Safiirka Soomaaliya u magacawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

0
Monday October 21, 2024 - 21:48:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Soomaaliya u magacawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

    Safiirka Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay dalka Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abukar oo maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirinimo boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Ne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay dalka Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abukar oo maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirinimo boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara ayaa sheegay bogga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal inuu u beddelayo iskaashi wax wadaag ah. Danjire Cali Maxamed Abukar, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia. "Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo," ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro. Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya iyo Malaysia ay yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xoojiyo arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada. Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwaadiniinta Soomaalida u tagaan arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taa oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip