halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-03-25

0
Wednesday March 12, 2025 - 08:25:47 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 12-03-25

    .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.......

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulankooda oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi ayaa labada mas’uul waxay isku dhaafsadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.

Dowladda Soomaaliya oo dhiseysa xerooyin ciidan oo ay saraakiil Masaari ah tababar ku bixin doonaan

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siinaayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay kaalin weyn ku leedahay tababarka ciidanka Qaranka Soomaaliya ayna hadda kamid noqoneyso Howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasiir Cali Balcad ayaa xusay in Dowladda Masar iyadu ay soo codsatay in howlgalkaan cusub ee sanadkaan ka bilowday Soomaaliya ay kamid noqoto, waxaana uu xusay in Masar uu xiriir Taariikhi oo aad u weyn kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya oo saraakiil sar sare Soomaali ah ay halkaasi kusoo tababarteen.

Wasiirka ayaa xusay in Masar ay si gaar ah ay u taageeraan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ay qorsheenayaan inay dhisaan xerooyin ciidan si saraakiisha Masaarida ay uga bixiyaan tababarida ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Cali Balcad ayaa tilmaamay in ciidamada Masaarida ee dalka imaanaya ay qeyb ka noqon dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab sidoo kalana la geeyn doono saldhigyadii ay ka baxeen ciidamadii Howlgalkii ATMIS ee sanadkii lasoo dhaafay lasoo gaba gabeeyay.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ammaanka quseeya iyo iskaashi oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, Dowladda Masar waxa ay ciidamo ay usoo diri doontaa dhowaan Soomaaliya si ay howlgalkoodi u bilaabaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacanta hawlgalka Al-shabaab ka dhanka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Garonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al-shabaab ee caadeysatey daadinta dhiigga shacabka..

Madaxweynaha ayaa Allah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah o lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Al-shabaab ee ku dhumaleysanaya gobolada dalka qaarkod.

Ra'iisul wasaare Xamse oo sheegay in Bisha Ramadaan ay Dowladda qaadi doonto howlgal culus oo ka dhan ah Al shabaab

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal weyn oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab inta lagu guda jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadan.

Ra'iisul wasaaraha waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qabaailka, Culuma’udiinka iyo waxgaradka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku garab istaagaan ciidamada Dowladda dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab.

Waxa uu shaaca ka qaaday in ummadda Soomaaliyeed ay la socoto Propaganda iyo wararka been abuurka oo uu sheegay inay yihiin kuwa ay ka dambeeyaan Kooxda Al shabaab ayna Dowladda diidan tahay in waxyaabaha aan u adeegeenin xasiloonida iyo amaanka dalka ay ka gacan bir uga hortagi doonto.

"Waxaan Maalmaha soo socda aan dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin doonaa Dagaal toos oo aan waxba loola harin si Al shabaab meel la soo saaro." ayuu yiri Ra'iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii waxa uu xusay inay jiraan cadow gudaha iyo dibadda ah oo Soomaalida dhexdoodi laisku adeegsanayo si aysan uga faaideysan kheyraadka dhulkeedi kujira iyo sidoo kale midnimadoodi.

Wasiir Biixi oo la kulmay agaasimaha hay’adda horumarinta caalamiga ah ee UK

Wasiirka Maaliyada Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa kulan muhiim ah shalay la qaatay Agasimaha Hey’ada Hormarinta Calamiga ah ee UK Dr. Christopher Pycrof.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda oo ay ugu horreeyaan ilaha dakhli soosaarka oo muhiimad gaar ah ay siinayso Wasaaradda Maaliyadda iyo barnaamijka Qorshaha Isbadalka Qaran (NTP) oo isna dhawaan ay meel-mariyen Golaha Xukumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo afur wadareed la qaatay bulshada degmada Deyniile

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyen xubno ka tirsan Golaha Wasirada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale ayaa bulshada Degmada Dayniile kala qayb-galay afur wadareed ay sooo diyaariyeen Maamulka Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa mid lagu dhiirrigalinayo ciidamada geesiyaasha ah ee ku howlan sugidda amniga casimada bisha Barakaysan ee Ramadaan, si loo xoojiyo hawlgalka lagu xaqiijinayo amniga Gobolka Benaadir iyo Degmooyinka ku xeeran.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka iyo xasilloonida caasimadda ee ay horseedeen ciidamada kala duwan ee nabadsugidda iyo Boliiska, wuxuunna ku adkeeyay inay sii labo jibbaaran feejignaanta maadama kooxaha al-shabaab jab xooggan kasoo gaaray furimaha dagaalka.

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo sheegtay in 70% lasoo dhameeyay sahmintii shidaal ee laga waday Biyaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday ayna suurta gal tahay dabayaaqada sanadkaan ama horaanta sanadka 2026 ay Somalia markii ugu horeeysay ku dhawaaqdo inay shidaalkeedi soo saaraneyso.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in sahminta hadda ay ka socoto degaanada Mareeg iyo Xarardheere ayna u gudbi doonto xeebaha Degmada Hobyo ee Koonfurta Mudug, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in bisha April ay soo gaba gaboobi doonto sahminta markabka Turkiga uu kawado biyaha Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay soo saarka shidaalka Soomaaliya iyo isbadalada Cimilada iyo amaanka sida ay isku saameyn doonaan ayuu wasiirka shaaca ka qaaday inay jiraan khubaro arrimahaasi ka shaqeeya oo durba ay wasaaradu diyaarisay si ay ula falgalaan.

Markab bilaabaya shidaal Qodista ayaa kusugan Badda Madow kaliya sugaya in sahminta ay soo dhamaato kadib ayuu usoo jiheysan doona dhinaca Soomaaliya.

Ugu dambeeyn waxa uu Wasiirka Batroolka Soomaaliya uu xusay inay jireen caqabado ka horyimid sahminta shidaalka oo ay ugu weyn tahay maraakiibta sida sharci darada uga jilaabta biyaha Somalia kuwasi oo shabaqyada ay tuurtan ay daboli jireen qalabka sahminta sameenaya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee shalay ku qaadeen Magaalada Beledweyne

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay shalay ku qaadeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan rag ka tirsan Dagaalamayasha Al-shabaab oo weeraray Hotel ku yaala magaalada.

Wasiirka oo war qoraal ah kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook ayuu si kulul ugu cambaareeyay dhibaatada ay Kooxda Al-shabaab ay ka geeysatay hotel ay deganaayeen nabadoono iyo rag saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxaana ammaan uu u jeediyay ciidanka qaranka oo uu tilmaamay inay si geesinimo leh uga hortageen dhagarta Kooxdaasi.

"Waxaan cambaareeynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda arxanka daran ee al-shabab ah ku qaadeen Hotelka Qaahira ee magalada Beledwene, Waxaan naxariista janno Alle u waydinaya intii ku geeryotay werarkan fulaynimada ah, anigo sido kale caafimaad degdeg ah u rajeynaya intii ku dhaawacantay". ayuu yiri wasiirka Caafimaadka.

Wasiirka ayaa ku ammaanay ciidamada geesiyada ah ee qalabka sida, oo uu sheegay in inta badan soo badbaadiyeen odayasha dhaqanka iyo dadkii hotelka ku sugnaa.

Hotelka qaraxa iyo weerarka lagu ekeyay ayaa lagu magacaba Hotel Qahira, waxaana la sheegay iney daganayen Odayal dhaqamed iyo saraakiil ciidan oo waday ababulka dagal ka dhan ah Al-shab-abka ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Wasiirka waxa uu qoralkiisa ku sheegay in Dhacdadan aysan noqon doonin mid ka weecisa ama ka niyad jabisa dadka degan galbedka Beledweyne, dadaallada iyo ololaha ay maalmihii laso dhaafay ugu jiren xoreynta galbedka Hiiran iyo guud ahaan galbeedka Hirshabelle.

16 ka tirsanaa al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka ee NISA, ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay horjogeyal iyo Malleeshiyaad firxad ah oo ku sugnaa gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalkan oo ka dhacay meel ku dhow tuulada Basra ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu dilay 16 xubnood oo katirsana al-shabaab, kuwaas oo isugu jira horjoogayaa iyo malleeshiyo.

Hay’adda NISA oo qoraal kasoo saartay howlgalka ayaa intaa ku dartay in halkaasi lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo xirtay warbaahino internet ka ah oo Al-shabaab lahayd

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha oo ay Al-shabaab lahaayeen, iyadoo horay ay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Al-shabaab ku lahaayeen barta Internet-ka.

Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Al-shabaab ugu adeegayay hawlahan.

Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Al-shabaab u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee Al-shabaab ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan Website-yada kale ee Al-shabaabt ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

Linkiyada website-yada lala wareegay:

dhaxalgal.net

warkiislamka.com

dhaxalgal.com

somalimemo24.com

somalimemo24.net

radioalfurqaan.co

dhaxalgalka.info

faafreeb.com

faafreeb.net

faafreeb24.com

faafreeb24.net

amirnur.com

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ay al-shabaab ka fuliyeen Baladweyne

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xusen (Cali Guudlaawe) ayaa cambareyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Al-shabaab ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan taa bedelkedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.

Howgalka dabar-goynta Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle waxana uu si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah.

"Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Al-shabaab arxanka daran.”

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga Dowladda Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka al-shabaab ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa shalay shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip