
Ciidamada Puntland oo saaka weerar ku qaaday Daacish iyo xogta duqeyn ka dhacday Bari.
Waxaa saaka dagaal dib uga qarxay buuraha Cali miskaad ee gobolka Bari, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.
Dagaalka ayaa xoogeysa waxaa uu ka socdaa agagaarka Toga jaceel ee gobolka Bari.
Wararka ayaa shegaya in Ciidanka Puntaland ay saaka weerar afar jiho ah ku qaadeen goobaha ay kooxda Daacish kaga sugan yihiin dusha sare ee togga Jaceel, kadib markii shalay looga adkaaday fariisimadii ay ku sugnaayeen kooxdaasi.
Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo inuu khasaare soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Dagaalkii shalay ilaa xalay ka dhacay gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay 42 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale soo bandhigtay meydadka 10 kamid ah dagaalamayaal Daacish oo ajnebi ah oo lagu dilay dagaalka, halka ciidamada Puntland ay askar ay ugu geeriyoodeen dagaalka.
Dhanka kale uqeymo diyaaradeed ayaa xalay ka dhacay togga Jeceel oo ay ku dhuumanayaan dagaallamayaashii Daacish ee ka firxaday dagaalkii ugu adkaa ee shalay ka dhacay toggaasi, kaasi oo socday tan iyo fiidnimadii xalay, islamarkaana ciidamada dowladdu kula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay.
War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ajaanib ah, balse lama xusin cidda fulisay.
Ciidamada Ayaa kusii siqaya deegaano dhowr ay kaga sugan yihiin gobolka Bari, Ciidanka Geesiyaasha ah ee Puntland ayaa bilaabay Dagaal ay kaga sifaynayaan Cayayaanka buuralayda Cal-miskaad shacabka Dhagarta uga soomaleegi jiray.
Ciidamada Puntland oo saaka weerar ku qaaday Daacish iyo xogta duqeyn ka dhacday Bari.
Waxaa saaka dagaal dib uga qarxay buuraha Cali miskaad ee gobolka Bari, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish. Dagaalka ayaa xoogeysa waxaa uu ka socdaa agagaarka Toga jaceel ee gobolka Bari. Wararka ayaa shegaya in Ciidanka