halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-03-25

0
Monday March 10, 2025 - 09:39:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 10-03-25

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheikh: Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya waxay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka nagu qabay

Madaxwenaha Dowlada Federalka Somalia, Xasan Sheikh Maxamud, aya sheegay in dorashoyinka dadban e dalka laguso mamulayay ay dhawac weyn u geysten kalsonida calamka ee Soomaaliya.

Madaxwene Xasan Sheikh aya xusay in lagama maarman ay tahay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Somaliyed fursad buxda logu siyo dorashada hogankoda.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu tilmaamay in aanay macquul ahayn in Soomaaliya mar kale kusoo laabato nidamka doorasho dadban, isagoo hoosta ka xariiqay in besha calamka aysan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidam aan la saadalin karin natijadisa.

"25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macqulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Calamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha aya intaa ku daray in dowladdu ka go'an tahay fulinta ballanqaadkeedii ahaa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taaso kor u qadeysa sida uu sheegay hufnanta iyo cadaalada dorashoyinka.

Waxa uu xusay in dalka uu yeelan doono saddex xisbi qaran, loona baahan yahay in muwadinintu ku biirn xisbiyadaas.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamusay haldoorka hawenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Somaliyed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyada iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimada ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga :Dagaalka lagula jiro Al-shabaab waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka

Wasiirka Wasaarada Gashandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlayay warbaahinta qarnka ayaa shegay in dagal lagula jiro al-shabaab ay kaalin weyn ku leeyihin ciidanka cirka soomaaliya oo adeegsanayo diyaaradaha ay dowladda soo iibsatay Al-shababtana lagu nafeyay.

"Dagaalka lagula jiro Al-shabaab waxaa kaalin weyn ku leh Ciidamada Cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo ay soo iibsatay, taasi oo cadawga aad u naafeysay”ayuu yiri Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay korortay awoodda ciidanka cirka iyo duqeymaha isdabajooga ah ee lala bartilmaamedsanayo argagixisada,isagoo tilmaamay in guula wawey laga gaaray howlgallada ka dhanka ah al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Waxa uu sidoo kale sheegay in dolwadda ay gacanta ku heyso xubnno katirsan al-shabaab oo iyaga oo dagaalamay inta risaastii ka dhamatay dagaalada ku dhaawacmay dowladana ay gacnta ku heyso ayna daweeyneyso,wuxuu ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee wali ka bar-bar dagaalamay argagixisada in ay heestaan fursad oo ay isku soo dhiibaan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay guddi warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada xildhibanadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka e Barlamanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad gudubka xildhibaanadda, taasoo ka dhalatay doodii arintaas la xiriirtay oo ay mudanayaasha Golaha Shacabka yeesheen kulamadii 2-aad iyo sedaxaad ee kalfadhigan lixaad.

Hay’adda NISA oo shaacisay in howlgal lagu dilay horjooge Yuusuf Dhegnaas

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab oo 20 kor u dhaafaya.

Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa Al-shabaab looga gubay howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

Wasiir Roobow”Kabul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Al-shabaabna kama awood badna sidii hore”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muqtaar Roobow oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga ciribtirayo al-shabaab.

Wasiirka Awqaafta arrimaha Islaamka Muqtaar Robow ayaa sheegay in wasaaradda iyo culimada oo isku duuban ay garab taaganyihiin geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka, waxa uu carabka ku adkeeyay in diiniyan ay qalad tahay in laga been abuuro dagaalka xaqa ah ee lagu difaacayo Diinta iyo sharafka ummadda soomaaliyeed.

Mudane Mukhtaar Roobow ayaa al-shabaab u sheegay in Kabul iyo Dimishiq aheyn Soomaaliya, isagoo tilmaamay in al-shabaab tabar beeleen laheyn awood ay ugu bac-bacdhigaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka taas badalkeeda fariimo been ah isticmaalayaan taaso iyana ugu dambeyn u socon waysay.

"Kaabuul iyo Dimishiq midna noqon meyso Muqdisho Al-shabaabna kama awood badna sidii hore.” Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sheekh Cali wajiis oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo meesha ka hadlay ayaa tilmaamay mooqifka culimada ee dagaalka al-shabaab, isagoo sheegay in dowlad iyo shacaba loo istaago sidii dalka looga xoreeyn lahaa al-shabaab oo ka been sheegay diinteensuuban ee Islaamka ah.

Culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankooda sidoo kale adkeey muhiimadda ay leedahay garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee al-shabaab kula dagaalamaya furimaha hore ee dagaalka, iyagoo mar kale carabka ku adkeeyey dilka al-shabaab in Alle loogu dhawaanaya waajibna tahay dilkooda maadaama fasahaad ka wadaan dalka.

Al-shabaab ayaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal looga dilay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo dhawaan waayay horjogayaal muhiim u ahaa kuwaas oo dhib badan ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la laayay horjoogeyaal dhaawacyadooda lala cararay

Wasarada Gaashaandhiga Somalia ayaa haben hore sheegtay in duqayn labaad lala beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabab, o ku dhaawacme duqayntii daraad galab ka dhacday deganka Celbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayenka Wasarada Gashandhiga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa marka hore sheegay in duqayntaasi lagu dilay Yuusuf Dhegnaas, oo sida uu shegay ka mid ahaa horjogeyasha maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaarada Gaasha-andhiga ayaa tilmaamay in Yuusuf Dhegnas uu aha dhagarqabihii ugu weyna e Shabaabka gobolkasi, marka laga so tago sida u yiri Kaba Kutu-kade, oo uu uga la jeedo Yuusuf Ciise (Kaba Kutukade) Gudomiyaha Al Sh-abab e Gobolka Shabellaha Dhexe.

"Ninka lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas wuxuu ahaa nin argagixiso ah o shacabka Somaliyed dhibateyay, gaar ahaan dadka ku nool Runirgod, Cadaan Laxey, Cadcadey, Ceelbacad iyo dhamanba shacabka Somaliyed ee ku nool Shabellaha Dhexe ayuu dhibaato ku ahaa. Ninkaas isagoo ku sugan Ceelbacad ayay duqayn ku sameyen Ciidamada Qaranka iyo saxiibada calamiga ah oo iskash-anaya, halkaas ayuuna naftiisa ku waayay.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Waxa kaloo uu sheegay in shan horjoogeyaal kale oo marti u ahaa inay ku dhaawacmeen duqayntaasi. Xubnahan ayuu ku sheegay horjoog-eyaashii kale ee ka hawlgalayay Hirshabelle iyo Galmudug.

Abuukar Macalin Maxamuud ayaa ku waramaya in meel ku dhow Degmada Galcad ee Gobolka Galga-duud duqayn kale lagu la beegsaday gaari uu sheegay in lagu la cararay dhaawacyada raggaasi iyo labaatan ilaalo oo la socotay.

"Sidoo kale shan dhagarqabe oo marti u ahayd ayaa iyagana ku dhaawacmay duqayntaas, oo raggii horjoogeyaasha kale ahaa oo ka shaqayn jiray Gobolada Dhexe iyo Shabellaha Dhexe. Gaari ayaa lagu la cararay raggii dhaawaca ahaa iyo ilaaladii la socotay oo labaatan gaarayay, haddana duqayn kale ayaa lagu la dhuftay Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud meel u dhow.” Ayuu yiri Abuukar Macalin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waxaan rabnaa shacabka Somaliyed inaan ugu bishaarayno xilligan in cadowga Soomaaliyeed ee argagixisada ah jab weyn uu gaaray. Hawgalkan oo lagu magacabo ‘Dhamesirka eeyaha naarta’ ayaa dib u cusboznaday, waxaana uu ujeedka hawlgalkan yahay Al-shabaab Al Shabab maalmo kooban ama muddo kooban lagu afjaro, shacabka Soma-liyedna dhagartooda looga dulqaado.”

Abuukar Macalin ayaa intaasi ku daray "Waxaan leenahay Alle ayaa mahad leh, bacdamaa xubno ka mid ah cadowgii ugu waaweynaa ee ka jiray Gobolka Shabelaha Dhexe iyo Gobolada Dhexe ay burbureen. Qof kasta oo wadadaas marta, wadadaas aya u dambeso ama waxay ku baxa-yan gacanta geesiyaasha Ciidamada Qaranka kuwa deganka ama duqemo la mahdiyay ayaa ku dhici doono, si shartooda ummadda loo dhaafiyo.”

Madaxweyne Deni: Uma dulqaadan doono dayac dambe oo amni inta aan xilka joogo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Abdullahi Deni, ayaa sheegay inusan mar dambe u dulqadan donin dayaca amni ee fursad siin kara kooxaha Al-Shabab iyo Daacish, kuwaas oo uu xusay in laga sifeeyey gobolka Bari.

Madaxweyne Deni, oo la hadlayey nabadonada gobolka Bari, ayaa cadeyey in aysan jirin Shabaab ama Dacish ah oo awood ku leh magalada Boosaso. Wuxu tilmamay in dhulka laga saaray Daacish ay dowladdu ka dhisi doonto waddooyin fududen dona isku socodka cidamada iyo shacabka.

Isago ka hadlayey arimaha amniga, wuxuu xusay madaxweyne Deni inuu cafis u fidiyey dhammaan cid kasta oo horey dambi u gashay. Hase yeeshe, wuxuu digniin culus u diray qof kasta oo amni-darro ka shaqeynaya ama xiriir la leh koxaha argagixisada, isago ku adkeystay inusan mar dambe u dulqaadan doonin cidda ku lugta leh falalka amni darrada.

"Qof kasta waan cafiyey anigoo magaca dowladda ku hadlaya," ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kale, Madaxwene Deni ayaa amaanay odayaasha dhaqanka, isago ku bogadiyey kalintoda holgalka Hillac, gaar ahaan wejigiisa sadexad e haatan ka socda Puntland.

Madaxweyne Cirro: Dagaal meel lagu soo qaaday naga joojinmayo in aanu nabadda doonnno

Madaxwenaha Somaliland, Abdiraxman Maxamed Cabdillaahi 'Cirro', ayaa dagaalkii daraad ka dhacay Buqdharkayn ku tilmaamay weerar gardarro ah oo ay ciidamada SSC-Khaatumo kusoo qaadeen dadka deegaanka.

"Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee 8-da Maarso.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay gacana Somaliland ku difaacayso, isla markaana gacanta kale ku waddo dadaallo nabadeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dagaalka Buqdharkayn aanu ka leexin doonin hawlaha nabadda ee ay xukuumaddiisu wado.

"Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. "Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa."

Xukuumadda Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay mas'uuliyadda dagaalkii Jimcihii dib uga qarxay deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool, halkaas oo ay dhinacyadu horey marar badan ugu dagaalameen.

Dhinaca kale, waxa socda wadahadallo nabadeed oo ay magaalada Gaashaamo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka wadaan salaadiinta dadka deegaanadan wada dega, wadahadalladaas oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaallada qabiilka salka ku haya ee ka dhaca deegaanadaas.

Inkabadan 1,000 qof oo lagu dilay Suuriya laba cisho gudeheed

Kooxaha xuquuqda aadanaha ee kor kala socda xaaladda Suuriya ayaa Sabtidi sheegay, in ugu yaraan 1,000 qof lagu dilay isku dhacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka Suuriya.Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad. Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay qaar loo beegsaday heybtooda oo ah in ay kasoo jeedaan qowmiyadda Calawiga Shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee Suuriya.

Kooxda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa dilalki maalmihi lasoo dhaafay ku tilshalayy mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee Suuriya ka dhac tan iyo billoowgii dagaalka sokeeye muddo hadda laga joogo 14 sannadood.

Dadka rayidka ah ee la dilay ayay kooxdani ku sheegtay in ay gaarayaan 745 qof, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dilay rasaas af-saar ah, dadka kale ee dagaalladaasi lagu dilay ayaa isugu jira 125 ka mid ah ciidamada dowladda, iyo 148 ka mid ah malleeshiyaadka mucaaridka ah.

Iska hor imaadyada ayaa intooda badan ka dhacay magaalada Latakia. Biyaha iyo korontada ayaa inta badan laga jaray magaaladaasi ay dagaan dadka Shiicada ah ee Calawiyiinta Suuriya.

Dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ka jawaabeen weeraro uga yimid haraadiga ciidamadii Bashar Al Asad, iyada oo dilalka aargoosiga ah ee la sheegay in ay dhaceen Latakia ku sheegtay, ficillo ay sameeyeen shakhsiyaad.

Isku-dhacyadi billowday Khamiistii ayaa lagu tilmaamay caqabadi u horreysay ee ay gudaha ka wajaheyso dowladda Suuriya, saddex bilood kaddib marki ay awoodda xoog uga tuurtay qoyski Suuriya muddada dheer xakumayay ee Reer Asad

Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo hub ka iibin jiray Al shabaab oo la xukumay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay kiiska rag ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay la shaqeyn jireen Al shabaab si lamid ahna ay hubka ka iibin jireen sida lagu soo bandhigay cadeeymihii maxkamadda la horkeenay.

Eedaysanayaashan ayaa kala ah: Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland kuna eedeysan la shaqeynta Kooxda Al shabaab iyo ka iibsashada Argagixisada Hubkii Dowladda, waxaana in muddo ah socotay dhageysiga dacwadoodi.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa Sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur ay Maxkamada ku heshay Dambiga lagu soo eedeeyay waxayna Maxkamada Ku Xukuntay min 5-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sido kale Maxkamada ayaa soo bandhigtay Qoryihii ay iibsadeen oo Ehelada Dambiilayaasha ay Dowladda Jubbaland usoo celiyeen, waxaana goob joog ahaa fadhiga Maxkamada Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, iyo Ehelada eedeysanayaasha.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa sheegay Cidii aan ku qanacsaneen Xukunka Maxkamada ay u furan tahay Racfaan ku eg inta Sharciga ogolyahay.

Maxaa la gudboon Carabta kaddib diidmada Trump ee qorshahooda Gaza?

Waxaa soo baxaya su'aalo ku saabsan jidka u furan dalalka Carabta kaddib markii Israel iyo Mareykanka ay diideen natiijada shirka Carabta ee lagu raadinayay qorshe ka duwan kan Trump ee Gaza.

Intii Qaahira uu ka socday shirka Carabta ee aan cadiga aheyn afartii bishan Maarso, waxay hogamiyayaasha ogolaadeen qorshaha Masar ee ah in $53 bilyan oo doolar dib loogu dhiso Gaza si 2.1 milyan ee Falastiiniyiinta ah ay dhulkooda u sii joogaan.

Qaahira waxay soo jeedisay qorshe lagu wiiqayo kan Marekanka ee ah in la barakciyo dadka ku nool daanta galbeed kaas oo lagu dhisayo mashruuc dalxiis. Trump wuxuu ugu yeeray qorshahaas "Riviera-da Bariga Dhexe". Taasina waxay muujineysaa in Mareykanka uu ka laabtay siyaasadiisa aheyd xal labo dal ah.

Qorshaha Carabta waxaa toos u diday Israel halka Washington ay ku tilshalayy wax aan dhaceyn. Aqalka cad waxay xaqiijiyeen in maamulka Trump ay ka go'an tahay in Gaza dib loo dhiso iyadoo Xamaas aysan joogin.

Dowlada Falastiin iyo Xamaas way soo dhaweeyeen qorshaha Carabta kaas oo ku baaqayay in Gaza ay maamulaan gudi madaxbannaan iyo ciidamo nabad ilaaliyayaal caalami ah oo halkaas la geeyo.

"Qorshaha Trump ma shaqeynayo"

Wasiirkii hore warfaafinta Urdun, hadana ka faalooda siyaasada, Samih Maaytah, wuxuu aaminsan yahay in qorshaha Carabta uu suuragal yahay si kasta oo caqabada u horyaalaan.

Wuxuu sheegay in hadii Gaza dadkeeda la barakciyo in ay khatar ku tahay ammaanka gobolka, wuxuuna sheegay in ay halis ku tahay Urdun iyo Masar.

Al-Maaytah wuxuu intaas ku daray in Trump uu soo bandhigay qorshe balse uusan awood u laheyn in uu fuliyo.

"Trump wuxuu ka hadlay qorshe iyo fikrado isagoo ku soo darin aragtida hal dhinac xitaa. Hadii wadaxaaj-oodyada guuleystaan, hore ayaan u sii socon karnaa. Wax ugu xun ee dhici kara waa in qorshaha Trump uusan hirgalin, kan Carabtana uusan shaqeyn. Taasna waxay ka dhigan tahay in Gaza ay xaaladaas ku sii jirto".

Muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas?

Hoggaamiyayaasha Carabta waxay isku dayayaan in ay ka dhaadhicyaan Trump qorshahooda kaas oo ka jawaabaya waxa laysku hayo. Tan ugu muhiimsan waa, muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas? Yaase maamulaya Gaza?

Hindisaha Masar ayaa ka jawabaya qaar ka mid ah su'aalahan sida uu dhigayo gudiga madaxabannaan ee maamulaya Gaza muddo lix bilood ah ka hor inta aysan dowalda Falastiin halkaas ku soo laaban.

Mas'uuliyiinta maamulaya Gaza waxaa horyaal caqabad weyn oo ah mustaqbalka Xamaas kuwaas oo Gaza xukumayay ilaa iyo 2007-dii.

Qorshaha Masar waxaa qaatay ururka Jaamacada Carabta kaas oo aan ka hadal in hubka la dhigayo Xamaas. Xamaas way ogolaatay qorshaha kaddib shirka inkastoo ay diiday hub ka dhigista.

Siyaasi iyo cilmibaare u dhashay Masar oo lagu magacaabo, Imad Gad, aya aaminsan in hindisaha Carabta uu leeyahay waji wanaagsan balse uusan laheyn waxyaabaha aasaasiga u ah xalka sida in Xamaas hubka laga dhigo.

Waa arin adag

Dalalka Carabta way isku khilaafeen sida loola dhaqmayo joogista Xamaas ee Gaza. Qorshaha Masar wuxuu ku baaqayaa xabad joojin dheer taas oo xal u ah hub ka dhigista. Sacuudiga waxay qaban in si tartiib ah loola dhaqmo oo marka hore madaxdooda Gaza laga saaro halka Imaaraatka ay diideen qorshe kasta oo Xamaas ay ku joogeyso Gaza. Imaaraatka waxay dalbadeen in degdeg hubka looga dhigo Xamaas.

Waxay u muuqata in dhaqaalaha lagu dhisayo Gaza in uu ku xiran yahay helista taageerada caalamka gaar ahaan dalalka hodanka ee khaliijka kuwaas oo doonaya siyaasad cad oo ku wajahan halka ay ku dambeynayaan hubka Xamaas.

Khubaradu waxay qabaan in arrinta hubka Xamaas ay tahay mid adag oo u baahan aragti guud oo ku xiran dagaalka iyo xalka laba dal.

"Gaza nabad ma heleyso Xamaas la'aanteed"

Dhanka kale, Moshe Elad oo ah khabiir militeri oo Israel u dhashay ayaa soo dhaweeyay qorshe kasta oo lagu gaarayo xal iyo nabad dhexmarta dalalka Carabta iyo Israel.

Wuxuu tilmaamay sida Israel ay diyaar ugu tahay in ay kala hadasho qorshe kasta ay nabad ku heleyso, gaar ahaan xadka Gaza. Wuxuu sheegay in ujeedka ugu weyn Israel uusan aheyn barakicin ee uu yahay in ay xal u hesho hubka Gaza yaal iyo in la joojiyo argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel oo ka hadlay qorshaha Masar ayaa ku tilmaamay mid jilicsan oo xambaarsan fikrado duugoobay kaas oo iska indhatirayo wixii keenay weerarkii 7-dii Oktoobar oo ula jeeday in xal laba dal ah uusan dhaceyn.

Intee ayuu la egyahay cadaadiska Carabtu haystaan?

Kenneth Roth oo ah madaxii hore ee hay'ada xuquuqda aadanaha HRW ayaa aaminsan in dalalka Carabta ay leeyihiin awodo ay wax ku cadaadiyan oo ay kaga horyimaadaan qorshaha maamulka Trump.

Wuxuu sheegay hadii labada milyan ee reer Falastiin Gaza xoog looga saaro, in ay ka dhigan tahay dambi dagaal sida u qabo qodobka 49-aad ee xeerka Geneva iyo sidoo kale in uu ka dhigan yahay dambi aadanaha laga galay.

Wuxuu kaloo sheegay in Sucuudiga uu leeyahay awood uu ku diido caadiyeenta xirirka Israel, shuruudna uu kaga dhigo in la damaanad qaado dhismaha dal Falastiin ah.

Hadii maamulka Trump ay ku dhaqaaqaan qorshahooda in khatarta aysan ku koobnaan doonin Gaza oo ay u sii gudbeyso Daanta Galbeed oo iyagana sidoo kale la barakicin doono sidaa darteed waxaa muhiim ah in dalalka Carabta ay diideen tallaabo kasta oo qorshahas lagu fududeynayo.

Ruushka oo xoojiyey weerarada oo uu ku hayo Ukriane ka dib dhowr tallaabo uu qaaday Maraykanku

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay Ukraine weerarada ugu dambeeyay ee Ruushka, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Ukraine, iyadoo colaadda aysan muujinaynin calaamado fududaan ah.

Weerar ka dhacay Gobolka Donetsk ayey ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, kuna dhaawacay 40 kale, oo ay ku jiraan lix carruur ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka Sabtidii. Guryo iyo kaabayaal ayaa sidoo kale la weeraray gobollo kale oo ay ka mid yihiin Kharkiv iyo Odesa.

Weerarada Ruushka ayaa sii xoogeystay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Mareykanka uu joojiyay kaalmadii milateri iyo la wadaagistii xogtasirdoonka ee Kyiv. Waxay daba socotay isku dhacii Xafiiska Oval-ka ee todobaadkii hore dhex maray Madaxweyne Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky ee Ukraine.

Ka dib weeraradii ugu dambeeyay ee Ruushka, ra'iisul wasaaraha Poland Donald Tusk wuxuu yiri: "Tani waa waxa dhaca marka qof raali galiyo kuwa xushalay leh."

"Bambaanooyin badan, dagaal badan, dhibanayaal badan," ayuu intaa ku daray qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa goor dambe oo Jimcihii ka dhacay magaalada Dobropilya ee gobolka Donetsk. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba gantaal oo ballistic ah ay ku dheceen siddeed dhismayaal oo la deggan yahay iyo xarun laga dukaameysto, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ka dib markii ay kooxaha gurmadka degdega ahi yimaadeen, Ruushku waxa uu bilaabay duqaymo kale oo "si ula kac ah u bartilmaameedsanayey samatabbixiyeyaasha", ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram ku yiri. "Weerarrada noocan oo kale ah waxay muujinayaan in hadafyada Ruushka aysan waxba iska bedelin," ayuu intaa raaciyay.

Weeraro kale oo ka dhacay gobolka ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay 13 Jimcihii iyo Sabtidii, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeeyay shirkad ku taalla magaalada Bohodukhiv ee gobolka Kharkiv, halkaas oo ay ku dileen saddex qof ayna ku dhaawacmeen toddobo subaxnimadii hore ee Sabtidii, sida uu sheegay madaxa gobolka Oleh Synyehubov.

Weerar kale oo diyaarad Drone ah ayaa Jimcihii ku dhacay kaabayaasha tamarta iyo rayidka ee Odesa, ayuu yiri madaxa gobolka. "Kani waa weerarkii toddobaad ee lagu qaado nidaamka tamarta gobolka saddex toddobaad gudahood," ayay tiri shirkadda tamarta ee DTEK.

Dhanka kale Ukraine ayaa sii waday beegsiga Ruushka, kaas oo wasaaradiisa difaaca ay sheegtay in ciidamadoodu ay qabteen 31 diyaaradood oo dhanka Ukraine ah laga soo ganay habeen hore.

Jimcihii, Trump wuxuu sheegay inuu u arkayay "in ay aad ugu adag tahay, si daacad ah, in lala macaamilo Ukraine" marka loo eego Ruushka isku dayada uu ku nabadeynayo labada waddan.

Maraykanku "wuxuuwax fiican la qabanaya Ruushka", "waxaa laga yaabaa inay ka sahlan tahay la macaamilka" Moscow marka loo eego Kyiv, ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Saacado ka hor, Trump waxa uu sheegay in uu "si adag uga fiirsanayo" cunaqabatayn ballaaran iyo canshuuraha la saarayo Ruushka ilaa laga gaarayo xabbad joojinta Ukraine.

Marka laga soo tago joojinta caawinta militariga iyo sirdoonka, Mareykanku wuxuu hakiyay gelitaanka Ukraine ee qaar ka mid ah sawirada dayax-gacmeedka, shirkadda tignoolajiyada hawada sare ee Maxar ayaa sidaas sheegtay Jimcihii.

Tallaabadan ayaa timid hal usbuuc ka dib is-weydaarsiga hadalada kulul ee aan caadiga ahayn ee Aqalka Cad, kaasoo Trump ku dhaleeceeyay Zelensky inuu "ixtiraam darro" u hayo Mareykanka.

Dhawaaqa maamulka Trump ee ku wajahan Putin ayaa dad badan oo Yurub ah ku beertay walaac ah in qaaraddu aysan ku tiirsanaan karin taageerada Mareykanka ee amnigeeda.

Khamiistii hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku kulmay Brussels si ay u ansixiyaan qorshayaasha lagu bixinayo kharash badan oo dhanka difaaca ah iyo cusbooneysiinta taageerada Midowga Yurub ee Ukraine.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu wadahadal kula yeesho wada-xaajoodyada Ukraine ee ku sugan Sacuudiga, si uu ugala hadlo suurtagalnimada xabbad-joojin uu la galo Ruushka.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday bishii Febraayo 2022, wuxuuna hadda gacanta ku hayaa 20% dhulka Ukraine.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip