
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-03-25
Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay qabilay danjiraha Jamhuriyada Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada kala duwan leh.
Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaa-liyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay danjire James Swan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskisa ku qabilay Kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dowladda tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda.
Wasiirka arrimaha gudaha oo daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka, ka dib munasbad ka dhacday xarunta hay’adda qaxotiga iyo barkacayasha Qaranka Somaliyed.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in xeerka qaxootiga iyo magan-gelyo doonka u xaq u siinayo in ay dalkena ku nooladan isla markana ka shaqaystan qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya nabad-galyada iyo ammaaanka.
Ugu dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay guddoonka hay’adda Qaranka, wuxuna si gaar ah maamulka hay’adda ugu ammaanay dedaalladii ay geliyeen iyo guud ahaan shaqada la taaban karo ee ay ka qabteen arrimaha qaxootiga iyo Barak-acayasha Soomaaliyeed.
Wasiirka Biixi oo bogaadiyay meel-marinta hindiso-sharciyeedyo muhiim u ah horumarinta maaliyadda
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay meel-mariyay 3 Hindiso-Sharciyeed oo muhiim u ah hannaanka horumarinta maaliyadda dalka.
Sharciyada shalay la ansixiyay ayaa kala ah 1 ‘Wax-ka-badalka Sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada, 2 ‘Wax-ka-badalka Sharciga Hay’adaha Maliyada, 3, Hindise Sharciyeedka Caymiska, Sadexdaan shari ayaa muhiim u ah dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay guddiga dib u hagaajinta biyo-qabadyada caasimadda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay Guddiga u xil saaran maareynta iyo dib-u-hagaajinta biyo-qabadyada iyo biyo-mareenada Maga-alada Muqdisho, si loogu diyaar garowbo xilli roobaadka soo socda.
Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale aya ka warbixiyay howlaha u qabsomay guddiga oo ay ugu horeyso faaro-bixinta biyo-qabadyada iyo sifeynta qaar ka mid ah biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray guddiga in ay dar-dargeliyaan qorshaha loogu diyaar garowbayo xilli roobaadka soo socda, si loogu hortago culeesyada iyo saameynta ka dhasha roobka.
Duqa Muqdisho oo habeen hore booqday xarumo ganacsi oo ku yaallla caasimadda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay boqday qaarkamid ah xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda si uu ugu kuurgalo Amniga iyo horumarka balaaran ee Magaalada kajira.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir oo dhankiisa wax ka iibsanayay goobihii uu booqday ayaa ku dhiirag-aliyay Ganacsatada Somaliyed sida ay laf dhabarka ugu yihiin hormarinta adeegyada bulshada iyo bilicda Magaalada islamarkaana ay dalkooda u maalgashteen.
Guddoomiye Amiir waxaa booqashadaan ku wehlinayay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Gaashanle Sare Abdifitaax Shaaweye.
Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya oo ka hadashay Duqeymaha Imaaratka uu ka fuliyo Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaalia Abdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka ogtahay Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu shaaca ka qaaday in wadamo badan ay heshiis amni ay kula jiraan ayna Dowladda Imaaratka qeyb ay ka tahay.
"Shaqooyinka ay dowladahaasi nala qabtaan dhamaantood heshiisyo ayaan kula jirnaa, heshiisyadaasna waxaa ku cad qolo walba waxa ay qabaneyso iyo in aan xogta aan hayno la wadaagno, gaar ahaan meesha aan u maleyneyno in nimankaas ku jiraan" ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in markii la xaqiijiyo xogtaas, sarkaal Soomalaiyeed uu saxiixo " Duqeymo dalkan iska dhacaahi ma jiraan".
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duqeeymaha dalka ka dhacay 99% dad rayid ah aanay waxba gaarin sababtan waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay go'aan ku gaartay in meel loo maleynayo in qof shacab ah joogo aan la duqeyn, isagoo sheegay in wacyi gelin ay ka sameeyaan deegaanada ay duqeymuhu ka dhacaan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer waxa ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Buuraha Calmiskad ee Puntland, halkaas oo ay duqeynta lala beegsaday dagaallamay-aasha Daacish ee buurahaasi kula dagaallamaya ciidamada Puntland, Dhowr jeer oo horeyna waxa ay Puntland sheegtay in ay Imaaraadka iska kaashadeen duqeymo cirka ah.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay kula mideeysan yihiin doorka dagaal ay Puntland kula dagaalameyso Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari
Wasiir Maareeye oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay cuntadooda soo saartaan oo ay isku tashadaan
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay soo yaraanayan albabadii gargaarka ay heli jireen Shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay inay isku tashadaan oo ay cuntadooda kasoo saartaan beeraha kana faaideystaan wabiyada iyo xeebta weyn ee Somalia marta.
Wasiirka waxa uu sheegay in wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ay wado qorshayaal uu Qofka Soomaaliga uu kusoo saaran lahaa wixii uu cuni lahaa mustaqbal dhow, waxaana uu ka digay in ay wali Soomaalida niyada kusii hayaan inay ku hamiyaan gargaarkii uga imaan jiray Wadamada Caalamka oo uu sheegay inay rajadaasi soo yaraaneyso.
"Waa inaan u diyaar garownaa inaan wax soo saarano, waa inaan innaga is caawino, waa inaynu kordhinaa wax soo saarkaa beeraheeni" ayuu yiri Wasiir Maareeye oo shalay shir ja'raid ah ku qabtay magalada Muqdisho.
Wasiirka waxa uu xusay in Soomaaliya hadda ay kasoo kabatay amni dari iyo xasilooni la'aan, isdil qabiil, dhibaato dhinaca cuntada ah iyo waqtiyadii la dhihi jiray "Macluul ayaa ka jirta Soomaaliya", waxa uu wasiirka uu tilmaamay inay dhici karto Roob yari Go'a soo socda ayna suurta gal tahay in malaayiin Soomaali ah ay arintaasi ay sameeyso.
Ugu dambeeyn waxa uu wasiir Maareeye ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in la gaaro isku filnaan cunno, waxa uuna xusay inay qaban doonaan shirka maalgashiga Beeraha si ganacsatada ay u maalgashadaan Beeraha maadama gargaarkii Soomaaliya ku tiirsanaan jirtay suurtagal ay tahay inaan loo helin sidii hore.
Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga hay’adaha maaliyadda
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda.
Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa oggolaatay 142, hal xildhibaanna waa uu aamusay.
Sidoo kale, mudanayaasha ayaa ansixiyay hindise sharciyedka shirkad-aha caymiska, waxana ogolatay 142-xildhibaan, hal xildhiban ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.
Gudomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku dhawaqay ansaxnimada hindise sharciyeedkan.
Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Malgashiga iyo Hormarinta Dhaqalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hormarinta ee Safarada Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft.
Kulankan oo ku qotomay xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa lagu lafaguray hirgelinta Qorshaha Isbad-elka Qaranka (NTP 2025-2029), oo si rasmi ah loo daahfuri doono 17-ka Maarso, 2025.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dorka ay deq-bixiyeyashu ka qadana-yan maalgelinta iyo taageerada mashariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay saamenta ay yeelan karto dhimista dhaqaalaha kaalmada horumarineed (ODA) iyo sida looga hortagi karo dhibaatooyin ka dhasha isbeddelladan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Dowlada UK iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Labada dhinac waxay isla garteen in si dhow la isula shaqeeyo si loo hubiyo in dhamaan dadaallada horumarineed ay waafaqsanaadaan Qorshaha Isbadelka Qaranka, loona xaqiijiyo in horumarka la gaari doono uu noqdo mid waara, wax-ku-ool ah, islamarkaana lagu wada faa’iidaysto.
Hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka waa tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya kaga faa’iidaysan doonto iskaashiga caalamiga ah si ay u gaarto yoolkeeda horumarineed.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay.
Madaxweyne Deni: Ma jiridoono ganacsade dambe oo ku marmarsiyoon doona Daacish baa cadaadis igu haysa
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay kulan la qaate ganacsatada magalada Bosaso, ayaa u sheegay in aysan mar dambe kooxda Daacish siin karin wax dhaqaale ah.
Madaxweyne Deni ayaa u sheegay ganacsatada in laamaha amniga Puntland ay burburiyeen meelihii ganacsatada looga soo hanjabi jiray si ay baad u bixiyaan. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali doonin marmarsiiyo la xiriira in Daacish baad la siiyo.
"Ma jiri doonto ganacsade marmarsiinyo u heli kara ‘waa lay cadaadiyay, waxbaa la iga qaaday.’ Waxaa la rabaa in qof kasta uu dareemo inuusan cadaadis jirin. Haddii hore lagu andacoon jiray buurahaa la iga soo waco, wiilashiinnii ayaa buuraha ku sugan oo halkaas kasoo hadlaya," ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Deni waxa uu sidoo kale xusay in Puntland ay u baahan tahay in ay kasoo kabato dhibaatooyinkii dhaqaale ee ay Daacish ku reebtay. Waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen cabsi darteed, balse hadda loo baahan yahay in ay kusoo laabtaan dalka, ayna keenaan aragtiyo ganacsi oo cusub.
Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay dadaal gelinayso sugidda amniga, si aan mar kale u dhicin dayac amni.
Dagaal culus oo haatan ka socda deegaanka Laba garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socda deegaanka Laba garas oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada xooga dalka iyo kaashanaya kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka is garabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisimo kooxdu ku leedahay deegaanka Laba garas, waxaana la soo werinayaa in dagaalka uu yahay mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Lama oga ilaa hada khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka laga helaayo sidoo kale ay tibaaxayaan in dagaalka uu barbar socdo duqeymo culus oo laga maqlaayo meelo ka fogfog halka uu dagaalka ka socdo, taasoo lagu garaacayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana xusid mudan in gulufkaasi kooxda lagu gaarsiiyay jab aad u xoogan.
Ku dhawaad 24 saacadood kadib waxaa lasoo afjaray weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Habeen hore soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee daraad hotel Qaahira oo ku yaala magaalada Baledweyne.
Weerarka oo qaraxyo waa weyn oo ismiidaamin ahaa ku bilaawday ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 7 ruux oo isugu jira Nabadoono, Saraakiil ciidan iyo dad shacab ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo u badan shacab ah.
Maamulka degmada Baledweyne ayaa shaaciyay in lasoo afjaray kooxda hotelka ka dagalameysay, islamarkana ciidamada dowlada ku guulaysteen ineey toogtaan kooxihii weerarka soo qaaday.
"Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar qabe 4 ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogasho ku dilay ciidanka amaanka, ciidamada waxay ku howlanayeen ilaa daraad soo badbadinta odayal, saraakiil iyo dad kalo shacab ah oo badan oo ku jiray hotelka, waxaana howlgalka ay soo afjareen saqdii dhexe ee Habeen hore, hada subaxan waxan ku suganahay gudaha hotelka oo ciidamada ayaa wada baaritaano la xariira dhagarta kooxda Al-shabaab iyo in qaraxyo ay ku xireen dhismaha guriga" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baledweyne Cumar Calasow.
Si kastaba ha ahaatee weerarkaan lasoo afjaray ayaa ahaa mid sababay saacadahii lasoo dhaafay in xaalado adag oo dhanka nolosha ah, kadib markii hawada laga saaray Isgaarsiinta oo aheyd halka kaliya ay dadka reer Baledwene kaga maareyan noloshoda, maadama aysan magaladu ka shaqey-neyn lacagta shilinka Soomaaliga ah.
Xaalada guud ee magaalada Baledweyne ayaa shalay ah mid ka wanaagsan sidii daraad waxaana shalay dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo ganacsiga, waxaana sidoo kale dib hawada ugu soo laabtay isticmaalka Isgaarsiinta oo reer Baledweyne u ah udub dhaxaadka nolol maalmeedkoda.
NISA oo sheegtay iney duqeyn ku dishay madaxii qaraxyada Shabaab ee Banaadir iyo Sh.hoose
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa habeen hore howlgal duqeyn ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge Farxaan Cusman Xasan oo loo yaqaannay Jacfar Karuur, kaas oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ee Shabaab iyo Horjooge Axmed Gumaar oo isna ahaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Sh/Hoose.
Howlgalkan oo ay Hay’adda NISA fulisay kadib markii ay hubisay xogta Horjoogeyaashan ayaa sidoo kale, waxaa lagu beegsaday Maleeshiyadkii ilaalada u ahaa labada Horjooge iyada oo la xaqiijiyay dhimashada dhammaan xubnihii Shabaab ee la duqeeyay.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Al-shabaab ah.
Ukraine oo ka aqbashay Maraykanka heshiis xabad joojin 30 cisho ah
Maraykanka ayaa ogolaaday in uu dib u bilaabo kaalmadii milatari iyo tii sirdoonka ee uu siin jirey Ukraine ka dib wadahadalo uu ay dowlada Ukraine ku oggolaatay xabad joojin soddon cisho ah.
Kadib kulan ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya ayaa Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio waxaa uu sheegay in Mareykanka uu hadda dalabka u gudbin doono Ruushka, isla markaana jawaabta laga sugayo Moscow.
"Madaxweyne Trump wuxuu doonayay in dagaalkan la soo afjaro daraad…Marka rajadayadu waxay tahay in Ruushku ay aqbali doonaan si aan u gaarno wejiga labaad ee arrintan, oo ah wada xaajood dhab ah,” ayuu Rubio u sheegay suxufiyiinta, kadib wadahadalo ka badan siddeed saacadood oo ka dhacay Jeddah, Saudi Arabia.
Rubio waxa uu sheegay in Washington ay doonayso inay heshiis buuxa la gasho Ruushka iyo Ukraine sida ugu dhakhsaha badan.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, oo ku sugan Sucuudiga, balse aan ka qaybgelin wada-hadallada, ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay tahay soo jeedin wanaagsan,ayna dhaqan geli doonto isla marka uu Ruushka ogolaado.
La taliyaha amniga Madaxweynaha Maraykanka Mike Waltz, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka maalmaha soo socda, iyadoo ergayga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff uu qorsheynayo inuu toddobaadkan booqdo Moscow si uu ula kulmo Putin.
Heshiiskii Maraykanka iyo Ukraine ayaa imaanaya kadib kulan xaasaasi ah oo Aqalka Cad ku dhex maray madaxweynaha Maraykanka oo muddo dheer ka shakisanaa gargaarka Ukraine iyo Zelenskiy 28-kii Feberaayo, kulankasi o ku dhamaday is afgaranwa.
Hase yeeshee, War-murtiyeedka wadajirka ah oo labada waddan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo gabagabeeyo heshiis dhammaystiran oo ka xiriira in Marakanka la siiyo macdanta muhiimka ah ee Ukraine.
Wadamada Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey heshiiska xabad joojinta ah ee Maamulka Kiev uu aqbalay.
Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukrain saddex sano ka hor, Ruushka oo horumaro sameeyay ayaa hadda heysta ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine oo ay ku jirto Crimea oo ay la wareegeen sanadkii 2014-kii.
HAMBALYO DHALASHO FARXAD LEH
Aabbe Dr, Cismaan Axmed Jimcaale Dr.JIMMY} , Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Habar Yar Sahro Xuseen Maxamuud {Sahruuni},Eddo Xannaan Cismaan Axmed Jimcaale Iyo Seygeeda Cabbaas Muxumud Axmed Cismaaniyo Carruurteeda Zaki YexyeAbuukar Axmed Cadde, Munasar Cabbaas Cabbaas Maxumud . Adeer Qaalid Cismaan Axmed iyo Xaaskiisa Naciimo C/dir C/lle {N.Nalka} Eeddo Wardo Cismaan Axmed iyo Gabadheda Idmaneey Cismaan, Usaama . Eddo Muno Cismaan {idwaana} Eddo Ayaan Cismaan Eeddo Cabbiir Cismaan Adeer Munasar Cismaan {WEHA} Adeer Maahir Cismaan Adeer Ayuub Cismaan
Ayeeyo Xabiibo Axmed JImcaale {Biibto}, Ayeeyo Salaado Axmed JImcaale,yeeyo Madiinoo Axmed JImcaale Ayeeyo Maryan Axmed JImcaale,Ayeeyo Safiyo Axmed JImcaale,woowe Muxuddiin Axmed Jimcaale { Tusbax} , Xamdi Cumar Xasan {HAMDA},Qadro C/hi Cali Hagarreey Maxmaed Xasan Xuseen Anaaleh},iyo Xaaskiisa caasho Axmed Maxamuud Karaani & Carruurtooda,Raxmo Maxmaed Maxmuud {Lajecel} Farxiyo C/Caziiz C/hi Cali {F Caddeey}C/hi C/siis Cali,Abboowe C/hi C/siis C/h iCali Abboowe Mahad C/siis C/hi Cali,Abboowe Sh-Nuur C/siis C/hi Cali {Nuunoow},yeeyoXabiibo Xasan Cumar ,iyo Carruurtooda Batuulo Nuur,Ilmo Maxamed Axmed Jimcaale iyo Carruurtooda, Ilmo Maxamuud Axmed Jimcaali {Reer Shaataar,Ilmo Xaliimo Axmed Jimcaale iyo Carruurtoda,Ilmo Aamio Axmed Jimcaale iyo Caruurtooda ,Imo IIlmo Ruqiyo Axmed Jimcaaley iyo Cruurtooda,Ilmo - Hani Ciise iyo Caruuteeda , Imo C/raxmaan Axmed Jimcaaley,Hadaafoow.C/hi Sayid Cismaan Axmed JImcaal ,Zakariye Cismaan Axmed JImcaalae,Xaliimo Syaid CismaanAxmed JImcaal,Aamino Saciid iyo Carruurteed, Suleymaan C/laahi Cali iyo Xaaskiisa iyo CarruutiisaIlhaan Shaataar} iyo Carruurteeda ,Cabdi Cali Xasan {Yuubane} iyo Safiyo Axmed Rooble iyo{Shiino} Carruurto oda,Binti cIsmaan Maxamed iyo Carruurteed,Maxmauud Axmed Xasan {Xuurshe},Cabbeey Jiinte Nuur Maxmed Cali{N.Qamadi},Macallin Xasan iyo Xasan dhagool,Dhammaan dakaasi waxaay Hamblyo Dhalasho Farxad leh u dirayaan Maxamed Cismaan Axmed Jimcaale{QAAQAA} Muqdisho wiilkaas oo looga Magacdaray Maasim Maxamed Cismaan Waxayna leeyhiin alle haka dhigo kii soo barbaara oo dalkiisa, Dadkiisa iyo Diintisa Anfaca Aamiin Aamiin Aamiin
Trump ma wuxuu ka fekerayaa inuu heshiis macdan la galo Congo?
Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa u muuqata inay Mareykanka dhankiisa u weecaneyso dadaalladii ugu dambeeyay ee ay xulafo ugu sameysaneyso dagaalkeda ka dhanka ah fallaagada M23.
Iyadoo garwaaqsaneysa in Aqalka Cad iyo Madaxweyne Trump ay daneynayaan heshiis isdhaafsi ah - ayna arkeen heshiiska macdan ee lasoo jeediyay ee Ukraine iyo Mareykanka - Congo oo macdanta qani ku ah ayaa rajeyneysa inay heshiis u gaar ah la gasho Washington.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Trump uu mar dhow soddogga gabadhiisa, Tiffany, u magacaabi doono xil muhiim ah oo gobolka ah.
Afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya ayaa barnaamijka BBC ee Newsday u xaqiijiyay in dalkiisa uu doonayo inuu Mareykanka kusoo daro dadaalka uu wado "uuna ku qanciyo qaar ka mid ah macdanta muhiimka ah".
"Dabcan... sidoo kale waan ka hadli karnaa ammaanka," ayuu intaa raaciyay.
Maxaa hadda heshiis meesha keenay?
DR Congo waxay ku jirtaa dhibaato milatari ahaan.
Dagaalyahannada M23 - oo taageero ka helaya dalka ay deriska yihiin ee Rwanda - ayaa horumarro waaweyn ka sameeyay qaybo ka mid ah bariga dalkaas ee qaniga ku ah macdanta.
Ciidamada gobolka - oo marka hore ka yimid bariga iyo koonfurta Afrika - kuwaas oo la rabay inay cawiyaan ciidanka ayaa ku guuldareystay inay dib u celiyaan fallaagada. M23 ayaa ka hadashay in ay ku sii siqayaan galbeedka si ay u qabsadaan caasimadda Kinshasa.
Marka la eego khataraha jira, la yaab maaha in Madaxweyne Félix Tshisekedi laga yaabo inuu eego siyaabaha uu kor ugu qaadi karo maqaamkiisa.
Taariikhdu markii ay ahayd 22kii Febraayo, Tshisekedi waxaa soo xigtay wargeyska New York Times inuu sheegay in maamulka Trump uu muujiyay xiisaha uu u qabo heshiis ku lug leh macdanta istiraatiijiga ah.
Maalin ka hor markaas, Golaha Ganacsiga Afrika iyo Mareykanka - koox ololeeyeyaal ah - ayaa codsi u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyagoo ka wakiil ah sanator Congo u dhashay, kaas oo qeexaya heshiis suurtagal ah oo ay ku jiraan "iskaashi dhaqaale iyo militari".
Maxaa dan ah oo ugu jiri karta Mareykanka?
DR Congo waxa lagu qiyaasaa in ay haysato $24tn oo u dhiganta (£19tn) oo kheyraad ah oo aan weli laga faa'iidaysan – oo ay ku jiraan cobalt, dahab iyo maar.
Dalku hadda waa kan ugu weyn adduunka ee Cobalt-ka bixiya - kaas oo loo adeegsan karo difaaca iyo hawada iyo sidoo kalena muhiim u ah baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya - laakiin inta badan waxaa loo dhoofiyaa Shiinaha. Waxaa kale oo ay leedahay kaydka lithium, tantalum iyo uranium-ta muhiimka ah, kuwaas oo sidoo kale milatarigu isticmaalaan.
In kasta oo Maraykanku uu maalgelinayo mashruuc weyn oo kaabayaal dhaqaale - Waddada Lobito - oo loogu talagalay in badeecadaha laga keeno bartamaha Afrika oo la geeyo deked ku taal Angola, shirkadahooda kuma lug laha macdanta DR Congo.
Maaddaama uu Shiinuhu gacanta ku hayo qaybta macdanta ee Kongo, waxaa jiri kara "farqi istaraatiiji ah oo sii ballaaranaya, halkaas oo waddammada iska soo horjeeda ay sii wadaan inay keli ku noqdaan kheyraadka Afrika", warqadda loo diray Rubio ayaa sidaa lagu yiri.
Aragti ahaan, DR Congo waxay shirkadaha Maraykanka u fidin kartaa shuruudo u fiican si ay uga faa'iidaystaan kheyraadka.
Laakiin, sida uu qabo falanqeeyaha macdanta Gregory Mthembu-Salter, sida Maraykanka, oo ka duwan Shiinaha, waxay ku tiirsan yihiin shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay u qabtaan shaqada ay go'aansan karaan inay aad khatar u tahay in ganacsi laga sameeyo.
Laakiin tani waa mala-awaal aad u weyn, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin "wax laga sii fekero ama lagu dhawaaqo waqtigan".
Si kastaba ha ahaatee Maraykanku "waxa uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo iskaashiga qaybtan" kaas oo la jaan-qaadaya amarka fulinta ee looga gol-leeyahay in laga dhigo Maraykanka "hormuudka soo saaraha iyo warshadeynta macdanta aan shidaalka ahayn, oo ay ku jiraan macdanta dhulka ee naadir ah".
Sidee ayay DR Congo uga faa'iidi doontaa?
Mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ayaa noqon kara "xoojinta iskaashiga milatari", sida warqadda Rubio ku qoran.
Tani waxay ku lug yeelan doontaa:
Tababarka iyo qalabaynta askarta "si ay u ilaaliyaan waddooyinka sahayda macdanta
"In Maraykanka loo fasaxo saldhigyada milatari" si loo ilaaliyo ilaha istaraatiijiga ah"
Iyo "in lagu bedelo hawlgallada nabad ilaalinta ee aan waxtarka lahayn ee Qaramada Midoobay iyada oo la adeegsanayo iskaashiga amniga tooska ah ee US-DRC".
Afhayeenka Congo waa uu diiday inuu xaqiijiyo faahfaahintan, laakiin waxaa jira xoogaa shaki ah oo ku saabsan sida ay dhab u yihiin waxtarna ay durba u yeelan karaan.
Sida laga soo xigtay Stephanie Wolters, oo ah falanqeeye gobolka kana tirsan machadka arrimaha caalamiga ah ee Koonfur Afrika, haddii Kinshasa ay rabto joogitaanka militariga Mareykanka ee bariga markaas "taasi uma badna inay dhacdo".
Intaa waxaa dheer "hubka iyo tababarku waa arrimo mustaqbalka fog ah", ayay u sheegtay BBC Focus on Africa.
"Waxaan u maleynayaa in codsiga ay samaysay dowladda Congo ay tahay hubaal sababtoo ah xaaladda milatari ee ka holcaya bariga, kuma qanacsani in waxa Maraykanku uga beddelan karo uu yahay mid dhab ahaantii wax ka qaban kara baahida ba'an ee xilligan."
Falanqeeyaha warshadaha macdanta ee Congo Jean-Pierre Okenda ayaa sheegay in qaar ka mid ah kormeerka heshiiska uu noqon doono mid macquul ah, isagoo soo jeediyay baarlamaanka iyo bulshada rayidka waa in sidoo kale lagala tashado haddii ay tahay mid u adeegaysa danaha dadka.
Heshiis hore oo lala galay Shiinaha kaas oo u fasaxaya macdanta si loogu beddelo mashaariicda kaabayaasha ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan bixinin qaar ka mid ah waxyaabihii la ballan qaaday.
Tshisekedi ayaa tan iyo mar kale wada-xaajood ka galay arrintan, laakiin daahfurnaan la'aanta wadahadalladaas ayaa la cambaareeyay.
Maxaa xiga?
Ma jiro wax la taaban karo oo laga yaabo inay dhowaan dhacaan.
Halka Muyaya, oo u hadlayay Kinshasa, uu ka gaabsaday waxa aan filan karno, wuxuu u sheegay BBC in "maalmaha soo socda aan heli karno faahfaahin dheeraad ah oo aan soo wadaagno".
Waxa uu intaa ku daray in ay jirto "rabitaanka siyaasadeed [ee ka yimid Tshisekedi] waxaana filayaa in Maraykanku uu fiiro gaar ah u leeyahay su'aalahaas".
Dhinaca Maraykanka, sida laga soo xigtay mareegta wararka ee Semafor, Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo in Massad Boulos uu noqon doono ergeyga cusub ee gobolka Great Lakes ee Aqalka Cad.
Waa aabbaha dhalay Michael Boulos oo qaba gabadha Trump ee Tiffany, wuxuuna tan iyo bishii December ahaa la taliyaha sare ee Trump ee arrimaha Carabta iyo Bariga Dhexe.
Danihiisa ganacsi waxaa ka mid ah shirkad fadhigeedu yahay Nigeria oo ku takhasustay qeybinta gawaarida iyo qalabka guud ahaan Galbeedka Afrika - waxaana la filayaa inuu mar uun u duulo Kinshasa dhowrka toddobaad ee soo socda.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 13-03-25
........