Barlamaanka Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

0
Wednesday February 05, 2025 - 12:28:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

    Golaha guud ee baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan ee ah in muddo sanad ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay wargeysyada maxaliga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha guud ee baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan ee ah in muddo sanad ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay wargeysyada maxaliga ah, sida uu turjumay New Turkey Post, Golaha loo dhan yahay ayaa ka shiray qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka cadmeed, badda Soomaaliya iyo badda Carabta muddo sanad ah. Qoraalka madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in askarta Turkiga ay u adeegaan qaab dhismeedka Qaramada Midoobay iyo NATO. Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay doorka Turkiga ee sugida amniga maraakiibta xiriirka la leh Turkiga ee gobolka iyo la dagaalanka burcada hubaysan iyo argagixisada badaha. Kadib khudbadihii wakiilada xisbiyada siyaasada ee golaha loo dhanyahay ayaa cod loo qaaday soo jeedinta madaxweynaha ugu dambeeyna lagu ogolaaday in muddo sanad ah loo kordhiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip