shacabka Somalia, iyago tusaya inay gubi waayeen calamadii Somalia iyo midka Hirshabelle markii ay la waregayen degaano kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliye kuxigeenkii hore Nabad sugida Soomaaliya Cabdisalaan Guulleed ayaa tilmamay in Koxdan ay isku diyaarineyso habka taxriir Al-shabab ee Syria awooda ula wareegeen iyo sidii Taliban ay ula wareegeen awoodii dalka Afgaanistan, waxa uu ku celceliyay in laga feejignaado dhagarta Kooxdaan oo damacsan in nidaam Dowlad ahan ay isku diyaariyaan.

Cabdisalaan Guulleed ayaa shaaca ka qaaday inaan laisku qaldin jiritaanka Soomaaliya iyo xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa uu Mr Guuleed uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeed u sheegto isku haleeynta Dowladda laisku haleen karo marka loo eego digniinaha amaanka ee soo baxaya iyo goobaha ay dagaalada kula wareegayaan Kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeeyn Cabdisalaan Guulleed wuxuu fariin culus u diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in degaankii uu kasoo jeeday ee Ceel Baraf ay Al-shabaab la wareegaan ay tahay mid aan sax ahayn ayna dhici karto wixii ka dhacay Kabuul hadii uusan sida uu u fakaraayo wax kabadalin.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda "Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeya Somalia iyo Imaaradka Carabta.

Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanagsan, islamarkana labada doladod uu ka dhaxeeya iskaashi dhan kasta ah oo ay ugu horeeyaan dhanka dhaqalaha iyo siyaasadda.

"Dhanka siyaasadda ee Soomaaliya iyo Imaradka isna wa mid meel wanagsan marayo, waxa ayna naga taageran arimaha aminga iyo dhaqalaha” ayuu yiri Mudane Cali Balcad.

Wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaradku uu maraya meel wanaagsan, Soomaaliyana ay ka tageeraan arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo dhaqaalaha.

Taliyaha Ciidanka dhulka oo hawlgallo lagu dardargalinayo dagaalka al-shabaab kawada Shabeellada Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo maalmahan ku sugnaa Furimaha hore ee Shabellada Dhexe ayaa kormeer lagu dardar-gelinayo Ciribtirka Al-shabaab waxaa uu shalay ku tagay Difaacyada Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Sareye Guuto Sahal ayaa Saraakiisha Ciidanka Xooga ee ku sugan Fariisimaha uu shalay booqday ku bogaadiyay diyaargarowga ay ugu jiraan sidii Al-shabaab uu Xidid-siibka ku socdo looga sifeyn lahaa goobaha ay ka gabbaad-sanayan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Kormeerka kadib Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneral Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa difaacyadooda kula afuray Geesiyaasha Qarankeenna ee Xoogga Dalka iyo Saraakiisha hoggaaminaysa, si uu ugu dhiirra-geliyo iyadoo ay bil Ramadaan tahay inay Cadawga Al-shabaab ah ku hor-fadhiyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Horjoogaha howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa'uud Maxamed Maleele, kaasoo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.

Horjooge Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada kala Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu magacabi jiray Yuusuf dhegnaas.

Xukuumadda Somaliland oo sharaxaad ka bixisay cashuuro cusub oo bulshadu sas ka qaaday

Xukuumada Somaliland ayaa beenisay in cashuur ay kusoo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ay sido kale ku waajibayso lacagaha telefoonada layskugu diro, kadib markii warar arrintaas sheegaya ay suuqa soo galeen.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabaysa su'aalaha ay bulshadu qabto ayaa sheegtay in cashuurta isgaadhsiinta ee (GST) ay ku dhacayso keliya adeegyada ay shirkaduhu bixiyaan, sida lacagta ku hadalka ee mobile-ka, internet-ka mobile-ka (Mobile Data), internet-ka xafiisyada/guryaha, iyo adeegyada kale ee isgaadhsiinta ee shirkaduhu bixiyaan.

"Waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu jahawarerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyey ay ku dhacayso lacagaha la isugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taas oo aan waxba ka jirin haba yaraatee," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Cashurtan oo ay waajibisay xukumada cusub ee Somaliland isla markaana aan hore loo qaadi jirin ayaa cabsi gelisay bulshada, kadib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in cashuurtaasi ay ku waajibayso lacagaha danabaysan ee telefoonada layskugu diro sida Zaad iyo eDahab.

Xukuumaddu waxay sheegtay in cashuurtan looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga si loo hormariyo adeegyada ay xukuumadu bixiso, loona hirgeliyo mashaariicda hormarineed oo wax ka taraya kobaca dhaqaalaha.

Itoobiya oo soo iibsanaysa maraakiib cusub xilli ay dadaal ugu jirto inay hesho marin badeed

Sida ay sheegtay Shirkadda Maraakiibta iyo Saadka ee Itoobiya (ESL), Dowladda Itoobiya waxay dalbatay iibka lix markab oo cusub oo ganacsi, si loo xoojiyo rarka shixnadaha iyo alaabaha Itoobiya ay dhoofiso iyo kuwa ay lasoo degto.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Fana, laba kamid ah lixda markab ee ay Itoobiya soo iibsanayso ayaa la dalbaday oo hadda soo gaadhay Itoobiya, isla markaana shaqaynaya. Labada markab oo noocoodu yahay Ultramax dry bulk carriers ayaa midkiiba qaadi kara 62,000 oo tan.

Maraakiibta lasoo iibinayo waxaa sidoo kale ku jiri doona nooca loo yaqaan ETU, ee konteenarada qaada, kuwaas oo awood u leh inay markiiba qaadaan 3,000 ilaa 4,000 oo konteenar.

Maraakiibta aan weli lasoo iibin ayaa la filayaa inay soo gaadhaan Itoobiya sanadka dambe, iyaga oo door weyn ka qaadan doona ganacsiga, gaar ahaan soo dejinta iyo dhoofinta alaabaha, taas oo wax ka tari doonta kobaca dhaqaalaha Itoobiya, oo hadda ah waddanka shanaad ee ugu hodansan qaaradda Afrika.

Itoobiya waxay hadda haysataa raxan maraakiib ganacsi ah oo tiradoodu dhan tahay 10, oo uu ku jiro markabka weyn ee Abay II, oo mugiisu yahay 63,000 oo tan, halka kuwa kale uu qaadkoodu u dhexeeyo 26,000 ilaa 27,000 tan.

Dalabka maraakiibta cusub ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn ugu hanqal taagayso inay marin badeed ka hesho baddaha Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo Badweynta Hindiya. Si gaar ahna, waxaa hada wadahadallo arrintaas la xidhiidha ay u socdaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka waxba u dhimeyn Casuumaadii Madaxweynaha Somaliland

Wasiiru dowladaha Wasaaradda Arimaha Dibada Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, Cali Balcad ayaa ka hadlay casumadii iyo maamuuskii dhawaan dalka Imaaraadka Carabta loogu sameeyey madaxwenaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Casuumada Imaaraadka uu u sameeyay madaxweynaha Somaliland oo aheyd mid hab maamuuskeedu aad u sareeyay ayaa noqotay maalmahii lasoo dhaafay mid hadal heyn badan dhalisay, waxaana Wasiir Cali Balcad uu tilmaamay in casuumaadaasi aysan waxba u dhimi doonin xiriirka ay la lee yihiin Imaaraadka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad in dawladda Imaaraadka ay ka mid tahay dowladaha sida weyn Soomaaliya uga taageero dhinaca dhismaha ciidanka.

"Dee anagu iyo Imaaraadku xiriir taariiqi ah baa naga dhaxeeya, Soomaalidu meelahii ugu horeeyay ay ku baxsadeen xiligii dagaaladu ay jireen oo ay ganacsigooda kusii wateen waxay aheyd Imaaraadka, ganacsiga aduunka ugu weyn halka uu ku xiran yahay waa Imaaraadka, Soomaalida shirkadaheeda ugu badan halkey kasoo faracmeen waa Imaaraadka Carabka, marka dhanka Ganacsiga xiriirka aadka u weyn baanu ka leenahay, dhanka siyaasadana Imaaradka waxuu ka mid yahay dalalkii ugu horeeyay ee ka taageeray Soomaaliya dhinaca amniga" ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Ugu dambeyntii Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid tahay Somaliland ay ka qeyb galaan shirarka noocaan oo kale ah ee lagu hormarinaayo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Furin weyn oo dagaal oo ka furan Gobolka Shabellaha Dhexe

Militarga Somalia ayaa dardargelinaya gulufka lagu soo afjarayo dagaal-yananada Al Shabaab ee dhawaan soo galay qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe e ujeedkodu ahaa inay qalqalgeliyaan amniga gobolkaasi.

Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in weerarada ay ku hayaan bariga gobolkaasi ay u arkaan, sida keliya ee ay ku hakin karaan hawlgalka ballaaran ee ku soo wajahan dhulka ay ka arrimiyaan ee deegaanada Hirshabelle.

Gobolka ayaa waxaa bartamihii bishii February ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, si la mid ah daba-yaaqadii bishii January oo hawlgalka uu ka bilowday Gobolka Hiiraan.

Qiyaasaha ayaa muujinaya Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka in ay gobolkaasi geeyeen dhowr iyo toban askari oo askari, welina ay ciidamo kale u wadaan gobolka.

Saraakiisha Hoggaanka & Howlgalinta ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Magaalada Muqdisho ku diyaarinaya ciidamo dheeraad ah, oo loo wado deegaanada ay Shabaabku ka abuureen qaska iyo fowdada, loona xoojin lahaa hawlgalka lagu la dagaalamayo ee lagu xoreynayo dhulka ay haystaan.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha beelaha dega gobolkaasi ayaa weli Muqdisho ku abaabulaya maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, oo ay tahay in ay qayb ka noqdaan qorshaha uu qasdigiisu yahay in si adag loo wajaho kooxaha argagixisada. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in xoogagaasi qaarkood ayba gaareen furimaha gobolka.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qabaa’ilada weydiistay in ay wax ka difaacaan gobolka, iyadoona xukuumadda ay gadaal ka riixeyso kulamada beelaha ku diyaarinayaan xoogag difaaca dowladnimada dalka.

Ujeedka qulqulka ciidamada ee gobolka ayaa looga gol leeyahay in maalmo tirsan lagu xaqiijiyo amniga deegaanadii xorta ahaa, isla-markaan ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay u sii wadaan hawlgalkoodii ku wajahnaa deegaanada ay Al Shabaab ka maamusho labada gobol ee Hirshabelle.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo beelaha ayaa xoojinaya safka ciidamada, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amar ku bixiyay in la soo afjaro maleeshiyada ku soo fidday gobolkaasi, si aanu u fashilmin hawlgalka dib-u-xoreynta. Gobolka ayaad arkaysaa in ay gaarayaan saraakiil iyo siyaasiyiin siyaasad ahaan taageersan Dowladda Federaalka.

Shaqada socoto waa in miisaanka dagaalka uu u dhaco dhinaca kale, iyada oo markaasi si mug leh loo wiiqayo Shabaabka kooxo kooxaha u socda ee amni darrada ka abuuray gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ku sugan furimaha hore ayaa maamulaya hawlgalka la doonayo in lagu burburiyo Shabaabka.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Danab iyo Ilaalo Qaran, oo ah militarigii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la geeyay furimaha gobolka. Hawlgalkan ayaa waxaa markii horeba ku jiray qaybaha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Hirshabelle, Macawiisleyda, iyadoona ay dib kaga biireen Ciidanka Gaarka ee NISA iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa ku waramaya in muddada uu hawlgalku socdo ay duqaymaha hawada noqon doonaan kuwo aan kala joogsi lahayn.

Shabaabka ayaa dhankooda isku dayaya in ay sii wadaan yoolkooda ay ku istaajinayaan hawlgalka, sababtu tahay iyagoo arka in lagu soo socdo galbeedka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen, waana sababta ay dagaalka ugu soo rareen bariga gobolka.

Khubarada amniga ayaase sheegaya in Shabaabku aysan ka sii dagaalami karin bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, marka aad fiiriso cadaadiska militari ee ka jira, isla-markaana ay wadaan qorshe ay uga baxayaan goobaha qaar.

Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa ku waramaya in Shabaabka soo hujuumay deegaanadii nabdoonaa ay dambas noqon doonaan, haddii aysan garowsan inaysan ciidamada u babac-dhigi karin, isla-markaana aysan dib u gurasho samayn.

Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa suurtagal ah inaysan istaagin, illaa iyo inta laga xoreynayo dhulka ka maqan gacanta qaranka iyo tan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Waxaa jirta hal mid oo ku tusineysa inaysan Shabaabku sii wadi karin dagaalkan, taas oo ah duqaymaha xagga cirka ee sii xoogeysanaya. Duqaymaha ayaa ciidamada u sahlaya inay dhul cusub qabtaan.

Si kastaba ha-ahaatee waxa uu militarigu filayo ayaa ah in xaaladda dagaalka ay maalmaha soo socda ay wax iska bedeli doonaan.

William Ruto oo si weyn loogu soo dhaweeyay xaafadda Islii

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey xaafadda Soomaalida ee Islii ee magaalada Nairobi.

Taageerada Soomaalida ay u hayso Ruto ayaa korodhay ka dib markii uu dhawaan booqday gobolka Woqooyi-bari meeshana ka saaray takoorkii lagu hayey Soomaalida kolka ay qaadayaan Aqooonsiga dalkasi.

Waa maxay xiriirka amni ee ka dhaxeeyaa Geeska Afrika iyo Azerbaijan?

Dhowr bilood ka hor, saddex markab oo laga leeyahay dalka Azerbaijan ayaa lagu qabtay dekedda Casab, kaddib markii lagu eedeeyay inay fasax la'aan ku galeen biyaha Eritrea.

Maraakiibtan oo la sheegay in ay ku sii jeedeen dalka Imaaraatka Carabta oo ay marayeen badda cas, kuwaas galay biyaha xuduudka Ereteriya ayaa muddo dheer halkaasi lagu hayaa, taas oo keentay in su'aalo la iska weydiiyo.

Hal tuhun ayaa ah in maraakiibtu ay hub sideen.

Laakin CMS, oo ah mulkiilaha maraakiibta, ayaa ku doodaya in isku daygii ay maraakiibtu ku doonayeen in ay la xiriiraan madaxda Eritrea si ay taageero ugu helaan uu guul darreysatay sababo la xiriira xaaladda badda oo xumeyd. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Eritrea oo ku saabsan xaaladda maraakiibta.

Dadaallada dublamaasiyadeed ee Azerbaijan ay ku doonaysay in ay ku sii deyso maraakiibta iyo shaqaalahooda ayaan lagu guulaysan in ka badan afar bilood.

Taasi waxay keentay dareenka Azerbaijan in ay mudnaan siiso xiriirka ay leedahay Geeska Afrika, guud ahna kan qaarada.

Haddab waa sidee xiriirka ciidan iyo amni ee ay Azerbaijan leedahay Itoobiya iyo dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaarada Afrika? Maxaase xiriirka Azerbaijan ay la leeday Eritrea loagu qeexi karaa?

Xiriirka Milatari ee Azerbaijan ay laleedahay dalalka Geeska Afrika

Baku waxa ay xiriir dhow la lahayd Itoobiya iyo Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Mid waa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay ee ahaa in hubka fudud iyo gaadiidka gaashaaman laga iibiyo Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo bishii Febraayo ee la soo dhaafay booqday dalka Azerbaijan, ayaa heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca ammaanka la saxiixday Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev. Muqdisho ayaa sidoo kale si rasmi ah ugu dhawaaqday "iskaashi istiraatijiyadeed" oo u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu booqday xarumaha ciidamada kumaandooska ee Azerbaijan, waxa uuna u kuur galay "qalabka difaaca ee gudaha dalkaas lagu sameeyo" ayaa lagu yiri warbixinta.

Soomaaliya oo dagaal joogto ah kula jirta al-Shabaab ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u horumarin lahayd ciidamadeeda amniga oo ay ku jiraan kuwa qaranka. Wadamo kale oo ay ku jirto Eritrea ayaa sidoo kale tababaraya kumannaan askari oo Soomaali ah.

Azerbaijan waxay doonaysaa inay ka qayb qaadato suuqa hubka ee Afrika

Colaadaha iyo xasillooni darrada ka jirta gobollada kala duwan ee Afrika ayaa la sheegay inay tahay xilli dalal badan ay ku hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen awooddooda ciidan.

Waxa ay fursado u abuurtay quwado kale oo cusub,kadib markii saamayntii iyo xiriirkii amni ee madaxdii hore ee reer galbeedka,kuwaasi oo ahaa kuwa caanka ku ah hubka milatariga, ay wiiqantay dhinaca qaaradda.

Saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaa halis gelisay badbaadada waddamada reer galbeedka iyada oo xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay Afrika uu sii fidayo.

Ruushka oo sanadihii ugu dambeeyay awooddiisa Afrika ku fidinayay ayaa sidoo kale tartanka ku soo biiray. Iskaashiga dhinaca ammaanka ee Moscow ee dalalka Saaxil iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, gaar ahaan, waxa ay madax-xanuun ku noqotay dalalkii hore ee saamaynta ku lahaa.

Dhoofinta agabka milateri ee Azerbaijan ee Afrika ee sida diyaardaha aan duliyaha lahayn ee droneska iyo hubka kale ayaaa sare u kacay 70% seddexdii sano ee lasoo dhaafay oo kaliya.

Azerbaijan, waxa ay sidoo kale doonaysaa in ay khibradeeda u isticmaasho sidii ay miinooyinka uga saari lahayd Afrika.

Heshiiskii dhawaan Ruushka uu la galay dowladda militariga ee Sudan ee ahaa in ay saldhig ciidamada badda ah ka dhistaan xeebaha Suudaan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay gobolka.

Heshiisyada milatari iyo kuwa ammaanka ee ay la galeen dhowr waddan oo Afrikaan ah ayaa xaqiijinaya arrintan.

Niger, Chad iyo Mali ayaa aad u danaynaya in ay Azerbaijan, ka helaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aan duuliyaha lahayn ee ka caawin kara in ay la dagaalamaan kooxaha islaamiyiinta ah ama ay xakameeyaan xuduudahooda.

Xiriirka Casmara iyo Baku ?

bishii Abriil 2004, xiriirka dibluma-asiyadeed ee u dhexeeya Ereteriya iyo Asarbayjaan ayaa ku bilowday heeer safiiro aan rasmi ahayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay Eritrea uu yahay mid loo maro safaaradda ay ku leedahay Addis Ababa.

Safiirka Eritrea ee Moscow ayaa sidoo kale ah wakiil ka Azerbaijan, warbixinta ayaa sidaas sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax iskaashi dhaqaale iyo mid amni ah oo ay labada dal wada gaareen .

Sannadihii 2022-ka, Madaxweyne Ileham Aliyev, oo xukumayay waddanka qaniga ku ah saliidda ilaa 2003, ayaa dhiggiisa Eritrea ugu hambalyeeyay munaasabadda madaxbannaanida Eritrea.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip