Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga

0
Monday October 26, 2015 - 10:49:18 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda dalka Sacuudiga

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya sidii ay ugu kictimi lahaayeen dalka Sacuudiga, si ay kulamo ula yeeshaan boqorka dalkaasi isla markaana uga qeyb geli lahaayeen shir ka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya sidii ay ugu kictimi lahaayeen dalka Sacuudiga, si ay kulamo ula yeeshaan boqorka dalkaasi isla markaana uga qeyb geli lahaayeen shir ka dhacaya dalka Sacuudi Carabiya oo looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo dagaalka ka dhanka kooxaha Xuutiyiinta Yemen ka dagaalamaya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya Daahir Maxamuud Geelle ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta tegayo dalkaasi.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xariira casuumaad uu ka helay boqorka dalkaasi, waxaana sidoo kale shirka looga hadlayo mandiqadda dalalka khaliijka ka soo qeyb gelaya madaxda dowladaha carbeed ee Khaliijka.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya oo horay u taageertay go’aanka dalalka Khaliijka ay ka qaateen dagaalka Yemen iyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa xaaladda wadanka Yemen, ayaa la filayaa inay shirkaasi ka jeediso taageerada dagaalka looga horjeedo kooxaha dagaalka ka wada Yemen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip