labada aqal ee Baarlamanka oo ka dooday xisaab xirka sanad miisaaniyadeedka 2023

0
Monday October 21, 2024 - 21:42:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    labada aqal ee Baarlamanka oo ka dooday xisaab xirka sanad miisaaniyadeedka 2023

    Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha aqalka sare. Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023. Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip