Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee saxeexayaashii 135-ka

0
Tuesday November 26, 2024 - 22:30:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee saxeexayaashii 135-ka

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta. Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta. Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir mudane Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka anisiyey sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. (2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada. Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin. Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo. Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip