Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Turkiga

0
Wednesday January 08, 2025 - 12:29:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Turkiga

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda. Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray. Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas'uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip